Cabdullahi Case

Cabdullahi Case waxaan soo gudbiyaa Taariikho, Sheekooyin, iyo Dhacdooyin.

13/01/2025

Waa cajiib, hooyadaan soomaaliyeed ayaa nala wadaagtay DNA Geeda. Waxa ay soo gudbinaysaa xog badan oo ku saabsan dna marka ay baaritaan ku samaysay.

Cadaabtaa dhaantay, waa sheeko gaaban, oo ku saabsan qiso male awaal ah, oo aad u xanuun badan anaa kuu ballan qaaday in...
14/12/2024

Cadaabtaa dhaantay, waa sheeko gaaban, oo ku saabsan qiso male awaal ah, oo aad u xanuun badan anaa kuu ballan qaaday in ay dareenkaaga oo idil badali doonto, qisada ayaa dhacaysa sanadkii 1991dii, waxaad ka soo dagsan kartaa linkigan hoose:

Ku dhufo linkiga hoose ee raacsan qoraalkaan, Waad dalbanaysaa, marka aad dalbato, aniga ayuu isoo ogaysiinayaa kadib ayaan kuu aqbalayaa, waxaad galaysaa inbox kaaga waana la soo dagaysaa isaga oo pdf ah.

https://drive.google.com/file/d/1sgqH2PgfKNz5On51h-H90P6lm_b_3_nc/view?usp=drivesdk

Geerida Murugada leh ee Faatima Xuseen intii ay ku jirtay Safar Tahriib ahFaatima Xuseen, oo ahayd haweeney mulkiilaha s...
03/12/2024

Geerida Murugada leh ee Faatima Xuseen intii ay ku jirtay Safar Tahriib ah

Faatima Xuseen, oo ahayd haweeney mulkiilaha saloon qurxinta ku taal magaalada Muqdisho, ayaa nafteeda ku weysay safar tahriib ah oo ay ku dooneysay inay ku tagto jasiiradda Faransiiska ee Mayotte.

Faatima waxay ka tagtay Muqdisho 1-da November waxayna u safartay magaalada xeebta ku taal ee Mombasa, Kenya. Halkaas, ayay kula heshiisay koox tahriibayaal ah inay si qarsoodi ah ugu gudbaan Mayotte. Waxay safarkaas ku bixisay lacag ay ka heshay ganacsigeeda.

Ka hor inta aysan bixin, Faatima qorshahaas way ka qarisay qoyskeeda, iyadoo sirta la wadaagtay walaasheeda yar oo keliya. Markii ay ka baxeen Mombasa, iyada iyo rakaabka kale waxaa lagu qaaday dooni weyn, laakiin intii ay safarka ku jireen, tahriibayaashu waxay ku andacoodeen in doontu ay cilad farsamo leedahay, ayna ku qasban yihiin inay ku noqdaan Kenya. Si lama filaan ah, rakaabka oo dhan waxaa lagu wareejiyay laba doonood oo yar yar, iyagoo loo sheegay inay Mayotte ku tagi doonaan muddo saddex saacadood ah.

Safarka saddexda saacadood ahaa wuxuu isu beddelay 14 maalmood oo murugo leh. Dadkii doonta saarnaa waxay billaabeen inay cunaan kalluun nool oo badda laga soo qabtay, halka qaarna ay biyo milix leh cabbi jireen si ay u noolaadaan. Faatima way ka diiday taas, taasoo keentay inay nafaqo-darro la il-darraato, ka hor inta aysan ugu dambeyn dhimman. Dadkii ka badbaaday waxay sheegeen in markii ay dhimatay lagu tuuray badweynta.

Qoyska Faatima waxay geerideeda ka ogaadeen tahriibayaal kale oo Soomaali ah oo laga badbaadiyay xeebaha Madagascar. Geeridan naxdinta leh waxay muujinaysaa qatarta iyo khasaaraha ka dhasha tahriibka, gaar ahaan kuwa isku dayaya inay ka baxsadaan dhibaatooyinka dalkooda hooyo.

Waxaa la sheegaa in maalin maalmah kamid ah, libaaxa oo boqorka kaynta ah uu ku yiri dawaco dawacooy ii keen cunto, hadd...
02/11/2024

Waxaa la sheegaa in maalin maalmah kamid ah, libaaxa oo boqorka kaynta ah uu ku yiri dawaco dawacooy ii keen cunto, haddii kale adiga ayaan ku cunayaa!

Waxay tiri dawacadii isug inta aan kaaga keenayo dameer si aad cunto uga dhigatid. Dawacadiina way baxday si ay u raadiso dameer si uu u cuno libaaxu..!

Goortii ay heshay dameerkii ayay ku tiri: "boqorka kayntu waxa uu raadinayay cid isaga baddasha, marka u tag libaaxa oo u dhawoow oo isku day in aad kasbatid si uu jagadaas kuugu banneeyo". Wuu yaabay dameerkii..!! Waxa uuna bilaabay in uu ku himiloodo in uu heli doono jagadaas, goortii uu gaaray libaaxii isaga oo aan wali hadlin, ayuu dharbaaxo madaxa uga dhuftay markaas ayay dhagihiisii middood go'day, dameerkiina waa uu ka cararay goobtii...!!!

Libaaxii ayaa carooday oo ku yiri dawacadii ii keen dameerka mar labaad haddii kale adaan ku cunayaa..!!

Dawacadii ayaa u tagtay dameerkii, markaas ayay ku tiri: "sidee ayay u dhici kartaa in aad ka tagto fadhiga boqorka kaynta, sidee ayaana u lumin kartaa booskaas wayn ee boqornimada ah"!!! Waxa uu ugu warceliyay dameerkii shirqoolkaagu waa uu cad-yahay, sidee baad u leedahay boqor buu kaa dhigayaa libaaxu, isaga oo raba in uu i cuno, wuxuu igu dhuftay madaxa taas oo dhagahayga middood dhirbaaxadii xooganayd ay goysay, waxay ku tiri dawacadii: waxay ahayd in aad goyso labadaada dhagoodba! si uu taajka boqornimada uu madaxaaga habsami kuugu saaro, wuxuu yiri dameerkii: waa macquul warkaagu ee ina keen inoo gee libaaxii.!!

Markii dameerkii uu libaaxii u soo dhawaaday ayuu ku booday oo sayntii ka gooyay, durba dameerkii cagihii ayuu wax ka dayay, wuu cararay..!!!!

Libaaxii ayaa dawacadii la hadlay kuna yiri, ii keen dameeeerkaas!!! Dawacadii ayaa u tagtay dameerkii waxayna ku tiri: waad i daalisay!
Dameerkii ayaa yiri: wuxuu i gooyay sayntii iyo dhagahaygii middood, adna wali waxaad la soo taagan tahay waxaan uu ku siin doonaa jago boqor. !?
Markaasay dawacadii ku tiri: sidee ayaad ugu fariisanaysaa kursiga boqorka adoo sayn leh.! ?
Markaas ayuu yiri dameerkii! Waa macquul warkaagu ee inoo gee libaaxa, way is raaceen mar saddexaad iyaga oo u tagay libaaxii, markaas ayaa libaaxii soo booday oo surka kajaray dameerkii.!
Libaaxii ayaa dawacadii la hadlay oo ku yiri: haragga ka saar dameerka oo ii keen maskaxdiisa, sambabadiisa wadnihiisa iyo beerkiisa, dawacadii ayaa hawsheedii qabsatay waxayna cuntay maskaxdii, iyada oo u keentay beerkii, wadnihii iyo sambabkii libaaxa, markaas ayuu libaaxii hilbihii ka waayay maskaxdii, inta uu ku jeestay dawacadii ayuu ku yiri aaway maskaxdii.!? Markaasay ugu war celisay, haddii uu maskax leeyahay, ma uusan kuu soo laabteen isaga oo aad ka jartay sayntii, iyo dhagihii, waxa uu ugu warceliyay, waa runtaa dawooy.!

Inbadan waxaa inagu dhacda in aan la kulanno xaalado nalaku dhaawaco, burburiyo, dullaysto, balse kuma waano qaadanno, markaas ayaan aadnaa kuwii naga dharjiyay dulinimada iyo dullaysiga.!

Markastana waxay dilaan xubin kamida xubnaheenna, iyaga oo ugu danbayn nawada dila dhamideen, sidaas darteed yaynaan kula dhaqmin caadifadeena/dareenkeenna kuwaas, ee aan kula dhaqanno mandiqa iyo caqligeenna, haddii aan dareenkeenna kula dhaqanno inta la ina sasabto ayaa meeshii la ogaa la ina gayn doonaaye, si marka god laba jeer la inooga wada qaniinin aan iska ilaalinno inaga oo karaamadeenna ka ilaashanayna kuwaas.

✍️C.laahi C.kariin Ustaad Xudeyfi

kilyo dhaqista waxa qofka lagu xiraa tuubadaas oo  lagaliyo xididka qoorta,Tubadaa oo leh labo af mida gaduudan waxay ka...
26/10/2024

kilyo dhaqista waxa qofka lagu xiraa tuubadaas oo lagaliyo xididka qoorta,
Tubadaa oo leh labo af mida gaduudan waxay kasoo saartaa dhiiga wasaqaysan jirka qofka, halka mida buluuga ahna ay dhiiga kasoo qaado mashiinka lagu soo nadiifiyey dhiiga qofka xanuunsan.

camaliyadaas waxay qadataa 4 saacadood uusan qofka is dhaqaajinaynin, isbuuciina qofka waxaa la mayraa kilidiisa 3 mar ama ka badan, yacnii asbuucii waa 12 mar markasta waa 4 saacadood yacnii 48 sacadood aya bishii la mayraa(dhaqaa) .

Adiga oo aan xanuunsanayn kilidaadu ugu yaraan 60 mar ayay maalintii is mayrtaa adigoo suuxdin iyo xanuun toona maraynin meelna aan u jiifin .

🤲🏻🤍 الحمد لله علي نعمة الصحه

23/10/2024

Oktoobareey adaa lahaa.
21/10/2024

Oktoobareey adaa lahaa.

Waatee goronyada madaxa dhulka kula jirta?
21/10/2024

Waatee goronyada madaxa dhulka kula jirta?

Yaa baddali kara AHUN y-ax-ye sin*wa*ar, ninka labaad ee baddali kara waa walaalkii Maxamed As-Sin**waar waa walaalka Ya...
18/10/2024

Yaa baddali kara AHUN y-ax-ye sin*wa*ar, ninka labaad ee baddali kara waa walaalkii Maxamed As-Sin**waar waa walaalka Ya**xya As-Si*nwaar, waana mid ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu caansan uguna muddada dheer ee Katibaadka Izz al-Diin al-Qasa**am, garabka ciidan ee ururka X**amaas.

Maxamed As-S**inwaar wuxuu ku dhashay 15 Sebtember 1975, wuxuuna aad u yar yahay in uu ku soo muuqdo munaasabadaha guud ama uu la hadlo saxaafadda, sida walaalkiis oo kale.

Maxamed As-Sin**waar waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay mid ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan ee liiska dadka ay doonayaan Isr**ael. Ilo ku dhaw X*amaas ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku dayo badan oo Isr****ael ay isku dayday inay ku khaarijiso, oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah iyo weeraro waxyaalaha qarxa la dhigay dhinaca waddada. Wararka ayaa sheegaya in isku daygii ugu dambeeyay ee lagu dili lahaa uu dhacay ka hor inta aysan bilaaban da*gaalka qasa, sanadkii 2021.

"Ma ogtahay in Y-a-x-ye S-i-n-w-a-a-r uusan aheyn hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ururka X-m-a-a-s laga d-i-l-o? Booskaas...
18/10/2024

"Ma ogtahay in Y-a-x-ye S-i-n-w-a-a-r uusan aheyn hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ururka X-m-a-a-s laga d-i-l-o? Booskaas waxaa hayay dad kale oo 30-kii sano ee u dambeeyay si isdaba joog ah ay I-s-r-a-a-i-i-l u k-h-a-a-r-i-j-i-n-e-y-s-a-y hoggaamiyeyaasha X-m-a-a-s. Hogaamiyeyaashii sida ay u kala dambeeyeen waa sidan:

A-x-m-e-d Y-a-a-s-i-i-n, aasaasihii ururka iyo ku xigeenkiisii Dr. C-a-b-d-i-c-a-s-i-i-s R-a-n-t-i-s-i,

I-b-r-a-a-h-i-m M-a-q-a-a-d-m-a,

S-a-a-l-i-x C-a-a-r-u-u-r-i,

Y-a-x-y-a C-a-y-a-a-s-h,

Iyo kuwo kaloo badan oo ugu dambeyn ah I-s-m-a-a-c-i-i-l H-a-n-i-y-a oo ah madaxa garabka siyaasiga ah ee X-m-a-a-s oo la d-i-l-a-y bishii ina soo dhaaftay magaalada D-a-h-r-a-a-n ee I-r-a-a-n.

Hardanka ma joogsan doono ilaa inta ay dhulka F-a-l-a-s-t-i-i-n isku haystaan shacabka aan hubaysnayn iyo ciidamo ku hubaysan hubka ugu dambeeyay oo shacabkan faramaran ku xasuuqaya. D-a-g-a-a-l-k-a wuxuu soconayaa ilaa mid ka mid ah labadan dhinac la waayo.

Y-a-x-y-e S-i-n-w-a-a-r ayaa yiri sanadkii 2019: 'Anigu hadda waxaan jiraa 59 sano, waxaana jeclahay inaan ku dhinto gacanta cadawgaga inta aan u dhiman lahaa xanuunka K-a-r-o-o-n-a ama xanuunada kale. Waana hadiyadda ugu qiimaha badan ee cadawgaga isiin karo.’

Waxa uu baryay I-l-a-a-h-a-y inuu s-h-a-h-i-i-d-o, waana guul uu hantiyay. Ma dhiman, ee xagga E-e-b-e ayuu ka nool yahay. A-l-l-e ha u naxariisto.”

FG: magacyda waxaan is bedelka ugu sameeyay waa in uusan fahmin nidaamka facebook, waxbadan ayuu iga saaray isla qoraalkaan illaa aan baddalay.

Sideetan sano ayaa ka soo wareegatay tan iyo markii lammaanahan ay is guursadeen sanadkii 1944-kii, iyagoo gacmaha is he...
13/10/2024

Sideetan sano ayaa ka soo wareegatay tan iyo markii lammaanahan ay is guursadeen sanadkii 1944-kii, iyagoo gacmaha is heysta kaniisadda horteeda , qalbigoodana waxaa ka buuxay riyooyin ku saabsan mustaqbalka iyaga sugaya. Sawirka arooskooda, waxaan ku arkaynaa laba wajiyo oo dhallinyaranimo iyo yididiilo ka muuqato. Gabadha aroosadda waxay xiran tahay dhar fudud oo qurux badan oo tilmaamaya bilow cusub, halka aroosku ku labbisan yahay si heer sare ah, isagoo u diyaarsan sidii uu u qorilahaa sheeko jacayl oo weligeed jiri doonta.

Maanta, sideetan sano kaddib, weli waxay isku heystaan gacmaha sida ay waligoodba u heysteen. Waqtigu wuu socday, saameynna wuu ku yeeshay muuqaalkooda, laakiin jacaylka isku xiray labadooda marnaba isma beddelin. Jacaylkan wuxuu u adkeysatay isbeddelka sannadaha wuxuuna caddeeyey in xiriirka dhabta ah uusan saameyn ku yeelan karin waqtiga ee, taa beddelkeeda, uu sii xoogeysanayo.

Sanadka 2024-ka, sawirkan cusub, waxaan ku aragnaa lammaanahan oo dhoolla caddeynaya, wajiyadooduna waxay muujinayaan xikmad iyo waayo-aragnimo, iyagoo gacmahooda weli isku haya sida ay sameeyeen tobannaan sano ka hor. Kani ma aha oo kaliya sawirka nin iyo naag gaboobay, laakiin waa astaan muujineysa sheeko jacayl oo ay ka buuxdo wax bixinta, daacadnimada, iyo xasuuso aan la iloobi karin.

Xasuustaasi waxay ina xusuusinaysaa in jacaylka dhabta ahi uu weligiis jiri karo, xitaa haddii ay sannado badan soo wareegaan.

07/10/2024

Madaxwaynaha puntland oo xal u helay dhalinyarada tahriibaysa, isaga oo sheegay in dabaasha in labaraa ay kacaawin doonto inaysan kudhiman badda kkkk

Haweeney Faransiis ah oo la yiraahdo "Jane" oo da’deedu tahay 90 sano ayaa ku noolayd guri heersare ah oo ku yaal bartam...
06/10/2024

Haweeney Faransiis ah oo la yiraahdo "Jane" oo da’deedu tahay 90 sano ayaa ku noolayd guri heersare ah oo ku yaal bartamaha Paris, mana jirin cid masruufaysay islaanta. Qareen Faransiis ah ayaa arkay xaalkeeda oo wuxuu la galay heshiis khiyaano leh; wuxuu u ballan qaaday inuu siin doono 2500 Franc bishii inta ay nooshahay, iyaduna si marka ay dhimato uu isagu guriga u mulkiyo!

Haweeneydu way ogolaatay, qareenkiina 26 sano oo uu lacagta bixiyay, lacagtii uu bixiyay waxay gaartay laba jibaar qiimaha guriga. Qareenkii ayaa dhintay, iyaduna waxay u dabaal dagtay dhalashadeeda 116-aad!

Wax yar aan ku dul hakanno halkaan! Majaladan ayaa ciwaan looga dhigay, kadib 35 sano oo uu xaas lahaa, ayna u joogtay s...
05/10/2024

Wax yar aan ku dul hakanno halkaan! Majaladan ayaa ciwaan looga dhigay, kadib 35 sano oo uu xaas lahaa, ayna u joogtay sagaal caruur ah, ayuu ogaaday in uu madhalays ahaa.

Nebi Muuse "cs" biyaha kuma hafan isaga oo ahaa naas nuug habeen dhalad ah tamar daran oo jaqaaya naaska hooyadii, halka...
29/09/2024

Nebi Muuse "cs" biyaha kuma hafan isaga oo ahaa naas nuug habeen dhalad ah tamar daran oo jaqaaya naaska hooyadii, halka Fircoonna oo ahaa mid ay awooddiisa iyo baaxadda suldanaddiisu sarayso uu ku qaraqmay biyaha.

Qofkii Eebbe la jiraa tamar daradiisu waxba ma yeesho, halka Qofka Eebbe ka jiro aanay tamartiisu waxba u tarahayn

28/09/2024

Yuhuuddii habaarkii muslimiintu waxba katari waaye, maxaa xal ah?

Sanadkii 1913, gabadh 10 jir ah oo la oran jiray Sarah Rector ayaa waxaa laga siiyay dhul cabbirkiisu yahay 160 acres ma...
27/09/2024

Sanadkii 1913, gabadh 10 jir ah oo la oran jiray Sarah Rector ayaa waxaa laga siiyay dhul cabbirkiisu yahay 160 acres magaalada Oklahoma ee dalkaasi maraykanka iyadoo loo marayo barnaamijka qaybinta dhulalka ee wakhtigaas dadka oo dhan loo qaybinayay... Maadaama dhulkii ugu fiicnaa ee beeraha loo qoondeeyay dadka caddaanka ah, gabadhan waxaa qayb ahaan loo siiyay dhul loo arkay mid aan waxtar lahayn oo qallalan...

Laakiin, si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay tahay awoodda Ilaahay ayaa shidaal naafto ah laga helay dhulkii ay qaybta u heshay... Maadaama ay iyadu ahayd milkiilaha sharciga ah ee goobtaas, Sarah waxay noqotay mid ka mid ah dadka ugu horreeya ee Milyaneerada Mareykanka ah ee asal ahaan Afrikaanka ah.

Qisada Sawirka:Maxamed Cabaas waa 30 jir u dhashay Ciraaq, wuxuuna noqday qaxooti ku sugan Jarmalka muddo ku dhow 7 sano...
26/09/2024

Qisada Sawirka:

Maxamed Cabaas waa 30 jir u dhashay Ciraaq, wuxuuna noqday qaxooti ku sugan Jarmalka muddo ku dhow 7 sano. Wax yar ka dib markuu yimid magaalada Hamburg, Jarmalka, wuxuu la kulmay Jessica oo ah 73 jir Jarmal ah oo Yuhuudi ah. Jessica waxay ahayd haweeney waayeel ah oo maalqabeen ah, waxayna maalgelisay shirkadda Audi oo ay ku maalgelisay ilaa 350 milyan oo dollar.

Muddaba kadib, Maxamed wuxuu jacayl u qaaday Jessica wuxuuna go’aansaday inuu guursado. Mid ka mid ah wariyeyaashu wuxuu weydiiyay Maxamed: "Sideed ugu diyaar garoowday inaad guursato haweeney sidan u da’ weyn?" Maxamed wuxuu ku jawaabay: "Jacaylku xuduud ma leh, waxaan jeclahay qalbiga daahirka ah ee Jessica."

Lix sano oo ay wada noolaayeen kadib, Jessica ayaa geeriyootay dhammaadkii bishii lasoo dhaafay, waxaana Maxamed uu u sameeyay aas weyn Jessica. Toddobaadkii h**e, Maxamed wuxuu helay warqad uga timid golaha magaalada Hamburg, taas oo ahayd dardaaranka xaaskiisa Jessica. Markuu furay warqaddii, wuxuu arkay qoraal oranaya: "Salaan Maxamed, aad baan ugu faraxsanahay inaan ku garab joogo waqtiyadii ugu dambeeyay ee nolosheyda, waligeyna ma illoobi doono. Waxaan sidoo kale doonayay inaan ku ogeysiiyo inaan hantidaydii oo dhan ugu deeqay ururrada samafalka iyo dadka hooy-laawe yaasha ah."

Address

Gaalkacyo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdullahi Case posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category