Abdulahi Yare

Abdulahi Yare warbixino & warar sugan Baad halkaan ka heleysaan

31/08/2024

Wax ka ogow Saldhigyada loo bud-dhigay loona qalabeyeey xeeladda iyo istaraatiijiyadda fogaan aragga ah ku dhisan ee ciidamada PMPF ka difaacaan shacabka Puntland?.

31/07/2024

Doorka Ciidamada PMPF ee Difaaca Badda, Dhulka iyo shacabka Puntland 26-sano kadib aasaaskii dowladdooda 1998.


20/07/2024

War-murtiyeed Laga soo saarey dhamaystirka qodobadii lagaga hishiiyay colaadii beelaha leelkase & sacad Ku dhexmartay Galbeedka Gobolka Mudug.

Shirkaan waxaa joogay madax ka socotay labada maamul odayaasha dhaqanka labada beeleed waxaana qodobada akhrinaya wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland mudane Fu'ad A. Adeer

20/07/2024

"Bilaash isku Guursadda , oo gabadhan Cadheysan ..." Faadumo Ibraahin

18/07/2024

Dugsiga Tababarada Ciidamada PMPF ayaa tababar usoo xiray ciidamo ka tirsan ururada sida gaar ka ah u tababaran iyo kuwa suga Amniga Taliska Guud ee PMPF

Ciidamada oo ka kala socdey laba Urur ayaa lagu tababaray tabaha xeeladaha dagaal ee hawlgallada Badda iyo Sugidda Amniga goobaha mihiim ka ah.

15/07/2024

: Warar isburinaya oo hordhac ah ayaa ilaa hadda kasoo baxaya lahaanshiyaha hub fara badan oo saarnaa 2 baabuur xaamul ah, lana wareegeen dadka deegaanka Caabudwaaq, isagoo yimi dhinaca Itoobiya, xog ayaa sheegaysa in hubkan uu ahaa mid ay soo gadatay dawladda Faderaalka, loona waday ciidamo kusugan Galmudug & Hiiraan, iyadoo ay gacmo kale u dhaxeeyeen.

Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo isku dayay in ay hubkan dhaafiyaan dadka deegaanka ayaysan u suuragalin, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 2 ruux iyo dhaawac kale, Hubkan oo iskugu jira noocyo kale duwan ayaa ugu dambeyn galay gacanta dadka deegaanka.

Hubkan, ilaa hadda gacanta dadweynaha galay ayaa ka kooban boobayaasha culus, kuwa fudud iyo saanad aan sahal aheyn, oo loogu talogalay ciidan xoogan.

Farah Abdulkadir Mohamed

15/07/2024

Maxaad kala socotaa puntland iney leedahay saddax Garoon oo casri ah, labo kamid ah waxay ku yaalan galkacyoβ€¦πŸŸοΈ

©️ Rahim Alpa

DEG DEG: Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo deegaanka Shilamadow oo kudhaw magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgud...
15/07/2024

DEG DEG: Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo deegaanka Shilamadow oo kudhaw magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galguduud, iska horimaad ayaa dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamo NISA ah, oo doonayay in ay galbiyaan 2 baabuur oo kuwa xaamulka ah kana yimi dhinaca Itoobiya, oo ay dadka deegaanka sheegeen in ay hub sidaan, saacadaha xanibnaa.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in dhimasho iyo dhaawacba ka dhashay iska horimaadkan, dadka deegaankana ay kuguuleysteen in baabuur kamid ah kuwa xamuulka ay hubkii saarnaa la dagaan, halka kii kalena ay ciidamada Nabadsugida difaacayaan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in hubkan laga soo gatay dhinaca Itoobiya, loona waday dhinaca Koonfurta Mudug, oo ay beelo kale kudagaalamayaan.

Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal oo 24 jir ah, kuna eedeysan anshax-darro, Ciidanka B...
06/07/2024

Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal oo 24 jir ah, kuna eedeysan anshax-darro, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa u taagan ka hortagga fal-kasta oo wax u dhibaya diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

04/07/2024

Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) ayaa ka warbixiyay khamrigii ay Xalay ku guuleysteen Qabashadooda Ciidanka Booliska Gobolka Mudug.

04/07/2024

RW Itoobiya Abiy Axmed oo kahor hadlayay baarlamaanka dalkiisa, ayaa soo qaaday qodobka la xariira arrinta Badda iyo damaca Itoobiyaanka, wuxuuna sheegay in ay waqti dheer Itoobiya galisay sidii ay marin biyood ku heli lahayd, wuxuu kuceliyey in ay qasab tahay in dalkiisa uu helo Badda Cas, qeyb kamid ah.

Somaliland ayuu sheegay in ay noqotay cida u h**eysa ee kasoo jawaabtay dalabkooda, oo ay sidaas ula galeen Is Afgaradkii u dambeeyey, isagoo sheegay in ay Soomaaliya aad dhaqaale ugu bixisay sidii loo burburin lahaa MOU-ga, taas oo sheegay in laga maarmi karay oo ay ahayd in madaxda Soomaalida ay lahadlaan Madaxda Itoobiya, halkii ay cid gacan sadexaad ah mari lahaayeen.

Abiy ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida Badda, isagoo tilmaamay in ay jid kasta u marayaan, h**ey ayuu tilmaamay in ay abaal badan ugu leeyihiin dawladda Soomaaliya, gaar ahaana wuxuu sheegay in ay dhiiga u hureen mudo badan.

Hadaljeedinta RW Itoobiya, kuma soo qaadin waqtiga hirgalinta MOU-gii uu lasaxiixday Muuse Biixi iyo wada hadalkii u danbeeyey ee Turkiga ka dhacayba.

06/06/2024

Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar Kabtan oo tababar heerkiisu Sareeyo usoo xiray Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan cutubyada kala duwan ee PMPF.

Ciidamada ayaa lagu layliyey tabaha iyo xeeladaha fulinta hawlgallada ka dhaca Badaha, si gaar ah Badweynta iyo ilaalinta qawaaniinta Caalamiga ah ee Arrimaha Bini’aadantinimada (International Human Right).

05/06/2024

Qaabkii Kooxda Homboboro Footbal Club ay u qaaday koobkii kooxaha heerka 1aad ee .

05/06/2024

Taliyaha Ciidanka Booliiska DPL Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa ka hadlay dhacdo maanta ka dhacday Saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso iyo arimo kale.

Mahadsanidiin.

~ DHAMMAAD ~

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND

10/04/2024

Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) ayaa salaada ciida kadib la hadley bulshada magaalada Garacad ee Gobalka mudug oo uu maanta taliye koomaad la Tukadey salaada ciida.

09/04/2024

π“πšπ₯𝐒𝐲𝐚𝐑𝐚 π‡πšπ°π₯𝐠𝐞π₯𝐒𝐧𝐭𝐚 π‚π’π’ππšπ¦πšππš ππŒππ… π‰πšπ§πšπ«πšπšπ₯ π‚πšπ›ππ’π«πšπ±π¦πšπšπ§ 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π‰πšπšπ¦πšπœ "Digniin k**a dambeys ah ban u direynaa dadka ku foogan falalka Burcad Badeednimada....."

Agaasimaha Ciidanka PMPF  Gen Abdulrab Nour  "Munaasibadda Ciidul Fidriga Awgeed waxaan hambalyo la wadaagayaa ummadda S...
09/04/2024

Agaasimaha Ciidanka PMPF Gen Abdulrab Nour "Munaasibadda Ciidul Fidriga Awgeed waxaan hambalyo la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland iyo ciidamada qalabka sida ee difaacaya shacabkooda, ku ciida farxad, amni, nabadgelyo iyo baraare.

Rabbi acmaashii Barakaysnayd ee Ramadaan khayrkeeda ha inna waafajiyo.

β€ŽΨͺΩ‚Ψ¨Ω„ Ψ§Ω„Ω„Ω‡ Ω…Ω†Ψ§ ΩˆΩ…Ω†ΩƒΩ… Ψ΅Ψ§Ω„Ψ­ Ψ§Ω„Ψ£ΨΉΩ…Ψ§Ω„"

Taliyaha Ciidanka Birmadka Ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed G/le Sare Suleiman Dulmidiid Ayaa Qayb ka ahaa kormeee Tal...
08/04/2024

Taliyaha Ciidanka Birmadka Ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed G/le Sare Suleiman Dulmidiid Ayaa Qayb ka ahaa kormeee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Ahmed Firin Uu ku sameeyay Xarumaha Ciidanka nabad Galyada Wadooyinka & Qaybo kamida Xarumaha Ganacsi Ee Caasimada soomaaliyeed Ee Muqdisho.

Taliyaha oo ay socdaalka ku wehlinaayay Taliyaha Howlaha Guud Ee ciidnaka Boliska Gen Garar Taliyaha Ciidanka Birmadka Boliska G/le sare Suleiman Dulmidiid Taliyaha Ciidanka Taraafikada Taliye Muuse Taliyaha Ciidanka Boliska Gaarka ah ee Haramcad G/le Abdihamiid Abdullahi fanax Taliyaha Qeybta Waliyow Cade G/le Macalin Aadan
Iyo Saraakiil kale .

Ujeedka Socdaalka Madaxda ugu sareysa ciidanka booliska soomaaliyeed ayaa ahaa sidoo loo dhiiri Galin lahaa ciidanka Ilaalada wadooyinka Ee Shaqada Adag haya xiligaan saxmada xoogam jirto & Ganacsata Soomaaliyeed ee wax kusoo dhordhinaya bilicda Caasimada Muqdisho.

06/04/2024

Daawo Sawirada Af-Urur:Taliyaha Guud Ciidanka Difaaca Puntland S/Guuto Gen. Aadan Cabdi Xaashi ayaa kormeer ku tagay fadhisamaha Ciidamdda Daraawiishta Gobalka Bari .

Safarka taliyaha ayaa noqonya Kormeero is-daba jooga ayado laga duulayo dardargalinta dib uu habeynta Ciidanka

Taliyaha oo uu wehelinayoTaliye ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ( ilig ) iyo Taliyaha Aaga Silsiladda Golis ee G.Bari G/Sare Barkhad Cabdullahi Yusuf & Madaxa Tira-koobka G/dhex Mohamud Siciid Cali iyo saraakiil sar-sare

waxan halkas ku dhaweeyen saraakiisha Ciidanka iyo dhamaan qayba kala duwan ee Taliyaash Fadhiisamah .

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland General Aadan Cabdi Xaashi ayaa halkas warbixinada Ciidanka uga dhagaystay Saraakiisha

sido kalana uu dhuur-galay xaladda ciidanka isagona ugu dambayntii kula dardarmay inay halkas kasii wadan shaqada Qaran ee adag ay hayaan uu hayaan shacabkooda .

05/04/2024

Ciidanka Booliska ee Ladagaalanka Burcad Badeeda oo uu hogaaminayo Taliyaha Qaybta Police ka Gobolka Nugaal G/sare Mohamed Ali Ahmed ayaa Gacanta ku dhigay Saxiimad /laash ay leeyihiin Kooxda Burcad ka ah ee haysta Markabka MV Abdullaahi ee laga leeyahay Bangaladesh.

05/04/2024

Maxay isku hayaan DFS iyo Puntland - sababta loo siyaasadeeyay deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya.

Wasiir Abdiqafar Hange ayaa noo faah-faahinaya.

05/04/2024

Ciidanka booliska Ee Magaalada ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo saaka Diley Qof radid ah.

Taliyaha guud ee ciidanka Police SSC-Khaatumo Sarreeyo Guuto Siyaad Maxamuud C/Raxmaan ayaa ka warbixiyay dilka dhacay & faah faahintiisa

04/04/2024

Qoysasas Ay Waxyeeleeyeen Daadadkii kashashay roobab dabaylo wata oo maanta da'ay

Sida saadaashu sheegayso roobab dabaylo wata ayaa kusoo wajahan soomaaliya maalmaha soo socda, dalalka dariska ah sida K...
04/04/2024

Sida saadaashu sheegayso roobab dabaylo wata ayaa kusoo wajahan soomaaliya maalmaha soo socda, dalalka dariska ah sida Kenya Jabuuti iyo Itoobiya roobab daadad wata ayaa ka da'ay halka laga sii digay dhammaan gobolada ku yaal dhulka godan iyo buuraha soomaalida in ay kasii fogaadaan.

Gaalkacyo oo sanadkii h**e roobkii dayrta ay saamayn xooggan ku reebtay ayeysan ka muuqan diyaargarow shacab waxaana wali jiddadka iyo xaafadaha ka muuqada burburkii iyo saameyntii daadadka.

Waxay u badantahay marka dad badan ay qaxaan, iskoolaadku xirmaan, jidadkii intii hartay ay burburaan in markaas qaylo dhaan la diri doono si dhulka loo jeexo qof walba uu injineer u noqdo!!

Ciidamanka   iyo adkaynta Amniga magaalada Boosaso Bisha Barakaysan ee Ramadaan, si dadkeenu ugu cibaadaystaan xasilooni...
04/04/2024

Ciidamanka iyo adkaynta Amniga magaalada Boosaso Bisha Barakaysan ee Ramadaan, si dadkeenu ugu cibaadaystaan xasilooni, ku ganacsadaan nabad, kuna ledaan werwer la’aan.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulahi Yare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdulahi Yare:

Share