Garasho-wadaag

Garasho-wadaag Waa barnaamij dood-wadaag ah oo aan ku soo bandhigi doonnaa doodo diiradda saaraya bulshada, arrimah Sadexdii usbuucba hal mar yauu ba waxuu bixidoonaa.

Garasho-wadaag waa barnaamij ka baxa idaacadaha maxalliga ah ee Galmudug. Barnaamijkaas waxaan ku soo bandhigi doonnaa doodo diiradda saaraya bulshada, arrimaha is-bedelka cimilada, khilaafaadka, dib u heshiisiinta iyo nabadda .. taas waxaan u mari doonnaa heeso wacyigelin ah, gabay, sheekooyin, ruwaayada iyo wareysiyo -- barnaamijku waxuu dhiirri gelinayaa in arrimahaas aan kor ku soo xusnay laga

gaaro fahan wanaagsan. Jadwalka faceboogaan ayaa lagu soo shaacin doonaa. Garasho-wadaag waxaa soo jeedin doono Maxamed Dhagacadde oo ah blogger reer Galmudug ah asagoo la kaashanaaya hayàdda Berghof Foundation oo ay taageereyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.

Indhuhu ha nastaan... Dheguhu ha qabtaan shaqada... Dhageyso Codkii ugu dambeeyay ee Garasho-wadaag... Ka bogo Qodobada ...
23/05/2024

Indhuhu ha nastaan... Dheguhu ha qabtaan shaqada... Dhageyso Codkii ugu dambeeyay ee Garasho-wadaag... Ka bogo Qodobada ku jira iyo kuwa kale... Aynu xoojino jawaabtayada saamaynta isbeddelka cimilada... Dhammaanteen aan nabad ku wada noolaanno.
https://www.spreaker.com/episode/38-ka-jawaabidda-is-bedelka-cimilada---60154434

Martiida Barnaamijku waa Abdifitah Abdullahi Hussein iyo Yurub Muxyadin Ali
Burhaan Cabdulaahi

23/05/2024

Garasho-wadaag waaTaxanaha 38-aad waxaan uga hadlaynaa Arimaha Xaalufinta laguna hayo Deegaanka iyo Doorka Bulshada

09/05/2024

Garasho-wadaag waa Taxanaha 37-aad waxan uga hadlaynaa Roobabka Gu'ga iyo Fatahaada laga cabsi qabo in Roobabku sababaan.

29/04/2024
29/03/2024

Waxaan idiin soo gudbinaynaa qeyb ka mid ah taxanaha 35–aad ee Barnaamijka Garasho-wadaag oo muuqal ah. -Waxaa barnaamijka marti noogu ah Wasiir kuxigeenkii h**e ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Sheikh Saciid Maxamuud Jimcaale iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug marwo Zamzam Colaad.

27/03/2024

Taxanaha 35–aad ee Garasho-wadaag waxaa marti noogu ah Sheikh Saciid Maxamuud Jimcaale Wasiir kuxigeenkii h**e ee Waxbarashada Soomaaliya iyo Zamzam Colaad oo ah Gudoomiyaha Ururka haweenka degmada gaalkacyo Galmudug.

Faaidada Soonka, Isbadalka Cimilada iyo Wacyigalin ku aadan Nabadda ayaad ku maqli doontaan.

Fadlan Wixii Su,aal iyo aragti ah qeybta hoose noogu reeb.

06/03/2024

Taxanaha 34–aad ee Garasho-wadaag waxaan todobaadkan uga hadli doonnaa Sidii Nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa Deegaanada Colaaduhu ka Oogan yihiin iyo doorka Ururada ka shaqeeya Nabadda iyo Maamuladu ka qaadan karaan Nabadda.

Waxaa barnaamijka marti noogu ah Mohamed Sheikh Said oo ah Gudoomiyaha Madasha Nabadda iyo Isdhexgalka iyo Xildhibaan Maryamo Sheikh Xasan oo ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Waxaa qeyb ka ah barnaamijka Sheekadii Geedi iyo Gobaad iyo Aragtida dhagaystayaasha.

Hadaba Sidee Nabad Waarta looga dhalin karaa deegaanada Colaaduhu ka taagan yihiin ? Aragtidaada waa noo muhiim Daawade iyo Dhagayste.

Radio Deegaan ayaad barnaamijka ka dhagaysan kartaan beri oo Khamiis ah hadduu alle idmo.

22/02/2024

Garasho-wadaag waa taxanaha 33-aad waxaa Marti ku aha gudoomiyaha dhalinyarada Degmada Gaalkacyo Asad Khaiif iyo Nasteexo Cali Xasan oo ka mid ah Ganacsatada Gaalkacyo.

22/02/2024

Galabtay oo Khamiis ah waxaad maqli doontaan taxanaha 33-aad ee Barnaamijka Garasho-wadaag.

Waxaa marti noogu ah Gudoomiyaha dhalinyarada degmada gaalkacyo Asad Khaliif Jaamac iyo Nasteexo Cali Xasan oo ka mid ah ganacsatada Magaalada Gaalkacyo.

Radio Deegaan 91.5 MHz ayaad naga dhagaysan kartaan wixii aragti iyo talo ah fadlan nala soo wadaag.

24/01/2024

Beri oo Khamiis ah Waxaan idiin soo gudbin doonnaa taxanaha 32-aad ee Garashowadaag Waxaa marti noogu Ah Deeq Aadan Cali iyo Abshiro Cali Geedi.

Wixii talo iyo Aragti hoos noogu reeb.

18/12/2023

Wareysi : Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Galmudug ayaan ka waraysayay dhibaatooyinka ka dhashay Duufaantii Elnino,kaalinta Wasaaradda iyo tilabooyinka ay qaadeen ilaa iyo hadda gurmadka loogu fidinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay.

18/12/2023

Kuwa codka ka door bida aragga 🎧
https://www.spreaker.com/user/15784673/garashowadaag31
Doorkan waxaan diirada ku saaraynaa Taxanaha Garasho-wadaag ee 31-aad Kaalinta Warbaahinta iyo Wasaaradda Gargaarku ka qaateen Masiibooyinkii is xigxigay.
Burhaan Cabdulaahi

Waa barnaamij dood-wadaag ah oo aan ku soo bandhigi doonnaa doodo diiradda saaraya bulshada, arrimah

17/12/2023

Door intee le,eg Warbaahintu ka qaadataa wacyigelinta iyo soo gudbinta wararka la xiriira arimaha musiibooyinka dabiiciga ah ee hadda jira.?

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobalka Mudug Baashi Cali Xaashi ayaa ka jawaabaya

13/12/2023

Ogeysiis Taxanaha Garasho-wadaag Taxanaha 31-aad waxaan uga hadli doonaa Dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadihii ka dhashay Roobabkii xoogganaa ee bilihii la soo dhaafay ka da,ay deegaano badan oo Soomaaliya ka tirsan gaar ahaan Galmudug.

Waxaa barnaaminka Beri oo Khamiis ah marti noogu ah Agaasimaha Guud ee Wasaardda Gar-gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Galmudug Maxamed Cabdulaahi Cali iyo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobalka Baashi Cali Xaashi.

Kaalinta Wasaaradda ee dhibaatooyinka ka dhashay doofaanta Elnino iyo Doorka Warbaahintu ee tabinta iyo ka warbixinta xaaladda ay ku sugan yihiin bulshada uu saameynta balaraan u gaystay Daadadks iyo iyo Roobabku.

Waaxaa qeyb ka ah taxanihii 31-,aad ee Sheekadii Geedi iyo Gobaad.

Barta Facebook ee Garasho-wadaag ayaad si toos ah nooga daawan doontaan 4:00 galabnimo ee Beri oo khamiis ah.

Fadlan wixii su,aal iyo Aragti ah halkan noogu reeb.

20/11/2023

Sabtidii waxaan shir kooban la yeelanay qaar ka mid ah Madaxda Ururada Bulshada iyo Xubno kale oo isugu jiray Odayaal iyo Dhalinyaro, Shirka wuxuu ku saabsanaa Saameynta Barnaamijka Garasho-wadaag iyo inaan helno talada iyo Aragtida ka soo qeybgalayaasha.

Adigu Daawade maxaad ku talin lahayd ?

15/11/2023

Magaalada Gaalkacyo waxaa dhawaan lagu soo gabogabeeyay Madasha Wadatashiga Bulshada Ee Xiriirka ka dhexeeya Deegaanka ,Cimilada Iyo Colaadaha oo socday mudo lix maalmood ah.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Berghof Foundation waxaa soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Cabdi Guure.

Sidookale ka qeyb galayaasha Aqoon-isweydaarsiga ayaa bogaadiyay Barnaamijka Garasho-wadaag oo si qotodheer looga waramay.

07/11/2023

Tartanka Nabadda: Door intee le,eg ayey ciyaaruhu ka qaataan Xoojinta Nabadda iyo Isdhexgalka Bulshada ?.

Waxaan ka waraysanay Axmed Maxamed Cabdi iuo Sharmarke Tahaliil Aadan oo ka mid ah dhalinyarada Isboortiga Cadaado.

05/11/2023

Dhageyso Sheekada Geedi iyo Gobaad qeybtii 30,aad , waxaa jilaya Burhaan Cabdulaahi iyo Xaliimo Jaamac.

01/11/2023

Garasho-wadaag Taxanaha 30: Beri oo Khamiis ah Taariikhdu tahay 2 November -2023 waxaan idiin soo gudbin doonnaa Barnaamijka Garasha-wadaag oo aan uga hadli doono Faaidada Tacbashada Beeruhu u leeyihiin Dalka iyo Kaalinta Ciyaaruhu la qaataan isdhexgalka Bulshada waxaa marti noo aha Axmed Maxamed Cabdi iyo
Sharmarke tahaliil Aadan oo ka mid ah ciyaartoyda Magaalada Cadaado.

Sidookale Sheekadii Geedi iyo Gobaad Taxanihii 30,aad ayaad ku maqli doontaan.Hayaan Tv and Radio iyo barta Facebook ee Garasho-wadaag ayaad si toos ah nagala socon doontaan.

4:00 galabnimo ee Beri ha mogaanina Garasho-wadaag..

Fadlan wixii su,aal iyo Aragti ah halkan noogu reeb.

25/10/2023

Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay ka furmay Kulamada Wacyigalinta Nabadda iyo Wada-tashiga Bulshada Gaalkacyo oo ay soo agaasimeen Shabakada Nabada ee IPN Galmudug oo kaashanaysa Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug.

Kulamadaan ayaa looga hadlay sida loo xoojin karo Nabadda iyo wada noolaashaha Bulshada Gobalka Mudug.

Kulamo kuwaas la mid ah ayaa todobaadkan lagu qabtay Magaalooyonka kale ee Cadaado iyo Cabudwaaq.

Address

Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garasho-wadaag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category


Other Radio Stations in Gaalkacyo

Show All

You may also like