Halmaal Media

Halmaal Media Halmaal Media is a Somalia based digital media company. Discovering Somali Culture, Business, Educat

03/01/2024

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 344aad || Huud 06 - 10 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

03/01/2024

Nabadoon Cabdicasiis Yusuf Aw Xaarin ayaa soo dhaweeyay Xildhibanada Cusub ee Baarlamaanka Puntland Fariina Udirey.

01/01/2024

DEG.DEG: isimada Puntland oo kahoryimid Xildhimaanadii maanta lagu dhaariyey Magalada GAROWE

01/01/2024

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 343aad || Huud 01 - 05 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

01/01/2024

Qaar kamida culumada iyo odayasha xaafada hormar ayaa maantay hoygiisa ku booqday macalin cabdikariin ciise barafuun Oo ah macalimiintii h**e ee Dugsiga quraanka ayna ka aflaxeen arday badan kaasoo ubaahan gurmad caafimaad oo dibada ah kadib markii ay dhaqaatiirtu sheegeen in aan dalka waxba looga qaban karin.

Wallaal ka qeyb qaado caawinta Macalin Cabdikariin Barafuun kala xariir Tell: Golis 0907751295

30/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 342aad || Yuunis 104 - 109 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

30/12/2023

SSC-Khaatumo Waa Maamul Goboleed Ka Tirsan Maamul Goboleedyada Dalka anaguna….”

Hadal Jeedinta Eng Mahamoud Khalif Jabiye

ManCity ayaa la ciyaari doonta Sheffield United. Ciyaartan oo goor dhow bilaaban doonta ayaa Mancity hadii ay guulaysato...
30/12/2023

ManCity ayaa la ciyaari doonta Sheffield United. Ciyaartan oo goor dhow bilaaban doonta ayaa Mancity hadii ay guulaysato waxay yeelan doontaa 40 dhibcood iyadoo ay Arsenal hada leedahay 40 dhibcood.

Liverpool ayaa hogaanka ku haysa 42 dhibcood.

28/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 341aad || Yuunis 98 - 103 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

28/12/2023

Maxay Diintu Ka Qabtaa Dilka Qofka Muslimka ah Ee Xaqdarada Ah || Sheikh Aadan Maxamed Cigaal

Xildhibaan Cabdirisaaq Jaamac Aadan oo ay beesha Maxamed Ciise usoo xushay in uu ku matalo Gollaha Wakiilada Dowladda Pu...
27/12/2023

Xildhibaan Cabdirisaaq Jaamac Aadan oo ay beesha Maxamed Ciise usoo xushay in uu ku matalo Gollaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa qado sharaf mahad celin ah u sameeyay nabadoonada, cuqaasha, culimada, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Maxamed ciise.

Qadada oo ka qabsoontay beerta Baraka ee deegaanka 22aad ayaa waxaa uu xildhibaanku uga mahadceliyay kalsoonida ay beeshu siisay waxa uu balan qaaday in uusan lumin doonin kalsoonida isla markaana uu si hufan ugu adeegayo bulshada Puntlnand guud ahaan iyo gaar ahaan bulshada deegaanka lagasoo doortay.

Dhamaan mas’uuliyiintii kasoo qaybgalay qadada ayaa u hambalyeeyay xildhibaanka cusub isla markaana ugu duceeyay in Eebbe ku asturo masuuliyada.

Musharax Cali Gaashaan oo u taagam xilka madaxweynaha dowladda Puntland iyo xildhibaanadii h**e ayaa xildhibaanka kula dardaarmay inuu dalka iyo dalkiisa ugu adeega sida ugu wanaagsan uguna hufan.

Marwo Ijaabo xoosh oo kamid ah musharixiinta u tartamay kursiga xildhibaanka ayaa u hambalyeeyay xildhibaanka beesha soo xushay isla markaana kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo danaha bulshada Puntland iyo tan gaar ka ah bulshada uu matalo.

Masuuliyiinta madasha ka hadlay ayaa ka sheekayay taariikh nololeedka xildhibaanka cusub ayaa sheegay in Xildhibaan Abdirisaaq yahay aqoonyahay mudo dheer kasoo shaqaynayay horumarinta bulshada waxaana uu soo noqday agaasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga Puntland waxa uu sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay hay’adaha dowlada Puntland iyo kuwa aan dowliga ahayn.

Naboon Abdkulqadir Bowlad oo munaasabada soo xiray ayaa ugu duceeyay xildhibaanka beeshana uga mahadceliyay kasoo qaybgalka munaasabadda.

26/12/2023

Caawi allaha ku caawiyee

Hooyo Sundus Mursal oo Danyar ah Ayaa Ummadda Muslimiinta ka codsatey in lasoo caawiyo iyado ay ka xanuunsan tahay Gabadheeda SUDRA oo qabta xanuun Neerfa ah Kagana dhacay Xangulaha mudo 2sano iyo 4bilood ayadoo lagu dayacay dhaqaatiirtuna ay ku taliyeen in dalka Gudihiisa waxlooga qaban karin dalka dibadiisa wax looga qaban karo

Fadlan kala xiriir Tell:09050222705

26/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 340aad || Yuunis 92 - 97 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

25/12/2023

" Dil waxaad ka heshid ayaad leedahay "
Kulankii odayaasha Mudug iyo Siyaad Barre 1978. Dr. Bashiir Cali Biixi.

Qaybta 1-aad taxane muhiim ah. waa marag iyo meel lasoo maray.

24/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 339aad || Yuunis 87 - 91 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

22/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 338aad || Yuunis 79 - 86 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

20/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 337aad || Yuunis 72 - 78 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

20/12/2023

Musharax Xildhibaan Puntland Aadan Jaamac Aadan(Maneeno ayaa maantay lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe.

Innaa lilaahi wa innaa ileyhi Raajucuun.Wasiirkii Haweenka Soomaaliya Marwo Khadiijo Diiriye ayaa la xaqiijiyey in ay go...
20/12/2023

Innaa lilaahi wa innaa ileyhi Raajucuun.

Wasiirkii Haweenka Soomaaliya Marwo Khadiijo Diiriye ayaa la xaqiijiyey in ay goor dhoow ku geeriyootay Dalka Jabuuti.

Wasiirada ayaa maalmahaan xanuunsanaysay dalka Jabuuti oo ay joogtay

18/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 336aad || Yuunis 68 - 71 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

Waxaa asubuucaan magaalada galkacyo laga dareemayay olalaha Musharax Xildhibaan Calisaciid Axmed Fagaase oo ah aqoonyaha...
16/12/2023

Waxaa asubuucaan magaalada galkacyo laga dareemayay olalaha Musharax Xildhibaan Calisaciid Axmed Fagaase oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay Puntland hadana madax ka ah Machadka daraasaadka ee ‘’Nabadoon’’

Musharax xildhibaan Calisaciid Ahmed oo musharaxnimadiisu ku dhisanatahay waayo aragnimo iyo xilkasnimo qota dheer ayaa la filayaa inuu ku soo baxo kursiga uu hada u taaganyahay kursigaa oo dageen doorashadiisu tahay gobalka Mudug Beesha Cumar Maxamuud

Calisaciid ahmed oo kulama la qaatay cuqaasha beeshiisa iyo waxagarad kale ayay isla qaateen in uu yahay qofka ugu mudan bulshaduna ay u baahantahy qof si dhab ah u matala bulshadana la qaybsada dareenkooda

Maalmaaha soo socda ayaa la filayaa in magaalda Galkacyo uu ka dhaco kulan balaaran oo ay ka soo qayb galayaan Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo saxaafada kaas oo Mushaxarax Calisaciid Axmed uu kaga hadli doono waxyaabaha uu rabo inuu deegaanka ka qabto

Ku dooro Karti Iyo Hufnaan

16/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 335aad || Yuunis 62 - 67 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

13/12/2023

Himilo Hotel oo ah hotel casriya ayaa laga hirgaliyay Magalada Galkacyo gaar ahaan xerada kabida, kasoo horjeedka Kaalinta Shidaalka ee HASS.

Kala xariir maamulka hotelka Tell:0905029370

Cabdixakiin Cismaan Xuseen (Sholoqo) ayaa shaacisay inuu usharaxan yahay Musharax Xildhibaan Golaha Wakiilada Puntland 2...
12/12/2023

Cabdixakiin Cismaan Xuseen (Sholoqo) ayaa shaacisay inuu usharaxan yahay Musharax Xildhibaan Golaha Wakiilada Puntland 2024/2029

Ku dooro.
Sinaan
Cadaalad
Iyo Hiigsi

Drs Shariifo Ahmed Gayre ayaa shaacisay inay tahay Musharax Xildhibaan Golaha Wakiilada Puntland.Ku dooro.SinaanCadaalad...
12/12/2023

Drs Shariifo Ahmed Gayre ayaa shaacisay inay tahay Musharax Xildhibaan Golaha Wakiilada Puntland.

Ku dooro.
Sinaan
Cadaalad
&Matalaad

12/12/2023

Waa kuma xildhibaanka Puntland ee ka soo dhalaalay meteladdii loo igmaday?

12/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 334aad || Yuunis 57 - 61 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

10/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 333aad || Yuunis 50 - 56 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

Musharax xildhibaan  Calisaciid ahmed fagaase ayaa caawa kulamo muhiim ah oo is daba joog ah la qaatay qaybaha kala duwa...
09/12/2023

Musharax xildhibaan Calisaciid ahmed fagaase ayaa caawa kulamo muhiim ah oo is daba joog ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada gobalka mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo sida cuqaasha’ Aqoonyahanada’ dhalinyarada’ Dumarka’ iyo qayb kale oo kale oo ka mid ah bulshada gobalka mudug

Musharax Xildhibaan calisaciid Ahmed oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay Puntland hadana ah gudoomiyaha Machadka daraasaadka sare ee Nabadoon waxaa olalihiisa si wayn looga dareemayaa dagmada galkacyo’

Musharax calisaciid ayaa kala hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada galkacyo sidii loogu soo jeedsan lahaa hormarka gobalka sida’ Amni lagu kalsoonaan karo’ Waxbarsho iyo Caafimaad tayo sare leh iyo in laga shaqeeyo sidii maglaada galkacyo looga samata bixin lahaa biyaha roobabka ee magaalada buuxiyay’ loogana fakari lahaa si aysan arintaas usoo noqon

Musharax calisaciid ayaa bulshada galkacyo waxay dareemayaan inuu yahay aqoonyahan caan ku ah karti iyo hufnaan Waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud ayaan intooda badan ku qanacsan in calisaciid yahay qofka ugu mudan ee ku matali kara booskaas madaamaa uu muda ka shaqaynayay nabadaynta iyo Midnimada bulshada gobalka Mudug

Maalmaaha nagu soo aadan ayaa waxaa lagu qaban doona galkacyo kulan wayn uu bulshada kula hadli doono Musharax Calisaciid ahmed kaas oo ay ka soo qayb gali doonto saaxafdu Ka dibna waxaa la rajaynayaa inuu booqashooyin uu ku tagin doono dagmooyin kala duwan oo ka tirsan gobalka Mudug

08/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 332aad || Yuunis 43 - 49 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

Xog hoose oo aan ka helnay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaysa in xildhibaanka ugu cadcad musharraxiinta xildhibaanada g...
08/12/2023

Xog hoose oo aan ka helnay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaysa in xildhibaanka ugu cadcad musharraxiinta xildhibaanada gobalka mudug, gaar ahaan beesha Cumar Maxamuud uu yahay Cali-Saciid Ahmed Fagaase.

Wararka qarsoon ee aannu ka helnay magaalada Gaalkacyo yaa sheegaya, in Cali-Saciid Axmed Fagaase uu hadda ka wada magaalada Galkacyo kulamo is-daba joog ah. Oo uu la yeelanayo waxgarad kala duwan ee bulshada, sida: Odayaasha dhaqanka, Culimada reerka, Aqooyahannada, dhallinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada rayidka ahi ay ka kooban tahay.

Xildhibaan Cali-Saciid Axmed Fagaase, oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay Puntland iyo Soomaaliya iyo Hay'ado kala duwan oo caalami ah, ayaa hadda u muuqada in uu yahay shakhsiga ugu dhow, ee ku soo bixi-doona kurisiga beesha Cumar Maxamuud, gaar ahaan jafida reer Khalaf Faarax. Marka loo fiiri aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo sida ay bulshada deegaanku ugu hanwayn tahay, oo ay wax u la jeceshay.

Xogaha hoose, oo aannu helnay ayaa sheegaya in ay dhammaan waxagaradka beeshu isku raaceen in kurisigaas loogu duceeyo Cali-Saciid Axmed Fagaase.

06/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 331aad || Yuunis 37 - 42 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

04/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 330aad || Yuunis 31 - 36 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

04/12/2023

Daawo Haweenka Gobalka mudug Oo taageeray Nidaanka Doorashada Qof iyo Cod

03/12/2023

Dr Maxamed Xuseen Aadan oo ahaa agaasimihii h**e ee ispitalka Guud ee Mudug ayaa ka hadlay deeq lacageed oo maamulka Ispitalka lagu wareejiyey deeqdaas oo ay soo dhibeen dad Dr-ku uu wakiil ka yahay.

03/12/2023

Gudoomiyaha Hay'adda Wadooyinka Dowlada Puntland Dr.C.fitaax Maxamed sugule iyo Injineerada Hay’adda ayaa maanta soo bandhigtay daaraasad ay ka samaysay roobabkii dhawaaan kusoo rog maday magaalada Gaalkacyo iyo burburkii wadooyinka ku yimid.

02/12/2023

Sidee u noqon kartaa qof ku fiican fagaara ka hadalka?

How to be good public speaker?

Waa barnaamij ka kooban18 Qodob.

Ka faa'ideysi wanaagsan

Aqoonta qofka maanta waxaa lagu cabbiraa sida uu dadka wax uga dhaadhacsiinkaro.

Waxaa tababarkaan bixinayey Tababare Faarax Jaamac Xandulle.

Please share.

02/12/2023

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 329aad || Yuunis 26 - 30 || Sh.Mohamed Sh.Omar Dirir

01/12/2023

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladdu in la qaado cunaqabateynta hubka, faa'iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

Address

Galcom Street, Israac
Gaalkacyo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halmaal Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Halmaal Media

Halmaal Media waa warbaahin digital ah oo fadhigeedu yahay Soomaaliya, Halmaal waxay ka shaqaysaa barnaamijyada wacyi galinta bulshada, soo gudbinta horumarka Ganacsiga, Waxbarashada, Caafimaadka. Dib usoo noolaynta luuqada, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.



You may also like