Mareeg TV

Mareeg TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mareeg TV, Ceeldheer Street, Dhuusamarreeb.

Wararka Warbaahinta Mareeg TV- ka helayso Muqdisho ayaa kusoo waramaya in maanta Qorshuhu yahay in Isbadal lagu Sameeyo ...
27/03/2024

Wararka Warbaahinta Mareeg TV- ka helayso Muqdisho ayaa kusoo waramaya in maanta Qorshuhu yahay in Isbadal lagu Sameeyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Xoggaha ayaa qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya Dhismaha Ciidanka iyo dardargalinta Dagaalka ka dhankaa Khawaarijta uu Go,aansaday Magacaabista Taliyaha SNA

Mashquul Xooggan oo ku aadan Magacaabista iyo kala xulashada Magacyo badan ayaa ka socda Qasriga Madaxtooyada Qaranka.

Deg Deg.Kooxda AS ayaa hada Hoobiyaal ku garaaceysa magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud Ilaa hada qasaaraha rasmiga...
13/02/2024

Deg Deg.

Kooxda AS ayaa hada Hoobiyaal ku garaaceysa magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud Ilaa hada qasaaraha rasmiga ah lama hubo.

Waxi dheerad ah halkan kala soco .

21/01/2024

Xeebta Xamar.

Wa dalkaagi Doqon yahow /Doqonyahey.

Mareeg Media

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay ururada iyo wadamada ay bah wadaagta yihiin kala shaqeyneyso sidii loo burin laha...
17/01/2024

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay ururada iyo wadamada ay bah wadaagta yihiin kala shaqeyneyso sidii loo burin lahaa heshiiska sharci darada ah ee dowlada Itoobiya ay la gashay maamulka gobolada waqooyi ee Soomaaliya {Somaliland}

Madaxa warfaafinta gudiga amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa tilmaamay sida marar badan ay ku celceliyeen in dowlada Mareykanku taageersan yahay madax banaanida iyo qarnimada dhuleed ee Soomaaliya ayna tahay in la xushmeeyo.

Agaasimaha ayaa sheegay in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ay kula jiraan khawaarijta.

“Xaaladdaan waxa ay keeneysaa qatar amniga Qaranka ah, taas oo ah mid dhiiri gelin karto xagjiriinta Al-Shabaab oo muddo dheer dagaallo arxan daran ka waday gudaha Soomaaliya” ayaa intaas ku daray John Kirby.

DEG DEG :Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa goor dhaw hawada Soomaaliya ka celisay Diyaarad Ethiopia Airline oo...
17/01/2024

DEG DEG :Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa goor dhaw hawada Soomaaliya ka celisay Diyaarad Ethiopia Airline oo Hargeisa wafdi uso waday .

Sida Dalsan ka heshay ilo Xog-Ogaal ah oo aviation ka ka tirsan diyaarada ayaa ku laabatay Adisababa oo marki h**e ay ka so kacday.xigasho

War saxaafadeedMUQDISHO, 15 Janaayo 2024: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yi...
15/01/2024

War saxaafadeed

MUQDISHO, 15 Janaayo 2024: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023-kii oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, kaddib baaritaan ay Hay’addu sameysay waxa ay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda.

Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003 qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007 qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.

Ugu dambeyntii, Hay’addu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah Howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda.

F.G: Hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada.

Dhammad

12/01/2024

Madaxweyne Hassan Sheikh “Hubka hala qaato shabab & Ethopia hala iska celiyo……..se.

Galmudug vs Koofur Galbeed Yey kula tahay iney badineysoSadaali 👇MareegTv
12/01/2024

Galmudug vs Koofur Galbeed

Yey kula tahay iney badineyso

Sadaali 👇

MareegTv

11/01/2024

Maxadan ka ogeynin oo ka dhacay degmada Ceeldheer 24 saac ee laso dhaafay.

Ma runba in Hoobiya………?

Mareeg media

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DEGMADA AADAN-YABAAL EE GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXEAadan-yabaal, Agoosto, 06, 2023; Mada...
06/09/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DEGMADA AADAN-YABAAL EE GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

Aadan-yabaal, Agoosto, 06, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka AS

05/09/2023

Faah Faahinta Qaraxa Maxaas:

Qarax gaari lagu soo raray ayaa ka dhacay Goob lagu hubiyo gaadiidka oo ah halka laga galo xerada Ciidamada oo ay deganyihiin Ciidamada XDS iyo kuwa toobiya.

waxuu gaariga ku qarxay irida h**e ee la maro marka xerada loo socdo, aad ayayna uga fogtahay halka ay deganyihiin madaxda. waxaana halkaas gaadiidka ku hubiya ciidamada XDS gaar ahaan Guutada 5aad qeybta 27aad

Maxaa muhiim ka dhigay safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Maxaas?Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo xiran dh...
03/09/2023

Maxaa muhiim ka dhigay safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Maxaas?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo xiran dharka ciidamada waxa uu daqiiqada kahor ka degay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxa uu kulamo la qaadan doonaa siyaasiyiinta beelaha dega Gobollada bartamaha Soomaaliya, isaga oo kala hadli doona arrimaha dib u xoreynta iyo in deegaannadaasi laga dhigo kuwa ka caaggan AS.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maxaas u qorsheeyay bar laga hoggaamin doono dagaalka, waxaana hadda socda abaabulkii ugu ballaarnaa oo ay sameynayaan beelaha iyo ciidamada DFS.

Degmada Maxaas ayaa ah meel leh muhiimad istiraatiiji ah marka loo eego in laga hoggaamiyo dagaalka lagu xoreynayo dhulka seddex xagalka ah ee u dhexeeya Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe. Safarka madaxweynaha ee Hiiraan ayaa kusoo aadayo iyada oo uu jiro khilaaf siyaasi ah oo u dhexeeyo madaxda Hirshabeelle iyo Gobolka Hiiraan.

Madaxwayne HSM ayaa goordhaw ka dagtay Degmada Maxaas asiga oo xiran tuutaha Ciiidamada CXD, waxayna ka dhigantahay in u...
03/09/2023

Madaxwayne HSM ayaa goordhaw ka dagtay Degmada Maxaas asiga oo xiran tuutaha Ciiidamada CXD, waxayna ka dhigantahay in uu dalku galay dagaal, waxaana rajeyhaa inaan hadda wixii ka dambeeyo aysan jiri doonan wax dib leyskugu dhigo ee aan garab istaagno Madaxweynaha, dagaalkana aan galno Warculusoow.

Wali dadba gadaal gadaal isku dhigaya

Wacesle weeer qaboobida wax dheef dad wa wareeriye—- wan maqlay taas

Lkn wali ma Maqli — Wacesle Warran Necbida dagaal dad Waa wareeriye.

Warculus Abgal dagaal wa yaqan lkn hagarba jirta!!?

31/08/2023

Wareysi Xasaasi ah oo furimaha h**e ee dagaalka looga qaaday Wasiirka Gaashaan-dhiga Dowlada Somalia Abdulkadir Mohamed Nour wasiir Jamac Aya sidan u dhacay 🙈

1- Wasiir saakay ma Quraacatay Horta?

Jawabta Wasiirka Haa wan Quraacday

2- Maxad ku Quraacatay Wasiir?

Jawabta Wasiirka ( waxan ku Quraacday Bur)

3-Ma Roodhi /Rooti miyaa Burka?

Jawabta Wasiirka ( maya Rooti maahin Waa Bur dhulka lagu Karsho/Kariyo.

4-Shaax ma Cabtay walba Saakay Wasiir?

Jawabta Wasiirka ( Haa wan Cabay shaax)

5- Shaaxa aad Cabtay wasiir Qarfo Iyo Heyl malagugu Daray?

Jawabta Wasiirka ( Shaax Rinji ah oo Qarfo lahaynin aan cabay)

6- Wasiir Xalay Intee Seexatay Horta?

Jawabta Wasiirka ( Geed hoostiisa)

7-Ma joodari ayad ku Seexatay Mise Katiifad Wasiir?

Jawabta Wasiirka ( katiifad ) hadba wa dirin San umalenayo katiifada !!

8- Wasiir Musqul /Suuli ma heshay Xalay ?

Jawabta Wasiirka ( Haa Duurka aya ii Musqul ah)

9- Wasiir -Caday/ Rumayga lagu cadayeysto mahaysata Walba?

Jawabta Wasiirka ( Haa kaas Waa haysana)

10-Wasiirka Manta Maxa ku Qadeyn doonta - Bariis -Baasto- Kaluun Ama Hilib?

Jawabta Wasiirka ( lama yaqano -lama Hubo

11- Caawa Intee Jiifan Rabta Marka wasiir?

Jawabta Wasiirka ( Meel aan Jiifa ma aqano iyadana Lama Hubo)

12-Wasiir Guuleyso Haye Ebow Macsalamo

Wareysigas Kulul Jiida h**e ee dagaalka ayu idinkak yimid

Mar dhaw dhulka wa xur 🙈😁

Waxa Qoraalkan ku Ooray Bartiisa Facebook Nin lagu Magacaabo
Mahad Ali Xiddir- Bariga Gobolka Galgaduud kaso jeeda.

31/08/2023

Hadii aan la iska dhaqin magac xumada haysata dadka dega bariga Gobolka Galgaduud Gar ahaan Ceeldheer,Galcad iyo Masagaw iyo Tuulooyinka kuu xeeran gabdhaheena guur magalaan ogaaada

Shameful

Maxay kuula muuqata ?

All Ceeldheer News insha wararka aduunka🚠

Deg Deg:Ciidamada dowlada Somalia aya baneeyay degmada Ceeldheer ee gobolka galgaduud ciidamda lagu Kala  magacabo Khali...
28/08/2023

Deg Deg:

Ciidamada dowlada Somalia aya baneeyay degmada Ceeldheer ee gobolka galgaduud ciidamda lagu Kala magacabo Khalid bin waliid iyo ciidamadi GorGor aya isaga baxay saakay degmada kadib marki la shegay iney ka gadooden saanad la,aan haysatay Bilooyin laso dhaafay .

Ka bixitaanka ciidamada ay ka baxeen degmada Ceeldheer aya kuso aadeysa Maalmo yar kadib dagaalo Fara looga gubtay oo ay la galeen As dagaalkas oo ka dhacay Deeganka Cawsweyne oo 20km u jira degmada Ceeldheer ee bariga gobolka galgaduud.

Waqtigan degmada waxa ku sugan ciidamo yar oo u badan kuwa Deeganka waxana hugaaminaya janeral Cali Caraaye oo loo yaqano (Gacmadulle)Sidokale waxa degmada jooga xildhibanka lagaso doorto degmada Yasiin Abdullahi mohamud (Yasiin Farey)

Lama oga iney kusii sugnan doonan iyo inkale madama ciidamadi xoogoda baneeyen dedgmada ciidamadi baxay waxay ay joogan meel u dhaw magalada masagaway.

All Ceeldheer News

Cowsweyne waa hal-xiraale furid u baahan?!Sooyaalka dagaalka mujrimiinta shabaab iyo dowladda Soomaaliyeed dhex maray ki...
26/08/2023

Cowsweyne waa hal-xiraale furid u baahan?!

Sooyaalka dagaalka mujrimiinta shabaab iyo dowladda Soomaaliyeed dhex maray kii xalay waacaskii ka billowday deegaanka Cowsweyne wuxuu ahaa midkii ugu adkaa ee ciidan col ahi foodda isku daro. Ciidamada dowladdu tiro ahaan waxay ahaayeen 500 oo askari iyo taliskooda, halka kuwa khawaariijtu ay ahaayeen: 2000 oo naftood halligayaal ah. Keebaad u filaysaa inuu qasaaraha ugu badani soo gaaray?

Sida aas sawirrada ka arkeysaanba seddex TM oo qaraxyo ka buuxaan ayey kusoo galeen seddex jiho oo ciidamada dowladdu ay difaac uga jireen, balse, maxaa ka raacay? Kala bar geeri ayey uga tageen khawaariijtu oo halkaas way ku dhamaadeen, geesiyaasha qarankuna jilibaha ayey u aasteen.

Qasaaro dhimasho iyo maal ahiba way jirtaa, balse, goobtii lagu dagaallamay cidda u hartay ayaa guuleysatay, taas oo ah; dowladda, waxana weli Cowsweyne deggan dowladda, balse, qorshe xumada halkaas ka dhacday ee ciidan aan gurmad ka heleyn, Galcad, Ceeldheer, Meseggawaa Ruunnirgood iyo Cali Heelle halkaas loo geeyay waa in la heelaa wasiirro iyo hoggaamiyayaal xilalkooda ku waaya loona ciqaabo.

Ciidamada qaranku waxay tuutaha u gashadeen geeri ama nolol, dagaalkuna wuxuu ahaa; wax ay filanayeen goor walba, balse, seddaxda wasaaradood oo dagaalka caadiyan laf-dhabarka u ah, waa in xal degeg ah loo helaa.

Wasaaradda GAASHAANDHIGGA.
Wasaaradda WARFAAFINTA.
Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Waa halka halganku ka gablamay, haddii aan is beddel muuqda lagu sameyna halistu weli intii h**e way ka daran tahay, mar haddiiba ay khawaariijtu ku haminayso inay weerar qaadaan.

Seddaxdaas wasaaradood iyo taliska xooggu waa inay ka jawaabaan; waydiimaha kala ah:

1. Sidee ayey ku dhacday; in Cowsweyne ciidan la dejiyo, iyada oo ciidamada GALCAD jooga aysan u qaban ama u tegin deegaanka TOWQIIF oo 20 ilaa 24-kiilow mitir u jira Galcad isla markaana ah dhul dhagax ah oo habka dagaallanka dowladda kaalmo weyn u ah?
Ku darsa oo Towfiiq, waxay isku xirtaa: Galcad, Ceelbuur, Budbud, Derri, Cowsweyne, Jacar iyo Bargaan. Waa waydiin warcelin u baahan!.

2. Maxay tahay sababta ciidamada BUDBUD qabtay oo aan deegaanka Derri qaban, Cowsweyme aag looga dhigay?

Ku darsa oo qabashada derri waxay derbi adag u noqon laheyd; degmada CEELBUUR oo haddii aan laga soo gaarin iyana xaalad halis ah wajahaysa, waayoo waddada xariirisa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ama Ceelbuur iyo Guri-ceel waxay u go'antahay khawaariijta. Aaween ciidamadii tirada badnaa ee HABARGIDIR, Duduble, Qubeys iyo Mariixaan ee meel walba lagu soo bandhigayay? Aaween kuwii GALMUDUG? Aaween kuwii dowladda ee deegaanka JAAW qabtay? Maxaa ka hortaagan Ceelgaras iyo imaanshiyaha Ceelbuur?

3. Dhanka Wabxo iyo DAC oo ay howdka weli khawaariijtu ku jiraan sidee Ceelbuur loogu soo booday iyada aan howdka la sifeyn? Waa waydiin warcelin u baahan!.

4. Sidee ayey ku dhacday iyada oo aan ciidamo dowladeed joogin bacaadkii halista ahaa ee deegaanka JACAR oo ku taalla xuddunta ama bartamaha afarta deegaan ee kala ah: COWSWEYNE, GALHAREERI, CEELDHEER, MESEGGAWAA iyo GALCAD sababta Cowsweyne loo degay?

Ku darsa oo JACAR, waxay TOWQIIF u jirtaa: 20-kiilow mitir. Jacar waxa kale oo ay tahay: afar xagalka: Ceelbuur, Galhareeri, towfiiq iyo Cowsweyne. Sidoo kale naagta CEELDHEER laga soo masaafeeyo waxa laga xiraa JACAR, taas oo iyana ka dhigeysa in Ceeldheer iyo Jacar ay isu jiraan 90-kiilow mitir. Waxa kale oo siman, naagta Ruunnirgood laga masaafeeyo waxa laga xiraa Ceeldheer, haddii dhanka howdka la aadana waxa laga xiraa: Jacar ama Cowsweyne. Waa inta jiidaalka iyo fogaanshaha dhulka iyo deegaannadu isu jiraan.

5. Sidee ayey ku dhacday in Meseggawaa oo aan Cowsweyne gurmad uga imaan karin fogaanshada masaafo ahaan darteed Cosweyne loo degay?

6. Maxay tahay Cowsweyne iyo Ceeldheer oo aan si dhab ah la isugu furin oo aan gurmadka Ceeldheer ka soo baxa Cowsweyne si nabad ah ku imaan karin sababta Cowsweyne aag looga dhigay? Ku darsa oo Cali Yabaal oo Cowsweyne iyo Ceeldheer u dhaxeeya dowladdu si toos ah uma heysato.

7. Waa maxay sabata Cowsweyne iyo Cali Heelle ama deegaannada Degmada Ruunnirgood oo aan isu gurma karin, Cowsweyne talis loo dhigay?

Ku darsa oo 6-maalin ka hor ayey Galcad u guureen ciidamadii degganaa deegaanka Cali Heelle, haddii ay halkooda joogi lahaayeenna khawaariijtu marnaba ma haweysteen inay Cowsweyne weeraraan. Ciidanka deegaanka Cali Heelle jooga wuxuu shabaabka u ahaa fallaar wadnaha uga taalla, waana inay ka jawaabaan sababta Galcad oo taliskii mareykanka iyo bangaraaftu ku yaallo loo geeyay? Ha illoobin waxa weli isu furan oo hal silsillad iskula xiran shabaabka howdka degmada Ruunnirgood ku jira iyo kuwa GALHAREERI ay fadhiisinta u tahay, mana jirto meel ay ka kala go'anyihiin haba yaraato e?

Waydiimahaas haddii aan jilciyo:

1. Galcad Shabaabku 4-ta jiho ayey weli ka jiraan sabab?

2. Ceelbuur afarta jiho ayey ka jiraan sabab? Jidkii qorraxsin ee ciidamada dowladdu ku yimaadeen hareeraha ayey ka joogaan. Waa wadda, wabxo, dac ilaa ceelbuur xariirisa.

3.Cowsweyne 3-jiho ayey ka jiraan. Jihada bari ee Meseggawaay kaliya ayaa nadiif ka ah.

4. Galhareeri 4-ta jiho ayey ka jiraan sabab?

5. Degmada Ruunnirgood oo degmooyinka kale ee aan soo tilmaamay difaac iyo gurmad u noqon laheyd waxay ka jiraan 4-ta jiho. Jihada Koofur bari oo kaliya ayaa degmada u bannaan, iyadana saacad walba ayey tegi karaan oo ciidan joogaahi ma jiro, wolow ay dhul geed-gaab ah u badan tahay oo aysan ku dhirira karin, balse, sababtee ayaa Cowsweyne talis u tahay Ruunnirgoodna xarun shabaab? Waa kaarto nuucee ah taasi?

6. Deegaanka Budbud 2-ba jiho ayey ka jiraan. Waxa la yaab leh! Budbud oo degmada Galcad hoos tagta, waxa dhexda uga jira shabaab, sabab? Dhanka kale, Budbud iyo wabxo oo 90-kiilow mitir isu jira waxay u kala jaran yihiin shabaab, sabab? Budbud iyo Derrina waxay u kala jaranyihiin shabaab, sabab? Derri iyo Galcadna waxay u kala jaran yihiin shabaab, sabab?

Ma aqoon-xumo dhuleed ayaa jirta?
Ma qibrad iyo farsamo-xumo ayaa jirta?
Ma wada shaqeyn iyo isku milan qarsoon ayaa jira?
Ma kala amar qaadasho iyo iska warqab la'aan ciidanka dhexdiisa ah ayaa jirta?
Cowsweyne lagu baaba'ay, laguna adkaaday ee maxaa qorshe ah oo xiga?
Ceelbuur iyada maxaa u xal ah?
Intee ayey iska qaban la'dahay?
Gugii h**e ee 2022 fashilinta howlgalku wuxuu ka billowday Hilowle-gaab ee kanna ma kii labaad baa?
Maxaa hal gu' ka dib wax looga baran la'yahay kaartaa munaafiqiinta shabaab oo weli kaarto isku mid ah adeegsanaya?
Maxaa fursad loogu siinayaa inay is aruursadaan oo ay is abaabulaan?

Waxa daahan ayaa waxay ka badan yihiin waxa daalacan!.

W/Q: Hassan Abdulle Alasow

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda duleedka degmadaCeel-dheer Dagaal culus oo u dh...
26/08/2023

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda duleedka degmadaCeel-dheer


Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo maleeshiyada Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Cowsweyne oo qiyaastii 20 kiilo mitir u jira degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyad Al-shabaab ay ciidanka dowladda la beegsadeen qaraxyo, kadibna labada dhinaca ay iskaga horyimaadeen dagaal fool-ka-fool ah.

Ilaha amniga ayaa intaas ku daray in dagaalka socda ay qeyb ka yihiin duqeymo dhinaca cirka ah. Lama oga khasaaraha ilaa hadda ka dhashay dagaalkan.

Dowladda Soomaaliya weli wax faahfaafhin ah k**a bixin dagaalkan, iyada oo dhinaca kale dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya dhinaca hawada aysan sidoo kale weli si rasmi ah aysan xaqiijin haddii ay ka qeybgaleen howlgalkan.

Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galmudug ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay shalay kula wareegay degmada Ceel-buur oo in muddo ah ku jirtay gacanta Al-shabaab.

Kahor Ceelbuur, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay tuulada Dac oo qiyaastii 18-kiilo mitir dhanka Koofur Bari ka xigta Ceel-buur.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada ayaa qabsaday Cosweyn, Wabxo, War Xoolo, Dac iyo tuulooyin kale oo yar yar.

DEGMADA CEELBUUR MAXAA KA JIRA OO AADAN OGEYN. AKHRI QORAALKAAN.⤵️Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallad...
23/08/2023

DEGMADA CEELBUUR MAXAA KA JIRA OO AADAN OGEYN. AKHRI QORAALKAAN.⤵️

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallada ay wadaan ciidamada isku dhafka ah ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo ku wajahan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo Al shabaab ay gacanta ku hayaan 15 sanno ee la soo dhaafay, degamadaan oo ah mid istaraatiiji ah ayaa ah, waana magaalada ugu muhiimsan ee dagaalyahannadu ka maamulaan gobolada dhexe, gaar ahaan deegaannada Galmudug.⤵️

Ciidamadaan is garabsanaya ayaa qorsheynaya in ay howlgal millateri ay ku galaan gudaha magaalada Ceelbuur sida ay sheegee saraakiisha ciidamada hoggaaminaya, qorshaha howgallada Galgaduud aya waxaa ugu weyn in gacanta lagu dhigo degmadaas iyo Galhareeri, oo loo arko haddii laga saaro Al shabaab in ay ku jabeen Galmudug, loogana adkaaday magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka.⤵️

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga maamulka Galmudug Cali Baashi Cabdullaahi oo wariyaasha laa hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku wajahan yihiin degmada Ceelbuur, asiga oo intaas raaciyay in howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolka lagu soo afjaraayo kooxda Al shabaab haatan ay socdaan.⤵️

Dhanka kale goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka deegaanka ee magaalada Ceelbuur ay bilaabeen barakac kuwaas oo si xooggan uga baxaya gudaha magaalada Ceelbuur, waxaa ay qaxeen deegaannada iyo tuulooyinka hoos yimaada magaalada si ay u badbaadiyaan nafootada, kuwaas oo cabsi ka qaba in ay dhibaato ay ka soo gaarto howlgallada ku soo wajahab maagalada.⤵️

Dowladda ayaa horay fariin ugu dirtay dhammaan dadka deggan deegaannada Al shabaab gacanta ku hayaan in ay iskaga baxaan, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in xalay Al shabaab dadka deggan Ceelbuur ay ku amreen in ay iskaga baxaan magaalada.⤵️

Ceelbuur ayaa maanta haawaneysa waxaa ay noqotay xudunta xilligaan lagu hardamayo ee gobolka, iyada oo waqti h**e aheyd magaalo Al shabaab ay ka hagaan howlgallada, sidoo kalana lagu tababari jiray dagaalyahannadooda, ciidanka dowladda oo mar qabsaday ayaa ka soo baxay kadib culusyo xooggan oo kaga yimid Al shbaaab, taas oo ka dhigan muhiimada ay u leedahay kooxda.⤵️

Si kastaba, Ceelbuur ayaa ah mowduuca ugu weyn ee la hadal hayo maalmahaan, waxana ugu wacan ahmiyada magaaladaan oo labada dhinac ay ku loolamayaan maaddaama ay tahay magaalo istaraatiji ah, oo macno weyn ugu fadhiso dowladda iyo Al shabaab.⤵️

Magaaladan Ceelbuur ee qabsatay warbaahinta ayaa magaalada Muqdisho dhanka Waqooyi Bari uga beegan qiyaastii 386 KM.

23/07/2023

Muuse Suudi yalaxow oo kabaha la dulmaray Wasiirka Ciyaaraha Somalia maxamed barre

Qaraaxo

Gal-Libaax oo u dhexeyso Galcad iyo Ceelbacad ayaa weli uu dagaal ku dhex marayaa Military-ga Soomaaliya iyo Khawaarijta...
19/07/2023

Gal-Libaax oo u dhexeyso Galcad iyo Ceelbacad ayaa weli uu dagaal ku dhex marayaa Military-ga Soomaaliya iyo Khawaarijta, waxaa Argagixisada laga gubay Gaari TM-ah iyo laba Cabdi-Bile oo gurmad ahaan u yimid.

Wixii ka soo kordho, waa idin la wadaagi doonaa.

18/07/2023

Galka Baarista: Qoysas magdhow ka dalbanaya ATMIS kahor inta aysan bixin Somalia

Ciidamadan oo magac ahaan kuso galay Amisson

Dhawr iyo tobankii sano oo ay joogeyn Somalia gabood fallo ayey ka geeysteen magalada muqdisho iyo guud ahaan wadanka waxana la dhawraya sida ay uga falciso dowlada Somalia

- Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Follow and share plz

18/07/2023

DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo sababo amni u geli waayay Jowhar, si deg deg ahna uga soo laabtay magalada muqdisho madaxweynaha ilaaladiisa gaarka ah ee loo yaqano koofiya casta oo uga h**eeyay magalada jowhar aya madaxweynaha ku war geliyay in la helay xog shegeysa in qaraxyo ismiidin ku jiran magalada taaso qasabtay inu so laabto madaxweynaha

La soco waxii soo kordha

La taliyaha amniga dowladda Soomaaliya,  Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay di...
18/07/2023

La taliyaha amniga dowladda Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiicda, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab looga xorreynayo guud ahaan dalka.

Maxay diyaarahaas ka tari karaan dagaalka Al-shabaab?

17/07/2023

Waxaynu joogna aduun Somali sidan u dhaqmayan

Qaniisiin somaliyed oo kufsaday heesti calanka

Nala daawo

All Ceeldheer News

Shire like and comment plz

Taliyaha Ciidanka dhulka XDS General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Farii...
17/07/2023

Taliyaha Ciidanka dhulka XDS General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Fariinsin u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Khawaarijta lagu sifeynayo.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku amaanay guulihii ay ka gaadheen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagu xasuuqay khawaarijta waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka khawaarijta.

15/07/2023

2ad oo xiiso leh

AS

15/07/2023

DEG DEG Xilka Qaadista Madaale & Xasan shiiq oo magacaabi doono Nin Ku Beel Ah

Xilka gudomiyaha gobolka banadir ahna duqa muqdisho waxa la filaya Ina loo magacaabo DR Abdulkadir Guulane oo an safiirkii h**e ee Sudan u fadhiyay dalka 🇸🇩 Sudan

All Ceeldheer News

15/07/2023

Deg deg-geryaale oo u dhaxeeya Budbud iyo Galcad aya laso sheegaya iney Xabado ka socoto taaso u dhaxeyso As iyo dowlada

Lasoco faah faahinta

Address

Ceeldheer Street
Dhuusamarreeb

Telephone

+252615614601

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mareeg TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mareeg TV:

Share