26/02/2022
Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26th February 2022, saxiixay hindise sharciyeedyo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaakna Galmudug, iyadoona Madaxwaynaha uu sharciyadan sixiixay kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay madaxtooyada Dowladda Galmudug.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay guddoonka sare ee Barlamanka Galmudug, oo uu horkacayay Gudoomiye Dr. Mohamed Nuur Gacal, xildhibaano iyo wasiiro katirsan dowladda Galmudug, xildhibaano katirsan labada gole ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo maanta goob joog u’ahaa sharciyada lasaxiixay.
Sharciyada uu maanta sixiixay madaxwaynaha dowladda Galmudug ayaa waxaa kamid ahaa degmo u’aqoonsida Xeraale, waxaana ay gaarayaan sharciyada lasixiixay illaa iyo toban sharci kuwaas oo kala ah.
1- Sharciga Kalluumaysiga
2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka
3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga
4- Sharciga Shirkadaha
5- Sharciga Nootaayada
6- Sharciga Degmaynta Xeraale
7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah
8- Sharciga Shaqaalaha Guud
9- Sharciga Biyaha
10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.
Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa waxa uu kahadlay arimaha doorashada, waxana uu sheegay in kuraastii taallay caasimadda Dowlada Galmudug ee Dhuusamarreeb lasoo gaba-gabeeyay, lana bilaabayo kursaasta taalla magaalada Galkacyo.
Madaxwaynaha ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in laba todobaad lagu daray waqtigii doorashada loo qabtay, kadib kulan ay yeesheen gudiga doorashooyiska qaran ee heer Federaal, isagoona Madaxwaynaha xusay in uu rajeenayo in Kuraasta taalla Galkacyo lagu soo gaba-gabeen donno labadaas isbuuc sida ay gudigaba xuseen.