Oday dhusamareeb

Oday dhusamareeb media

29/11/2021

Dekada garacad oo markab ku soo xirtay

28/11/2021

Xoolaha la dhaqdo geel ayaa ugu adkeysi badan xiliga abaarta

28/11/2021

Musharax Xildhibaan Muxudiin Darbaweyne " "Waxaan sugeeyno waa doorasho hufan oo qiyaano ku jirin, hadii laab laab yimaado waa leysdilaa, ninkii ku fekeraaya labtok-kaaga waa qaadan kartaa nin baxaayo ma jiro waa leysla dhimanaa"

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadlay...
28/11/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka.

27/11/2021

Doorasho xor iyo xalaal ah

24/11/2021

CALMADOW SANAAG | markaad u baxdo buuraha cagaaran ee Calmadow, waxaa jira meel dhaadheer oo aad ka daawan karto magaalooyin masaafo isu jira.

23/11/2021

Taliyaha xooga dalka soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jisniyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Hey'adda Socdaalka Qar...
23/11/2021

Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jisniyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Hey'adda Socdaalka Qaramada midoobay (IOM) kala wareegay Gaadiid loogu talagalay in ay ka howlgalaan Xuduudaha Dalka.

Gaadiidkaan ayaa ku qalabeysan qalabka isgaarsiinta ayaa si toos ah ugu xirmi kara isgaarsiinta Xarunta dhexe ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo guud ahaan xarumaha Laamaha ay Hey'addu ku leedahay Gobolada Dalka. Madaxa Howlaha Hey'adda IOM ee Soomaaliya ayaa ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee HSJ.

Ugu dambeyn Agaasime Guud Mudane Cabdul ayaa uga Mahad celiyay Hey'adda IOM wadashaqeynta dhow ay la leeyihiin Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo taageerada joogtada ah oo ay la garab taaganyihiin.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa magaaladda Ankara kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Tu...
23/11/2021

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa magaaladda Ankara kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga Yasar Guler, waxaana hab maamuus ciidan oo sare loogu soo dhaweeyey Xarunta taliska guud ee Ciidamada Turkiga.

Maanta waxaa kacay Dadka Gobolka Benadir oo muujiyey Rabitaanka Gudoomiyahooda.Gudoomiye Cali Yare Cali waxaa loosoo dha...
22/11/2021

Maanta waxaa kacay Dadka Gobolka Benadir oo muujiyey Rabitaanka Gudoomiyahooda.

Gudoomiye Cali Yare Cali waxaa loosoo dhaweeyey si ka duwan Sidii Madaxda loosoo dhaweyn jiray waxaana indhuhu qabanaayeen kumanaan dhalinyaro iyo Aqoonyahano isku jiro oo safaf dhaadheer ugu jiro soo dhaweynta Musharax Xildhibaan Hop147 .

Guuleyso Gudoomiye.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta gudoonsiiyey shahaadada murashaxnimo xubno soo buuxiyey shuruudaha musharnimada,...
22/11/2021

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta gudoonsiiyey shahaadada murashaxnimo xubno soo buuxiyey shuruudaha musharnimada, xubnahaa oo soo buuxiyey shuruudaha musharixiinta aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug,
HOP #043
HOP #054
HOP #104
HOP #067
HOP #026

21/11/2021

haya'adaha amaanka oo kulan deg deg ka yeeshay amaanka caasimadda Muqdisho.

21/11/2021

Xafiiska Hanti dhowrka dalka oo ku eedeeyey maamul goboleedyadda dalka iney ku maqan tahay 78 Milyan oo dollar, isaggo ku eedeeyey in safaaradaha dalka iyo hayaádaha dowladda aney sameyn xisaab celin.

Ciidamadda Police-ka Magaaladda Dhusomarreeb oo uu hoggaaninayay Taliyahooda Maxamed Sanjeex ayaa howlgallo lagu sugayay...
21/11/2021

Ciidamadda Police-ka Magaaladda Dhusomarreeb oo uu hoggaaninayay Taliyahooda Maxamed Sanjeex ayaa howlgallo lagu sugayay Amniga waxa ay ka sameeyeen Xaafaadda Magaadda Dhusomarreeb ee Caasimadda Galmudug.

Ra’iisul  Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Agaasime Goboleedka dalalka Car...
21/11/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Agaasime Goboleedka dalalka Carabta ee UNFPA Lu’ay Shabaana oo ay ka wada hadleen dadaalada dowladda ee sameynta tirakoob dadweyne ka hor doorashada 2025.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in DFS ay ka go’an tahay hirgalinta tirkoobka isagoo ku dhiirigaliyay Hay’adda Istaatiistikada Qaranka in ay hormuud u noqoto xaqiijnta hadafkaas muhiimka u ah horumarka qaranka.

20/11/2021

: Agaasimahii Radio Muqdisho Abdicasiis Africa iyo Agaasimii Teleefanka Qaranka sharmaake ayaa ku dhaaawacmay Qaraxa.

Waxaan hadda la maqlayaa dhawaqa rasaas xoog leh oo ka dhacaya goobta Qaraxa.

DEG DEG: waxaa hadda Degmada GURICEEL Ciidamo Milatari iyo Nabadsugid iskugu jiro ey ka xeysteen oo Xabsiga u taxaabeen ...
20/11/2021

DEG DEG: waxaa hadda Degmada GURICEEL Ciidamo Milatari iyo Nabadsugid iskugu jiro ey ka xeysteen oo Xabsiga u taxaabeen Wariye Abdulqaadir CC iyo Wariye Mohamed Abdiwali Tooxoow.

Guriceel ka gudubtay go’doonkii.Hambalyo bulshada aan jeclahay Ee reer Guriceel.Caawa ayaa madaxweyne Ahmed QoorQoor sax...
20/11/2021

Guriceel ka gudubtay go’doonkii.

Hambalyo bulshada aan jeclahay Ee reer Guriceel.

Caawa ayaa madaxweyne Ahmed QoorQoor saxiixay sharciyadii degmonimo Ee Barlamaanka dowlada Galmudug uu meelmariyey maalmo kahor.

Mahad gaar ah madaxweynaha Dowlada Galmudug oo reer Guriceel ugu hiiliyey sharciyad la marsiiyey wado sax 60 sano kadib.

Guul iyo Gobonimo.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa daahfuray bangiga cusub ee My Bank ...
20/11/2021

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa daahfuray bangiga cusub ee My Bank oo ka mid ah bangiyadda gaarka loo leeyahay si uu u dhiiri galiyo maalgashiga ganacsatada Soomaaliyeed ku samaysanayaan Dalkooda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ayaa maant...
20/11/2021

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaana garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan labada golle ee Dowladda Galmudug.

18/11/2021

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay shirka isbuuclaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug oo maanta ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Golaha ayaa shirka diiradda ku saaray xaaladaha bini’aadanimo ee kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug oo abaar soo food saartay.

Ugu Danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa baaq u diray beesha caalamka sidii ay gacan uga geysan lahaayeen abaaraha iyo biyo la’aanta kusii baaheysa deegaanada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Ka...
18/11/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Wasiirrada XFS iyo Galmudug.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta Hay’adaha Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Galmudug.halka warbixinno looga dhageystay ku saabsan doorashooyinka, xaaladda amniga Galmudug , iyo wax ka qabaahada abaaraha ka jira Galmudug.

18/11/2021

Wali Ma Booqatay Ceelka Biyihiisu aysan istaagin Marna oo aan ku shaqayn wax Mashiin ah kuna yaal Deegaanka Faragoo? Ku Daawo Muuqaalkan siina Share Garee.

Xigasho News

DEG DEG: Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo dadku badi u yaqanaan Dhageey Geelle ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhowa...
18/11/2021

DEG DEG: Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo dadku badi u yaqanaan Dhageey Geelle ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay. Warqad uu 15kii bishan u diray madaxweynaha Galmudug ayuu sababta uu kursiga isaga casilay waxaa uu ku sheegay inuu rabo inuu reerkiisa ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta.

17/11/2021

Maxaan ka Naqaan Magaalada Dhusamareb iyo Waqtigii la Qorsheeyey in Magaca laga Badalo Sheekadan Kooban uga Bogo siina Share Garee.

17/11/2021

Dhusamareeb:-17/11/2021: Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer ku tagay Xeryaha Ciidamada Qalabka Sida ee ku yaala magaalada Dhusamareeb.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ciidanka iyo saraakiisha sida ay markasta diyaarka ugu yihiin gudashada waajibaadkooda ee difaaca dadka iyo dalka.

Dhusamareeb:-17/11/2021: Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Max...
17/11/2021

Dhusamareeb:-17/11/2021: Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer ku tagay Xeryaha Ciidamada Qalabka Sida ee ku yaala magaalada Dhusamareeb.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ciidanka iyo saraakiisha sida ay markasta diyaarka ugu yihiin gudashada waajibaadkooda ee difaaca dadka iyo dalka.
Dowladnimo💪

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarig...
17/11/2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dib udhiska lagu sameeyay xarunta degmada Cabdicasiis si loo balaariyo adeegyada uu maamulka degmada gaarsiiyo bulshada deegaanka.

Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee degmada si uu qiimeeyo fulinta mashruucan iyo tayadiisa isagoo mid mid u kormeeray xafiisyada kala duwan ee xaruntan iyo adeegyada lagu bixin doono, iyadoo dadka baahiyaha gaarka qabo loo sameeyay goob ay isticmaalan hadii ay adeeg usoo doontan xarunta degmada.

16/11/2021

Casimadda dowlad goboledka galmudug
Waa caasimad facweyn waa noo sharaxaaya
Gen idhaqarshe

16/11/2021

Abwaanku waa funy

Odayaasha Dhaqanka iyo Nabadoonada Galmudug Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dhuusamar...
16/11/2021

Odayaasha Dhaqanka iyo Nabadoonada Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dhuusamareeb kulammo kala duwan kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
16/11/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS ee lagu dooranayo Galmudug.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa Dowladda Turkiga kala Wareegtay Gaadiidka Gaashaaman  oo loogu tala galay in CXDS gaa...
16/11/2021

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa Dowladda Turkiga kala Wareegtay Gaadiidka Gaashaaman oo loogu tala galay in CXDS gaar ahaan kumaandooska Gor-gor ay ku howlgalaan.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Taliska CXDS ayaa kala wareegay Xubno ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan turkisom.

16/11/2021

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Farhan Ali Mohamud'' isku filnaasha ayuu gaaray maamulka laga dhisay Gaalkacyo waxaana dhawaan rajaynayaa in la daadajiyo maamulka dagmooyinka Galmudug''.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta shir...
16/11/2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Gudoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir kulankaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir Xog hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa looga hadlay kulanka la dagaalanka kooxaha ciyaal weerada iyo dhalinyarada isticmaasha mukhaadaraadka oo kusoo badanaya magaalada iyo dakhli Kordhinta Dowlada Hoose.

Sido kale waxaa shirka looga hadlay mataaneynta Dowlada Hoose Muqdisho iyo Dowlada Hoose ee magaalada Kunya ee Dalka Turkiga.

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa meel mariyay degmonimada magaalada Guriceel oo goor h**e ay ansixiyeen Golaha Wasiirad...
16/11/2021

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa meel mariyay degmonimada magaalada Guriceel oo goor h**e ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug waana guul usoo hoyatay dadka reer Guriceel oo muddo badan meel qardojeex ah wax ku raadinyay.

Guriceel waxaa hadda u harsan in Madaxweynaha Galmudug uu Degreeto kusoo saaro kaddib markii ay labada Gole Wasiirada iyo Baarlamaanku isku raaceen degmonimada Guriceel.

Hadda Guriceel waxay xaq uleedahay in Gole deegaan iyo mashruuca UN Joint Program in laga sameeyo isla markaana ay darka lasoo gasho degmooyinka kale ee Galmudug.

16/11/2021

Abwaanku

16/11/2021

16/11/2021

Wiilkaan Taageerada

15/11/2021

Gen.caydiid iyo gooni ugoosatkii

Address

Dhuusamarreeb

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Oday dhusamareeb posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Dhuusamarreeb

Show All