Galmudug journalists association

Galmudug journalists association Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Galmudug journalists association, Media/News Company, Dhuusamarreeb.
(3)

13/06/2024

Daawo Dood Wadaag la xariirta wada shaqeynta Booliska iyo saxaaafada Ka howlgala Galmudug.
Dhuusamareb.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

12/06/2024

Wariye Cabdinuur Faarax yaame:Sidee ayay Suxufiyiintu ugudbi Karaan warbixino anshaxaysan,iyaga oo latartanaya dhiggooda?.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

12/06/2024

Sadia Abdulqadir Yusuf Wariyaasha iyo Booliska waa loo Kala sheekeeyay midna Kan kale ayuu Difaaca Ka galay sidii shinadii malabkeeda waardiyeysaneysay.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

12/06/2024

Garaad Axmed Roble oo sharaxa Dhibaatada Warbaahinta Casrigaa iyo sida lagu xakameyn Karo.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

11/06/2024

Xogahayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA) Maxamuud Cismaan Cabdulle ayaa Maanta Tababar Ku saabsan kobcinta xorriyadda hadalka, iyadoo la isku xiraayo xirfadlayaasha warbaahinta iyo ciidamada amniga us oo xiray 25 xubnood oo iskugu Jira wariyaasha iyo Booliska Magaalada Dhuusamareeb.

United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), oo kaashanaya Xafiiska Taageerada QM ee UNSOM gaar ahaan xafiiska Xuquuqda Aadanah...
11/06/2024

Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), oo kaashanaya Xafiiska Taageerada QM ee UNSOM gaar ahaan xafiiska Xuquuqda Aadanaha iyo Hay’adda UNICEF, ayaa maanta soo gabagabeeyay tababar labo maalmood kaga socday Magaalada Dhuusamareeb, Tababarkaas ayaa diiradda lagu saaray saarayay kobcinta xorriyadda hadalka, iyadoo la isku xiraayo xirfadlayaasha warbaahinta iyo ciidamada amniga.

Tababarkaan ayaa Waxaa Ka faaiideystay 25 xubnood oo iskugu Jira wariyaasha iyo Booliska Magaalada Dhuusamareeb.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

Maalintii labaad Dood kooxeedyo Ku saabsan Kobcinta Xoriyada Hadalka iyo warbaahinta XIRIIRKA Warbaahinta iyo Booliska G...
11/06/2024

Maalintii labaad Dood kooxeedyo Ku saabsan Kobcinta Xoriyada Hadalka iyo warbaahinta XIRIIRKA Warbaahinta iyo Booliska Galmudug.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

Maalinta labaad ee tababbarka kobcinta saxafada Qaybtaan waxaa looga hadalay  shaqada warbaahintu u qabato bulshada iyo ...
11/06/2024

Maalinta labaad ee tababbarka kobcinta saxafada Qaybtaan waxaa looga hadalay shaqada warbaahintu u qabato bulshada iyo hagaajinta anshaxa saxaafadda.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

10/06/2024

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Galmudug ayaa oo Daah furay Tabavarkan looga hadlayay kobcinta Xoriyada hadalka ayaa Wariyaasha Kula dardaarmay ayaa Wariyaasha iyo Booliska a Ku booriyay in ay is kaashtaan si loo dhowro Xoriyada saxaaafada.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

10/06/2024

Agaasimaha Waaxda tabarada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Xasan Cabdiraxmaan waxaan rajeynayaa Labada maalin EE Wariyaasha Booliska ay halkaan wada joogaan in waxbadan halkaan ay Ka soo bixin doonaan......
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

Sida sare loogu qaadi karo xirfadda xiriirka (Communication skills) ee wariyaasha iyo Saraakiisha ammaanka.Soojeedintii ...
10/06/2024

Sida sare loogu qaadi karo xirfadda xiriirka (Communication skills) ee wariyaasha iyo Saraakiisha ammaanka.
Soojeedintii Cabdidaahir Garaad
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

10/06/2024

Xog-hayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug- GALJA Maxamuud Cismaan Cabdulle"tababarkan maanta aan daah-furayno waa ka duwan-yahay kuwii h**e sababtoo ah Wariyaasha iyo Booliska in ay helaan fursad ay Ku wada hadlaan laguna xoojinaayo Xoriyada hadalka....
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

Dhuusamareeb, 10 Juun 2024– Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), oo kaashanaya Xafiiska Taageerada QM ee UNSOM gaar aha...
10/06/2024

Dhuusamareeb, 10 Juun 2024– Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), oo kaashanaya Xafiiska Taageerada QM ee UNSOM gaar ahaan xafiiska Xuquuqda Aadanaha iyo Hay’adda UNICEF, ayaa maanta soo qabanqaabiyay tababar labo maalmood soconaya oo ay ka qeybgalayaan 25 qof oo iskugu jira saxafiyiin iyo qaar ka mid ah Booliska Galmudug. Tababarkan ayaa lagu diiradda saarayo kobcinta xorriyadda hadalka, iyadoo la isku xiraayo xirfadlayaasha warbaahinta iyo ciidamada amniga.

Tababarka waxaa ka soo qeybgalay Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug, wariyaal iyo booliska Galmudug.

Ugu h**eyn, Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug Maxamuud Cismaan Cabdulle ayaa soo dhaweeyay wariyaasha iyo booliska. Isagoo ka hadlayay ahmiyadda xorriyadda hadalka, wuxuu tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in la dhowro xorriyadda saxaafadda, wuxuuna sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan loo kala sheekeyn doonin wariyaasha iyo booliska.

Tababarkan waxaa daah-furay Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Galmudug, Xuseen Xersi Faarax, Wuxuu sheegay in warbaahinta iyo boolisku ay muhiim tahay in ay isla fahmaan xorriyadda hadalka, ayna lagama maarmaan tahay in la kobciyo xorriyadda hadalka. Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), Xafiiska UNSOM iyo UNICEF oo iska kaashaday qabsoomida tababarkan.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM UNICEF Somalia

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee (GALJA) Maxamuud Cismaan Cabdulle (Beereey) ayaa kulan qado sharaf ah maanta  ...
17/05/2024

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee (GALJA) Maxamuud Cismaan Cabdulle (Beereey) ayaa kulan qado sharaf ah maanta la qaatay Weriyaasha Gobolka Mudug

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobolka Mudug Baashi Ali Haashi, Burhaan Cabdulaahi Xaashi Guddoomiye ku xigeenka NUSOJ ,Iskuduwaha Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Mahad America, Wakiilka Wasaaradda Warfaafinta dowlada Federaalka Soomaaliya deegaanada Galmudug Cilmi kulan Geedi iyo qaar ka mida Weriyaasha Gobolka Mudug

Kulankaan ayaa looga arinsanayay dhowr arimood oo ay ugu h**eeyaan

1 - xoojinta iyo kor u qaadista Xirfaddaha Weriyaasha iyo warbaahinta Galmudug gaar ahaan Gobolka Mudug

2 - Adkeynta midnimada Wariyaasha Galmudug iyo sidii si wada jir ah la iskaga kaashan lahaa caqabadaha soo wajaha wariyaasha Galmudug iyo warbaahinta madaxa banaan

3 - Sidii Wariyaasha Galmudug ey qeyb kaga qaadan lahaayeen nabadda iyo daminta colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanada mudug iyo Galgaduud

4 - Daadajinta howlaha maamulka Ururka suxufiyiinta Galmudug iyo furinta ololaha ka mid noqoshada xubinimada GALJA

5 - Wacyigalinta iyo ka hortaga tabinta macluumaadyada aan xaqiiqda ku saleysneyn( Fake News).

Weriyaasha ayaa Xoghaye Beerey uga mahad celiyay Safarkiisa uu ku yimid Gaalkacyo waxayna warbixin ka siiyeen xaaladda Weriyaasha Gobolka Mudug.

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GALJA Maxamuud Cismaan Cabdulle Beereey ayaa Ku boggaadiyay Weriyaasha Gobolka Mudug shaqooyinka ay u haayaan Dalka gaar ahaan Bulshada Gobolka mudug isagoona ku amaanay Doorka warbaahinta mduug ay ka qaadatay Nabadda Gobolka Mudug.

Galkacyo:16/05/2024.  Kulan  lagu soo dhaweynayay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee (GALJA) Maxamuud Cismaan Cab...
16/05/2024

Galkacyo:16/05/2024. Kulan lagu soo dhaweynayay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee (GALJA) Maxamuud Cismaan Cabdulle (Beereey) ayaa galabta lagu qabtay Degmada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobolka Mudug Baashi Ali Haashi, Burhaan Cabdulaahi Xaashi Guddoomiye ku xigeenka NUSOJ ,Iskuduwaha Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Mahad America iyo qaar ka mida Weriyaasha Gobolka Mudug.

Weriyaasha ayaa Xoghaye Beerey uga mahad celiyay Safarkiisa uu ku yimid Gaalkacyo waxayna warbixin ka siiyeen xaaladda Weriyaasha Gobolka Mudug.

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GALJA Maxamuud Cismaan Cabdulle Beereey ayaa Ku boggaadiyay Weriyaasha Gobolka Mudug shaqooyinka ay u haayaan Dalka gaar ahaan Bulshada Gobolka mudug isagoona ku amaanay Doorkooda ku aadan ka waramida Dagaalka Khawaarijta Galmudug looga saarayo,Nabadda iyo wadajirka Bulshada Gobolkaan Degan iyo horumarka

Safarka Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GALJA Maxamuud Cismaan Cabdulle Beereey ayaa salka ku haaya xoojinta iyo kor u qaadista Xirfaddaha Weriyaasha Gobolka Mudug wuxuna kusii sugnaan doonaa maalmahaan Gobolka mudug isagoona kulamo muhiima la qaadan doona dhamaan Weriyaasha Gobolka.

14/05/2024

Wariye Sahro Xuseen Siyaad oo kamid ahayd wariyaashii ka qeybgalay Tababarkii eey Galjo ku qabatay Guriel ayaa ka mahadcelisay gabagabadii tababarka sharaxaadna ka bixisay waxyaabihii eey ka faa’iideen intuu socday tababarka.

United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM
Galmudug journalists association

13/05/2024

xog-hayaha ururka suxufiyiinta Galmudug Maxamud Cusmaan Cabdulle ayaan kula dardaarmay suxufiyiinta reer Guriceel ilaalinta anshaxa saxaafadda.

United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM
Galmudug journalists association

13/05/2024

Afayeenka Deg: Guriceel Cabdulaahi Shiiq Xalaf oo xiray Tababarka suxufiyiinta ayaa ka mahad celiyay fursadaan ay ka faaiidaysteen waiyayaasha degmada Guriceel.

United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM
Galmudug journalists association

Maalintii labaad doorka Saxfiga samaeynaya baarista sheekooyinka Xuquuqda Aadanaha.Soojeedintii Cabdirisaaq Xersi Haajir...
13/05/2024

Maalintii labaad doorka Saxfiga samaeynaya baarista sheekooyinka Xuquuqda Aadanaha.

Soojeedintii Cabdirisaaq Xersi Haajirow.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM

Day 2 Today at our training session, we had an insightful session on "Monitoring and Reporting Human Rights Violations" ...
13/05/2024

Day 2

Today at our training session, we had an insightful session on "Monitoring and Reporting Human Rights Violations" facilitated by Hafsa Suleiman, a prominent Human Rights activist.

Hafsa shared valuable insights and strategies on how to effectively monitor and report human rights violations in our communities.

Stay tuned for more updates from our training!

United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM

12/05/2024

Xoghayaha Degmada Guriceel Bashiir Maxamed Salaad oo kaga mahadceliyay Ururka saxfiyiinta Galmudug –GALJA iyo Xaafiiska UNSOM, sida ey ugu dadaalayaan kor u qaadista xirfadda Wariyaasha Galmudug gaar ahaan wariyaasha degmada Guriceel.

12/05/2024

Xafso Suleemaan Maxamed Saalax oo ah xeel dheera arimaha Xaquuqul insaanka ‘’ waa in Wariyaasha bulshada U hadlaan madaama ay iyagu masuulkayihiin soo gudbinta xogaha bulshada’’

12/05/2024

Xog-hayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug Maxamuud Cismaan cabdulle Wariyaashu waa in ay dabaqaan waxyaabaha ay halkaan Ku barandoonaan kana faa'iideystaan macluumaadyada Uu xambaarsanyahay Tababarkaan.

Ka Warbixinta Xadgudubyada Xaquuqda Adanaha.Xeeldheere saxaafadeed Abdirisaq Xersi MaxamedUnited Nations Assistance Miss...
12/05/2024

Ka Warbixinta Xadgudubyada Xaquuqda Adanaha.

Xeeldheere saxaafadeed Abdirisaq Xersi Maxamed

United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM

Guriceel 12May 2024: Ururka Saxafiyiinta Galmudug –GALJA  oo kaashanaya Xaafiiska  taageerada QM ee UNSOM  gaar ahaan xa...
12/05/2024

Guriceel 12May 2024: Ururka Saxafiyiinta Galmudug –GALJA oo kaashanaya Xaafiiska taageerada QM ee UNSOM gaar ahaan xafiiska xaquuqda aadanaha ayaa Maanta 30 saxafi tabarbar labo maalin ah ugu qabatay Magaalada Gauriceel Gobolka Galagaduud , tabarbarkaan oo ku saabsana kiisaska lidka ku ah Xaquuqul Insaanka iyo Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadantinimada.

Tababarkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xog-hayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug Maxamuud Cismaan cabdulle , Xog-hayaha Maamulka Degmada Guriceel Bashiir Maxamed Salaad ( Sanka).

Xafso Suleemaan Maxamed Saalax oo ah xeel dheera arimaha Xaquuqul insaanka iyo Qeybaha kala duwan saxafiyiinta ka howlgala magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Tababarkaan ayaa waxaa daah-furay Xoghayaha Degmada Guriceel Bashiir Maxamed Salaad
isagoona uga mahadceliyay Ururka saxfiyiinta Galmudug –GALJA iyo Xaafiiska UNSOM, sida ey ugu dadaalayaan kor u qaadista xirfadda Wariyaasha Galmudug gaar ahaan wariyaasha degmada Guriceel.

United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM

-The Galmudug Journalists Association (GALJA) is pleased to announce the release of journalist Abdinur Farah Yaame, who ...
10/05/2024

-The Galmudug Journalists Association (GALJA) is pleased to announce the release of journalist Abdinur Farah Yaame, who was recently detained by the police in Guriceel District, Galmudug Region. GALJA worked tirelessly to negotiate his release with the Galmudug Security Agencies, ensuring his safety and well-being throughout this challenging time.

GALJA strongly condemns any violations of freedom of speech and the independence of journalists, not only in Galmudug but also across the country. It emphasizes the importance of adhering to national and Galmudug media regulations, as well as upholding ethical standards and principles in journalism.

Additionally, GALJA urges journalists and media organizations in Galmudug to maintain the highest levels of professionalism and to remain vigilant against any actions that go against ethical guidelines.

GALJA extends its gratitude to all those who played a role in securing Abdinur Farah Yaame's freedom. The support and efforts of individuals involved are greatly appreciated.
...............................................................................

- Ururka Saxafiyiinta Galmudug -GALJA waxa uu soodhaweynayaa in uu 24 saac ka dib uu xoriyadiisa dib uhelay Wariye Cabdinuur Faarax Yaame oo ka tirsan wariyaasha ka howlgala Radiyaha iyo TV Galgaduud ee Degmada Guriceel Gobolka Gadlgaduud kadib markii ciidamada booliska degmadaas ay xabsiga dhigeen.

Dadaal dheer uu galay Ururka Saxafiyiinta Galmudug GALJA ayaa suurta galisay in uu Cabdinuur Faarax Yaame uu xariyadiisa dib u helo taas oo ka danbeysay wada xaajood dheer oo dhexmaray GALJA iyo Hay’adaha Amaanka Galmudug.

Ururka saxafiyiinta Waxay sacadkasta kor joogteynayeen xaalada uu ku sugan yahay Wariye Alaale Faarax si loo hubiyo in aanu wax dhibaato ah loo geysay basle ay jirtay in la galiyay goob aad u kulul taas oo aan aaminsanahay in aysan sax ahayn in qof eedeysane ah lagu xiro goob uu ku dareemayo Cadaadis ama dhibaato.

Ururka Saxafiyiinta Galmudug waxa uu mar kale ku baaqayaa in aan lagu xad gudbin xoriyada Hadalka iyo madax banaanida Saxafiyiinta iyo guud ahaan Warbaahinta Galmudug lana dhowro xeerarka saxaafada qaranka iyo mida Galmudug.

Ururka saxafiyiinta Galmudug waxa uu sidoo kale ugu baaqayaa Wariyaash iyo Warbaahinta Galmudug in ay dhankooda ixtiraamaan Xeerarka iyo Anshaxa Saxaafada laguna baraarugo ka hortaga waxkasta oo lid ku ah Anshaxa iyo mabaadiida Saxaafada.

Ugu danbeyntii Ururka Saxafiyiinta Galmudug waxa uu u mahadcelinayaa Cidkasta oo gacan ka geystay in uu dib xoriyadiisa u helo Wariye Cabdinuur Faarax Yaame.

Dhammaad

04/05/2024

Daawo Dood Wadaag Ku saabsan Xoriyada Hadalka iyo isbedelka Cimilada oo ay soo qaban qaabisay GALJA.
United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM

04/05/2024

Address

Dhuusamarreeb

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galmudug journalists association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share