GALGADUUDTv

GALGADUUDTv nagala soco Boggan oo hel Wararka Galmudug iyo kuwa guud ahaanba Dalka.

07/10/2022

Waaaaaaw

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa wareegto uu...
22/04/2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab u magacaabay Mudane Macaawiye Axmed Muudey.

Wasiirka gargaarka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye oo Baydhabo u gaartay hubinta in bulshada la gaarsiiyey raashin afurin a...
21/04/2021

Wasiirka gargaarka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye oo Baydhabo u gaartay hubinta in bulshada la gaarsiiyey raashin afurin ah oo dowladda sacuudigu ugu deeqday qoysaska danta yar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka ...
21/04/2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka gollaha amniga dowlad goboleedka koonfur galbeed oo todobaadkan ay ka qeybgaleen Taliyaha qeybta 60aad Ciidanla Xooga Dalka Genaral Maxamed Shiikh Cabdullahi Ciirow s c Sarakiil ka socday Dowlada ingiriiska, Amisom iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga koonfur galbeed.

Shirka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo lagu ciribtiraayo dhagar qabiyaasha argigixisada Alshabab ee ku dhuumalaysta qeybo kamid ah degaanada koonfur galbeed iyo sidii loo kordhin lahaa howlgalada lagaga hortago qaraxyada iyo dhagarta kale argigixisada ay ku doonayaan inay ku dhibaateyaan shacabka ku nool gobolada Baay, Bakool iyo shabeellaha hoose qaar kamid ah saraakiisha laamaha amniga ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka waxaana ay sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee ramadaan

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa umahadceliyey sarakiisha laamaha amniga waxaana uu tilmaamay sida ay shacabka iyo dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee qeybaha kala duwan ciidanka, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey saaxibada soomaaliya dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo hormarada dowlad goboleedka KG ku tilaabsatay, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan iyo Shacabka.

SNA RADIO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuulka Hay...
21/04/2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuulka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda WHO, dadaalka ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa Covid19 iyo dhiirgelinta tallaalkiisa.

18/02/2021

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa ku hanjabey in maamulku 10-maalmood kadib la wareegi doono dhulka aan laheyn sharciga ee dadka ootey aysan soo diiwaan galin.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynah...
15/02/2021

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo, isagoo dardaaran iyo dhiiragelin u jeediyay xubnaha guddiga in shirkooda natiijo wanaagsan ka soo baxo.

Xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa u doortay Shir Guddoon Wasiirka Dastuurka Saalax Maxamed Jaamac

Masjidka Harawo Boorama Soomaliland
15/02/2021

Masjidka Harawo Boorama Soomaliland

Address

Waabari
Dhuusamarreeb
252

Telephone

+252615477808

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GALGADUUDTv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to GALGADUUDTv:

Share

Category


Other TV Channels in Dhuusamarreeb

Show All