Xogdoon Media

Xogdoon Media kala soco warar iyo xogo xaqiiqda ku salaysan Pagekan Waxaa ka helikarta warar sugan,gaar ahaan kuwa wadada Ceri-Burco

27/10/2023

Hellow

23/02/2023

Waxa muuqata in Xalada Dagaal ee Magalada Lascanood maalin ba,maalinta ka sii danbeysa ka sii darayso.

Xabad joojin lagu dhawaqay muddo 7 caaho ka hor ayaan iyadu shaqayn ila hadda

Laba dhinac midkasta wuxu dhinaca ku eedaynaya in dhankiisa Xabad joojintu ka hirgeliweyday.

Dadka aad ugu dhow daloola Xalada lascanood qaar badan ayaa waxay soo jeedinayan,in talaboyinka soo socda la qaado si jawi wadahadal iyo xabad joojin laa gaadho.

1. Somaliland waa in ay ciidanka ka qaada Magalada dusheeda gaysana meel aanay laba ciidan iska gaadhi karin

2. Waa in Gargaar degdega la gaadhsiya dadkii qaxay iyo kuwa weli ku sugan magalada

Laba qodob kadib waxa la heli kara jawi lagu wada hadlo

Waxa jirta Ergo laga diray Hargaysa oo ila hadda ku sugan Caynaba

Sababta Ergadasi u gaadhikariweyday Lascanod ayaa lagu sheegay dagaalka aan kala joogsi lahayn ee Lascanood ka socda

Suxufi Axmed: Cadaad Media

Dhowaan waxa soo la soo saaraya Buug laga qoray Mashruuci ugu mihiimsana ugu baaxadda weyna ee Jumhuuriyada Somaliland f...
26/07/2022

Dhowaan waxa soo la soo saaraya Buug laga qoray Mashruuci ugu mihiimsana ugu baaxadda weyna ee Jumhuuriyada Somaliland fulisay 30 sanno ay jirtay.

Mashruuca lagu guulaystay ee Wadada Ceri-Burco isku xidha dhererkeedu dhan yahay ku dhowaad 300km oo la sugaya in dhowaan xadhiga laga jaro.
Buuga oo Magaciisa layidhahdo " wuxu maraya heer gebogebo ah

Buugu wuxu ka hadlaya bilowgii Wadada ila dhamaadkeedi

Wuxu kalo ka hadlaya Masuulyinti kala danbeeyey ee Madaxda ka soo noqday bilawgii ila dhamadkii

Wuxu ka hadlaya Masuul kasta intii uu ka qabtay iyo halku kula wareegay.

Waxan rajaynayna in noqdo Buug xog badan Xanbaarsan isla markaana xaqiiqda ka turjumaya

10/07/2022
10/07/2022
Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed oo uu Wehelinayo Maareeyaha Wakaalada Ho...
02/06/2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed oo uu Wehelinayo Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Wadooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani iyo Gudoomiyaha Guddida Berbera Corridor Eng Ciise Yuusuf Xamari ayaa saaka Kormeer ku tagay Dhismaha Jidka isku xidha Kala-baydh iyo Wajaale, kaasi oo wejigii ugu danbeeyay ee Daamurka la saaray qayb ka mid ah Wadadaasi.

Wasiirka iyo Weftiga uu hogaaminayo ayaa waxa Magaalada Gabiley kaga Biiray Badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Maayarka Magaalada Gabiley, waxaana si wada jir ah u soo mareen jidkaasi, halkaasi oo ay ugu tageen Masuuliyiinta Shirkada dhisaysa Wadadaasi oo hanaan casri ah loo dhisay

Manta oo tariikhdu tahay 30/05/2022 waxa dhamaystirqntay iskuxidhki Damurka Wadada Ceri-Burco oo dhererkeedu dhan yahay ...
30/05/2022

Manta oo tariikhdu tahay 30/05/2022 waxa dhamaystirqntay iskuxidhki Damurka Wadada Ceri-Burco oo dhererkeedu dhan yahay 286km

Hadda wixii ka danbeya waxa la bilaabaya dhamaystirka qaybta Biyo-Mareenada Wadada ( Structures)

Dhamaystirka samaynta Structures ama Biya-Mareenada oo qaybo kamid ay samaynaayen ayaa dhowaan iyaga la dhamystiridoona insha alla

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka JSL Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani ayaa maanta daah furay kulan lagaga ari...
28/05/2022

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka JSL Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani ayaa maanta daah furay kulan lagaga arinsayay Daraasada Mashruuca Wadada lawyacado-Fardaha -Borame iyo Saamaynta Deegaan oo uu maal gelinayo Baanka Horumarinta Africa.

Kulankan ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirada Gaashandhiga , Hawlaha Guud,Dhulka iyo Guryaynta,Ganacsiga iyo Dalxiiska,Maalgashiga iyo Warshadaha,Qorshaynta Qaranka,Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka,Horumarinta Biyaha,Gudoomiyaha Gudidda Berbera Corridor,Shirkadda SABA, Badhasaabada Gobolada Awdal iyo Salel, Maayarada Borame saylac,Gudoomiyaha Jaamacada Camuud, EELO,Hargeysa iyo Madaxda Deegamada ayay Wadadu Marayso.

Madaxdii iyo mudantii halkaasi ka hadashay ayaa soo dhawaysay kulankan lagaga arinsanayay Daraasadani.

Ugu dambayntii Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka ayaa si rasmi ah u furay kulankan oo muddo laba maalmood ah socon doona.

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Candirisaaq Ibraahim Maxamed Uuna wehelinayay...
14/05/2022

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Candirisaaq Ibraahim Maxamed Uuna wehelinayay Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka ayaa soo kormeeray dhismaha mashruuca Wadada Burco-Ceerigaabo oo dardargelinta dhamaystirkiisu socoto.
Waxa waftigu warbixin ka dhagaystay Injineerada gacanta ku haya Wadada oo faahfaahin ka siiyay halka ay marayso iyo dardarta ay ku socoto.

Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Khadar Cali Caarshe ayaa si guud uga warbixiyay dadaalka loogu jiro Mashruuca dhamaystirkiisa ka Wakaalad ahaan.

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim oo halkaasi ka hadlayay ayaa ku booriyay shaqaalaha dadaalka ay wadaan si jidkani muhiimka u ah isku tashina lagu dhisay u dhamaystirmo qarankuna u ogyahay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo hadalka soo xidhay ayaa u cadeeyay shaqaalaha waynaha Mashruuca in uu ku faraxsan yahay shaqada wayn ee qabsoontay siina labi jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan sidii loo dhamaystiri lahaa mashruucan.

Xafiiska Waaxda Xidhiidhka iyo Tiknaaloojiyadda RDA

Wasiir cusub ee Wasaradda Gadiidka iyo Hurumarinta Jidadka oo si rasmi ah ula wareegay xilkii Wasaradda
11/04/2022

Wasiir cusub ee Wasaradda Gadiidka iyo Hurumarinta Jidadka oo si rasmi ah ula wareegay xilkii Wasaradda

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Faarax oo si rasmi ah berrito xilka ula wareegi doona inshaAllaah.

Wasiir kusoo dhawow wasaarad kamid ah wasaaradaha qaranka laf dhabar u ah iyo shaqaale karti iyo karaamaba leh oo ku barbar istaagi doona.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Faarax oo si rasmi ah berr...
11/04/2022

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Faarax oo si rasmi ah berrito xilka ula wareegi doona inshaAllaah.

Wasiir kusoo dhawow wasaarad kamid ah wasaaradaha qaranka laf dhabar u ah iyo shaqaale karti iyo karaamaba leh oo ku barbar istaagi doona.

Dardargelinta dhamaystirka Jidka Wadada Cerigabo.Manta oo tariikhtu tahay 20/03/2022 waxa lagu qabtay Kaamka Berkeda Shi...
20/03/2022

Dardargelinta dhamaystirka Jidka Wadada Cerigabo.

Manta oo tariikhtu tahay 20/03/2022 waxa lagu qabtay Kaamka Berkeda Shir ay ka soo qaybgelineen Masuuliyinta Mashruuca iyo Cududa Shaqalaha Mashruuca.

Shirka ayaa darana sidii loo dhamaytira isku xidhka Wadada Cerigabo iyo Burco..

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka JSL Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ga...
14/03/2022

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka JSL Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay Degaanka Barkada Cali Xirsi oo dhismaha daamurka ee Mashruuca Wadada Ceerigaabo-Burco marayso.

Maareeyaha ayaa kormeerkiisan wuxuu daaranaa dardargelinta qaybtii u dambaysay laami isku xidhka Mashruuca Wadada Burco-Ceerigaabo iyo kormeerka sida ay u socoto hawshu shaqo ahaan iyo shaqaale ahaanba.

Maareeyaha ayaa goobaha uu marayay ka dhagaystay madaxda Mashruuca warbixinaha sida ay shaqadu u socoto.

Maareeyaha oo goobahaa u kormeerka ku marayay kula hadlay shaqaalaha mashruuca ayaa uga mahadceliyay shaqada culus ee ay qaranka u hayaan kulana dardaarmay in shaqada la libilaabo gaar ahaan daamur dhigista iyo isku xidhka wadada oo dhamaad ku dhaw.

Waftiga Maareeyaha ayaa waxa ku wehelinayay Gudoomiyaha Guddida Berbera Corridor Eng Ciise Yuusuf Xamari,Madaxa Mashruuca Wadada Burco-Ceerigaabo Eng Maxamed Cabdi Qoorsheel iyo madaxda Wakaaladda.

Safarka Maareeyuhu hor kacayo ayaa maalmo safar shaqo ku joogi doono Gobolka Sanaag.

Biriijki weyna ee Dacar-budhuq oo galaaftay Boqolal Shacabka Somaliland kamid ah ayaa Manta Madaxweynaha S/land si rasmi...
01/03/2022

Biriijki weyna ee Dacar-budhuq oo galaaftay Boqolal Shacabka Somaliland kamid ah ayaa Manta Madaxweynaha S/land si rasmi ah xadhiga uga jaray..

Biirijka waxan iska Kashaday Wakaladda Hurumarinta Jidadka iyo Dawlada Emaradka

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/risaaq Maxamed Ibraahim (Ataash) ayaa beeniyay inuu Iscasilay."Shaqo ayaan ...
20/01/2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/risaaq Maxamed Ibraahim (Ataash) ayaa beeniyay inuu Iscasilay.
"Shaqo ayaan ka imid, Qarankana waan u shaqaynayaa, Waxbana k**a Jiraan Wararkaasi oo waa Been abuur". Ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland MD  Muse Bihi Abdi Oo saaka ka soo kicitamay caasimada Hargeisa Jsl  ku so...
18/01/2022

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland MD Muse Bihi Abdi Oo saaka ka soo kicitamay caasimada Hargeisa Jsl ku soo dhaweyney airportka caalamiga ah ee bole international airport Ee magaalada addis ababa ee Dalka Ethiopia,

Wasiir Abdirisaq Ibrahim M Ataash

15/01/2022

Wasiirka Gadiidka iyo Hurumarinta Jidadka ayaa maanta hortegay Golaha Wakiiladda

Wasiir Cabdirisaq Ibrahim Maxamed Atash ayaa Guluhu ku ansixiyey cod aqlebiyad ah

01/01/2022
10/12/2021

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa bogaadiyay in Wasaarada Gaadiidku ay ka mid noqotay wasaaradaha soo xareeya dakhliga ugu badan, waxaana qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ku yidhi

"๐–axaan bogaadinayaa soona dhawaynayaa in Falanqeyn iyo dood dheer kadib la ansixiyay miisaaniyad sanadeedka ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฎ-ka, Wasaaradaha ugu badan ee soo xereeya dakhliga miisaaniyadda dowlada ayaa ay kamid Tahay ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š & ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‰๐ข๐๐š๐๐ค๐š.

Miisaaniyad-sannadeedka ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฎ -ka ayaa cadadkeedu dhamaa "๐Ÿ‘,๐Ÿ’๐Ÿ’๐Ÿ•,๐Ÿ–๐ŸŽ๐Ÿ,๐Ÿ“๐ŸŽ๐Ÿ“,๐Ÿ“๐Ÿ‘๐Ÿ–
(Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin,"

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ka mid ah wefti wasiiro ah oo uu hogaam...
06/12/2021

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ka mid ah wefti wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka qayb galay furitaanka Shir Nabadeed lagu qabtay Tuulada Yagoori.

Shirkan ayaa ah mid lagu heshiisiinayo Laba Beelood oo walaalo ah kuwaasi oo dirir ku dhexmartay Deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

03/12/2021
Wasiirka Wasaradda Gadiidka iyo Hurumarinta Jidadka C/risaq Ibrahim Maxamed Ataash oo ay weheliyan Mareeyaha Wakaladda M...
30/11/2021

Wasiirka Wasaradda Gadiidka iyo Hurumarinta Jidadka C/risaq Ibrahim Maxamed Ataash oo ay weheliyan Mareeyaha Wakaladda Mowliid Nuux ibrahim iyo Masuuliyinta waaxyaha ka duwan ee Wasaaradda ayaa ka qaybgalay Barnaamuj Dadweynu su'aalo ku weydiinaye

Barnaamushka oo daarana sidee loo xak**ayn laha Shilalka dhanka Gadiidka ka yimaada

Wasiirka Gadiidka iyo Hurumarunta Jidadka C/risaq Ibrahim Maxamed Ataasha iyo Mareeyaha Wakaladda Mowliid Nuux Ibraahim ...
23/11/2021

Wasiirka Gadiidka iyo Hurumarunta Jidadka C/risaq Ibrahim Maxamed Ataasha iyo Mareeyaha Wakaladda Mowliid Nuux Ibraahim Taani ayaa si degdeg ah uga soo jawaabay Codsigii Shaqalaha Mashruca Cerigabo ay Wasiirka C.risaq Ataash u soo gudbiyeen Safarkii uu dhowaan ku soo gaadhay Mashruca Ceri-Burco

Shaqalaha ayaa Wasiirka ka codsaday in loo keeno Agabka dhaxanta maadama Xiligii qaboobaha la galay

Wasiir Gadiidka iyo Hurumarinta Jidadka ayaa Shaqalaha ka aqbalay codsigoodi una balan qaaday in si degdeg ah loo soo gaadhsin doono Agabka dhaxanta.

Wasiirka iyo Mareeyaha oo ka jawaabaya Codsiga Shaqalaha ayaa soo gaadhsiyey Shaqalaha Mashruca Gogol iyo Koodhadhka Dhaxanta

Wasiirka Wasarada Gadiidka iyo Hurumarinta Jidadka Mudqne Cabdirisaq Ibrahim Maxamed Ataash ayaa ka qaybgalay Xilwareeji...
23/11/2021

Wasiirka Wasarada Gadiidka iyo Hurumarinta Jidadka Mudqne Cabdirisaq Ibrahim Maxamed Ataash ayaa ka qaybgalay Xilwareejinti Wasarada Cusub ee Hurumarinta Reermiyiga

Wasiir Ataash ayaa Wasiirka Cusub ugu hambalyey Xilka loo magcaabay

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ka qaybgalay Xaflada Xadhiga...
20/11/2021

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ka qaybgalay Xaflada Xadhiga ka jarka Madaarka Berbera ayaa Khudbad ka jeediyay Munaasiba loo qabtay Madaarka.

"Waxaa farxad weyn ii ah inaan maanta goob joog ka ahaado anigoo ah wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka xaflada xadhiga ka jarka madaarka caalamiga ah ee berbera intertional airport oo uu Madaxweynaha JSL Xadhiga Ka Jaray".........Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash)

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo uu wehelinayo Maareeyaha Wak...
17/11/2021

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo uu wehelinayo Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Wadooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani iyo Gudoomiyaha Guddida Berbera Coridor ayaa kormeer ku tagay Dhismaha Waddada Berbera-Coridor halkaasi oo ay ku indho-indheeyeen sida ay u socota Dhismaha Waddadaasi.
Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa shirkada dhisaysa Waddada ku amaanay sida ay u wadaan shaqada, waxaan uu u sheegay in shacabka Somaliland ay soo eegayaan isla markaana ay sugayaa inay si dhakhso ah u dhamaato maadaama ay isku xidhayso bariga iyo galbeedka dalka, sidoo kalena ay ku taalo Dekeda Berbera.

Waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay shilalalkii Dalka ka dhacay 48 kii saac ee u danbeyey, ee u ugu danbeyey Kan ha...
13/11/2021

Waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay shilalalkii Dalka ka dhacay 48 kii saac ee u danbeyey, ee u ugu danbeyey Kan hada kadhacay degaanka Beer ee Gobolka Togdheer ilahay haka Samir siiyo qoysaskoodii, Inta dhaawacantayna Eebe ha u booga dhayo.

Waxaan rabaa in bulshadu ogaato in aanu gacanta ku hayno ka jawaabis sharci ah, si looga badbaadiyo muwadiniinta kuwa qayrul Masuulka ah ee Gawaadhida u kaxaynaya sida masuuliyad darada ah.

Tani maaha mid sii Socon karta
Waa masiibo qaran oo aynu gacmaheena ku samaynayno, waase lagala xisaabtamayaa kuwa Masuulka ka ah.

Alla mahadleh
abdirisaq ibraahim M Ataash
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) iyo Maareeyaha Wakaalada Horuma...
13/11/2021

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) iyo Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Wadooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani ayaa Kormeer ku tagay Dhismaha waddada Hargeysa Bypass

Address

Cerigaabo

Telephone

+252636280367

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogdoon Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share


You may also like