Salaam TV سلام

Salaam TV   سلام Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Salaam TV سلام, TV Channel, Airport Street, Cabuud Waaq.

02/01/2024

Walaalayaal qabriga Xusuusta iyo Geerida mar kasta. Khayrka sii share garee

26/09/2023

Xafladda Soodhawaynta bisha Mowliid ee uu dhashay Nabigeena Muxamad ah صلي الله عليه وسلم ayaa waxaa lagu dhigay iskuulka October Primary & Secondary School .

Xafladda oo ay soo qaban-qaabiyeen Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda iskuulka ayaa waxaa kasoo qayb-galay: Culimada,Waalidiinta,Macalimiinta,Ardayda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Xafladda ayaa waxaa laga aqriyey: siirada Nabiga صلي الله عليه وسلم,Nabi ammaan,Dugriyo iyo waliba khudbado kala duwan.

Alle hainaga yeelo kuwii Xabiibkeena صلي الله عليه وسلم uu u shafeeyo qaado oo jannada la gala.

📷 Ugaas

Xafladda soo dhawaynta Nabigeena Muxamad ah صلي الله عليه وسلم ayaa lagu qabtay iskuulka October Primary & Secondary Sch...
26/09/2023

Xafladda soo dhawaynta Nabigeena Muxamad ah صلي الله عليه وسلم ayaa lagu qabtay iskuulka October Primary & Secondary School .

📷 Ugaas

Bahda warbaahinta ee Degmada Caabudwaaq ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Gudaha Degmada Caabudwaaq waxay kaga arin Sadee...
18/07/2023

Bahda warbaahinta ee Degmada Caabudwaaq ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Gudaha Degmada Caabudwaaq waxay kaga arin Sadeen Sidii loo dardargalin lahaa Isku xirnaanshiyaha Warbaahinta Degmada iyo Sidii Hal dhinac oga soo wadajeesan Lahaayeen Warbaahintu Caqabadaha Ku gadaaman.

Kulankan ayaa Waxaa Qadka Taleefanka Oga qaybgalay Gudoomiyaha midowga Saxafiyiinta Galmudug ee UJOG mahad bashiir xilif oo Howlo shaqo oga Maqan Deegaanka.

Kulankan ayaa wariyaashu ugu danbeyntii Ku gorfeeyeen Qodobo muhiim u ah Isku xirnan shahooda.

XAFLADDA SOO DHAWAYNTA DHALASHADHII NABIGEENA SUUBAN ( صلي الله عليه وسلم )Xaflad looso agaasimay si heer sare ah taasoo...
05/10/2022

XAFLADDA SOO DHAWAYNTA DHALASHADHII NABIGEENA SUUBAN ( صلي الله عليه وسلم )

Xaflad looso agaasimay si heer sare ah taasoo ay soo agaasimeen: Maamulka,Macalimiinta,Waalidiinta iyo Guddiga Ardayda ayaa lagu qabtay October Primary & Secondary School . Xafladda waxaa kasoo qayb galay: Gudoomiyaha waxbarashada Caabudwaaq,Culimada,Waalidiinta,Ardayda iyo waliba Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Nabigeena Suuban waa midka Sababta u ah in aan Maanta ku noolaano islaanimo, u tukano si xor ah, u cibaadaysano inagoon cidna ka baqayn, waa midka Naftiisa iyo maalkiisaba u huray sidii Diintu nagu soo gaari lahayd.

Waxaan Alle ka baryaynaa inuu Maalinta Qiyaamo Naga yeelo kuwii uu Xabiibkeenu u shafeeco qaado.

22/08/2022

"Gabadhu waa Cowro,hadii ay banaanka u baxdo waxaa fayd-fayda shaydhaanka"

Waa video faaiidooyin badan u leh gabdhaha.

📷 Salaam TV سلام

U adeegaha Bulshada Salaam TV   سلام  ayaa Maanta Sawiro ka qaaday qayb kamid ah Dhalinyarada Degmada Caabudwaaq, Halkaa...
02/05/2022

U adeegaha Bulshada Salaam TV سلام ayaa Maanta Sawiro ka qaaday qayb kamid ah Dhalinyarada Degmada Caabudwaaq, Halkaan Quruxda badanna waa .

📷 Salaam TV سلام

28/04/2022

Dowlad aan dhisnee 🇸🇴
Dan shaqsiyaad kabaxa ❌

Bilicda iyo qurxda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Galmudug .Sawirada waxaa ku jira Madaxa tababarada jaamaca umm...
22/04/2022

Bilicda iyo qurxda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Galmudug .

Sawirada waxaa ku jira Madaxa tababarada jaamaca ummada soomaaliyeed, Agaasimaha waxbarashada Galmudug, Madaxda Haayada Save children iyo qaar kamid ah Ardayda Jaamacadda.

Xuquuda Sawirada 📷 Salaam TV سلام

05/03/2022

October Primary & Secondary School

📷 Salaam TV سلام

Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay  5/03/2022 ka bilowday October Primary & Secondary School   Imtixaanka Teeramka saddexa...
05/03/2022

Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay 5/03/2022 ka bilowday October Primary & Secondary School Imtixaanka Teeramka saddexaad, Imtixaanka waxa uu ugu bilowday si habsami leh, waxaana Alle ka rajaynayaa inuu ugu dhamaado siduu ku bilowday si ka wanaagsan.

📷Salaam TV سلامم

05/02/2022

Inka badan boqolkiiba 80 waan Fahmay hadalkiisa waana Amaan uu amaanayo xabiibkeena Muxamad ah ( Salalaahu calayhi wasallim), dadka aan fahmayn hadalkiisa waxaa ka badan Magaca Nabigeena muxammad sh صلي الله عليه وسلم .

Allow naga yeel Kuwii jannada la galaa Xabiibkeena ❤🤲

04/02/2022

Saddex 3 waxyaalood kaftan ma galaan, kaftankooduna waa dhab.

Haddaba waa maxay saddexdaas waxyaalood?

03/02/2022

Waxyar ila daawo wilkaan uu ilaahay xikamada iyo aqoonta isugu daray.

Waxaan Hambalyo u dirayaa iskuulka October Primary & Secondary School  uu u bilowday Koobka tartanka Groupyada.Waxaa saa...
27/01/2022

Waxaan Hambalyo u dirayaa iskuulka October Primary & Secondary School uu u bilowday Koobka tartanka Groupyada.

Waxaa saakay tartamay Group A oo helay 22 dhibcood iyo Group B oo isna helay 22 dhibcood.

Waxay isla galee bar-bardhac. Hambalyo ayaan leeyahay labada group oo soo bandhigay Aqoon iyo dadaal.

Salaam TV سلام

Aqoontu waxay dhistaa aqal aan tiirar lahayn, jahligana wuxuu dumiyaa guriga sharafta iyo deeqsinimada .العلم يبني بيوتا...
16/01/2022

Aqoontu waxay dhistaa aqal aan tiirar lahayn, jahligana wuxuu dumiyaa guriga sharafta iyo deeqsinimada .

العلم يبني بيوتاً لا عماد لها والجهل يهدم بيت العزّ والكرم

Iskuulka October Primary & Secondary School .

📷 Salaam TV سلام

15/01/2022

Social-media waa aalad leh labo af, hadii aad dhanka xun u adeegsato oo aad ka daawato kuna faafiso waxyaalaha xun-xun waxaad noqonaysaa qof qasaaray Aduun iyo aakhiro ilaahayna wuu kuu caroonayaa, balse hadii aad noqoto qof ka daawada sidookalena ku faafiya waxylaaha Wanaagsan waxaad noqonaysaa qof liibaanay Adduun iyo aakhiro ilaahayna raali ayuu kaa noqonayaa.

Sidookale walaal hadii aad noqoto qof bartay kuna bar-baaray diinta ilaahay, waxaad tahay qof aan shaki laga galin karin diintiisa, balse hadii aad tahay qof aan Diinta iyo kitaabada aan baran waxaad halis ugu jirtaa in diintaada lagaa fidneeyo, waayo waxaa soo baxay dad gaalaysiinaya dadka oo Adduunyo iyo dhoof u balan qaadaya.

Waxaa sidookale nalaka rabaa inaan ilaalino walaalayaa kuwaan soo socda oo kala ah:

1= Xaqqa derisk oo ah in loo kaalmeeyo oo aan la dhibin.
2= Xaqqa Waalidka oo ah in la adeeco.
3= Xaqqa waddada oo ah in aan qashinka iyo waxyalaah xun-xun aan la dhigin.

MAHADSANIDIIN 👏

12/01/2022

Waa Aabe Soomaaliyeed oo Xanuusan waxa la nool oo nolol maal-meed ka sugaya Caruur uu dhalay iyo Hooyadood. Markii aan u naxariisano waxa dhulka jooga ayuu ilaahay noo naxariisanayaa.

Xoolahaaga waxaad ka leedahay wixii aad hormarsato aad ka sadaqaysato, aan xoolaheena ilaahay dartiis ula baxno.

Magaciisu waa Mukhtar Hussein Mohamed, waxa uu ku noolyahay Mandera,kenya, .

Evc plus +252610142362
Mpesa +254726553683

Fadlan hadii aadan waxba u awoodin u share garee waxaa laga yaabaa in uu gaaro videogaan qof wax u qabta adna ilaahay uu ajar kaa siiyo.

Sanadkii tagay ee 2021 dadkii ugu Saamaynta badnaa Degmada Caabudwaaaq.Salaam TV   سلام
07/01/2022

Sanadkii tagay ee 2021 dadkii ugu Saamaynta badnaa Degmada Caabudwaaaq.

Salaam TV سلام

Salaam TV   سلام   Waxa uu Caawa shaacin doonaa Tobanka qof ee ugu saamaynya badan Degmada Caabudwaaq,sanadkii tagay ee ...
07/01/2022

Salaam TV سلام Waxa uu Caawa shaacin doonaa Tobanka qof ee ugu saamaynya badan Degmada Caabudwaaq,sanadkii tagay ee 2021.

Mahadsanidiin..

Sheikh bashiir mucalim c/laahi Wuxuu kamid yaha culimada ugu saraysa gayiga soomaaliyeed si gaara Galgaduud/Caabudwaaq, ...
06/01/2022

Sheikh bashiir mucalim c/laahi

Wuxuu kamid yaha culimada ugu saraysa gayiga soomaaliyeed si gaara Galgaduud/Caabudwaaq, Wuxuu caan kuyaha akhrinta culuumta diiniga ah noocyadeeda kala duwan sigaara culuumta fiqhiga .

Waxqabadkiisa :

Waxyaabaha laguxasuusandoono waxaa kamid ah, ukhidmaynta diinta iyo dacwada alle .
Wuxuu rag xertiisa ah- ee uu ku hubsaday in uu ku aamino jiil ladhisayo- udiray tuulooyinka iyo dagaanada hoos yimaada Degmada Caabudwaaq si ay ooga akhriyaan culuumta diiniga ah sidookale qayba kamid ah dawlad deegaanka soomaalida ee culuumtan ayey ka akhriyaan.

Waa qoraaga dhiganaha khulaasatu al-athkaar ee uu u meeriyey ardaygiisa mr abdulqaadir abdirahmaan

Ardadiisa ka aflaxday Waxaa kamid:

1= Sh c/raxmaan muxamed abdijawaan = daaci iyo muddaris/ kutub akhriya.
2= Mr c/qaadir c/raxmaan qoraa iyo muxaarhir
3= Sh mahad dawdawle =Mudaris
4= Ustaath c/ raxmaan(dakir) C/rahmaan =daaci
5= Sheikh nuur cadde = mudaris iyo daaci
6= Sheikh muxamed odaywaa = qoraa iyo daaci
7= Sheikh bashir gunax mudaris
8= Sheikh xasan tahliil qoraa daaci iyo muxaadir
9= Sheikh c/raxmaan guunax mudaris Iyo kuwo kale oo badan magac iyo maamuusna kuleh somalida dhexdeeda.

Shekha cumrigiisa alle hadheereeyo ilaa hadda wuxuu kuhawlanyaha u khidmaynta diinta .

Follow dheh pageka

04/01/2022

Waxaa agteena ku dayacan Xayawaano aad u fara badan, taas oo mas'uuliyadeeda ay qaadeen Wasarada xanaanada xoolaha iyo qof walba oo bartaa xanaanada xoolaha ( Veterinary ).

Wasaarada xanaanada xoolaha iyo Ardayda wax ka bartaa jaamacadaha kala ah : 1=Jamacadda ummada soomaliyeed, 2= jaamacada Dhaahaa iyo waliba jaamacada Savanah, waxaan kula dardaarmayaa mas'uuliyadaan aad gabteen Shaqay idinkaga baahantahay.

Xayawaankaas Fooshu dhibayso wuxuu u baahanyahy waa waxyar oo fududu ilamaha ayaa ku qaloocan dabcan, Qof walba oo danaynaya inuu wax u qabto neefkaan waxa uu ka helayaa , Kasoo horjeedka Maqaaxida Soomaali-wayn, kasoo horjeedka Olompic ama Kasoo horjeedka shirkadda Hubaal.

DHARE Salaam TV سلام

28/12/2021

Xanuun 😭 badanaa Markii aadan hadli karin, oo aadan oran karin halkaas baa laiga hayaa ee waxaas hala ii sameeyo.

Waxaan wasaarada Xanaanada Xoolaha ugu baaqayaa in ay Xoolaha Mas'uuliyada ay u hayaan ay u gutaan sida Alle ku ogyahay.

Salaam TV سلام

Shiikh Daa'uud Xirsi siyaad oo ah shiikhul baladka Degmada Caabudwaaq ,  ayaa waxa uu Maalinta Axada 26/12/2021  bilaaba...
25/12/2021

Shiikh Daa'uud Xirsi siyaad oo ah shiikhul baladka Degmada Caabudwaaq , ayaa waxa uu Maalinta Axada 26/12/2021 bilaabayaa Labo kitaab oo kala ah. 1= minhaajul-dhaalibiin ( منهاج الطالبين ), 2= Safwah-alZubad ( صفوه الزبد ) .

Waqtiyada la galayo Labadaas kitaab waa :

1= minhaajul-dhaalibiin ( منهاج الطالبين ), Waxaa la galayaa Maalin walba Salaada Duhur kadib ( بعد صلاة الظهر ) .

2= Safwah-alzubad ( صفوه الزبد ) , Waxaa la galayaa Khamiis walba 6:30am Aroornimo, isagu khamiista kaliya ayaa la galayaa.

Dhamaanteen aan kawada faaiidaysano Khayrkaas uu ilaahay nala soo doontay, Dadka kalena aan la wadaagno si ay uga Faaiidaystaan.

20/12/2021

20 sano oo uu ahaa addoon waxa uu ka shaqaynayey Beer, ugu dambayn waa La xoreeyey, Waxaa loo guuriyey gabadhii uu dhalay ninkii adoonsanayey, waxaana la siiyey beertii uu ka shaqaynayey, intaas oo dhan waxa uu ku helay Cabsida ilaahay ( تقوي الله ).

Waa Kuma qofkaas, ilmaha uu dhalayna waa kuma?

SHARE

Waxaa si guul ah ugu soo dhamaaday dugsiga Hoose Dhexe ee shire Jamac Ahmed Imtixaanka teeramka Koobaad .Waxaan dhamaan ...
15/12/2021

Waxaa si guul ah ugu soo dhamaaday dugsiga Hoose Dhexe ee shire Jamac Ahmed Imtixaanka teeramka Koobaad .

Waxaan dhamaan ardada u rajaynaynaaa natiijo wanaagsan

Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.😭Allaha unaxariisto Oomaar Cismaan oo Gacan ku xaq daran ay ku dishay Magaaalada ...
13/12/2021

Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.😭

Allaha unaxariisto Oomaar Cismaan oo Gacan ku xaq daran ay ku dishay Magaaalada Caabudwaaq.

Ilaahay hau naxariisto , Qabriga Allaha u nuuriyo.🤲

12/12/2021

Hordhaca Taxanaha Cusub
SAFARKII DHEERAA & SAHANKII XAQA.

Soo jeediye: Mohamuud Mohamed Adam ( Maahir )

Alxamdululaah!!Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay  11/12/2021, ka bilowday October Primary & Secondary School ,  imtixa...
11/12/2021

Alxamdululaah!!

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/12/2021, ka bilowday October Primary & Secondary School , imtixaanka Teeramka Sanad Dugsiyeedka 2021_2022.

Waxaan Dhamaan ardayda ku dhiiri-galinaynaa inay dadaalaan o ay natiijooyin fiican keenaan.

📷 Salaam TV سلام

07/12/2021

Abwaan "Abdifitaah abdullahi baasawayne "❤

Address

Airport Street
Cabuud Waaq

Telephone

+252617356293

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Salaam TV سلام posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Salaam TV سلام:

Videos

Share

Category


Other Cabuud Waaq media companies

Show All

You may also like