Maxamed Zeki photography

Maxamed Zeki photography kusoo dhowoow page ka mxmd zeki photography Page ka caalamiga ah we mxmd zeki photography

Thesis book cover you will get like this cover design
28/06/2022

Thesis book cover you will get like this cover design

OOHINTU WAAMID FAAIIDO BADAN ULEH QOFTA DUMARA XAALADO BADAN OO NOLOSHEEDA KAMIDA TAASOO AADMOODO NASIIB AY DHEERYIHIIN ...
03/07/2018

OOHINTU WAAMID FAAIIDO BADAN ULEH QOFTA DUMARA XAALADO BADAN OO NOLOSHEEDA KAMIDA
TAASOO AADMOODO NASIIB AY DHEERYIHIIN MARARKA QAARKOOD RAGGA WALAW RAGGA ILAAHAY AANU KADHIGIN QALBIGOODA MID UJILICSAN OOHINTA AMA MURUGADA
HADDABA KUSOO DHOWOWOOW DHAMAYSTIRKA QODOBKEENA MAANTA
W/Q
mxmd muuse cilmi (mxmd zeki)
Illaahay markuu aaburay khalqiga haweenka waxa uu Illaahay siiyay awood gaar ah waxaana la siiyay dumarka samir.iyo awood aan la siin noolle kale waxay u dulqaataan dhibka adduunka oo dhan, waxa uu
Ilaahay dumarka siiyay laba gacmood oo xanaano badan oo laga helo raaxo iyo degenaan waxay siiyaan ilamahooda iyo wixii la hal maala, Illaahay waxaa uu dumarka siiyay awood gudaha ah oo ay uga dulqaataan dhibka iyo rafaadka caruurta sidda dhalmada iyo korinta ubadka, waxay leeyihiin dumar awood ah inay u soo jeedaan ilmahooda daraadii hadiiba meel lagaqabto habeen oo dhan maalin oo dhan nafteeda ta ilmaha yar ayay ka hormarisaa, dumarka. waxaa la siiyay adkeysi midka ugu weyn oo ah udulqaadashada dhibka kaga imaanaya wax walba oo ku xeeran sidda inay illaaliso caruurteeda ubadkeedda unafuliso wax walba oo ay karto xitaa yayna awoodinbee .
Waxa lasiiyay haweenka raxmada iyo farxada ay kufaraxsantahay xananaynta ubadkeeda, seygeeda, walaalkeed iyo aabaheed iyo intii wax u ah iyada.”Dumarku waxay ka samaysanyihiin naxariis wanaag aan is badalin waligii.Hooyadu waxay ubadkeeda siisaa farxad iyo wanaag aan la soo koobi karin xataa hadii uu dhibo ama ay ku dhibtooto waxay ku ilowdaa wax yar dhibka ubadkaas ay ka martay badalka dhibkana waxay siisaa jaceylxanaano ilaalin korin iyo dhiiri galin waxay ka saxdaa khalad walba illaa ay u bilowda habka hadaaqa kalmadaereyga iyo qaab u hadalka.
.OOHINTA
ayaa la siisayay dumarka si ay uga yareyso waxii dhib ahaa ee gaadhay waana mid ay dani u keento.Markii ay faraxdo wa oydaa.!!!Markii ay dhibtooto waa ay ooydaa
haweeneydu Markii ay wax gaadhaan qofka ay jeceshahay way oydaa!!!Xittaa haddii ay kala maqanaadaan shakhsiga ay jeclayd ha u ahaado jacaylkeeda walaalkeed
ama waalidkeed wa amid oyda.
Awooda ilaahay
Oohintaas ay ooydo ayaa ka baabi’isa xanuun oo dhan halkaas ayay Ku ilawdayaa
Waxaanay halkaas ka sii wadaa nolosheeda caadiga iyadoo farxad cusub la soo baxday.
Siddaa daraadeed waxa inagu waajib ah inaan ixtiraamnno dumarka
haddii aad aragto iyadoo ooyeysa ha la yaabin ee la qaybso dhibka una muuji wanaag farxad iyo raali gelin.

Waadkumahadsantahay akhrinta qoraalkan
Fadlan like.and

W/Q mxmd muuse cilmi(mxmd zeki
)
What's app. :- +252659981690
Email:[email protected]

27/06/2018

XAQIIQDA JACAYLKA DHABTA AH
Waa qoraalkii.mxmd zeki.
Si aynu u fahano jacaylka dhabta ah maxaynu nidhaahnaa jacaylka? Figrado ayaa odhanaya jacaylku waa aragtida u h**eysa, jacaylku waxa uu sameeyaa mucjisooyin, jacaylku waa uu indha la yahay, jacayku waa cadaab, jacaylku muxuu dad laayahay,
Laakin jaxaylku wuu kaduwanyahay sidaad.ka.aaminsantahay
*Jacaylku waa waraabiyahay nolosha iyo macaanka ruuxda jacaylku waxa uu ku sifoobaa nolol qurxisa nafta, jacaylka waxa lagu galaa danbiyada yaryar waxana uu soo badhigaa wanaagyada maalinta uu jacaylku dhamaado naftu waxay ay gashaa jawi kaduwan kii h**e, hadii ay badu leedahay xeeb hadaba jacaylku waaa mid aan lahayn xeeb, jacaylka dhabta ihi waa ka dhex mara lamaanaha xalaasha isku guursada sifo waafaqsan shareecada islaamka waxana uu ka bilaamaa ayaamaha ugu h**eya guurka sanadada h**e iyo kuwa dhex iyo ugu danbeen ayaamaha nolosha aduunyada, aduunyada hadalkeedadaa ilaa nolosha aakhiro i

Marka kalgacalku iyo jacaylku iyo isfahanku ay iswaafaqaan waxay ay sababaan in lamaanaha is qabaa iska kaashadaan wanaaga daacadka illaahay iyo khayrka, nolosha lamanuhuna waxay noqonaysaa mid nool oo dhalatay oo noolanaysana dhimanaysana, hadaba noloshani waxa ay ku shaqaysaa is fahanka labada aqli iyo caadifada ku jirta labada qof hadaba jacaylku waa shucuur iyo dareen la wadaago waana lagama maarmaan in ay dadku yeeshaan.
By mxmd zeki.photography📷

27/06/2018

Mushkiladaha soo dhexgala lamaanaha isqaba wakhtiga qaarkii

Waxa aan u fiirsaday xalada dadka is qaba markii aan waydiyay su'aalo badan la ina soo bandhigay mushaakilaad badan oo ku saabsan arinkooda markii aan u fiirsaday waraysiyo badana aan la yeeshay waa mushkulada ku soo noqnoqnaysaa lamanayaasha is qaba.
Waa maxay mushkiladaasi hadaba?
Waxa weeye kalgacalkii iyo jacaylkii labada qof ee is qabay oo gaadhay heer uu ka maqan yahay meesha ama uu kala go ku dhacay, Sababaha ugu waawayn ee keena kala go,aa iyo khalkhalka nolosha labada qof ee is qaba kuna keena in ay dhibaatadu ku badato waxa weeye waxaynu ku nool nahay casri ay ku badantahay qalabka is gaadhsiintu si wayna ugu faaftay sidoo kale door waynay ka qaadanayso faafinta ay faafayaan fidmada jacaylka iyo mugdiga jacaylku leeyahay.
QODOBKA LABAAD

Adadeega ay wataan dareenka lamanayaashu iyo iyagoo aan cabireen dareen kalgacayl ama jacayl wata oo midba midka kale tusayo hadii uu heloba jacaylku, dareemadani waa qaar ku culus carabka in uu soo saaro laakiin carabku garanayo.

QODOBKA SADEXAADA
Waa maqnaasha kalgacaylku ama jacaylku meesha ka maqan yahay waa sida iyadoo aanla is ixritaamin isna qadarin la,aan taas oo keenaysa kacdoon nafsaani ah murugo iyo dareemo diidmo bixinaya noloshii lamaanuhuna waxay ay isku rogaysaa dhanka kale, taas oo saamayn ku yeelanaysa guriga iyo umadka iyo dhamaan bulshada oo dhan.
QODOBKA AFRAAD
Waxa laga yaaba jacaylka oo laga ilaaliyo madax xanuunka in uu noqdo laban adkeeya xidhiidhka lamaanaha gurigana ka yeela beer hodan ku ah qurux iyo wanaag kana buuxa kalgacayl iyo naxariis wax wada qabsi iyo is fahan dareemaana mid kastoo ka mid ah lamaanu in uu dhexdooda yahay wanaag iyo in ay yihiin labada qof ee aduunyada isku wanaagsan kulankooguna uu yahay guusha kalgacaylka, ma jiraa halkaa waxa ka wanaagsan la kulanka qof jacayl qof uu jacayl yahay?! Ninku: waa dejiyahay nafta iyo ruuxda..
GURIGU: waa dejiyahay labada lamaane intay joogana waxay ay dareemaan amaan iyo xasilonaan iyado ninku yidhaahdo
waxa iyada kafeeyay anigana igu filan.
Hadaba furaha guusha boqortooyadan wanaagsan waxa uu ka bilaamaya labada lamaane oo kaliya.

Waa qoraalkii
📷Mxmd zeki photography📹
📨Email:[email protected]

27/06/2018
23/06/2018

Good morning all of you

Waaaaaa maaalinta xuska gooni isutaaga jamhuuriyada Somaliland
14/05/2018

Waaaaaa maaalinta xuska gooni isutaaga jamhuuriyada Somaliland

Address

Burco

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxamed Zeki photography posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share



You may also like