27/05/2024
36 ka dib Maanta oo kale Gudo-galkii SNM ee Burco Iyo Saskii Siyaad Barre.
W/Q: Cali Cabdi Coomay
Gudo-galkii Burco ee SNM maanta waxa laga joogaa 33 sanno, waxaanay ahayd 27/5/1988. Dagaalyanno ka tirsan jabhadii SNM oo uu hogaaminaayo Muj. Axmed Mire Maxamed oo wata 30 baabuur oo isugu jira kuwa ciidan iyo kuwa shicib ayaa ka soo dhaqaaqay tuulada Samatar Axmed. Qorshuhu wuxuu ahaa in ay Burco qabsadaan oo shidaalka baabuurta ugu jiraa wuxuu gaadhsiinayey Burco oo keliya. Waxaanu isku qancinay in taakuleynta iyo shidaalkuba uu yaallo Burco, sidoo kale hubkii iyo gobonimadii waxa ay taal Burco ee halkaasi ma ku dhimanaa ayuu ku yidhi ciidankiisii Axmed Mire, iyanna waxa ay yidhaaheen haa, sidaasi ayey ku soo dhaqaaqeen ciidankii Burco galayey. Salaaddii subax ayey Axmed Mire iyo ciidankiisi ku tukadeen goobta la yidhaa Barta, markiiba waxa ay dagaal ku bilaabeen taliskii ciidankii gaaska 3-aad ee fadhigiisu ahaa Burco, sidaasina ayuu dagaalku ku bilaabmay.
Saskii Siyaad Barre
25-guuradii aasaaskii ururkii midowga Afrika oo ku beegnayd 25/5/1988 oo ka dhacaysay Adiis Ababa ayaa Siyaad Barre lagu martiqaaday oo ku sugnaa. 27/5/1988 Siyaad Baree iyo Mingistu oo ku wada sugan magaallo dalxiiska Itoobiya ee Soodari oo si wadajir ah ugu xafladeynaya heshiiskii dhinacooda taariikhiga ka ahaa ee ay ku kala saxeexdeen dalka Jabuuti, ee nuxurkiisu ahaa in Mingistu uu SNM hubka ka dhigo, halka Siyaad Barrena uu hubka ka dhigo jabhadihii ku kacsanaa Itoobiya ee uu taageeri jiray, ayuu tilifoon ku soo dhacay Siyaad Barre, kaasi oo sheegaya in Burco ay u gacangashay SNM. yaab iyo af kala qaad ayey ku noqotay Siyaad Barre, ka dib Migistu oo dhinaciisa fadhiya ayuu ku jeestay oo uu ku yidhi” waad I khiyaamaysay.” Mingistu ayaa la hadlay saraakiishii ammaanka, iyana way u xaqiiyeen qabsashada Burco ee SNM. ka dib Ministu wuxuu wacad ku maray in aanu arrintaasi waxba ka ogeyn ee uu hadda uun maqlay. Siyaad Barre iyo Jannanadiisi waa la soo marin waayey in aanay Itoobiya waxba k