Cabdikariim maddaale

Cabdikariim maddaale YouTuber

09/11/2024

muuqaalkan daawashadiisa dib ha udhigin !!

  RAGANIMADA xeerarkan waxay kuu suurto galinayaan in aad yeelato dad ladhaqan , iyo in ay bulshada kugu xeerani ku jecl...
08/11/2024

RAGANIMADA
xeerarkan waxay kuu suurto galinayaan in aad yeelato dad ladhaqan , iyo in ay bulshada kugu xeerani ku jeclaato

Muuqaalkani kasoo daawo halkan

https://youtu.be/cgR1SVmF-wE

casharkii salaasada Present perfect CONTINUOUS TENSE 🙏🙏👏
30/05/2023

casharkii salaasada
Present perfect CONTINUOUS TENSE 🙏🙏👏

Present Perfect Continuous || -soomaali ||learning GRAMMAR. 12Tenses Part 2Waxa aanu u taaganahay faafinta wanaaga iyo khayrka.Waxa kale ...

02/01/2023

SANAD WACAN 2023

2023😘 alle haka yeelo sanad nabad iyo barwaaqo aynu ku dhamaysano. Marka uu sidaas ookale sanadku u dhamaado waxa fiican inaad naftaada xisaabiso, oo aad weydiiso waxa ay soo fashay wanaag iyo xumaan sanadkaas galbaday👨‍🏫🙏. Waxa kale oo kula gudboon inaad illaahay uga toobad keento denbiyadii kaa dhacay sanadkaas dhamaaday😘. Waxa ka oo kula gudboon inaad dib u eegto waxyaabihii aad qorshaysatay sanadkaas dhamaadkiisa, ama aad niyadda ku haysay inaad qabato, waxa ka hirgalay iyo waxa ka qabyoobay. iyo weliba waxa caqabado kaa horyimi iyo sida aad u waajahday🏃‍♂️. Waxa kale oo kula gudboon inaad qorshe u samaysato sanadkan cusub oo aad isu-diyaariso, aadna iminka sii suureyn karto cidda aad noqon doonto iyo sida aad u eekaan doonto marka uu sidan oo kale u dhamaado SANADKANI2023👀🤲. ALLE S.W.C. haynaga qaboojiyo QALALAASAHA uu inoogu soo galay sanadkani ee bulsheed (laascaanood). Rejooyin iyo yididiilooyin farabadan ayaan ka leeyahay sanadkan ee alle ha igu simo dhamaadkiisa caafimaad qab iyo cibaado suuban I.A.👑

Dawada Werwerka1Dunida inta aynu ku noolnahay xanuunka ugu badan ee innala kulmaa waa Werwerka. Qof kastaa waxa uu la no...
24/11/2022

Dawada Werwerka

1
Dunida inta aynu ku noolnahay xanuunka ugu badan ee innala kulmaa waa Werwerka. Qof kastaa waxa uu la nool yahay werwer, mid imtixaan dugsi ama jaamacadeed ka werwersan, mid guur ka werweraya, mid caafimaad ka werweraya, mid dayn la werwersan, mid ubad la’aan ka cabanaya, mid ubad korintood la werwersan, nolosha oo dhan werwer ayaa innala saaxiib ah.

2
Kolka aynu dhimanno ee dunida ka soconno waxa innoo bilaabma werwer kale oo ah in Ilaahay hortiisa aynu kula kulanno danbiyadii aynu samaynnay oo la innoo qabsado.

Labadaas xanuun ee midna adduunka innagu dhaco, ka kalana aakhiro ayaa Nebigu Scw dawadooda innoo sheegay.
Xadiiska Ubaya bin kacab ayuu Nebigu Scw ku sheegay “Haddii Salliga Nebiga Scw aad badiso in Werwer oo dhan lagaa kor qaadayo, danbigaaga oo dhanna la dhaafayo”.

Warkaygu wuxuu ku kooban yahay Salliga Nebiga Scw aan badinno. Gaar ahaan caawa iyo berri oo Jimce ah.

اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد صلى الله عليه وسلم ❤️

Xamse Cumar Kujoog

Karaamada iyo weynida qofka  waxaa lagu gartaa ilaa iyo xadka uu diyaar u yahay inuu saamaxo una naxariisto kuwa qaladka...
17/11/2022

Karaamada iyo weynida qofka waxaa lagu gartaa ilaa iyo xadka uu diyaar u yahay inuu saamaxo una naxariisto kuwa qaladka ka gala ee ku xadka gudba.

Ogow hadii aad caado ka dhigato,inaad xanaaqdo ama aargoosato, waligaa nolosha ku xasili meysid.

Talaado wanaagsan.

AKHRISKU WUXUU BALAADHIYAA AQOONTADABuugaagtu waa ilo xogeedyo  qani ah. Buug kasta oo aad akhrido, waxaad ku baranaysaa...
26/10/2022

AKHRISKU WUXUU BALAADHIYAA AQOONTADA

Buugaagtu waa ilo xogeedyo qani ah. Buug kasta oo aad akhrido, waxaad ku baranaysaa waxyaabo cusub.

In badan oo aad wax akhrido, wax badan ayaad ka ogaanaysaa dadyow kala duwan iyo waaya-aragnimadooda. Waxaad sidoo kale baran doontaa meelo kala duwan, dhaqamo kala duwan, iyo xaqiiqooyin aanad si kale u ogaan lahayn.

Akhrinta buugaagta si uun ama si kale waxay kordhinaysaa aqoontaada waxayna kor u qaadaysaa awoodaada inaad samayso go'aamo iyo doorashooyin wanaagsan oo nolosha ah.

Xigasho.

Labo sawir iyo labo xaaladood oo kala duwan.Sawirka sarre waa caasimada dalka suudaan ee Khartuum iyo Dad saf ugu jira r...
21/10/2022

Labo sawir iyo labo xaaladood oo kala duwan.

Sawirka sarre waa caasimada dalka suudaan ee Khartuum iyo Dad saf ugu jira rooti ay cunaan.

Sawirka labaad waa magaalada Dubai ee ku taala dalka imaaraatka iyo Dad saf u galaya iibsashada iPhone14.

Bal kawarama labadaas xaaladood ee kala duwan!!!.

Filimka 'Soldeir boy',  waa qiso dhab ah oo dhacday intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku. Waxa  ay ku sallaysan ...
20/10/2022

Filimka 'Soldeir boy', waa qiso dhab ah oo dhacday intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku. Waxa ay ku sallaysan tahay qisadda wiil yar oo 6 jir ah oo lagu magacaabo 'Sergei Aleshkov' kaas oo ciidamadda jarmalku dilayaan dhamaan qoyskiisa isna uu ka baxsannayo oo uu la cararayo naftiisa, waxa badbaadinaya oo uu la noolaanayaa guutada 142aad ee ciidamaddii midawga soofiyeedka ee lugta. Waxaana korsanaya taliyaha guud, dhamaan ciidanku way jeclaanayaan Sergei Aleshkov oo ah wiil yar oo aad u karti iyo maskax badan, ka gadaal fariidnimadiisa waxa filimka qurxinaya hadalkiisa qosolka iyo maada u badan, waa wiil feejigan oo geesiinimo badan ka korodhsanaya la jirka ciidanka uu la noolyahay.

Waxa uu noqonayaa mid caan ka ah guud ahaan ciidamadda midawga soofiyeedka waxaana lagu abaal marinayaa Bilada "For Battle Merit" April 26, 1943.

Filimkani waxa uu soo baxay sannadkii 2019 waxa jilaya andrey andreev oo jilaa ah una dhashay dalka ruushka.

Sawirkan hoose waa jilaaga da'da yar ee andrey andreev.

20/10/2022

Waa maxay siyaasad

siyaasad waa middeynta bulshada & ka shaqeynta danta guud iyadoo oo loo maraayo wadooyin ay bushada goobtaas dagan isku afgarteen.

nabigeena csw ayaa laga wariyey inuu yiri .
(مثل المومنين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم مثل الجسد ادا اشكتي منه عضوا تداعي له سائر الجسد بالسهر والحمي )
oo macnaheeda yahay (mu,miniinta marka la eego sida ay isku dhibrayan oo ay iskugu naxariistan waxa ay la mid yihiin sida haljir oo hadii xubin xanuusato jirka intiisa kale damqanaya qandho uu lasoo jeedayo )
siyaasadu waxaa ay leedahay macno farabadan ,laakinsa aan kuu soo gaabiyo.

siyaasadu marka la qeexaya waxa lagu macneeya in lays waa faajiyo waxyaabah is diidan ,sida in la,
Dhax dhigo dadka is qilaafan hashiis ,nabad jaceyl & wada noolansho .

siyaasadu waa cilmi la barto oo jamacad loogu soo baxda si bulshada loo maamulo .
siyaasadu waa cilmiga manta la joogo ugu muhiimsan ,maxa yeelay waa nidaam dowladeed.

siyaasadu waa horseeda wadan gaarsiiyana hormar & barwaaqo .

Siyaasadu waa eray asal ahantiisa kasoo jeeda afka carabiga ,macnayaal kala duwan oo meeqaamo kala duwan waa la siiyey wuxuu la dhigyahay erayga afka ingriiska lagu yiraahdo" politics " Kaasi oo bilowgiisa ka yimida wadanka giriiga oo ahaa meelihi u horeeyey ee aqoonta laatiinka ah,iyo eray bixinteedu kasoo faracmeen .

siyaasadu waxa kaloo lagu lagu macneeya waa awooda uu qof ku gaarsiin karo bulsho ,amaba waa, habka ay dowladu u maamusho dadkeeda ,iskusoo duuboo waxeynu dhadhansan karnaa iany tahay. hab qorsheysan oo maamul & hagis leh.

➡qaabkee aan u fahanay somali ahaan siyaasada ?

Erayga siyaasad marka lasoo hadal qaado bulshadeena dhexdeeda waxa kugu soo dhacaya macnayaal fara badan oo is burinaya amaba iska hor imanaya mararka qaar waxa loo adeegsada erayga siyaasad "khaa,inimo " & dhagar cadoowtoyo , oo waxaad maqlaysa
hebal waa siyaasi ,wuu i siyaasadeeyey isagoo ula jeedadiisu tahay inuu i farsameysan loo khaimay........

Maxaa sababa in qofku afka ka neefsado? 1. Sanka oo xirma oo ay sababtay  xasaasiyad, hargab, ama caabuq sanka ah. 2. Ad...
18/10/2022

Maxaa sababa in qofku afka ka neefsado?
1. Sanka oo xirma oo ay sababtay xasaasiyad, hargab, ama caabuq sanka ah.
2. Adenoids oo cabuq inta uu ku dhaco waynada.
3. Qumanka oo weynaada( tonsilitis).
4. Carjwada sanka oo qaloocsanta (septum deviated )
5. Burooyinka sanka, kaso baxa qofka.
6. Lafaha yar yar ee sanka oo inta uu caabuq ku dhaco waynada (enlarged turbinates.

Afka oo laga neefsado waxay sababi karta in
1. Af-shiir
2. Af- qalal
3. Hunguri qalal
4. Ilkaha oo bur bura
5. Oxygenta dhiiga oo hoos u dhacda
6. Dadka qaar dhiikar ayayku sababi karta.
7. Qofka oo Khuuriya habeenki.
8. Hurada oo habeenki uu qofku ka so tooso.

Hadii ciladan aad leedahay oo aad afka ka neefsato waa in aad u tagtada dhakhtar ku takhasusay xanuunada ku dhaca sanka cunaha iyo dhegaha ENT specialist.

والعلم عند الله.
Xigasho.

Address

Burco

Telephone

+252636223394

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdikariim maddaale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cabdikariim maddaale:

Videos

Share

Category