05/03/2021
بسم اله الرحمن الرحيم
Uruurka khayriga ah ee dayacyirka kutubta qur,aanka ah ee gobolka togdheer Burco UMUHAATU KHAYR DOON
Waa Hooyooyin ALLAH u waafajiyeey in ay isu taagaan oo ka shaqeeyaan kutubta dayacantay oo soo uruuriyaan kadibna sameeyaan oo dayactiraan oo jadiidiyaan iyoagoo ka soo guraaya goobaha ay ku dsyacanyihiin sida guryaha ,madaarista ,masaajidada iyo markisyada lagu barto qur,aanka halkaas oo ay aad ugu dayacan yihiin kutubtu.
Hooyooyinkan dareemay baahida iyo dayaca kutubtu waxay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah.markay dayac tiraan waxay ku celiyaan goobihii ay ka soo qaadeen iyo goobaha looga bahaan yahay siloo manaafacaadsado.
Umuhaatu khayr doon waxay ku wacyi gelinaysa dadka muslimiinta ah culimo iyo
Caamo yar,yar iyo waaweeyn in loo istago ka shaqaynta,iyo kor uqaadista kutubta ku dayacan dhexdeena.
Kitaabka qur,aanka ah waa kalaamkii Allah waa dustoorkeeni Allah inosoo dejiyeey waa hadyad Allah ina siiyeey, waa mucjisooyinkii nabi muxamed suubanageenaصلىالله عليه ويلمAllah siiyeey,
Waxa lagu soo dejiyeey khatru khalqu Lah,kii ugu khayrka iyo fadliga badna ,
Waxa loo soo dhiibay malaa,iigta kii ugu sharata badnaa jibriil عليه سلام macalinkii Rasuulka صلى الله عليه وسلم
Waxa loosoo dejiteey umadaha umadii ugu khayrka badnayn umatu muxamed oo Allah inaga dhigay,waxa lasoo dejiyey bilaha bishi ugu fadliga badnayn Ramadaan ,habeenadana habeenkii ugu khayrka badna laaylatu qadriليلة القدر oo la keenay baytu cisa samaatu dunya isaga oo jumnad ah 23 sano waxa lagu soo dejinasyeey subanaheena muxamed isagoo tafaariiq ahصلى الله عليه وسلم
Kitaabkaas weynidaas,qiimahaas,sharaftaas,karamadaas leh inuu ku dayacmo guryaheena,madaristeena,masaajidadeena iyo markisyada qur,aanka lagu barto inagoo ah dad 100%muslimiin ah oo awoow ilaa awoow ku abtirsana diin oo ku dhalanay oo ku dhalay oo Allah inaga dhigay umahada umadii ugu khayrka badnayd insguna amaanay in uu hadana ku dayacmo kitaabki dhexdeena waa arin aad looga xumaado oo looga murugoodo oo looga tiiraanyoodo.
Fatiinta ay dirayaan umuhaatu khayr doon Waa
Ilaalinta kitaabka Allah umudu marka ay kitaabka kor uqaado ayaa Allahna kor u qaada.
Barashadiisa,ku fhaqankiisa,xiftintiisa,ilaalintiisa,kor u qaadidiisa iyo dayac tirkiisuba waa inagu waajib ee aynu badvaadino kitaabka Allah si aynu u liibaano Aakhiro iyo iftiinkaba.