![Af xumo nabadna wey kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto .Waa amin rafaad badan aanu damacnay inaanu u baqoolno qaa...](https://img5.medioq.com/765/411/314265957654118.jpg)
24/08/2023
Af xumo nabadna wey kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto .
Waa amin rafaad badan aanu damacnay inaanu u baqoolno qaaradaha shisheeye oo aanu ku suganahay xabsi kamida xabsiyada tahriibayaasha ee Libiya .
Wiil aanu asxaab nahay oo somaliyeed ayaa waxa uu caadaystay in uu markasta raaco qolo dhakhaatir ah oo maxaabiista u timaada kadibna waraysata oo siisa khiniino dadka xanuunsanaya wiilkaasi maalinkasta qoladaas dhakhaatiirta ah ayuu raacaa kadibna wuxuu kasoo qaataa daro xanuun baabiiso ah , aadna wuu ula qabatimay oo waxay ka noqotay balwad .
Hadaba Maalin maalmaha kamida ayuu ii yeedhay uu igu dhahay saxiib " nimankaas aroorta raac oo madaxaa layga hayaa dheh kiniinka ay kusiiyaana isoo qaad , anigu dhawr maalmood oo h**e ayaan raacay oo wey iga shakiyayaane "
Waayahay iyo weedhsan ayaan ugu jawaab celiyay .
Subixii danbe ayay qoladii bahda cafimaadku noo yimadeen ayna na weydiiyeen ma jirtaa Cid xanuunsan , kedibna farta ayaan taagay waanan raacay .
Markii lay waraystay ayaan ku dhahay xumad saaida ayaa I haysa madaxuna wuu I xanuunayaa , kedib dawadii uu wiilka aanu saxiibada ahayn sheegayay ayay isoo siiyeen hadaba markii aan soo tagayay ayay I dhaheen " beri subaxa waxa idiin iman doonaa qolo ka socota Europe kuwaas oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee France hadaba waxaa laydinka rabaa qof idiin hadla oo ka warbixiya xaaladaha aad ku sugantihiin iyo sida maxaabiis ahaan laydiinla dhaqmo dadkii markaad ku noqotid u sheeg hana diyaariyaan qofkaas " .
Markaan soo noqday ayaan dadkii la wadaagay arinkii waxaanan dhahay "Aniga arinkan ii daaya aniga ayaa afkiina ku hadlaya sheegayana iimo fara badan si aynu halkan uga baxno weftigaas reer Yurubna (Europe) ay meesha inooga Sii daayaan .
Cabaar kedib iyadooy goor habeenimo ah tahay Ana aan isu diyaariyay inaan waxaan beri odhan lahaa isku hagaajiyo ayaa waxa ii yimid wiil xabsiga nagula xidhnaa .
Wiil kaasi waxa uu lahaa dhaqan aad u cajiiba dadkoo dhana ay u aqoonsanyihiin nin waalan , waxa uu sameeyaa habeenki marka ay gaadho ayuu intuu Cagaha gidaarka saaro uu madaxana dhulka dhigo ayuu qayliyaa oo ilamaa waa beriga saas ayuu sameeyaa .
Wuu ii yimid wiilkii waxa aanu I dhahay I dhagayso walaalow " Afxumo nadadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto . Waxaad soo jeedisay in aad beri weftigaas u sheegtid waxyaabo taban oo ku saabsan xabsiga iyo in laynoola dhaqmo si xun balse Maka fekertay nimankaas reer yurub markay tagaan waxa meesha isugu soo hadhayna inaga iyo askarta iyo maamulka xabsiga maxaynu la kulmi karnaa saw cad goosi iyo ciqaab layskugu keen dari maayo .
Runtii waa fekeray subaxnimadii balantu ahaydna waxa la dhahay yaa idiin hadlaya aniga ayaana markiiba gacanta taagay , waana lay waraystay waxaa idhi " Halkan waxaanu ku haysanaa nolol wacan dhamaan shaqaalaha iyo askarta xabsiguna waxay noola dhaqmaan si wacan waan meel aanu nolol fiican ku haysano waan amaanay xabsigii iyo maamulkiisiba "
Dhamaan dadkii aanu wada xidhnayn ee aanu kusoo balanay in aan ragan duro wey ila yaabeen tolow ninkii maxaa bedelay .
Weftigii wey iska tageen ciidankii xabsiguna si dhakhsaa ayay noogu soo noqdeen waanay ii yeedheen waxaanay igu dhaheen " ninyahow waad mahadsantay wax wacana waad samaysay ee maxaad naga codsanaysaa waxaad jeceshahay na weydiiso " .
Waxaan ku idhi " nimanyahow wax kale hay samayninee ee meeshan naga sii daaya uun , waxay I dhaheen way adagtahay in aanu wixiinaba hal mar idinsii dayno oo hadhow dhibay nagu keenaysaa ee waa balan maalin walbana shan qof oo idinka mida ayaan sii daynaynaa " .
Dabadeedna shantii qof ee noogu liitay ayaan ku idhi shantaa noo sii daayaa , wey iga aqbaleen inyar kadibna aniga ayay ii yeedheen oo idhaheen adna iska tag oo soo bax .
XQ sheekada - Surad TV.
Q/khadar ibrahim.