
13/11/2022
Dad dhintay oo kusoo baxay Doorashadii xilliga dhexe ee dalka Maraykanka!
Tony DeLuca oo geeriyooday 9 kii bishii October iyo Barbara Cooper oo iyaduna dhimatay 25 kii bishii October ayaa ka mid noqday liiska dadkii guulaha ka soo hooyey doorashadii dhexe ee dhowaan ka dhacday dalka Maraykanka.
Labadan shakhsi ee muddada sii mootanaa ayaa ku soo baxay liiska xubnaha Goleyaasha heer gobol ee laga doortay gobollada Pennsylvania iyo Tennessee.
Tan ayaa noqotay mid hadal hayn badan dhalisay iyada oo dawladda Ruushkuna ay Maraykanka ku tilmaantay mid iska cayaaraya oo ka been sheegay habka Dimuqraadiyada ee uu ku faano.
Khaalid Foodhaadhi