Mohamed Dek Abdalla

Mohamed Dek Abdalla Director General | Deputy Chair, Puntland Media Association| 20+ years in journalism | Committed to truth & integrity | Views mine
(1)

16/11/2024

Toos: BAARLAMAANKA SOOMALIYA

Galab-san Jaalayaal📸 Jabra
08/11/2024

Galab-san Jaalayaal

📸 Jabra

Africom waxay shaacisay in diyaarad ay leedahay oo ah nooca MQ-1C ah ay ku burburtay koonfurta Soomaaliya, abaare 12:40 ...
08/11/2024

Africom waxay shaacisay in diyaarad ay leedahay oo ah nooca MQ-1C ah ay ku burburtay koonfurta Soomaaliya, abaare 12:40 duhurnimo, taariikhdu markay ahayd Nofeembar 5. MQ-1C waa nooca drones-ka loo yaqaan oo loo adeegsado howlgallada kormeerka iyo sirdoonka si ay gacan uga geystaan amniga iyo sugidda xasilloonida gobolka.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku jirtay hawlgal la xiriira sugidda amniga, kaas oo lagu taageerayo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira ururka Al-Shabaab. Warka ka soo baxay Africom wuxuu intaas ku daray in baaritaan uu socdo si loo ogaado sababta keentay shilka diyaaradda, inkastoo aysan jirin wax muujinaya in diyaarada si ula kac ah loo soo riday. Africom waxay intaas ku dartay in warbixin dheeraad ah la soo saari doono marka xog dheeraad ah la helo.

07/11/2024
07/11/2024
07/11/2024
07/11/2024
Mahadcelin gaar ah ayaan u diraynaa  oo qadada qiimaha leh noo sameeyay Abdikani Hayir, aniga iyo akhyaarta kala ah Moha...
06/11/2024

Mahadcelin gaar ah ayaan u diraynaa oo qadada qiimaha leh noo sameeyay Abdikani Hayir, aniga iyo akhyaarta kala ah Mohamed Jabra Mohamud Nadif Mohamed Salh iyo Jacfar Maxamed, magaalada Muqdisho. Aad baad ugu mahadsan tahay soo dhoweyntaada iyo dadaalkaaga. Mahadsanid!

05/11/2024

Diyaarad ayaa ku dhacday deegaanka Farsoley ee Qoryoley, Koonfur Galbeed, loona maleynayo inay tahay mid ay leedahay dowladda Turkey. Weli war rasmi ah k**a soo bixin, balse waxaa socda xaqiijinta wararka iyo baaritaanka dhacdadan. Farsoley waxay qiyaastii 130km u jirtaa Mogadishu, waana aag ay shabaaaab ka taliso

02/11/2024

Toos: MW Xasan Sheekh oo khudbad u jeedinayay Baarlamanaka Soomaliya

31/10/2024

Golaha Wasiirada Puntland ayaa yeeshay shir uu guddoomiyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor. Shirkaas ayay nasiib darro ku tilmaameen go’aankii Golaha Wadatashiga Qaran (30 Oktoobar), iyaga oo ku sheegay inuu abuuri karo xaalad hubanti la’aan ah isla markaana uu ka horimanayo dastuurka Federaalka. Sidoo kale, waxay taageereen doorashada Jubaland iyo ka hortagga muddo kordhinta loo sameeyay maamulada kale ee dalka. Puntland waxay markale caddeysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta.

Warsaxaafadeedka 👇🏼

30/10/2024

Madaxweynihii h**e Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in go’aannada ka soo baxay Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay khatar ku yihiin midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya. Wuxuu dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka reebay dowlad-goboleedyada muhiimka ah go’aanada qaranka. Farmaajo wuxuu taageersan yahay doorashada Jubbaland, isagoo adkeynaya in doorashooyin hufan oo loo dhan yahay ay muhiim yihiin. Wuxuu ugu baaqayaa hogaamiyayaasha inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka si looga fogaado kala qaybsanaan siyaasadeed.

War saxafadeed ay soo saareen Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa...
30/10/2024

War saxafadeed ay soo saareen Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu sheegay in muddo kordhinta sharci-darrada ah ee Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) u sameeyeen qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxay ku baaqeen in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka aysan aqbalin muddo-kororsi kasta oo dhaawacaya dastuurka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Waxa kale oo ay bogaadiyeen madaxweynaha Jubbaland oo diiday muddo kordhinta, iyagoo madaxda Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur-Galbeed ugu baaqay inay qabtaan doorashooyin xor iyo xalaal ah. Waxay sidoo kale uga digayaan Baarlamaanka Federaalka ah meelmarinta sharciyada ka hor imanaya dastuurka iyo midnimada dalka.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhammaaday Muqdisho, waxaana guddoomiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, i...
30/10/2024

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhammaaday Muqdisho, waxaana guddoomiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ay ka qeybgaleen madaxda Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle. Madaxweynayaasha Puntland & Jubaland ayaa ka maqnaa shirka. Goluhu wuxuu ku booriyay dhammaan xubnaha maqnaa inay ka qeybgalaan shirka xiga. Go’aannada ugu waaweyn waxaa ka mid ah in doorashooyinka golaha deegaanka la qabto Juun 2025, halka doorashada madaxdii maamul goboleedyada loo asteeyay Sebtember 2025.

Toos: Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland
26/10/2024

Toos: Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland

Toos : Garoowe - Madaxweyne Deni oo furaya kalfadhiga Baarlamaanka Punltand Somali Connect Live Stream â–şSUBSCRIBE / ...

25/10/2024

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa soo saaray amar lagu joojiyey shaqada hay’adda Alight International Puntland isagoo sheegay in hay’addaasi ay jebisay xeerarka Puntland, balse hay’adan ayaa ka howlgasha SSC Khaatumo, Hay’addani waa tan kaliya ee gargaarka la soo marsiiyo ee ka shaqeysa SSC Khaatumo, mana jirto weli wax jawaab ah oo ka soo baxay mas'uuliyiinta SSC ee ku saabsan tallaabadan. Waxaa sidoo kale laysla dhex marayaa warar sheegaya in Puntland ay dooneyso in hay’addu u soo wareegto Garoowe, taasoo la sheegay in ay diidday hay’addu, balse waa warar aan rasmi ahayn (rumors).

25/10/2024

Maanta waxaa magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay markabkii cilmi-baarista ee Oruc Reis oo ka yimid Turkiga, taasoo calaamad u ah bilowga mashruuc sahamin tamar oo socon doona 7 bilood. Markabkan ayaa sameyn doona baaritaan seddex aag oo baddeeda ah, si loo ururiyo xog muhiim ah oo ku saabsan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Howshan wadajirka ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga waxay muujineysaa xoojinta iskaashiga tamarta ee labada dal. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoosta ka xarriiqay in dalxiis uusan ahayn ujeedka markabkan, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u qodan doonto shidaalkeeda, iyada oo la filayo in maalmo wanaagsan soo socdaan.

Address

Bosaso

Telephone

+252907799628

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Dek Abdalla posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Dek Abdalla:

Videos

Share

Mohamed Dek Abdalla

Kani waa Bogga rasmi-ga ah ee Mohamed Dek Abdalla Agaasimaha Guud ee Warbaahinta SBC, waxaan ku baahiyaa warar iyo macluumaad xiso badan waxaan ahay suxufi Somaali ah oo wax ka qora Soomaaliya iyo Caalamka