31/10/2023
*Caawinta Dadka*
1: Ucaawi Dadka adiga oo aan doonayney abaal marin inaa ku hesho, laguu sacab tumo ama lagugu amaano. U caawi Dadka alle dartii.
2: Hadii qof aad caawinayso aad ka filato in uu dib wax kuugu soo celiyo, waxaad samaynaysaa ganacsi ma samaynaysid naxariis.
3: markaa dadka caawiso waxaad ka helaysaa waxyaabo aan lacag lagu iib san karin sida xushmad iyo Duco.
4: Caawi Dadka xitaa goortii aad ogtahay in aysan kuu gudi karin oo dib kuu caawin karin.
5: Xiriirka ugu wanaagsani waa mudka ay lamaanuhu is caawiyaan, qof kasta qof ka kale ku caawiyo Mas'uuliyada iyo waa jibaadka.
6: Ha yaraysan Caawimaada aad samaynaysid, waxaa dhici karta in ay dad ka qaado dhibaato haysey ama qof dhan noloshiisa bedesho.
7: Caawinta Dadka waxay keentaa saameyn weyn. Goortii aa qof caawiso waxay dareemaan in ay waajib ku tahay in iyaguna qof ama dad kale sii caawiyaan.
8: Waxay naftaadu dhinac kasta ka kortaa goortii aad wax bixiso, dadkana caawiso. Waxay isbedel kuugu keeni kartaa siyaabo aadan weligaa filanayn.
9: Caawintu waa mid ka mid ah wax yaabaha ugu sareeya aad dunida samayn karto, muuqaal ahaan keliya ma dareemaysid, waxaad xitaa dareemaysaa wanaag gudaha ah.
10: Ogsoonow goortii aad ehelkaaga ku caawiso in aad wixii qaldan ama gef ah ka qabato ayaad u hiilisay.
Follow saar page ka (follow me)
Allah mahadleh: