31/07/2023
Dareemada Wadnaha iyo Soomaalidii h**e!
—————————————
-Xubinta jirka qofka ee ugu isgedisgediska badan waa Qalbiga ama Wadnaha waana sababta loogu bixiyey qalbi carabi ahaan ah isbadbadel. Waxaad arkaysaa qofku wuxuu hadda ayidsanaa, muddo kadib diidan, wuxuu hadda diidanaana muddo kadib ayidsan, waa meesha laga maamulo dareenka caadifadda, xasuusta, iyo fahamka maskaxda qofka bini-aadanka ah, sida in badan kusoo aroortay meelo badan ka mid ah qur’aanka. Soomaalidii h**e haba ku liidatee aqriska iyo qoristaba haddana Eebbe wuxuu ku maneystay faham sareeya ay ugu magac bixinjireen goob iyo goorkasta magac ku haboon, shaqooyinkaas kala duwan ee qalbigu qabto Soomaalidu midba magac gaar buu ugu suntanaa. Gaar ahaan lixda dareemo ee wadnaha laga dareemo sida; Jaceylka (Love), Xanaaqa (Anger), Murugada (Sadness), Cidlada (loneliness), Niyad-jabka(depression )iyo Cadaawada (hostility).
-Dhakhaatiirta cilminafsiyeedka ayaa waagii h**e ku adkaystay in dareen-qiireedka/shucuurta/emotion ay tahay tibaaxo maskaxeed oo keliya oo ay curisay maskaxdu . Waxaase la ogaaday in tani aysan run ahayn - shucuurtu inay la xiriirto wadnaha iyo jirka intiisa kale si la mid ah maskaxda. Xubnaha jirka iyo wadnuhu waxay door muhiim ah oo gaar ah ka ciyaaraaan khibradeena shucuureed. Waayo-aragnimada shucuurtu waxay ka timaadaa maskaxda, lakiin waxaa jilayaal ka ah wadnaha iyo jirka kale oo wada jira.
-Soomaalidii h**e Wadnaha waxay ugu yeeri jireen magacyo badan sida; Hiyi, Laab, Kal, Lubbi, Nabdi iyo qaar kaloo badan. Sababta ugu waynee waxanoo ereyo ah loogu samaynayo marka dareenada la joogana waxaan u badinayaa uun inay tahay ahaanshaha uu Wadnuhu yahay hoyga iyo rugta dareenkaba.
1-‘HIYI’ waa qeybta wadnaha ee qaabilsan walwalka iyo degnaanshaha (depression & Sadnesses) bay u bixiyeen. Qofka walwelka ku badanyahay ama degnaanshuhu ku yaryahay waxay dhahaan waa Hiyikacay.
2-‘LAAB’ waa qeybta qalbiga kaydisa siraha iyo xasuusta waateey dhahaan waayahaaga laabta ku hayso, ay ula jeedaan wixii ku soo maray keydso.
3-‘KAL’ waa qeybta qalbiga ee qaabilsan jaceylka (love) iyo fahamka (understandings) ee ka caagan naceybka. waa tuu lahaa gabayagii Maxamed Nuur Fadal “ kal laxiiba baan leeyihiyo, iyo laabta xuunshada” Xuunshada waxaa waxaa lagu tiriyaa noolaha ugu ilaawshaha badan uguna xasuusta yar, waa tay maahmaahdii ahayd “Xuunshadu waxay wax fahamtaa markuu nabarku ku dhaco, mid kalana kusoo socdo. Gabayaagu halkaan wuxuu na dareensinayaa “ Kal laxiiba, qalbi baalaran oo wax walba qaabilaya iyo Laab ka caagan ciil iyo xasuuso h**e baan leeyahay.
4- ‘LUBBI’ waxaad moodaa inuu ugu suntanaa qeybta nacebyka (hostility) ee qalbiga, suugaanta soomaaliyeed inta badan erayga lubbi waxaa ku lammaanan lur, laxaw, olol iyo luhun, marka laga yimaado wadaagga xarafraaca, waxaa laga dhadhansan karaa inuu xiriir un ka dhaxeeyo, waa saan u fahmay laga yaabaase in si kale uu noqdo.
5-‘NABDI’ Soomaalidu waxay u taqaaney qeybta wadnaha ee qaabilsan cidlada (loneliness) iyo xanaaqa (anger). Waa tey lahayd Yurub-Geenyo heestii niyada ka diyaargarow. “Nabdigii wehel baan u helay”
-Sida ku cad nasuus laga weriyey suubbanaha (scw) “qalbigu inuu ka isgagadi badanyahay digsi biyaa oo la saaray dab xoogleh oo kar dartiis islaba rogaya”. qofkuu ilaahay kheyr la doonayo wuxuu imaanka ku xasiliyaa qalbigiisa. Qalbigu waa saddex nooc mid caafimad qaba, mid dhintay iyo mid buka. Kan buka waxaa lagu gartaa; walaalka, xiqdiga, xaasidnimada, naxariisla’aanta, kufriga, cunfiga.
W/Q: Doon Axmed.