Wariye Sudaysi jeego

  • Home
  • Wariye Sudaysi jeego

Wariye Sudaysi jeego WEHELKA BULSHADA

16/06/2020
16/06/2020
Guddiga Qaran ee ka hortagga   ee uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha waxay si maalinle ah bulshada Soomaaliyeed ugu soo ...
12/04/2020

Guddiga Qaran ee ka hortagga ee uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha waxay si maalinle ah bulshada Soomaaliyeed ugu soo gudbinayaan xog iyo wacyigelin ku saabsan caabuqa . Dhammaanteen xil ayaa naga saaran la dagaallanka cudurkan


MARTI SOOR TV WEHELKA BULSHADA

Ururka Siyaasadeedka Daryeel ayaa daahfuray Xarunta dhexe ee ururku ku yeelanayo magaalada Garoowe ee caasimadda dowladd...
12/04/2020

Ururka Siyaasadeedka Daryeel ayaa daahfuray Xarunta dhexe ee ururku ku yeelanayo magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland. Waxaa sidoo kale si habsami leh u socota daahfurka xafiisyada ururku ku yeelanayo degmooyinka iyo gobolada Puntland.

Ururku wuxuu u furan yahay dhammaan dadka reer Puntland ee u diyaarka ah in ay ka qeyb ka qaataan maamulka iyo hanaanka siyaasadeed ee Puntland kuna bixiyaan howshaas maskax, muruq, maal iyo waqti.

Ururka Daryeel wuxuu higsanayaa xaqiijinta dadka Puntland oo ku nool nabad, hela garsoor madax banaan, adeegyo bulsho oo tayo leh iyo helitaanka bulsho xor ka ah faqri, jahli, eex, musuq iyo maamul xumo.
MARTI SOOR TV WEHELKA BULSHADA

Wasiirka caafimaadk dalka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka laga he...
08/04/2020

Wasiirka caafimaadk dalka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka laga helay cudurka Caronavirus.

"Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka labo sarkaal oo shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka ah taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaanka"ayay tiri wasiirka.

Qofkii ugu horreeyay oo Corona Virus ugu dhintay MuqdishoApril 8, 2020Xubno ka mid ah Wasaaradda Caafimaadka dowladda So...
08/04/2020

Qofkii ugu horreeyay oo Corona Virus ugu dhintay Muqdisho
April 8, 2020

Xubno ka mid ah Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa Risaala u xaqiijiyey in qofkii ugu h**eeyey uu Coronavirus ugu geeriyoodey gudaha Soomaaliya.

Ruuxa geeriyooday ayaa ka mid ahaa 8 ruux oo horay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay u shaacisay in laga helay Corona Virus.


Da,da ruuxa geeriyooday ayaa lagu qiyaasay 58 jir.

Ehelka ruuxa u geeriyooday Corona virus ayaa sidoo kale xaqiijiyay in maalmihii lasoo dhaafay uu isbitaal ku yaalla Muqdisho ku jiray ka hor inta aan loo wareejin Isbitaalka Martini oo lagu tala galay dadka qaba Corona virus.



Waa qofki ugu h**eeyey ee cudurkan ugu geeriyooda Soomaaliya.
MARTI SOOR TV
WEHELKA BULSHADA

Duulliyaal loo carbiyey ciidanka cirka Soomaaliya oo tabobar ku dhamaaystay Turkiga dhawaan iyakoo diyaarado dagaal ku d...
31/03/2020

Duulliyaal loo carbiyey ciidanka cirka Soomaaliya oo tabobar ku dhamaaystay Turkiga dhawaan iyakoo diyaarado dagaal ku duullaya baay dalka ku laabanayaan...Tanni socotay🇸🇴💙
MARTI SOOR TV

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY SHIR DEG-DEG AH OO AY YEESHEEN  MADAXDA DALALKA IGAD Muqdisho, Maarso 30,2020; Mada...
30/03/2020

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY SHIR DEG-DEG AH OO AY YEESHEEN MADAXDA DALALKA IGAD

Muqdisho, Maarso 30,2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona ayaa ka warbixiyey dadaallada mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu istaageen ka hortagga cudurkan.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku xiriireen mareego gaar ah oo internetka ah (Video-conference) ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD xaaladda badqabka caafimaad ee dalka, halista muuqata ee ka dhalan karta cudurka Koroonaha iyo baahiyaha qalabka caafimaad ee muhiimka u ah daryeelka bukaannada cudurkaas.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda.

Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la sameeyo qorshaha isku-dubaridka iyo xoojinta iskaashiga dhammaan wadamada IGAD ay kaga hortagayaan cudurka Koroona, iyada oo la is-dhaafsanayo khibradaha, qorsheyaasha wacyi-gelineed iyo guud ahaan xogta ku saabsan cudurkan.

Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay shirkan ayaa diiradda saaray hannaanka loo aasaasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax lagaga qabto xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka Gobolka.

Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu.

DHAMMAAD

29/03/2020

FARIINTA WACYI GALINTA COVID19 EE GOBALKA BANAADIR
MARTI SOOR TV
AYAA INDJNKU TALA GALAY WACYI GALINTA COVID19
OO MAALINLAHA AH

WACYI GALINTA COVID19 EE MARTI SOOR TV
29/03/2020

WACYI GALINTA COVID19 EE MARTI SOOR TV

28/03/2020

https://youtu.be/5yIvyZ8euaU
GABAR SOMALIA OO DHIIRI GALISAY DHALINYARADA SOMALIYED MARTI SOOR TV KADAAWO
KADAALACO WARAR XAQIIQA IYO BARNAAMIJ GAAR AH
MARTI SOOR TV

26/03/2020

HEES CUSUB CORONA VERES LOOQADAY IYO FANAN COD TOLMON
MARTI SOOR TV KALO SOCO IYADOO DHAMAYSTIRAN

25/03/2020

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa u sheegay shacabka reer inay gacan ka geystaan sidii cadawga looga xoreyn lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin gobolka .
BY:@ WARIYE SUDAYSI ABDI RASHID JEEGO
MARTI SOOR TV
25/3/2020

24/03/2020

FARSAMADA GACATU WA MID MUHIIM AH LKN AAN LADANAYN QAAR KAMIDA HARQANLAYASHA
BY:WARIYE MAHAMED MUUSE QAAL
MARTI SOOR TV

https://youtu.be/EShmTTV7fHEQofkii_ugu_horreeyay_ee_qaba_Fayraska_Corona_ayaa_Soomaaliya_laga_helay._Haddaba_Sideebaad_n...
18/03/2020

https://youtu.be/EShmTTV7fHE
Qofkii_ugu_horreeyay_ee_qaba_Fayraska_Corona_ayaa_Soomaaliya_laga_helay._Haddaba_Sideebaad_naftaada_iyo_dadka_kale_uga_ilaalin_kartaa_Fayraskan?_Khuba

BY:WARIYE SUDAYSI ABDI RASHID JEEGO
MARTI SOOR TV
18/3/2020

Qofkii_ugu_horreeyay_ee_qaba_Fayraska_Corona_ayaa_Soomaaliya_laga_helay._Haddaba_Sideebaad_naftaada_iyo_dadka_kale_uga_ilaalin_kartaa_Fayraskan?_Khuba BY:WAR...

16/03/2020

https://youtu.be/ra7tOzTOz08
KADAALACO WARAR XAQIIQA AH IYO BARNAAMIJ GAARA AH MARTI SOOR TV ASAGOO DHAMAYSTIRAN KADAAWO MARTI SOOR TV RIIX LINK GAAS
BY:WARIYE SUDAYSI ABDI RASHID JEEGO

15/03/2020

TOOS SHIRWAYNAHA WADATASHIGA PUNTLAND OO GAROOWE KASOCDA

SHIRWAYNAHA WADATASHIGA PUNTLAND OO FURMI DOONA SAAKA ASXABTAYDA LIVE KA NAGALA SOCDA
15/03/2020

SHIRWAYNAHA WADATASHIGA PUNTLAND OO FURMI DOONA SAAKA ASXABTAYDA LIVE KA NAGALA SOCDA

https://youtu.be/8a0Y3yFRjrIMD Putland Mudane siciid C/lahi Deni iyo MD/Ku Xigenkiisa Karaash OO ku soo dhaweeyay Garowe...
09/03/2020

https://youtu.be/8a0Y3yFRjrI
MD Putland Mudane siciid C/lahi Deni iyo MD/Ku Xigenkiisa Karaash OO ku soo dhaweeyay Garowe Ergayga QM u Fadhiya Somaliya James Swan

wariye:Sudaysi Abdi Rashid jeego

MD Putland Mudane siciid C/lahi Deni iyo MD/Ku Xigenkiisa Karaash OO ku soo dhaweeyay Garowe Ergayga QM u Fadhiya Somaliya James Swan wariye:Sudaysi Abdi Ras...

Maxay yihiin ciidamada Haramacad ee aadka loo hadal hayo?Ciidanka HaramacadWaxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada...
03/03/2020

Maxay yihiin ciidamada Haramacad ee aadka loo hadal hayo?

Ciidanka Haramacad
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada ay Soomaalidu ka wada xiriirto aad loo hadal haya ciidamada booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad, kuwaas oo sawiradooda ay qabsadeen baraha bulshada.

Dad badan ayaa baraha bulshada aad u wareejinayay sawiradda xayawaanka Haramacadka iyo ciidanka dowladda ee loogu magac-daray.

Ciidanka ayaa ka qeybqaatay hawlgal dowladda ay ka fulisay xaruntii ururka Ahlu Sunnah ee magaalada Dhusamareeb, kadib dagaal ka dhacay magaaladaasi.

Ciidanka Haramacad ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidankii la geeyay magaalada Baydhaba xilliga doorashada Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale loo daabulay qeybo kamid ah gobolka Gedo.

Maxay yihiin ciidanka haramcad
askari katirsan ciidanka Haramacad
Ciidanka Haramacad oo katirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.

Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.

Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin shiishka iyo hawlgallada qorsheysan.

Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda ee NISA, sida uu BBC-da u sheegay Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii h**e ee NISA.

Ciidanka Haramacad waxaa tababaray
"Ciidamadan waxa ay intooda badan ka mid ahaayeen askartii NISA ee hubka sitay, balse dowladda hadda jirta ayaa u bedashay booliska sida gaarka ah u tababaran. Waxa ay u badan tahay in magacooda Haramacad lagu saleeyay midabka tuutaha ay xiran yihiin," ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii h**e ee NISA.

Cabdisalaam ayaa sheegay in qaabka loo adeegsaday awoodda ciidamada Haramacad ay niyad jab ku tahay dalalka dhaqaalaha ku bixiyay tababarka iyo tayayntooda.

Ciidamadan oo waayihii dambe soo shaac baxay ayay dad badan dowladda ku dhaliileen inay u adeegsato dano siyaasadeed, cududda ciidmaadanna loo baahnaa in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

"Dowladda Soomaaliya iyadaa loo tababaray ciidamada isla markaana xaq u leh halka ay geyneyso iyo qaabka ay u hawlgelinayso, balse waxaa su'aal la gelin karaa cawaaqibka ka dhalan kara in ciidamada loo adeegsado dano siyaasadeed oo laga weeciyo dagaalka Al-Shabaab. Taasi waxa ay keeni kartaa in laga guul gaari waayo dedaalka loogu jiro in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya," ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed.

Ciidanka Haramacad oo ku sugan Galmudug
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo dhaliilay hawgallada ay fuliyaan ciidamada Haramacad ayaa dhawaan magaalada Bosaaso ka sheegay in ciidanka Haramacad "si khaldan loo adeegsanayo,"

"Haddii Haramacad loogu talagalay in dawacada reeraha ariga ka cunta ee Al Shabaab ah loogu talagalayna talo ayay ahaan lahayd, laakiin Haramacad xoolihii iyo dadkiiba cunaya runtii waa arrin aan fiicneyn, suurad xunna ka dhalinaysa Soomaalida dhexdeeda," ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo dhawaan ka hadlay ciidamada Haramacad.

Haramacad ayaa u badan rag dhallinyaro ah, waxaana taliye u ah nin da' yar oo lagu magacaabo Farxan Maxamuud Qaroole oo ah dhallinyaro.

BY:WARIYE SUDAYSI ABDI RASHID JEEGO

01/03/2020

BULSHADA DAREENKODA IN AY KAHADLAN XAQ AYEY ULEEYIHIIN WAAKAN MUUQALKII ASOO DHAMESTIRAN
WALLAHI SUMA WALLAHI

FADLAN LIKE AND SHARE SAAR PAGE KAN
Wariye Sudaysi jeego

Weerar ka dhacay Boosaaso & howlgal ka socda Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa waxaa la sheegay in xalay fidkii ay weerar...
01/03/2020

Weerar ka dhacay Boosaaso & howlgal ka socda


Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa waxaa la sheegay in xalay fidkii ay weerar toogasho ah ku qaadeen mid kamid ah Nabadoonada ugu caansan Gobolka Mudug,iyaga oo weerarkaas ku dhaawacay.

Nabadoonka la dhaawacay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Nabaddoon Cabdullaahi Cali Sugulle oo kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Bari,waxaana la sheegay in dhowr Xabadooda lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa Albaabka h**e Hoygiisa oo ku yaalla xaafadda masjid Faadumo ee magaalada Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in xilliga la weerarayay Nabadoonka uu kasoo baxay Masaajiid uu kusoo dukaday Salaadii Cishaha,isla markaana dadkii ka dambeyey weerarkaas ay goobta ka baxsadeen,sidoo kalena dhaawaca nabadoonka la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Boosaaso ayaa tan iyo markii uu dhacay weerarkaas Nabadoonka lagu dhaawacay kadib ayaa waxaa ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey falkaas.

Xaalada Magaalada Boosaaso ayaa ah mid degan,waxaana xusid mudan in tira ka dhowr jeer ah ay ka dhaceen weeraro kala duwan oo lagu dilay,Askar, Masuuliyiin iyo dad Shacab ah intaba.

Amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa u muuqta mid faraha kasii baxaysa, waxaana muddooyinkii dambe gudaha Magaaladaas ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayeen rag dhalinyaro ah oo hubeysan Bastoolado.

FADLAN LIKE AND SHARE SAAR PAGE KAN
WARIYE SUDAYSI JEEGO

29/02/2020

Shiikh shaakir oo ciidanka dawlada fadaralka Somalia isku dhiibay kadaawo WARAR XAQIIQA
AH SAHAL CABLE TV

BY:WARIYE SUDAYSI ABDI RASHID JEEGO

Guddoomiyihii h**e ee degmada Dhuusamareeb & Xubno kale oo la xirey Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada ...
27/02/2020

Guddoomiyihii h**e ee degmada Dhuusamareeb & Xubno kale oo la xirey



Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa la sheegay inay xalay xireen Guddoomiyihii h**e ee degmada Dhuusamareeb ugu Magacaawnaa hoggaanka Ahlusunna,kaas oo lagu Magacaab Axmed Walad Cabdalla.

Xilliga la xirayay ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in isaga iyo Xubno kale ay kasoo baxeen Xerada Inji oo fariiisin weyn u ah hoggaanka Sare ee Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug.

In kastoo aan sirasmi ah loo cadeyn sababta loo xirey Guddoomiyihii h**e ee degmada Dhuusamareeb & Xubnaha la socdey ayaa hadana wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Madaxda Sare ee Galmudug Amar kasoo baxay lagu xadiday dhaq dhaqaaqa Galitaanka ama kasoo bixida ee Dhismaha Inji.

Hoggaanka Ahluusnna oo ka soo horjeeda Maamulka Galmudug ee Dowladu Aqoonsantahay ayaanan weli ka hadlin tallaabadaan lagu xiray xubno taageersan oo uu kamid yahay guddoomiyihi h**e ee degmada Dhuusamareb,hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa illi weli uu jiro khilaafkii ka dhashay doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb.

FADLAN LIKE AND SHARE SAAR PAGE KAN
Wariye Sudaysi jeego

Madaxwayne  Deni oo ugu danbeyn la  kulmay  Ayaan Xassan Ducaalle oo ah Gabar 7sano jir ah oo aragga nafo ka ahFADLAN LI...
26/02/2020

Madaxwayne Deni oo ugu danbeyn la kulmay Ayaan Xassan Ducaalle oo ah Gabar 7sano jir ah oo aragga nafo ka ah

FADLAN LIKE AND SHARE SAAR PAGE KAN
Wariye Sudaysi jeego

Suuqyada Magaalada Boosaaso oo Maanta xiranMagaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta...
26/02/2020

Suuqyada Magaalada Boosaaso oo Maanta xiran

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta inta badan uu xiran yahay Suuqa Magaaladaas,kadib markii Ganacsatada lagu kordhiyey Canshuur dheeraad ah.

Saddex Cisho ka hor ayaa Ganacsatada wax kasoo dejista Dekadda Boosaaso waxaa ay sheegeen in Ganacsigooda ay Wasaaradda Maaliyadda ku kordhisay Canshuurtii ay ka qaadi jiraty,isla markaana taasi ay Ganacsigooda culeys ku noqotay.


Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen inay diideen bixinta lacagta Canshuurta ah ee lagu kordhiyey,isla markaana ay ka door bideen inay Shaqa joojin sameeyaan.

Qaar kamid ah dadka dan yar ta'ah ee ku nool Magaalada Boosaaso ayuu saameyn ku yeeshay xirnaanshaha Goobaha Ganacsiga,waxaana tallaabadaan weli ka jawaabin Wasaaradda maaliyadda Puntland.

Dhawaan ayaa waxaa Shaqa joojin sameeyey Ganacsatada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,kadib markii ay sheegeen in Wasaaradda Maaliyadda Puntlandd ku kordhisay Canshuur dheeraad ah.

By:WARIYE SUDAYSI ABDI RASHID JEEGO

Ma taageersan tahay in MD Farmaajo 2021 soo laabto   haa aad iyo aad    saar pageWariye Sudaysi jeego
24/02/2020

Ma taageersan tahay in MD Farmaajo 2021 soo laabto
haa aad iyo aad saar page
Wariye Sudaysi jeego

Al-Shabaab iyo dadka deegaanka Ceel-Cali oo ku dagaalamay dhagax qaali ahCeel-Cali (Sahal cable  TV)Wararka naga soo gaa...
23/02/2020

Al-Shabaab iyo dadka deegaanka Ceel-Cali oo ku dagaalamay dhagax qaali ah

Ceel-Cali (Sahal cable TV)Wararka naga soo gaarayo Gobolka Hiiraan, Gaar ahaan deegaanka Ceel-Cali ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaasoo u dhaxeeyey dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka Deegaanka.

Dagaalka dhex maray dadka Deegaanka Ceel Cali iyo Al-Shabaab ayaa yimid kadib markii deegaanka lagu arkay Dhagax qaali ah oo dadka deegaanka ay heleen.
Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo maqlay Dhagaxa Qaaliga ah ee heleen dadka Ceel Cali ayaa weerar kusoo qaaday, waxayna taas keentay inuu qarxo dagaal dhiig badan ku daatay.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo Shacab ah, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen ilaa 5 qof oo kale.

Sidoo kale dagaalka ayaa wuxuu Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaaray maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka kana soo jeeda deegaanada lagu dagaalamay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay loo soo farmuqay dadka helay dhagaxdaas, taas oo sababtay in ay weerar ku qaadaan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhagaxda gaadiid sida lagu qabtay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka war heleen in Muqdisho loo soo wado, si looga iibiyo dadka daneeya.

Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Ceel Cali ayaa arrintaan ku tilmaamay wax laga xumaado, iyagoo xusay in Dhagaxaas uu keenay dhimashada 2 qof oo Shacab ah iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

FADLAN LIKE AND SHARE SAAR PAGE KAN
Wariye Sudaysi jeego

Afsoomaaligu waa hodan bal ufiirso erayga (Orod) inta uu lamicno yahay waxaa xaqiiq ah in ay diyaariyeen xeel dheerayaal...
23/02/2020

Afsoomaaligu waa hodan bal ufiirso erayga (Orod) inta uu lamicno yahay waxaa xaqiiq ah in ay diyaariyeen xeel dheerayaal ku takhasusay qaamuuska afka soomaliga.
Roor
Durduri
Fako
Cagaha wax kaday
isgan
Carar
Naydheh
Xufdheh
isasiidaa
Bawdheh
Babadheh
Balawdhe
Biligdheh
Bigdheh
Jafdheh
iskabood

Xigasho :-Oday Soomaliyeed

FADLAN LIKE AND SHARE SAAR PAGE KAN
Wariye Sudaysi jeego

Nin baa isaga oo jooga xafiiskiisa oo aad isugu buuqsan (Stress), oo aad uga fikiraya hawlo isaga gaar u ah, ayaa waxaa ...
20/02/2020

Nin baa isaga oo jooga xafiiskiisa oo aad isugu buuqsan (Stress), oo aad uga fikiraya hawlo isaga gaar u ah, ayaa waxaa u soo galay nin ordaya, oo ku qaylinaya Ahmed!, Ahmed!.

"Gabadhaadii baa shil baabuur hada gashay, deedna isla goobtii ayay ku dhimatay!."

Markiiba wuxuu ka booday daaqadii, oo markii h**e furnayd, markii uu hawada sii marayay, ayuu xasuustay inuu xafiiskiisu ahaa dabaqa 10aad, hadana wuxuu xasuustay inuusan gabadh dhalin, hadana wuxuu xasuustay in magaciisu ahayn Ahmed!

Dulucda Sheekada. "Stress can kill you".

FADLAN LIKE AND SHARE SAAR PAGE KAN
Wariye Sudaysi jeego

Siyaasi Cali Khaliif Galaydh:"Dhulkan (Somaliland) war badan oo run ah laysuma sheego".Wuxuu intaas ku daray:"Jeclaada a...
20/02/2020

Siyaasi Cali Khaliif Galaydh:

"Dhulkan (Somaliland) war badan oo run ah laysuma sheego".

Wuxuu intaas ku daray:"Jeclaada ama ha jeclaanina khasab ayay innagu tahay in aynu wadahadalno Soomaaliya".

Isha:Hasan Galaydh

FADLAN LIKE AND SHARE SAAR PAGE KAN
Wariye Sudaysi jeego

Maxay yihiin waxyaabaha u gaarka ah diyaaradda uu ku safro Madaxweynaha Mareykanka?Sida ku qoran bogga Aqalka Cad ee dal...
20/02/2020

Maxay yihiin waxyaabaha u gaarka ah diyaaradda uu ku safro Madaxweynaha Mareykanka?

Sida ku qoran bogga Aqalka Cad ee dalka Mareykanka, diyaaradda khaaska ah ee Madaxweynaha Mareykanka ee loo yaqaano Air Force One waa diyaarad u diyaarsan in ay u safarto meel walba oo kamid ah dunida wakhti walba.

Diyaaraddan oo nooceedu yahay Boeing 747-200B ayaa ah mid casri ah oo si gaar ah loogu nashqadeeyay Madaxweynaha talada haya ee Mareykanka, waxaana sumadeedu tahay VC-25A.

Diyaaradda oo laba xaba ah ayaa mid kamid ah waxaa raaca Madaxweynaha, halka mida kale ee la midabka ahna ay marwalba garab socoto. Qeybaha bannaanka ee diyaaradda ayaa waxaa ku xardhan calamaada Madaxweynaha, magaca dalka Mareykanka iyo calanka waddankaasi.

Diyaaradda ayaa waxay awood u leedahay inay shidaal ku qaadato hawada sare, waxaana ku rakiban qalab elektroonik ah oo loogu talagalay in uu ka difaaco waxwalba oo diyaaradda soo ridi kara.

Telefishenka ABC News oo dhowr sano kahor fursad naadir ah u helay in uu kasoo warramo gudaha Air Force One ayaa sheegay in sidoo kale ay diyaaraddu ku rakiban yahay qalab isgaarsiineyd oo casri ah oo ay adag tahay in la dhageystay, taas oo diyaaradda u sahli karta inay xarunta dhexe ee taliska dalka Mareykanka la hadli karto haddii dalka la weerarro.

Gudaaheeda ayaa waxaa uu dhan yahay 400 oo iskuweer ah, waxayna leedahay qeybo kala duwan oo ay kamid yihiin musqulo, qolalka shirarka iyo dhakhaatiir si joogta ah marwalba u saaran diyaaradda.

Air Force One waxaa kale oo ay leedahay maqaayad aad u weyn oo hal mar ay wax ka cuni karaan boqol qof, waxaana ka shaqeeya in ka badan 20 cunto kariyeyaal oo qaarna ay saaran yihiin diyaaradda, qaarna cuntada diyaariya kahor inta aanay diyaaradda hawada gelin.

Sidoo kale diyaaradda ayaa waxay leedahay goob loogu talagalay dadka marwalba la safra Madaxweynaha oo ay kamid yihiin lataliyeyaashiisa sarsare, ilaalada Madaxweynaha Mareykanka, weriyeyaal dhan 13 oo ka kala socda warbaahinta ugu waaweyn caalamka iyo martida kale ee la saaran diyaaradda.

Kahor inta uusan safrin Madaxweynaha, waxaa kasii hor-baxa diyaarado kale, kuwaas oo qaada waxyaabaha uu u baahan yahay , sida baabuurta uu ku isticmaalayo halka uu u safri doonaa iyo wixii la midka ah.

Diyaaradda ayaa waxaa gacanta ku haya oo marwalba dayactira milateriga gaarka ah ee Aqalka Cad, waxaana marwalba oo ay diyaaradda safar gasho ka dhex shaqeeya 26 shaqaala ah.

Waxyaabaha u gaarka ah diyaaradda Madaxweynaha Mareykanka

Sida ay sheegtay warbaahinta CNBC, diyaaraddan khaaska ah ayaa waxay awood u leedahay inay qaado 100 qof.

Gudaha diyaaradda waxaa ku dhex-yaala qolal uu seexdo Madaxweynaha, xafiisyo, qolalka shirarka, musqulo qubeys, goob jimicsi iyo xafiisyada shaqaalaha sarsare ee Aqalka Cad.

Qeybaha kala duwan ee gudaha diyaaradda waxaa ku rakiban 20 telefishen oo laga daawan karo telefishenada caalamka ugu waaweyn. Dheerarka diyaradda ayaa gaaraya 232 oo mitir, halka balashaeedana ay dhan yihiin 195 mitir.

Gudaha diyaaradda, waxaa ku yaala isbitaal lagu la tacaalo xalad walba oo caafimaad oo lasoo darista dadka diyaaradda saaran oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha, waxaana halkaas ku diyaar ah dhakhaatiir gaar ah oo khibrad sare leh.

Shaqaalaha cunto karinta ee saaran gudaha diyaaradda waxay cunto u diyaarin karaan dad gaaraya laba kun oo qof.

Air Force One waxaa lagu nashqadeeyay oo ku rakiban qalab aan la jabsan karin oo loogu talagalay ammaanka Madaxweynaha iyo xiriirka qeybta hagista diyaaradda.

Sidoo kale diyaaradda khaaska ah ee mas'uulka ugu sareeya Mareykanka waxaa ku dhexyaala 85 taleefoon oo uu Madaxweynaha ku wici karo meelwalba oo adduunka ah inta uu hawada ku jiro.

Daaqadaha diyaaradda waxay ka sameysan yihiin dhalo aan xabadda karin, albaab walba oo diyaaradda looga baxana waxaa ku rakiban jaraanjaro u gaar ah, umana baahna in bannaanka looga keeno jaraanjaro si lamid ah diyaaradaha kale ee adduunka.

Gaadiidkan uu isticmaalo Madaxweyaha ayaa waxaa ku rakiban yihiin qalab casri ah oo iska cabin kara haddii lasoo weeraro inta ay hawda ku jirta iyo raadaar khalkhal gelin kara waxwalba oo soo weerara.

Qaab dhismeedka ay ka sameysan tahay diyaaradda ayaa ah mid aad u adag oo xita iska celin kara haddii dhulka looga soo weerarro hubka niyukliyerka.

Marka laga soo tago duuliyeyaasha diyaaradda, waxaa sidoo kale marwalba Air Force One la socda injineero hadba la socda xaaladda diyaaradda.

Air Force One ayaa ah astaan muujineysa awoodda siyaasadeed ee Mareykanka, waxaana Madaxweynaha hadda talada haya, Donald Trump uu dalbaday in la sameeyo laba nooc oo cusub oo ah diyaaraddaasi ah, oo ku kacaya lacag dhan 3.9 bilyan oo dollar.

Trump ayaa bila kahor shaaca ka qaaday naqshadda cusub ee diyaaradaha Air Force One. Naqshadda cusub ee diyaaradahaasi ayuu madaxweynaha soo bandhigay xilli uu wareysi siinayay telefishinka ABC ee dalkaasi Mareykanka

FADLAN LIKE AND SHARE SAAR PAGE KAN
Wariye Sudaysi jeego

Address


Telephone

+252906145275

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wariye Sudaysi jeego posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wariye Sudaysi jeego:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share