Nasroudin sheik

Nasroudin sheik world news

Waa garoonka Al Bayt Stadium oo maanta ay ka dhacaysa ciyaarta ugu horaysa Koobka Aduunka. Magaca Albayt waxaa laga keen...
20/11/2022

Waa garoonka Al Bayt Stadium oo maanta ay ka dhacaysa ciyaarta ugu horaysa Koobka Aduunka. Magaca Albayt waxaa laga keenay magac loo yaqaano teendho ay carabtu isticmaasho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug muda...
20/11/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa si wadajir ah u xarig jaray Madaxyooyada Cusub ee Dowladda Galmudug.

Somaliland ayaa maanta Xamar u masaafurisay Miss World oo ah gabadh yar oo Tiktok caan ka ah taas oo shalay Hargeysa lag...
20/11/2022

Somaliland ayaa maanta Xamar u masaafurisay Miss World oo ah gabadh yar oo Tiktok caan ka ah taas oo shalay Hargeysa lagu xidhay.

Ciidamada laanta socdaalka ayaa tarxiil u jaray Najma AKA Miss World waxaana la saaray duulimaad goordhoweyd Hargeysa ka kacay oo Muqdisho u socda.

Waa markii labaad ee gabadhan yar laga celiyo Somaliland iyadoon wax dembi ah samayn balse lagu tacadiyayo.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada  Addis Ababa  ee dal...
28/09/2022

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

﷽‏﴿إِنَّ الله ومَلائكته يُصَلُّونَ على النَّبِيِّ ياأَيها الذين آَمنُوا صَلوا عَليهِ وسَلِّموا تَسلِيمًا﴾‏اللهم صلِ وسلم...
16/09/2022



‏﴿إِنَّ الله ومَلائكته يُصَلُّونَ على النَّبِيِّ ياأَيها الذين آَمنُوا صَلوا عَليهِ وسَلِّموا تَسلِيمًا﴾
‏اللهم صلِ وسلم على نبينا محمد ﷺ..

Taariikhda Kitaabka uu qoray Waziir Xasan maxamed (daadhi).Caqiidada diinta shiicada ee Imaamiyada.Xassan Maxamed Xuseen...
15/09/2022

Taariikhda Kitaabka uu qoray Waziir Xasan maxamed (daadhi).

Caqiidada diinta shiicada ee Imaamiyada.

Xassan Maxamed Xuseen (sheekh Hasan Daadhi) Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS ayaa sheegay inuu kitaabka qoridiisa bilaabay sanadkii 2016.

Wuxuuna Wasiirku sheegay in xiligaasi uu ka codsatey Gudoomiyihii arrimaha Islaamka oo ogaaday iney Deegaanka soo galeen shiico badan inuu qoro kitaab ka hadlaya khatarta shiicadu ay leedahay iyo halka ay salka ku hayso.

Wasiir sheekh Xassan Maxamed wuxuu sheegay inuu wakhti badan galiyay qorida kitaabka mararka qaarna uu u safrey wadamo kale kitaabka dartii inta uuna Wasiirka noqonin.

Kitaabku wuxuu ka kooban yahay 500 oo page, wuxuuna Wasiirku sheegay inuu kasoo qoray in kabadan 200 oo kitaab oo shiicadu ay leedahay si uu u hubiyo waxa ay aaminsan yihiin.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu ehlu sunaha kasoo qoray in kabadan 200 oo kitaab oo ugu h**eeyo Quraanka iyo Muslim iyo bukhaari.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu wuxuu qoraba uu soo marinayay culimo waawayn oo Jigjiga joogta si ay uga fiiriyaan in wax khalad ahi ku Jiro.

Markuu qorida kitaabka dhameeyay waxaa akhriyay oo fasaxay Gudoomiyihii arrimaha Islaamka sheekh Ahmed aabi Mataan.

Wuxuuna Wasiirku sheegay in markii uu dhamaaday qorida kitaabka si casri ah loogu soo daabacay magalada Qaahira ee Caasimada Masar.

Kitaabku wuxuu socday ilaa 6 sano wuxuu ka kooban yahay 1,000 baab (cashir ama ciwaan)

Sheekha qoray kitaabka waa xasan maxamed xuseen (Xassan daadhi) sheekhu wuxuu ku dhashay agagaarka magalada Jigjiga meesha loogu magac daray ee ah magaalada daadhi, sidoo kale wuxuu waxbarashadiisa kusoo qaatay Jigjiga oo culumo fara badan cilmiga ka bartay halkaa wuxuuna marar macalin qur,aan ka noqday qaryada daadhi iyo magalaada jigjiga, mararna uu cilmiga uu ka marin jiray magaalada jigjiga masaajidka wayn ee Masjid nuur.

Kitaabkan waxaad ka heli kartaa maktabada ibnu cabbaas ee Magalada Jigjiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa sheegtay warbixin ka baxday Telefishenka ETV WORLD oo looga hadlay arrimo ku sa...
07/09/2022

Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa sheegtay warbixin ka baxday Telefishenka ETV WORLD oo looga hadlay arrimo ku saabsan Dowlada Soomaliya aysan ahayn arin ka tarjumaysa xiriirka Dowladda Itoobiya ay la leedahay Dowlada Soomaaliya. Sidoo kalena warkaasi la baahiyay uu yahay mid aan sax ahayn

Maxkamada Sare Ee Kenya ayaa Ku dhawaaqday in William Rutu uu yahay Madaxwaynaha Kenya . Isagana uu Ku guulaystay dooras...
05/09/2022

Maxkamada Sare Ee Kenya ayaa Ku dhawaaqday in William Rutu uu yahay Madaxwaynaha Kenya . Isagana uu Ku guulaystay doorashadii Kenya ka dhacday.

Usoo duceeya Bilaal Bulshaawi oo xaaladiisa lala tacaalayo.
02/09/2022

Usoo duceeya Bilaal Bulshaawi oo xaaladiisa lala tacaalayo.

Deg Deg: Bilaal Bulshaawi oo loo garan ogyahay Madaxweynaha Tiktok ayaa dhaawac ah sida la ii xaqiijiyay.Dhaawaca Bilaal...
02/09/2022

Deg Deg: Bilaal Bulshaawi oo loo garan ogyahay Madaxweynaha Tiktok ayaa dhaawac ah sida la ii xaqiijiyay.

Dhaawaca Bilaal ayey sida aan xogta ku helay sheegeysa in rag bastoolado ku hubeysan oo ay is fahan darro soo kala dhax gashay ay xabbad si bareer ah ugu dhufteen, haddana waxaa xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa mid ka mid isbitaallada magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY ERGAYGA GAARKA AH EE GANACSIGA HEER CAALAMI & MAALGASHIGA IYO LATALIYAHA ARRIMAHA ...
31/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY ERGAYGA GAARKA AH EE GANACSIGA HEER CAALAMI & MAALGASHIGA IYO LATALIYAHA ARRIMAHA SHIDAALKA IYO GAASKA

Muqdisho, Ogoosto 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf.

Madaxweynaha oo Labadan Mudane ku soo xulay aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo ayaa ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan, kana gudubta saboolnimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyey dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyey Ergeyga Gaarka ah ee Gannacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaalla.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay; Talaada, 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Explore Villa Somalia’s 6,069 photos on Flickr!

Jowhar: 31, Agoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Gudoomi...
31/08/2022

Jowhar: 31, Agoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Hay'adda Qaxootiga Dowladda Hirshabeelle Mudane C/salaan C/laahi Xaashi isagoo xilkaas u Magacaabay Marwo Farxaan Cumar Carte, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Gudoomiye Ku Xigeenka Hay'adda Qaxootiga u Magacaabay Mudane Abuukar Xasan Muuse.

-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

Numbarkaan maku soo wacay? Haa ama Maya00995593131664
31/08/2022

Numbarkaan maku soo wacay? Haa ama Maya

00995593131664

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan midowga yurub iyo AU, waxaana looga hadl...
31/08/2022

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan midowga yurub iyo AU, waxaana looga hadlay kulankaasi dar-dargelinta howlaha wasaarada iyo taliska ciidanka xoogga ee dhameystirka barnaamijka ATMIS ee ciidanka XDS ay masuuliyada amniga kula wareegayaan .

Kulankaan ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid, Ku-simaha midowga Africa Marwo Fion Lortan, Gen. DIOMA NDEGEYA, Madaxa hoggaanka arrimaha dibada gaashaanle dhexe Iiman Elman iyo madaxa hoggaanka qorsheynta dhamme Cabdulaahi Dheere.

Visa Canada keliya shuruudaha 40 jir inaad ka yartahay Passport aad leedahay Tel Number kala xiriir +1-8002067218
31/08/2022

Visa Canada keliya shuruudaha 40 jir inaad ka yartahay Passport aad leedahay

Tel Number kala xiriir +1-8002067218

Wasiirrada Maaliyadda Maamul Goboleedyada ayaa sheegay in ay xiriirka u jareen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka...
30/08/2022

Wasiirrada Maaliyadda Maamul Goboleedyada ayaa sheegay in ay xiriirka u jareen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona sababta ku sheegay in ay hareer martay heshiisyadii wada shaqeyn ee ka dhaxeeyay.

Haddaba, haddey xiriirka u jaraan wasaaraddii maaliyadda intee lacag ka keeni doonaan, maadama maamul goboleedyadu ay badi ku tiirsanyihiin dowladda dhexe?.

Shirkada Safaricom oo addeeg tijaabo ah daah furtay ayaa halkii daqiiqo goosanaysa 50 Cent.[kontan saantiim]Internetkana...
30/08/2022

Shirkada Safaricom oo addeeg tijaabo ah daah furtay ayaa halkii daqiiqo goosanaysa 50 Cent.[kontan saantiim]

Internetkana 10 birr waxay ku iibinayaan 120 Mb.50 ka birna waxay ku iibinayan 900 MB.Siddoo kale 100 birna waxaad ku iibsanaysaa 2GB.

Shirkadan oo magaalada Diridhaba si tijaabo ah addeega uga daah furtay ayaa sheegtay in sideed bilood gudahood addeega lagu gaadhsiin doono 25 magaalo oo kala ah;
Addiss-Ababa,Bahirdar,Gonder,Desei,Kombolcha,Harar,Adama,Hawasa,Jima,Jigjiga iyo meelo kale.

Taageerayaasha daacadda u ah Wadaadka caanka ee Muqtada Al sadr oo fiidnimadii xalay laga saaray Qasriga Madaxtooyada ay...
30/08/2022

Taageerayaasha daacadda u ah Wadaadka caanka ee Muqtada Al sadr oo fiidnimadii xalay laga saaray Qasriga Madaxtooyada ayaa saaka bilaabay in ay hubka qaataan isla markaana ay toos u beegsadan Xaruumaha dawladda.

Xaalka ayaa ah mid aan wanaagsanayn iyada oo madaxdii dawladduna iskaga carartay aagga cagaaran ee magaalada Baqdaad.

Waxaana madaxda nafohooda la cararay ka mida Raysal wasaarihii h**e ee dalka Ciraaq Nuur Al Maaliki oo ah ninka ay sida dhabta ah isu hayaan Muqtada Sadr. Maaliki ayaa galabnimadkii shalay ku baxsaday diyaarad Helicopter ah iyada oo aan la ogayn in uu dalka ka baxay iyo in uu tegay meel kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntla...
28/08/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

DEG DEG: Jubbaland ayaa Gabi ahaanba Mamnuucday in Ragu Jeegada Xiirtaan Dumarkuna Make up Marsadaan.Qofkii Intaas Samee...
26/08/2022

DEG DEG: Jubbaland ayaa Gabi ahaanba Mamnuucday in Ragu Jeegada Xiirtaan Dumarkuna Make up Marsadaan.

Qofkii Intaas Sameeya Talaabo adag ayaa Laga qaadayaa sida ay sheegtay Dowlada Jubbaland.

Dhallinyarooy Waddo Cusub Jeexda.____________________________________Dardaarankii AUN Abwaan Hadraawi.Buugga: Hogatuska ...
26/08/2022

Dhallinyarooy Waddo Cusub Jeexda.
____________________________________
Dardaarankii AUN Abwaan Hadraawi.
Buugga: Hogatuska NOLOSHA.

"Maantay Hadaad tihiin Dhallinyaro waxaad u baahantihiin inaad waddo cusub jeexataan oo aad ka beydhaan tan ay buuxisey Kuddaafadda , qashinka iyo mashaakilka ee lamagalaayda ah ee intii idin ka waaweyneyd baabisay. Waa inaad jeexataan waddo cusub Nolol macne leh kuu hoggaaminaysa , oo niyadaada iyo dareenkaaga dhiseyso , oo aad raali ku noqonayso" Aun Abwaan Hadraawi.

Waa dardaaran aad u saameyn badan oo aan kaliyah ku ekeyn qormadaas kore iyo hadalkaas nololeed. Waxaa isla markiiba maankaaga kasoo buuxsamaayo weydiimo ay kugu abuureyso wadadaas cusub ee uu abwaanku inoo tilmaamay , isla markiiba waxa uu abwaanku qeybtiisa dhexe waraysigaan buugga laga dhigay ku sheegaya inaysan jirin dad kaa waaweyn oo dhalinyarada iyo jiilka ka caawin karo fakar iyo maan shiilnimo wadada loo maro amaba uu ku doodaayo in wadadaas ay dadka waaweyni ka dhigeen mid xidhan oo aanan laheyn aragti fog iyo tiigsi.

Marka aad u fiirsato midda uu macalin hadraawi inoogula dardaarmay waa waddo ka madhan fakarka iyo tusaalaha kan weyn taaso uu abwaanku ku leeyahay waa kuwa maantay jiilka jooga u horseeda Qabyaaladda, iyo reeraysiga iyo kuwa u horseeda dhalinyarada maantay inay noqdaan kuwa aanan jeexan waddo nolol macnaysan leh oo aad u qiimo badan.

Haddaba qofkasta oo dhalinyaro ah maankiisuna uu aad u shaqeynaayo waa in uu ka fakara ugu h**eyn naftiisa iyo waddo u abuuristeeda, si uu u sameeyo dad kale uu waddadaas u tilmaamo. Marka aad si fog u fiiriso deegaanka iyo jiilka dhalinyarada ah ee soomaaliyeed waxaad ogaanaysaa inay waddo jeexdaan taaso aanan aheyn mid macno leh balse ah mid macno darri iyo maangaabnimo tilmaamaysa , isla wadada baraha bulsheed , qaaya-soorrada nololeed laga guuray , shakiga iyo qabiilka miidhan ah waa waddo ay jeexeyn kuwa innaga waaweyni oo dhalinta maantay nooli ay qeyb ku dareyn taaso deegaankii ka dhigtay mid magaalaysi ah oo aanan aheyn macnaysi buuxa oo nololeed.

Ugu danbeyn aan nafaheyna iyo deegaankeenaba u raadino waddo macno leh iyo mid aan ku abuurno qaayo-soorro nabadeed iyo dadnimo buuxda ay ku beerantahay.

Dhallinyarooy Waddo Cusub Jeexda.____________________________________Dardaarankii AUN Abwaan Hadraawi.Buugga: Hogatuska ...
26/08/2022

Dhallinyarooy Waddo Cusub Jeexda.
____________________________________
Dardaarankii AUN Abwaan Hadraawi.
Buugga: Hogatuska NOLOSHA.

"Maantay Hadaad tihiin Dhallinyaro waxaad u baahantihiin inaad waddo cusub jeexataan oo aad ka beydhaan tan ay buuxisey Kuddaafadda , qashinka iyo mashaakilka ee lamagalaayda ah ee intii idin ka waaweyneyd baabisay. Waa inaad jeexataan waddo cusub Nolol macne leh kuu hoggaaminaysa , oo niyadaada iyo dareenkaaga dhiseyso , oo aad raali ku noqonayso" Aun Abwaan Hadraawi.

Waa dardaaran aad u saameyn badan oo aan kaliyah ku ekeyn qormadaas kore iyo hadalkaas nololeed. Waxaa isla markiiba maankaaga kasoo buuxsamaayo weydiimo ay kugu abuureyso wadadaas cusub ee uu abwaanku inoo tilmaamay , isla markiiba waxa uu abwaanku qeybtiisa dhexe waraysigaan buugga laga dhigay ku sheegaya inaysan jirin dad kaa waaweyn oo dhalinyarada iyo jiilka ka caawin karo fakar iyo maan shiilnimo wadada loo maro amaba uu ku doodaayo in wadadaas ay dadka waaweyni ka dhigeen mid xidhan oo aanan laheyn aragti fog iyo tiigsi.

Marka aad u fiirsato midda uu macalin hadraawi inoogula dardaarmay waa waddo ka madhan fakarka iyo tusaalaha kan weyn taaso uu abwaanku ku leeyahay waa kuwa maantay jiilka jooga u horseeda Qabyaaladda, iyo reeraysiga iyo kuwa u horseeda dhalinyarada maantay inay noqdaan kuwa aanan jeexan waddo nolol macnaysan leh oo aad u qiimo badan.

Haddaba qofkasta oo dhalinyaro ah maankiisuna uu aad u shaqeynaayo waa in uu ka fakara ugu h**eyn naftiisa iyo waddo u abuuristeeda, si uu u sameeyo dad kale uu waddadaas u tilmaamo. Marka aad si fog u fiiriso deegaanka iyo jiilka dhalinyarada ah ee soomaaliyeed waxaad ogaanaysaa inay waddo jeexdaan taaso aanan aheyn mid macno leh balse ah mid macno darri iyo maangaabnimo tilmaamaysa , isla wadada baraha bulsheed , qaaya-soorrada nololeed laga guuray , shakiga iyo qabiilka miidhan ah waa waddo ay jeexeyn kuwa innaga waaweyni oo dhalinta maantay nooli ay qeyb ku dareyn taaso deegaankii ka dhigtay mid magaalaysi ah oo aanan aheyn macnaysi buuxa oo nololeed.

Ugu danbeyn aan nafaheyna iyo deegaankeenaba u raadino waddo macno leh iyo mid aan ku abuurno qaayo-soorro nabadeed iyo dadnimo buuxda ay ku beerantahay.

W/Q: Mohamed Da'ud Cabqari

Wiilka ugu Isteelka ugu Qurxoon Somaliland CabdiQani iyo Xaaskiisa Kaltuun ayaa Meherkoodu ka Dhacay Boorama.Hambalyo so...
25/08/2022

Wiilka ugu Isteelka ugu Qurxoon Somaliland CabdiQani iyo Xaaskiisa Kaltuun ayaa Meherkoodu ka Dhacay Boorama.

Hambalyo soo dhaha.

Dadka madaxweynaha safarkiisa Garoowe ku tilmaamaya inuu marti yahay, waa meel ka dhac! Madaxweynuhu Garoowe marti kuma ...
25/08/2022

Dadka madaxweynaha safarkiisa Garoowe ku tilmaamaya inuu marti yahay, waa meel ka dhac! Madaxweynuhu Garoowe marti kuma ah waa mid ka mid ah magaalooyinka uu madaxweynaha u yahay.

Eray bixintaas marti, waa qadaf! Xataa hadii aan hal qof soo dhaweyn isagaa madaxweyne u ah. Dadku waa mucaaradi karaan balse taas macnaheedu lama odhan karo waa inuu marti u yahay. Safarka Madaxweynuhu waa mid shaqo iyo kormeer.

Mucaaridnimadda waxaad modaa sidii dadkii uu
madaxweynaheenani maanta Xasan Sh ka mid ka ahaa inoo baray in qaarkeen u fahamsan yihiin, taasoo ahayd jidkasta u mar kursiga, oo xataa dawladnimadda garaafee, saxna mahaa.

Majeceshahay Inaa kamid naqato Ciidanka Haramcad Hadaa Wiil Tahay iyo Hadaa Gabar Tahay
25/08/2022

Majeceshahay Inaa kamid naqato Ciidanka Haramcad Hadaa Wiil Tahay iyo Hadaa Gabar Tahay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabe...
25/08/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeeray ciidamada militeriga ee la dagaallamaya kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay ciidamada guulaha ay ka gaareen deegaannada laga xoreeyay kooxda nabad-diidka ee gobolka Hiiraan — isaga oo ku tilmaamay inay yihiin geesiyeyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

"Waa Hanad Hashi oo 18 jir ah  kuna nool Muqdisho  Wuxuu Ku sameeyey isbedelkaan idiin Muuqdo mudo aad uyar"Cabdi Khasaa...
24/08/2022

"Waa Hanad Hashi oo 18 jir ah kuna nool Muqdisho Wuxuu Ku sameeyey isbedelkaan idiin Muuqdo mudo aad uyar"

Cabdi Khasaaro Gym aad oo isbaddal Samee. From macallin Xalliye

Mahadsanid RW Mohamed Hussein Roble .
24/08/2022

Mahadsanid RW Mohamed Hussein Roble .

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo sheegay in dagaal lagu qaadayo ururka Alshabaab, ayaa yidhi;“Shacabka Soomaaliye...
24/08/2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo sheegay in dagaal lagu qaadayo ururka Alshabaab, ayaa yidhi;

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna”.

UPDATE:   Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo ku sugan Hotel Hayaat ayaa amray in aan la dumin Hotelka, xilli dhawaa...
20/08/2022

UPDATE: Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo ku sugan Hotel Hayaat ayaa amray in aan la dumin Hotelka, xilli dhawaan la baahiyay warar sheegaya in uu isaga amray.

Saraakiil ka tirsan kuwa howlgalka wada oo aan la xiriiray ayaa warkaas ku tilmaamay mid aan jirin, wuxuuna ii sheegay in Agaasime Mahad kaliya saraakiisha la wadaagay in ay dadka badbaadiyaan, Hotelkana aan looga darin.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale ii xaqiijiyay in goobta hadda lagu dagaalamaayo ay tahay meel kooban oo ay ku dhuunteen raggii Hotelka weeraray, dhawaaqa hubka waaweyn ee la maqlayana ay tahay Miinooyin caagado ku jira oo ay soo tuurayaan.

Wuxuuna ugu dambeyn inoo sheegay in Agaasime Mahad uusan goobta u imaan in howlgalka lagu soo afjaro duqeyn balse uu u yimid qiimeynta howlgalka iyo sixidda wixii qaldan, wuxuuna amar ku bixiyay in aan muhiimadda la saarin in howlgalka dhammaado balse lagu dedaalo in dadka iyo dhismaha la badbaadiyo.

Address

Borama

Telephone

+252637215936

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nasroudin sheik posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share