Hegabo News

Hegabo News Heegabo News Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay ee Geeska Iyo Caalamkaba fadlan like saar

21/01/2022
20/01/2022
16/12/2021
20/08/2020
20/08/2020
28/07/2020

Rhinos do not allow cars to move on the road

Jubaland oo durba qaaday tallaabo cusub kaddib weerarkii hotelka KismaayoJuly 14, 2019Kismaayo (Hegabo News) – Wararka n...
14/07/2019

Jubaland oo durba qaaday tallaabo cusub kaddib weerarkii hotelka Kismaayo

July 14, 2019

Kismaayo (Hegabo News) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in isbedal xoogan Jubbaland ay ku sameysay amniga magaalada Kismaayo, kadib weerarkii ka dhacay Hoteelka Cascasey ee magaaladaasi.

Ciidamada amniga ayaa sare u qaaday baaritaanada lagu xaqiijinayo nabad galyada, si looga hortago weeraro markale ka dhaca halkaasi.
Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in waddooyinka magaalada iyo xaafadaha lagu soo daadiyey ciidamo fara badan oo sugaya amniga.
Sidoo kale xalay Jubbaland ayaa gabi ahaan Bandow ku soo rogtay magaallo Xeebeedka Kismaayo, iyadoo hakad la galiyey dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday Ismiidaamin ay ku qaadeen Hoteelka Cascasey oo ay daganaayeen Musharraxiin iyo mas’uuliyiin kale, kaas oo lagu dilay 26 Qof, laguna dhaawacay 56 kale.
Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in doorashada Jubbaland lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

AL-SHABAAB oo war culus kasoo saartay ujeeddada qaraxyadii DhuusamareebJuly 14, 2019Dhuusamareeb (Hegabo News) – kooxda ...
14/07/2019

AL-SHABAAB oo war culus kasoo saartay ujeeddada qaraxyadii Dhuusamareeb

July 14, 2019

Dhuusamareeb (Hegabo News) – kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda laba weerar oo ka dhacay bartamaha magaalada sida ay hadalka u dhigeen.
“Mujaahidiinta ayaa howlgallo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Ahlu Sunna ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ee wilaayada Galguduud” ayaa lagu yiri war kooban oo Al-Shabaab kasoo baxay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay khasaaro xoog leh gaarsiisay ciidamada Ahlu Sunna iyo saraakiil ay sheegtay inay maamulkaas ka tirsanayeen, inkastoo wararka madaxa banaan ay sheegayaan inuu qaraxaas kaliya dhaawac kasoo gaaray 5 qof oo 4 kamid ah ay ahaayeen hal qoys halka mid kalana uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug.

Wararka laga helayo ayaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Jugta qarax labaad laga maqlay gudaha Magaaladaas,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay qarxiyeen Ciidamada amniga.
Dadka goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino ay qarxiyeen Ciidamada amniga,isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay.
Sidoo kale Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb, iyagoona gacanta ku dhigay dad u badan dhalinyaro.

furmaan wada-hadalo.Wada-hadaladan la filayo inay u furmaan Somaliland iyo Jabhada Caare ayaa waxay daba socota dadaalo ...
14/07/2019

furmaan wada-hadalo.

Wada-hadaladan la filayo inay u furmaan Somaliland iyo Jabhada Caare ayaa waxay daba socota dadaalo iyo waan-waan ay labada dhinac ka dhex wadeen guddi iskugu jiray Odayaal iyo Waxgarada kasoo jeeda gobolka Sanaag.
Guddigan ayaa maalmahanba waxay wada-hadal uga socday Jabhada Kornaylka oo ku sugan buuraha duleedka magaalada Ceerigaabo.
Waxaana la filayaa in wada-hadaladasi ay qeyb ka noqdaan Mas’uuliyiin ka socda Somaliland si xal looga gaaro tabashada Jabhadan oo h**e uga tirsaneyd Ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhada Korneyl Caare ayaa dhowr jeer oo h**e dagaal culus ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, kuwaasi oo la filayo inay soo afmeeran wada-hadaladani.

Fadlan like saar siaad ula socoto wararka caalamka

Address

Berbera
Berbera

Telephone

+252636443366

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hegabo News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share