Ummada cable Tv

Ummada cable Tv Ummad waa warbaahin gudbisa xoga iyo wararka somali ummad tv waxa aad ka heli warar sugan oo xaqiiqo ah

Yusra C/raxmaan Cabdulle waxey kaalinta koowaad ka gashay tartan Qur’aanka Kariimka 30-ka juzz ah oo ka socday waqooyiga...
08/08/2023

Yusra C/raxmaan Cabdulle waxey kaalinta koowaad ka gashay tartan Qur’aanka Kariimka 30-ka juzz ah oo ka socday waqooyiga Ameerika. Waxaana la gudoonsiiyay gaari qiimihiisu yahay 50,000 kun dollars.

Masha Allah Hambalyo ayaan leenahay Yusra.
Ilaah hakugu anfaco Qur’aanka hana ku xafido 🎉🎉👏🏼👏🏼

Waa Macalinka cusub ee xulka qaranka Somaliya oo u dhashay dalka Morocco
08/08/2023

Waa Macalinka cusub ee xulka qaranka Somaliya oo u dhashay dalka Morocco

Saaka waabarigii, ayaa kudhawaad 3-7 gantaal lagu dhuftay deganka MukeyleGantaallada yaa kudhacay meel garaash ah oo ban...
08/08/2023

Saaka waabarigii, ayaa kudhawaad 3-7 gantaal lagu dhuftay deganka Mukeyle

Gantaallada yaa kudhacay meel garaash ah oo banaanka magalada ah, halkaas oo ay daganaan jiren mamulka halkaa ka arrimiya, ma jiro wax khasaara shacab ah naf iyo maalba.

Waa markii ugu horreysay ay dowladu gacanteeda gaarto mdeganka Mukeyle Hiiraan somalia

DEGDEG: Agaasimaha Madaxtooyadda Dr Xuseen Shiikh ayaa iscasilay, lama sheegin sababta Iscasilaadda.  Wuxuu ahaa nin leh...
05/08/2023

DEGDEG: Agaasimaha Madaxtooyadda Dr Xuseen Shiikh ayaa iscasilay, lama sheegin sababta Iscasilaadda. Wuxuu ahaa nin leh miisaan weyn oo Siyaasadeed aadna uga ag-dhow Madaxweynaha Waddanka.

SHAQA JOOJINBeledweyne 02/08/2023: Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hiiraan State kadib markii uu arkay qodobka 67aad  iyo...
04/08/2023

SHAQA JOOJIN

Beledweyne 02/08/2023: Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hiiraan State
kadib markii uu arkay qodobka 67aad iyo qodobka 69aad faqradiisa (B) ee Dastuurka Dowlad goboleedka Hiiraan State,
Markii uu arkay jebinta amarkii xeer madaxweyne Ref:DHS/XM/01/23 kuna taariikheysneed 24-06-2023.
waxa uu madaxweynuhu soo saaray qodobbadan;

1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu tahay 02/08/2023 Waxa uu shirkadda diyaaradaha ee Blue Sky Air ka joojiyey iney ka shaqeyso guud ahaan garoomada Hiiraan State.
2. waxa dhamaan shacabka ka safraya ama usoo safraya Hiiraan State looga digayaa iney soo raacaan shirkadda kor ku xusan.

Haddaba waxa la farayaa dhamaan Ciidamada Daraawiishta Hiiraan State iney ka gutaan xeerka waajibaadka kaga aaddan.

Xeerarkan waxay ay dhaqan galayaan marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan State.

Hotel Xayaat oo la wareeray bishaan oo kale sanadkii h**e ayaa maanta Muqdisho la daah furayaa iyadoo si casri ah loo dh...
04/08/2023

Hotel Xayaat oo la wareeray bishaan oo kale sanadkii h**e ayaa maanta Muqdisho la daah furayaa iyadoo si casri ah loo dhisay.

Hool xafladaha lagu dhigto, Maqaayad, meel Coffee iyo goobo nasiino oo loo dhisay si qurux badan ayaa lagu soo kordhiyay dhismaha cusub ee Hotelkaan oo kamid ahaa hoteelada loogu jecelyahay ee Muqdisho

Wasiir madaxaa nafuran oo hadda ka dagay Beledweyne iyo saanad ciidan uu ka dajiyay
20/10/2022

Wasiir madaxaa nafuran oo hadda ka dagay Beledweyne iyo saanad ciidan uu ka dajiyay

Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa arroortii h**e ee maanta AS kala wareegay degaano hoos-yimaada degmada Balca...
16/10/2022

Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa arroortii h**e ee maanta AS kala wareegay degaano hoos-yimaada degmada Balcad ee gobalka Sh/ Dhexe, kadib muddo sanado ah oo ay halkaas ku sugnaayeen AS.

Degaanada AS laga qabsaday ayaa kala ah Yaaqle, Mukadheere, dhabacoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki.

AS ayaa laga saaray badi deegaanadii ay ka joogeen degmada Balcad kadib dhowr jiho oo laga weeraray kooxdaas
Ciidanka waxa Hogaaminayo Xildhibaan Xaadoole

  iyo Ku simaha Madaxweynaha JFS ayaan wada booqanay Isbitaalka Xoogga Dalka.
16/10/2022

iyo Ku simaha Madaxweynaha JFS ayaan wada booqanay Isbitaalka Xoogga Dalka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa kulan la qaatay...
16/10/2022

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka guutada 15-aad oo kayimid gobolka gobolka Gal-gaduud.

Guddoomiyaha iyo Xildhibaanka ayaa saraakiishan iyo ciidanka aay hoggaaminayaan uga mahadceliyay gurmadka dowladnimo iyo kan Walaal-nimo oo aay u soo sameeyeen dadka ree Hiiraan ee howlgalka ka dhanka ah AS Hiiraan ka wada.

Seddex dhagarqabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab ayaa miino ay aasayeen Kula qaraxday deegaanka Beera-yabaal  oo ka...
26/09/2022

Seddex dhagarqabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab ayaa miino ay aasayeen Kula qaraxday deegaanka Beera-yabaal oo ka tirsan degmadda Buula-burde ee gobolka Hiiraan, Kuna dhintay halkaasi.

Dhagartii ay u maleegayeen Shacabka ayaa iyaggii ku halaagsamay, waxaana argagixisada laga itaalka roonaaday ay kusoo aruureen inay si qarsoodi ah ay miinooyin u geliyaan Wadooyinka ay isticmaalaan dadka Rayidka ah.

Kani waa mid kamid ah fariisimaha dhaca furimaha dagaalka oo aay ciidanka dib u xoreynta deegaanka ku leeyihiin Hiiraan....
26/09/2022

Kani waa mid kamid ah fariisimaha dhaca furimaha dagaalka oo aay ciidanka dib u xoreynta deegaanka ku leeyihiin Hiiraan.

Deegaanno masaafo ahaan aad u fog ayeey uga yimaadeen ciidankan si aay AS uga saraan gobolka Hiiraan.

Ciidankan waxaa booqday fariisinkooda gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte cismaan oo aay weliyaan xildhibaanno iyo wasiirro kamai ah dowlad goboleedka hirshabeele guddoomiye ku xigeenka siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey iyo odaaysha dhaqanka si aay ugu dhiirra giliyaan ciidaanka dagaalka aay As kula jiraan.

Qaar kamdi ah ciidanka dib u xoreynta degaanno oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in guryahooda xoolahoda iyo shaqooyinkii kale oo aay lahaayeen uga soo tageen si aay qeyb uga noqdaan howlaglka AS hiiraan looga saarayo.

Falal isugu jira dil wadareed AS u geesteen dad Birima geedda ah gubista ceelasha iyo deegaanno dad shacab ah ay lahayaan oo AS aay ku kaceen ayaa waxa uu ka biloowday kacdoonka AS ka dhanka ah ee Hiiraan hadda ka socda oo uu majaraha u haayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan.

26/09/2022
Ciidamada xoogga dalka ee howlgalada dib u xorrynta ah ka wada deegaannada gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah ula wareegay...
26/09/2022

Ciidamada xoogga dalka ee howlgalada dib u xorrynta ah ka wada deegaannada gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah ula wareegay Degmada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan.

Xoreynta Degmada Buq Aqable ayaa ka dhigan in argagixisada gacantooda kabaxday magaalo weyn oo muhiim u aheyd jiritaan khawaarijta Al-shabaab.

Taliye Shub oo lugta furay galabta ayaa tagay degaanka Seydheelow ee gobolka Bay halkaas oo ciidamada dowladda ay kala w...
26/09/2022

Taliye Shub oo lugta furay galabta ayaa tagay degaanka Seydheelow ee gobolka Bay halkaas oo ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al-Shabaab waxaana shaqadii ugu horreeysay ee laga qabtay ay aheyd in laga dejiyay calankii ay ka taageen Shabaab.

(Degmada Maxaas)Waxaa Maanta Sicaadiya Kusoo Laabtay isgaarsiinta Degmada Maxaas Ee Gobolka Hiiraanh Kadib Kudhawaad Mud...
21/09/2022

(Degmada Maxaas)

Waxaa Maanta Sicaadiya Kusoo Laabtay isgaarsiinta Degmada Maxaas Ee Gobolka Hiiraanh Kadib Kudhawaad Mudo Bil iyo Dhoowr iyo Toban Maalin Ah Oo Xanibaad Kuhayeen Ururka Al-Shabaab.

Dib Usoolaabashada isgaarsiinta Degmada Maxaas Ayaa Timid Kadib Markii Ururka Al-shabab Laga Saaray Gobolka Hiiraan Marka Lagareebo Magaalada Moqokori Oo Aay Agjoogaan.

Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda adduunka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib ...
21/09/2022

Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda adduunka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa goordhow lagu daahfuray magaalada Muqdisho. Halku dhegga sanadkan waa “Jooji heybsooca, horumari nabadda”.

Munaasabadda oo ah mid heerkeedu sareeeyo, ayaa waxaa ka qeygalaya Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, ku xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, ergeyga UN-ka ee Soomaliya mudane James Swan, safiirrada dalalka caalamka ujooga dalkeena, mas’uuliyiin mataleysa dowlad goboleedyada, maamulka gobalka banaadir, ururada Bulshada rayidka.

Milatariga Soomaaliya ayaa soo bandhigay xarun ay "ka carareen" dagaalameyaasha Al-Shabaab oo ku taala degaanka Booco ee...
21/09/2022

Milatariga Soomaaliya ayaa soo bandhigay xarun ay "ka carareen" dagaalameyaasha Al-Shabaab oo ku taala degaanka Booco ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay la wareegeen shalay. Ciidamadda oo garab ka helaya dadka degaanka ayaa dhaqdhaqaaq ballaaran kawada qaar kamid ah maamulada dalka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay dagaal hor leh oo ka dhan ah Ukraine: "Wax kasta waan isticmaali d...
21/09/2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay dagaal hor leh oo ka dhan ah Ukraine: "Wax kasta waan isticmaali doonaa, saraakiisha howlgabka ah iyo qof kasta oo khibrad ciidan leh ha diyaar garoobo" ayuu yidhi, isaga oo raaciyey in ay reer galbeedku ku kallifayaan in uu isticmaalo Nukliyeer.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte " Deegaanka Booco waxaan kula kulmay nin ay AS ku tidhi "Maadaama xoolahaaga ays...
20/09/2022

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte " Deegaanka Booco waxaan kula kulmay nin ay AS ku tidhi "Maadaama xoolahaaga aysan gaadhin Zeko, ku dar xaaskaada iyo cunugaada oo tirada ku buuxi kadibna zekada keen."

Xigasho:Sonna

Wasiirka gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalkia ayaa gaaray deeganka Yasooman oo hoosyimaada degmadda Bu...
20/09/2022

Wasiirka gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalkia ayaa gaaray deeganka Yasooman oo hoosyimaada degmadda Buuloburte ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo laga xoreeyey argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaab...
20/09/2022

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia oo ay ka wada-hadleen xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo weli ba sidoo kale qorsheyaasha mudnaanta u leh horumarinta ganacsiyada gaarka ah, midka Wasaaradda iyo guud ahaan dalka.

Sawiro Alshabaab oo maanta lagala wareegay deeganka Sinadhaqo oo 35KM u jira Dhuusamareeb
20/09/2022

Sawiro Alshabaab oo maanta lagala wareegay deeganka Sinadhaqo oo 35KM u jira Dhuusamareeb

Wasiir Alcadaala iyo Xildhiban Sabir oo degmada Baxdo kula kulmay saraakiisha hogaamineysa ciidanka la doonayo in Alshab...
20/09/2022

Wasiir Alcadaala iyo Xildhiban Sabir oo degmada Baxdo kula kulmay saraakiisha hogaamineysa ciidanka la doonayo in Alshabaab ay ka xoreyan deeganka

 . Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa goordhow la wareegay gacan ku heynta ...
20/09/2022

. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa goordhow la wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco oo dhaca ku dhawaad 50-KM koonfurta Beledweyne.

Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ka wada xaafadaha Booco.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in aaysan la kulmin wax dagaal aayna sii wadi doonaan howlgalka.

Taariikhda waa markii ugu horreeysay oo AS laga saaro deegaanka Booco tan iyo markii aay la wareegeen muddo ka badan 13-sanno.

AS deegaanka Booco waxa aay u aheyd fariisin muhiim maxaa uga furneyd Maxkamad waxaana la tilmaamaa in aay sidoo kale aheyd goobaha aay kasoo abaabulaa Qaraxyada iyo dilalka aay gobolka Hiiraan ka geeysan jireen AS.

Deegaanka Galmudug oo si weyn looga dareemayo kacdoonka Shacabka oo kaashanaya ciidanka Xoogga kuwaasi oo la doonayo in ...
20/09/2022

Deegaanka Galmudug oo si weyn looga dareemayo kacdoonka Shacabka oo kaashanaya ciidanka Xoogga kuwaasi oo la doonayo in deegaanada labada gobol looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah ee AS.

Sawiradan waxaa ka muuqda madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo tuutaha xiran, qaybna ka ah hoggaaminta qorshaha socda.

15/09/2022

DEGDEG: Ciidamadda Dharcadda ah ee NISA katirsan , kuwooda jooga Bakaaraha ayaa qabtay Mooto Bajaaj lagu watay Qoriga Zabanka loo yaqaanno, Hub kale iyo Kooxdii wadatay.

Kooxdani waxay weerar gaadmo ah oo aan wax yeello geysan u qaadeen Degmadda Hodan ee Muqdisho, waa sida Saraakiisha Ammaanku xaqiijiyeen.

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor gaar ahaan Ururka 8Aad  ee XDS ayaa Howlgal Qorsheysan ku fashiliye Miinooyiin ay Nabadiid...
12/09/2022

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor gaar ahaan Ururka 8Aad ee XDS ayaa Howlgal Qorsheysan ku fashiliye Miinooyiin ay Nabadiidka Al-shabaab ku Aaseen Wadooyinka ay isticmalaan Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ee XDS ayaa Howlgalka ka fuliye wadooyinka isku xira degaanada kala ah Ceel lehel,Aafar Irdoodka ,Ceelow cusub, xujuub iyo wadooyinka soo gala Magaalada baladweyne gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 8Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor Gor XDS Dhamme Maxamed Xirsi ayaa sheegay in lagu guuleestay in Banaanka loosoo saaro Qaraxyo ay Nabadiidka ku aaseen wadooyinka ay isticmalaan Shacabka Soomaaliyeed

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor gaar ahaan Ururka 8Aad  ee XDS ayaa Howlgal Qorsheysan ku fashiliye Miinooyiin ay Nabadiid...
12/09/2022

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor gaar ahaan Ururka 8Aad ee XDS ayaa Howlgal Qorsheysan ku fashiliye Miinooyiin ay Nabadiidka Al-shabaab ku Aaseen Wadooyinka ay isticmalaan Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ee XDS ayaa Howlgalka ka fuliye wadooyinka isku xira degaanada kala ah Ceel lehel,Aafar Irdoodka ,Ceelow cusub, xujuub iyo wadooyinka soo gala Magaalada baladweyne gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 8Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor Gor XDS Dhamme Maxamed Xirsi ayaa sheegay in lagu guuleestay in Banaanka loosoo saaro Qaraxyo ay Nabadiidka ku aaseen wadooyinka ay isticmalaan Shacabka Soomaaliyeed

Isha SNA RADIO

War murtiyeedka ka soo baxay Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo todobo qodob ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa in laga shaqeey...
12/09/2022

War murtiyeedka ka soo baxay Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo todobo qodob ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa in laga shaqeeyo xaqiijinta xasillooni siyaasadeed oo ku qotonta Kalsooni, Midnimo iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

Sidoo kale waxaa la isku raacay in la dardar geliyo lagana mira dhaliyo Wada hadalada Somaliland.

Goluhu waxaa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqeynta hey’addaha dowladda ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxdo iyo natiijooyin wax ku ool u ah dowladnimada.

Khiyaano Qaran…?Xasan Shiikh oo u saxiixey Ciidamada Badda Yurub ee loo yaqaan EUNAVFOR inay biyaha Badda iyo Xeebaha So...
12/09/2022

Khiyaano Qaran…?

Xasan Shiikh oo u saxiixey Ciidamada Badda Yurub ee loo yaqaan EUNAVFOR inay biyaha Badda iyo Xeebaha Soomaaliya ilaaliyaan kadib markii uu Muqdisho soo gaarey ku xigeenka Arimaha Siyaasada Iyo Nabadgalyada ee Midoowga Yurub Josep Borrel Fontelles, waxaana Ciidamada EUNAVFOR ay si toos ah ula wareegeen xeebaha iyo Badda Soomaaliya isla shaley sida ay Twitter ku soo qoreen.

Dowladii H**e ee Mohamed Abdullaahi Farmaajo waxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey gaysey qaraar Arinkaa lagaga soo horjeedo oo aa loogu cusbooneysineynin mashruuca xaalufinta Kheyraadka Baddaheena iyo ku shubida qashinka dalalka reer Yurub iyo kaluumeysiga sharci darada Ah, taasoo Soomaaliya kaga guuleysatey in Ciidamadaan shisheeye Dalka laga saaro.

Hasayeeshee waxaa khaainimo ah in Madaxweyne Xasan Shiikh uu saxiixo in Ciidamada Shisheeye dib ugu soo laabtaan iyadoo aysan meesha fadhiyin kana maqan yihiin Taliska Ciidamada Badda , Wasaaradaaha Kaluumeysiga iyo Dekadaha iyo sharci yaqaano arimahaan ku xeeldheer.

EUNAVALFOR ma aysan sheegin heshiiska inta u soconaayo iyo Howsha ay ka qabanayaan Soomaaliya iyadoo aan ognahey in 1000 Askari oo loo soo tababarey ilaalinta Badda Soomaaliya ay tababar ku soo qaateen Dalka Eritrea 🇪🇷 oo aan ilaa iyo hada la rabin in Dalka lagu soo celiyo, si shaqadooda u qabsadaan.

Baarlmaanka labada Aqal iyo Xukumada waxaa looga fadhiyaa inay Xasan Shiikh Su'aalo ka waydiiyaan sababta uu ugu soo celiyay Badda Soomaaliya Ciidamada shisheeye ee Dalka Soomaaliya laga saarey Sanad iyo bar ka hor iyo wuxuu yahay heshiiska uu u saxiixey Ciidamada EUNAVALFOR iyo Josep Barrel.

Shacabka Soomaaliyeed waa inay indhahooda kale furaan oo ka hor yimadaan in si raqiis ah dalkooda lagu xaraashto.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo u safray magaalada Nair...
12/09/2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si berri caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto uu uga qeyb galo.

Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa xalay AS kala lawareegay deegaano dhowr ah oo dhaca ...
12/09/2022

Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa xalay AS kala lawareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Deegaanada xalay laga saaray AS waxaa ka mid ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Goor dhaw ka furmay Madaxtooyada Qaranka, waxaana Shir gudoominaya Madaxweynaha Qar...
11/09/2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Goor dhaw ka furmay Madaxtooyada Qaranka, waxaana Shir gudoominaya Madaxweynaha Qaranka, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Dalka ayaa ka qeyb-galaya waxaana diiradda Lagu saarayaa Arimaha Amniga, Abaaraha & qodobo kale

Isaaq Aadan Yarow oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan Taliska ciid...
11/09/2022

Isaaq Aadan Yarow oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan Taliska ciidanka Nabad sugidda ee ka howlgala magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Omar Jama (Huruse), ayaa kullan la yeeshay Safiirka Talyaaniga u fadh...
11/09/2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Omar Jama (Huruse), ayaa kullan la yeeshay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Mudane. alberto Vecchi, waxayna ka wada hadalayn arrimo iyo mowduucyo ay ka mid yihiin xiriirka iyo xoojinta iskaashiga ee labada wadan, si loo gaaro danaha iyo hadafyada guud.

11/09/2022

DEG DEG: Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne ayaa lagu qarxiyey Xaafada xaawo Taako gaar ahaan laanta nuurxawaad ee Magaalada Baladweyne.

Ciidamada qaraxa uu la kacay ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa Miino baarista ah ee ka shaqeeynayey Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

ilaa sadax askari oo Ciidamada Miino maarista ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawacmeen qaraxa Miino ee ka dhacay xaafada xaawo taako laanta nuurxawaad

Shiinaha ayaa ku baaqay dadaal dheeri ah oo looga hortagayo musiibada bini'aadantinimo ee SoomaaliyaDowladda Shiinaha ay...
11/09/2022

Shiinaha ayaa ku baaqay dadaal dheeri ah oo looga hortagayo musiibada bini'aadantinimo ee Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa ugu baaqday beesha caalamka in intii karaankeeda ah ay ka hortagto musiibo bini’aadantinimo oo ka dhacda dalka Soomaaliya oo ay in muddo ah soo wajaheen abaaro saameeyay nolosha ku dhawaad ​​kala bar dadkeeda.

Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Dai Bing ayaa mar uu Golaha Ammaanka kaga hadlay arrimaha Soomaaliya waxa uu sheegay in Dowladda Shiinaha ay taageereyso dadaallada Qaramada Midoobay ay ku dooneyso in gargaar deg deg ah lala soo gaaro Soomaaliya, wuxuuna Beesha Caalamka ka codsaday in la kordhiyo gargaarka Soomaaliya si ay uga hortagto masiibada bini'aadmiga.

Waxa uu sheegay in Shiinaha ay soo dhaweynayaan Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka si ay Soomaaliya uga gudubto marxaladda adag, isla markaana ay ku dhimayso deymaha lagu leeyahay.

Wuxuu sheegay in Shiinaha uu Soomaaliya la gaaray heshiis ah in la gaarsiiyo gargaar cunto oo deg deg ah, ayna sii wadi doonaan caawinta Soomaaliya ee wax ka qabashada abaaraha iyo yareynta dhibaatooyinka musiibada.

Shiikh Cabdil Xayi Shiikh Aadan ayaa caawa masaajidka Xaaji Cali Biixi ee degmada Gaalkacyo ku qabtay muxaadaro ku saabs...
11/09/2022

Shiikh Cabdil Xayi Shiikh Aadan ayaa caawa masaajidka Xaaji Cali Biixi ee degmada Gaalkacyo ku qabtay muxaadaro ku saabsanayd “Maandooriyaha iyo dhibaatada uu bulshadda u gaysto”.

Hindiya ayaa xaddidday dhoofinta bariiska, si ay kor ugu qaado saadka gudaha, ka dib markii roobab culus oo ka da`ay dal...
10/09/2022

Hindiya ayaa xaddidday dhoofinta bariiska, si ay kor ugu qaado saadka gudaha, ka dib markii roobab culus oo ka da`ay dalkaas ay baabi'iyeen dalagyadii.

Hindiya ayaa bariiska u dhoofisa 150 dal, iyadoo horay u hakisay dhoofinta burka iyo sonkorta.

Go’aankan ayaa kor u sii qaadi kara qiimaha cuntada oo markii h**eba ay kiciyeen abaaraha, kulaylka iyo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Address

Beledweyne
2526

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ummada cable Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ummada cable Tv:

Videos

Share

Category


Other TV Channels in Beledweyne

Show All