Dalbila Media

Dalbila Media warar Sugan iyo Dhacdooyinkii ugu Danbeyey

26/12/2023
20/09/2023

Hampalyo gudoomiyha dagmada GOLDOGOB Ayahle farah

11/02/2023

Wiiiilka abti looyahay yaan durufta looga faaidaysan

Indhaheyga waxa ay arkaan ciidan qurux badan iyo calanka midnimada soomaaliya oo lagu wareejiey Madaxweynaha Jamhuuriyad...
23/05/2022

Indhaheyga waxa ay arkaan ciidan qurux badan iyo calanka midnimada soomaaliya oo lagu wareejiey Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Xassan sheekh Maxamuud.

Waa ku mahadsantahay madaxweynihii h**e ee jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ahna xildhibaan sharafeed in aad xilka ku wareejisid si nabadgelyo ah.

Madaxweynaha hadda jooga waxa aan leeyahay wixii h**e ka meeyro oo afarta sano soo socota duco ka kasbo shacabka adiga fulinaya hawlaha ugu waaweyn oo ay ugu h**eyso kuwan soo socda:

1. Saameynta iyo hirgelinta maxkamadda dastuurka.

2. Sii hagaajinta nidaamka ciidanka.

3. Diyaarinta doorasho cod iyo qof.

4. Ilaalinta hantida qaranka.

Wabillahi towfiiq.

09/05/2022

Madaxweyne Farmaajo wuxuu kuu sheegayaa halka aan u socono iyo himilada aan tiigsaneyno.

Gacan is gali vs far is galiUkala codee 2 iyo 3
08/05/2022

Gacan is gali vs far is gali

Ukala codee 2 iyo 3

08/05/2022

Galdogob Xaflad lagu taageerayay Musharax Dani Ayaa Isku Badashay Goob Cabsi Cabsi ah

07/05/2022

Galdogob iyo ciidamadii caawa joojiyey xafladii dani lagu taageerayay

Cigaal Bàdhàwè

Waxaa Caawa Si Rasmi Ah ufurmay Warfaa Foundation Ramadan Cup 2022. Cup kaan ayaa ka furmay garoonka ciyaaraha  City Cen...
11/04/2022

Waxaa Caawa Si Rasmi Ah ufurmay Warfaa Foundation Ramadan Cup 2022. Cup kaan ayaa ka furmay garoonka ciyaaraha City Center Stadium iyadoo Sanad walba Bisha Ramadaan Laqabto Waana Sanadkii Todobaad oo si Xiriir ah Loo Qabto.

Ex. Wasiirki H**e ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada Ahaana Xildhibaan H**e ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Sadik Warfa Ayaa Todobo Sano oo Xariir ah Maalgalinayey Koobkan, isagoo Dhalinta ka Wacyi Galiya Halista Mukhaadaraadka Noocyadisa kala Duwan iyo Falalka Guracan Sidoo kalana ka Taageera Si Ay u Hormariyaan Xirfadooda Sportska.

Habraaca loo Maray Qabashada Koobkan Ayaa Ahayd mid Hufan iyadoo ay iska soo Diiwan Galiyeen 16 kooxood iyagoo Dhamaantood Goob Jooge ka Wada Ahaayeen Furitaanka Warfaa Foundation Ramadan Cup 2022.

02/04/2022

Waligaa Qof Muslim Walalkaa ah Ha U Awoood sheegan Meel uu Ilhay Jooogo
Pray for Hargaysa 😭 وتلك الايام نداولها بين الناس

22/01/2022

Xildhibaan h**e Sadiiq Warfaa ayaa ka hadlay Doorashooyinka Golaha shacabka waxa uuna hambalyo udiray xil dhibaanka loo doortay kursigii uuu horay ugu fadhiyey.

19/01/2022

Wasiirka Duulista hawada Soomaaliya Duraan Faarax “waxaa cajiib ah in Madaxtooyada Puntland ay amar siinayso guddiga doorashada oo la leeyahay qofka aan rabno siiyaa foomamka diiwaangalinta, waana ceeb iyo fadeexad”

17/01/2022

Warbixin:- Waxqabadka Taariikhda ahaa Wasiir h**e Xildhibaan Sadik Warfa Warbixintaan Waxaan ka diyaariney safarkii 19 Oo Xildhibaanku ku tagey deegaan doorashadiisa.




Jiindhe Media

Guusha waynu helaynaa hadii eebe uu qoray hogankaynu ka hodan nahay umadda  way dhaqaaqdoo   qayrkeed way kasarayn balan...
16/01/2022

Guusha waynu helaynaa hadii eebe uu qoray hogankaynu ka hodan nahay umadda way dhaqaaqdoo qayrkeed way kasarayn balanteenu waxay tahay wadashaqayni iyo niyad sami

Wasiirkii hotelada sii qaban jiray oo soo garay
15/01/2022

Wasiirkii hotelada sii qaban jiray oo soo garay

15/01/2022

Xildhiban sadik Warfa muddadii uu matalayay qarankiisa iyo Deegaankiisaba waxa uu noqday shaqsi kasbaday quluubta bulsho weyn-ta soomaaliyeed. Taas oo kaliftay in dadkiisu mar Kale ay dalbadeen inuu ku matalo baarlamaanka soomaaliya.

Sadik waa Dirane Darban oo aan marnaba ka caajisin Shaqadda iyo baahiyaha dadkii doortey.

Waa Shaqsi fahansan Shaqada deegaankiisa iyo tan Qarankiisa.

Deegaanadda Uu Matalo waxaa uu daboolay baahiyahooda iyo Badqabkooda.

Xildhiban Sadik ma dhexgalo waxa hoose Ee Reeraha dhexyaala Ee waxaa uu marwalba ka shaqeeyaa isku heynta dadka uu matalo iyo hormarkooda.

Sadik Warfa shantii sano ee na waydaaratay waxa uu kulansaday sifooyinkaas waana midda maanta horseeday inuu yahay musharaxa ugu saameenta badan shacabkuna ay u heelan yihiin inuu mar kale matalo.

Tareenka Guushu waa Dhaqaaqay gaarina ninkii wadi jiray ayaa yaqaan Toobiyaha guushe ee Haka-harine!.

Mar kale na-matal mudane!.

Sawir ilagal midhaa gursi manoqdo
12/01/2022

Sawir ilagal midhaa gursi manoqdo

Musharax xildhiban Sadik Warfa   isku wadaha Midnimada iyo wadajirka shacabka uu matalo.Bulshada uu matalo waxa ay ku ti...
11/01/2022

Musharax xildhiban Sadik Warfa isku wadaha Midnimada iyo wadajirka shacabka uu matalo.

Bulshada uu matalo waxa ay ku tilmaamen in uu fure u yahay midnimada bulshada uu matalo.

Asagagoo awooda saara dhallinyarada oo ah aqlabiyadda ummadda Soomaaliyeed mar walba kula taliye inay ka fogadan qabyaalada iyo siyaasiga qabyaalada jacel.

Dhamaan bulsha weynta waxay isku raacen in uu yahay kii matali lahaa bulshada kursiga leh.

Hiigsi iyo Halbeeg Sare Ku Dooro xildh. Sadik Warfa
Lakiin marna diyaar uma ahan xildhibanku inad ku tagertid dhaqalo aad ku badalanaysid garab istaga musharaxa.

Baraaruga dhallinyarada kursiga leh ee dhanka horumarka iyo dowladnimada waa midka nagu dhiirri-geliyey in aan ku aaminno hoggaaminta kursigan iyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyo in uu kaalin mug leh ku yeesho dowlad dhisidda, nabadeynta iyo ilaalinta danta guud.

Waxaan idin ku boorrinayaa in aad dadaalkiinna sii joogteeysaan, iyo garab istaga cida na matali kare .

Balanteenu kursiga xildhiban Sadik Warfa midnimo, wadatashi iyo wax wada-qabsi.

Musharax xildhibaan Naciimo Cabdiraxaan Guuleed ayaa maanta Galdogob ku shaacisay inay u taagan tahay qabashada kursiga ...
08/01/2022

Musharax xildhibaan Naciimo Cabdiraxaan Guuleed ayaa maanta Galdogob ku shaacisay inay u taagan tahay qabashada kursiga 232-aad ee golaha shacabka Soomaliya.

Drs Naima Guled ayaa la soo shaqeysay qaar ka mid ahay’adda caalamiga ah ,xaflada waxa ka soo qeyb galey waxgaradka,Dhalinyaradda iyo Haweenka Beesha reer Hassan muumin .

Taliye ku xigeenki H**e ee Booliska DFS , Musharax Xildhiman Ahmedtajir Abdi Hashi ayaa Biladda Nabadda ku qaatey shirki...
02/01/2022

Taliye ku xigeenki H**e ee Booliska DFS , Musharax Xildhiman Ahmedtajir Abdi Hashi ayaa Biladda Nabadda ku qaatey shirki nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase oo kaalin mug iyo miisan leh ku lahaa .

Aragti siyaasadeed,waayo aragnimo dowladeed iyo Aqoon ayuu kulansadey General Ahmedtajir Abdinor Hashi Fiqi .

Sanad Wanaagsan Dhamaan Umadda Soomaaliyeed. Rabitaankeena Waa Nabad, cadaalad, sinnaan, midnimo iyo horumar. Horumarkee...
01/01/2022

Sanad Wanaagsan Dhamaan Umadda Soomaaliyeed. Rabitaankeena Waa Nabad, cadaalad, sinnaan, midnimo iyo horumar.
Horumarkeena waxa uu ku xirin yahay anaga oo wada ilaashana waxa naga dhaxeeyo oo ah Soomaaliya. Sanad Wacan oo Wanaagsan Dhamaan Walaalahayga Soomaaliyeed meelwalba aad joogtaan. Insha Allah, 2022 waa Sanadkii aan Wadada Horumarka aan cagta Saari lahayn. Wabilaahi Towfiiq.

GUNTU hays ka hadashee gobtu maxay ledahayDooro Aan Barwaaqo gaar neeDooro hana daadaheeyee Dooro aan dabaal dagneeDooro...
29/12/2021

GUNTU hays ka hadashee gobtu maxay ledahay

Dooro Aan Barwaaqo gaar nee
Dooro hana daadaheeyee
Dooro aan dabaal dagnee
Dooro waa dantaadee
Dooro aan kuu duceynee

19/12/2021

Sanadii 2017-kii ayay ahayd markii xariga laga jaray xafiiska isku-xirka bulshada iyo xildhibanka. Waxa uu noqday xafiis wax badan ka badalay Deegaanka.

Lix-sano uu xafiisku furan yahay waxa uu wax ka qabtay baahiyaha kala gadisan ee deegaanka ka jira sida.

1:Hormarinta Dagmada galdogob, isagoo xafiiska kulmin jiray labeenta magaalada si go-aamo looga gaaro masiirka dagmada waxa uu noqday xafiis fududeeya shirarka.
2:Taageerida nabadgalyada waxa uu xafiisku bixiyay dhar iyo agabka ciidamada oo lagu taageerayay dhalinyarada boliiska dagmada.
3:Xafiisku waxa uu si sanadle ah u bixinayay una garab-istaagayay dadka nugul ee baahiyaha gaarka qaba.
4:Xafiisku waxa uu deeq waxbarasho ugu deeqay dadka aan iska bixin karin waxbarashada.
5:waxa uu ka qeyb-qaadanayay xilli kasta oo abaari timaado sidii dadka loo samatabxiin lahaa.
6:Xafiisku waxa uu muddadii uu jiray uu garab siinayay ururada dhalinyarada.

Muddadii uu xafiisku furnaa waxa uu ka dhabeeyay ujeedkii loo furay waxana uu noqday xafiis ay dadku aad ugu riyaaqeen. Si weyna ay usoo dhaweeyeen culimada,odayasha,dhalinyarada,haweenka iyo qeybaha kala gadisan ee Bulshada.

Xildhiban Sadik Warfa waxa uu mar kasta u taagnaa sidii uu bulshadiisa iyo deegaankiida wax ugu qaban lahaa. Xilligaas xafiiska la furayay waxa uu ahaa mudanihiu ugu h**eeyay ee deegaankii laga soo doortay xafiiska isku-xira deegaanka iyo xildhibanka ka hirgaliya.

Address

Beira Ier
500008

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalbila Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category