Doh & Doollo

Doh & Doollo Doh iyo Doollo wuxuu u taagan yahay danaha shacab waynaha Gobolada Doh iyo Doollo

Abdirashid M Yare Osman Ali Oog (Royal) ninka kaliya ee reer Doollo maydkii Sheik Deeq ku istaagay kuna helay maareeyahi...
03/05/2025

Abdirashid M Yare Osman Ali Oog (Royal) ninka kaliya ee reer Doollo maydkii Sheik Deeq ku istaagay kuna helay maareeyahii Kuliyada farsamada ee Qoraxay xiligaas oo uu geeyey Sanyare Ilbir oo seedigiis ah ayaa noqday qofka ilaa xiligaas soo hayey kuliyadaha fadsamada Qabridahar iyo wardheer oo uu u soo wareegay isbadalkii kadib.

Abdirashid Royal wuxuu wuxuu ahaa ardaydii ku soo fashilantay kuliyadii Beeraha ee Godey kadib wuxuu Addis-Ababa ka bilaabay jaamacadii private ka ahayd bio midco ee burburtay ayuu nurse ka bilaabay taas oo iyadana ku dhacay tiro dhawr Mar ilaa markii dambe uu isaga tagay Jigjiga na u huleelay halkaas oo uu Sanyare Ilbir protocolkii Abdi ilay oo seedigiis ahaa uu gacan qabtay geeyeyna kuliyada farsamada Qabridahar.

Royal wuxuu ku caan baxay isku dirka familada isqaba iyo u kala sheekaynta raga iyo dumarka isqaba.
Wuxuu kaloo caan ku yahay musuqmaasuqa hantida dadwaynaha ee loogu dhiibay maareeyaha kuliyada farsamada ee Wardheer taas oo miisaaniyadii kuliyada kaga dhistay guryo aad u badan malaalada Jigjiga wardheer iyo meelo kale.

Waxaa kale oo uu ilaa hada ku biilaa seedigii soo garab qabtay Sanyare Ilbir protocol kii Abdi iley oo Istanbuul turkey dagan.

Suaasha u baahan in laga jawaabo waxaa weeye dawlada uu hogaamiyo Madaxwayne mustafe Muhumed Omer waxay sheegtaa in Heego cadow ku tahay DDS balse wali iyada ayaa naasnuujisa xilalkana u dhiibta.

Dhanka kale barkadii ay dhibaatadu ka bilaabatay ee dadka badani ku dhenteen ee Tuulo guban Abdirashid Ali Oog Rayal ayaa lahaa abaabulkeeda iyo in la qodo reer Wardheer na way ogyihiin.

Musuqa eexda iyo kala qaybinta uu kuliyada ka wado Royal waa mid banaanka taala indhahase laga qarsaday.

Kuliyada wardheer waa meesha kaliya ee wali miisaaniyadeeda ay qoondo ku leedahay xukuumadii Cabdi iley.

30/04/2025

Wuxuu wali Mustafe Cagjar ka wadaa gobolka Doollo gaar ahaan degmada wardheer xasuuqii baahsanaa ee uu ku hayey beesha Makaahiil gaar ahaan Ismaaciil Gumcadle.

Waxaa saaka centerka Caado ee dagmada wardheer ciidanka Liyuugu ku toogteen Abdiyare Ahmed Baadil oo dadka deegaanka ku nool ahaa.

Dilka laga soo amrayo Jigjiga ee dadka deegaanka lagu hayo waxay ahayd mid soo taxnayd 7 sano ee Mustafe Cagjar xilka deegaanka hayey.

Allaah SWT ha u naxariisto Marxuumka sida xaqdarada ah loo dilay ehelka iyo qoyskiisana samir iyo imaan ha oogu deeqo.

Waxaanse xasuusin Mustafe Cagjar Gafaydhe Hussein Kassim iyo badal xiis in lagu xisaabtami doono dhiiga shacabka Wardher.

My nephew and his father went to the police station in Jigjiga, the capital of the Somali Region, simply to ask for just...
22/04/2025

My nephew and his father went to the police station in Jigjiga, the capital of the Somali Region, simply to ask for justice. But what happened next is something no parent, no family, should ever have to witness.

Shafici was only 17 years old. Just a kid.

Instead of helping them, two officers Fuad Qorane, the head of the station, and Danbi Baadhe Suufi, the lead investigator tortured him right there in front of his own father. Then they arrested him with no legal reason, no charges, nothing. He was completely healthy. He had done absolutely nothing wrong.

After that day, they hid him. No medical treatment. No phone calls. No visits. For 40 days, his family begged for answers, but all they got were lies, cover-ups, and silence.

This wasn’t just a case of abuse—this was a deliberate act of cruelty, protected by an injustice system built on tribal favoritism and corruption. A system that lies to your face and expects you to believe it.

Then suddenly, without explanation, they brought him to the hospital injured, weak, unable to speak. And today, we got the call that he died.

But the worst part? The police had the audacity to claim he “died naturally.” Just hours after his death. As if we didn’t already know what they did to him. As if we’re supposed to just take their word for it.

How are we supposed to trust a system that tortures children and then lies about it? How do you trust police officers who look a father in the eyes while destroying his son’s life?

Shafici didn’t die naturally. He was tortured to death. Slowly. Silently. Under a system that protects the guilty and silences the victims.

He was 17. He had his whole life ahead of him.

This wasn’t just a tragedy it was a crime. A brutal, unforgivable crime.

We won’t stay quiet. We won’t be fooled. And we sure as hell won’t stop fighting.

Justice for Shafici. Justice for every family this system has lied to. Enough is enough.

20/02/2025
Sargaalkan idiin muuqda wuxuu maanta ku biiray jabhada FANO ee dagaalka kula jirta dawlada uu Abiy ahmed hogaamiyo.Wuxuu...
03/12/2024

Sargaalkan idiin muuqda wuxuu maanta ku biiray jabhada FANO ee dagaalka kula jirta dawlada uu Abiy ahmed hogaamiyo.

Wuxuu ka taliyihii qaybta guud ee miinooyinka ahaana taliyaha 3aad ee oogu sareeyey ciidamada Ethiopia.

Wuxuu ahaa saaxiibada oogu dhaw ee Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muhumed Omer oo uu u qaabilsanaa in aan looga soo dhicin dhanka ciidamada militarka.
Wuxuu maanta isu dhiibay Jabhada FANO ee deegaanka axmaarada dagaalka kaga jirta.

14/10/2024
Bishii ina dhaaftay ee september ayaa dad gaadhaya 400 oo qof laga soo raafay Degmada wardheer iyo agagaarkeeda dadkaa w...
14/10/2024

Bishii ina dhaaftay ee september ayaa dad gaadhaya 400 oo qof laga soo raafay Degmada wardheer iyo agagaarkeeda dadkaa waxaa lagu soo xareeyey xerada wayn ee Garabcase ee magaalada Jigjiga.

Waxaa jiray tiro maxaabiis ah oo intaa ka badan oo Godey loo leexiyey kuwaas oo aan war laga haynin xaalkooda.

Maxaabiistii Garabcase lagu xareeyey waxaa haleelay cudurka daacuunka oo fara ba'an ku haya maxaabiista tiro beelka ah ee u xidhan nidaamka uu Mustafe Cagjar hogaamiyo.

Dadkaas reer Wardheer ee halkaas ku dhibaataysan ee daacuunku ku dhacay waxaa Allah SWT u bixiyey Xildhibaan Bashir Mooto oo intii uu xanuunku soo ritayna Hospital geeyey intii nafaqo dari ku dhacdayna isagu dabiibay.

Taliyaha Booliska deegaanka Gaafaydhe ayaa habeen h**e u yimid maxaabiistii reer wardheer kalana baxay 35 xubnood oo Abdikarim Sheik Muuse (Qalbi dhagax) familkiisa ah intii kalena ku wargaliyey in ay xerada ka baxaan isla markaasba

Waa habeen badh roob da'ayo meeshu waa Jigjiga dadku waa dad miyiga wardheer laga soo uruuriyey iyagoo xoolo la jooga, xiliga laga bixinayo xerada lagu ciqaabayeyna waa niska dambe ee habeenka oo roob da'ayo.

35 tii Qalbi dhagax qoyskiisa ahaydna wuxuu la aaday meel aan ilaa hada warkeeda lahaynin.

Tacadiga uu maamulka Deegaanka ee Mustafe hogaamiyo ku hayo shacabka ayaa mudooyinkii dambe isasoo taraysay taas oo dib inoogu celinaysa xusuusihii hadaladii uu Mustafe ku beer laxawsan jiray shacabka soomaaliyeed ee deeganka daga.

Mustafe Muhumed Omer wuxuu dulmane u ahaa xukuumadii isaga ka horaysay taas oo dishay xubno qoyskiisa ah kuwo kalena xidhay qaarna dalka ka carereen, isaguna maanta ayuu dulmi kuhayaan shacabka deegaanka oo uu qaar laayey qaarna xidhxidhay kuwo kalena ay deegaanka ooga carareen si ay ooga nabad galaan dulmigiisa.

Dadka wadanka ka baxay waxaa ka mid ah Halgamaa Abdikarim Sheik Muuse Qalbi dhagax oo u diga rogtay caasimada Soomaaliyeed ee muqdisho

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muhumed Omer waa dambiile galay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamiga kana gays...
06/10/2024

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muhumed Omer waa dambiile galay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamiga kana gaystay gobolka Doollo gaar ahaan degmada wardheer iyo dhulka ku teedsan sida Daaru-Salam, Caado, Bilcildheere, Dhidin iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran.
Waxaan hay'adaha xuquuqda aadamiga gaadhsiinaynaa in Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muhumed Omer uu galay dambiyada hoose kuna galay deegaanada kor ku xusan.

Waxaa ka dhacay gobolka Doollo gaar ahaan tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee hoostaga degmada wardheer ee xarunta gobolka Doollo waa dambi xuquuqda aadamiga laga galay laguna cidhib tirayey dad gooni ah.

Waxay ku bilaabatay xasuuq dad shacab ah oo degaankoodii jooga nabadna ku jooga oo aan habayaraatee aan wax dareen ah qabin dadka halkaas lagu laayey waxay gaadhayeen 23 qof oo aan dambi lahayn.

Waxaa xigtay duminta magaalo dhisnayd 30 sano in kabadan oo ay ku yaaleen in ka badan 360 guri oo isugu jira guriyo dhagax ah kuwo bulukeeti ah iyo dhamaan dabaqadaha guryaha loo dhisto oo ahayd nin iyo tabartii, iyo 120 barkadood oo biyeeysnaa ahaydna isha kaliya ee ay biyaha ka helaan bulshada dhulkaas ciida ah ku nool.

Waxaa xigay in dadkii shacabka ahaa lagu qaaday duulaan kaas oo ahaa dambiyo dagaal oo xasuuq ah loona gaystay dad shacab ah oo birmagayda ah oo isugu jira dad reer miyi xoolo dhaqato ah dad magaalooyinka daganaa iyo culimo cilmiga islamka ka baranaysay Masjidka Daaru-Salam oo ah meesha kaliya ee ka taagan magaaladii Daaru-Salam iyo magaalada CAADO oo dambiyo waawayni ka dhaceen 2 asbuuc ee u dambaysay.

Masjidka Daru-Salam in aan la duminin waxaa kalifay in ay diideen niman Ethiopian gaalo ah oo darawaliin ka ahaa cagaf-cagafyadii magaalada lagu duminayey kuwaas oo uu ku amray taliyaha ciidamada deegaanka Gaafaydhe in ay dumiyaan waxayna u sheegeen in ay mamnuuc tahay goobaha cibaadada la dumiyo diinta ay haystaana ayna ogalayn.

Dambiyayada halkaas laga gaystay waxay ahaayeen kuwo aan marnaba qalbiyada bani'aadamku ayna suuraysan karin sida in bacmadoow basbaas leh dadka madaxa loogaliyo si loogu ciqaabo dad badan ayaana ku indha beelay.

Waxaa ciqaabaha ka mid ahaa in dadka inta barkado biyeeysan lagu rido marka ay naftu ku dabayar tahay laga soo saarayey hadana lagu celinayey.

Waxaa ka mid ahayd ciqaabaha dadka la marsiinayey garaacis, figayn loo xirxirayey number 8 iyo qaawinta rag iyo dumar laysku xidh-xidho.

Waxaa ka mid ahayd dhibaataynta dadka shacabka ah in laga googooyo ramalada ay biyaha ku shubtaan maadaama horay looga burburiyey barkadihii ay lahaayeen.

Waxaa laga googooyey in ka badan 110 ramal oo mid kasta uu qiimihiisu joogay $400, waa lacag cadadkeedu yahay $44,000 Dollar.

Dhibaatooyinka waxaa ka mid ah in dadka miyaga dagan guryaha aqal soomaaliga laga gubayo oo dab lagaliyo si wadar ah.

DADKA LA XASUUQAY

Dadka la xasuuqay waxay isugu jiraan dad da'ah oo cimrigoodu yahay 103 jir, 95 jir, 70 jir, 10 jir saqiir 12 , jir saqiir iyo gabdh 13 jir ah.

Dadka lagu xasuuqay ee dhintay 23 qof oo shacab ah.

Dadka dhaawaca ah 150 qof oo dad badan oo xaaladoodu halis tahay ay ku jiraan.

Waxaa u xidhan in ka badan 560 qof.
Waxaa lalayahay 47 qof oo jaan iyo cidhib meel ay dhigeen aan lahaynin

Dambiyadaas oo dhan waxaa gaysanayey waa ciidanka Liyuugu oo uu amarkiisa bixiyey Madaxwaynaha deegaanka Mustafe Muhumed Omer oo halkaas ka gaystay dambiyo dagaal oo waawayn iyo Ku xadgudub xuquuqda aadamiga.

SHAKHSIYAADKA DAMIYADA LOO ADEEGSADAY.

1:Ahmed-Yasin Sheik Ibrahim wasiirka ka hortaga masiibooyinka DDS ahna xubin ONLF ahaan jiray garabkii ka falaagoobay, ahna qurbajooge dagan magaalada leicester city ee Cariga UK haystana dhalashada Danish(Denmark) haysta deganaasho UK ah.

2: Badal Xiis lataliyaha Madaxwaynaha ee dhanka amniga ahana Madaxwaynaha ina adeerkiis.

3: Abdi siyaad (Gaafaydhe) Taliyaha ciidanka deegaanka General Gaafaydhe madaxwaynaha ina adeerkiis

4: General Mohamed Ahmed Garaad Taliye kuxigeenkii h**e ee ciidanka deegaanka

5: General indhayare oo qayb ka noqday mar dambe.

MAALGALIYAASHA XASUUQII DHACAY.

1: Farah Sheik Biixi Ganacsade dagan kana ganacsada Diridhaba wuxuu leeyahay warshad biyaha sifaysa iyo warshad sibidhka soo saarta.

05/10/2024

Deegaanka soomaalida waxaa meesha ka baxay haykalkii dawladnimo ee deegaanku uu lahaa.
Waxa kaliya ee ka soo hadhay waa in ay sii jiraan magacii deegaanka magacayo xafiisyo iyo qawlaysato uu Mustafe horjooge u yahay.

Wuxuu Mustafe Muhumed Omer iloobsy dhibkii uu shalay ka cabanayey ee qoyskiisa lagu hayey siduu sheegayey ee la taagnaa baraha bulshada.

Wuxuu xasuuq, barakicin, dumin maal iyo mood waxay lahaayeen ku sameeyey Makaahiil oo uusan u kala aabo yeelin.

Xasuiqaas isaga ah ee uu wado ilaa maanta ayuu wuxuu ku fakaray si uun u qariyo kuna riixo dad aan Makaahiil ah oo aan dalkaba joogin kuwaas oo qayb ka mid ahi ay qoreen qoraalo ina Mustafe lagu eedaynayeeen in uu Mustafe hurinayo colaada Makaahiil.

29/09/2024

Waxaa wali halkii ka sii socda xasuuqii iyo tacadigii lagu hayey shacabka ku dhaqan degmada wardheer iyo nawaaxigeeda kaas oo in mudo ahba ka socday deegaankaas.

Sadexdii asbuuc oo u dambaysay waxaa deegaanada Wardheer, Caado, Dhidin, Daru-Salam, Bilcildheere iyo deegaanada ku teedsanba waxaa dadka shacabka ay ciidamada deegaanka oo amar ka wata Madaxwaynaha DDS Mustafe Omer ay u gaysanayeen xasuuq, barakicin gubida guryaha garaacis aan loo meel dayin ka daadinta waxay haysaan iyo gubida xoolo nool.

Waxaa halkaas ka dhacay waa xasuuq laga diiwaan galiyey hay'adaha xuquuqda aadamiga iyo meelaha ay qusayso.

Waxaa warbixin kooban ka diyaarisay KaramaraTV.

25/09/2024

MAKAAHIIL isma hayee Reer Isaaq iyo Ismaaciil Gumcadle ayaa is haya intaas fahma

24/09/2024

Waxaa meel halis ah maraysa xaalada gobolka Doollo gaar ahaan degmada wardheer oo xaalad bini'adanimo ka jirtaa.

Waa xasuuq iyo isir sifayn waxa ka socda Doollo oo ay daadihinayaan Mustafe Muhumed Omer Madaxwaynaha deegaanka

Abdi Siyad Gaafaydhe taliyaha ciidamada deegaanka.

Kornayl Khadar Aw Badhe oo ka mid ah horjoogayaasha ciidanka lau xasuuqayo gobolka Doollo.

Bashiir Ahmed Makhtal odayga dhaqanka gobolka Jarar

Badal Xiis lataliyaha Madaxwaynaha deegaanka iyo Ahmed-Yasin Sheik Ibrahim wasiirka masiibooyinka deegaanka ahnaa jiray xubin ONLF oo falaagoobay.

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Doh & Doollo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share