DALKA

DALKA DALKA SOO YAACA LIKE SHARE COMENTS KALA SOCDA HALKAN XOGTA DALLKA OO SUGAN

25/12/2023
"Waxa aan bogaadinayaa kulanka salaadiinta Habarjeclo, midnimadooda, wadajirkooda iyo in ay ahaadaan ul iyo diirkeed, la...
23/12/2023

"Waxa aan bogaadinayaa kulanka salaadiinta Habarjeclo, midnimadooda, wadajirkooda iyo in ay ahaadaan ul iyo diirkeed, lahaadaanna hal ujeeddo oo ah ilaalinta dalka, dadka iyo diinta oo intaba ay nabadgelyadu saldhig u tahay. Wadajirkaas ay muujiyeenna waxaan aamminsanahay in uu wax weyn ka tari doono nabadda iyo horumarka deegaannadooda.

Waxa aan sidoo kale salaadiinta ku hambalyaynayaa in ay ilaashadaan hannaankooda hoggaamineed, wixii khaldamana bashar baa loo yahay e, ay saxdaan oo suldaanka guud ku xaqdhawraan guddoonka, qof kastana la siiyo mudnaantiisa oo ay ahaadaan walaalo is dhawrta iyo waayeel is xaqdhawra. Ilaahay kuwa wadajira ayaa uu garabkooda yahay (Yadulaahi Macal Jamaaca).

Alle ha inagu toosiyo dariiqa toosan, dawladnimadiina _waa ay inaga qalloocatay e_ ha inoo hagaajiyo, qof walbana waxa aan ku dardaarayaa samaha iyo wanaagga." Guddoomiye xirsi xaaji cali

19/12/2023
"Waa khasab in doorasho la qabto, hadii uu qaban waayo doorasho isaguna kursigaa kuma fadhiyaayo" Xoghaye Khadar
19/12/2023

"Waa khasab in doorasho la qabto, hadii uu qaban waayo doorasho isaguna kursigaa kuma fadhiyaayo"

Xoghaye Khadar

19/12/2023
19/12/2023
18/12/2023
18/12/2023
17/12/2023
16/12/2023
15/12/2023
“ Muuse Biixi qorshe dagaal iyo qorshe nabadeed midna ma hayo .” Boqor Buurmadow
14/12/2023

“ Muuse Biixi qorshe dagaal iyo qorshe nabadeed midna ma hayo .” Boqor Buurmadow

13/12/2023
"Doorashaddu waa waajibaad,waajibaadkana lama baryo. Waa qasab in doorasho la qabto"..Xildhibbaan Xasan Salleebaan Dhuxu...
13/12/2023

"Doorashaddu waa waajibaad,waajibaadkana lama baryo. Waa qasab in doorasho la qabto"..

Xildhibbaan Xasan Salleebaan Dhuxul (Laab-saallax)

13/12/2023

“Maanta Waxay Taagan tahay wakhtigii Gobolka Cagaaran ee Gabiley Gobolnimadiisa La Ansixin Lahaa….”

Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Mideeye

“Mudane Madaxweyne Maanta dantu kuma jirto Dagaal la qaado ee dantu waxay ku jirtaa Dalka oo doorasho xalaal ah aad ka q...
13/12/2023

“Mudane Madaxweyne Maanta dantu kuma jirto Dagaal la qaado ee dantu waxay ku jirtaa Dalka oo doorasho xalaal ah aad ka qabato.” Maxamuud Xaashi Gudoomiyaha Ururka Kaah.

11/12/2023
“Somaliland maanta Cirkaas ayay maraysaa ee Waa in la guurguursadaa hablaha Oromada” Faadumo Siciid
10/12/2023

“Somaliland maanta Cirkaas ayay maraysaa ee Waa in la guurguursadaa hablaha Oromada”

Faadumo Siciid

“Somaliland waan u dagaalamayaa inta neeftu igu jirto ee aan socon karayo ee aan doodi karayo “Dr Adna Aadan
09/12/2023

“Somaliland waan u dagaalamayaa inta neeftu igu jirto ee aan socon karayo ee aan doodi karayo “

Dr Adna Aadan

09/12/2023
"Haddii shalay la il-duufay taladii Sool. Waar hooy, maanta yaan la il-duufin talada Awdal iyo Selel.Dadka reer Awdal iy...
08/12/2023

"Haddii shalay la il-duufay taladii Sool. Waar hooy, maanta yaan la il-duufin talada Awdal iyo Selel.

Dadka reer Awdal iyo Selel, waa dad walaalo ah, oo ah deris uu Alle isu dooray. Kuwaas oo aan cidina isu dhaamin, isla markaana wadaaga, deegaanka, daaqa, darka ceelka, duunyada iyo dadkaba.

Baashii bari ee dalku mar haddii ay bel-beshay, ma haboona in baashii galbeed ee inoo bedqabtay, buuq iyo belo laga dhex abuuro.

Waxaan leeyahay, waa doqoniimo iyo damiinimo siyaasadeed, in dalkeenii kasoo doogay (30) ka diraacood, uu maanta u muuqdo mid daadad doc kasta ka galeen, oo ku dhow in uu dumo, amaba d**o.
Haddaba, waxaan dadka reer Awdal iyo Selel kula talinayaa, in ay ahaadaan ul iyo diirkeed, isla markaana ay adkeeyaan walaalnimadoodii, iyo wadajirkoodii ay wacadka u lahaayeen.

Dhinaca kale, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, talo waa mar la gaadhi waayo, iyo mar la garan waayo. Bilowgii xilligii ay ka aloosnaayeen gobolka Sool, xurgufaha iyo xiisadda siyaasadeed, waxaan xukuumadda u jeediyay dardaaran aan kusoo ururiyay halku-dhigan: “Xiisadda ka aloosan gobolka Sool, laguma xalin karo, xoog iyo xabad.
Haseyeeshee, waxaa lagu xalin karaa xikmad iyo xirfad keli ah”. Nasiib darro, waxaan u arkaa, in taladaa xambaarsanayd xogogaalnimada, iyo talooyinkii kale ee ay qoorweynta qaranku soo jeediyeen in aan midna la qiimayn. Talo maroorsigii, is maqiiqii, maamul xumadii, iyo muunayn la’aantii talada mudanka midna laguma macaashin. Allahayow, taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa.

Ugu dambayn, hadal waliba hoos leh, ee maantana waxaan uga digayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, in aanay u maamulin, ama u maarayn mushkiladaha ka jira gobolka Awdal si aan maangal ahayn. Taas oo lamid ah, sidii loo maamulay mishkiladihii gobolka Sool. Kuwaas oo madhaxoodii aan la mahadin ilaa maanta.

Allahayow tubta toosan nagu hanuuni.

Taliyaha Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland   Mustafe Maxamed Xasan (Bacaluul) ayaa xalay booqday furimaha h**e ee d...
08/12/2023

Taliyaha Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland Mustafe Maxamed Xasan (Bacaluul) ayaa xalay booqday furimaha h**e ee dagaalka ee Guumays iyo taliska Oog, oo maalmihii la soo dhaafay ay hawgalo qorshaysan ay ka wadeen cutubyo ka tirsan hay’addaasi.

" Majirto dhul ama wado suuqa Waaheen ku taala oo la iibiyay, Aniguna ma ihi qofkii loo tuhmi lahaa ama lagu dhaliili la...
07/12/2023

" Majirto dhul ama wado suuqa Waaheen ku taala oo la iibiyay, Aniguna ma ihi qofkii loo tuhmi lahaa ama lagu dhaliili lahaa inuu dhul iibiyay." Maayir Mooge

Haya’adda Sirdoonka Soomaliland oo Sheegtay inay Gacanta ku Dhigtay Labo Nin oo Sirdoonka Soomaliya ee NISA ka Tirsan.
07/12/2023

Haya’adda Sirdoonka Soomaliland oo Sheegtay inay Gacanta ku Dhigtay Labo Nin oo Sirdoonka Soomaliya ee NISA ka Tirsan.

07/12/2023
“Gabadha saxibkeed ama ninkeeda teleefankiiisa baadhta waa Jaajuusad guriga kuu dhex fadhisa” Daaci Saalax.Aragtidaada
06/12/2023

“Gabadha saxibkeed ama ninkeeda teleefankiiisa baadhta waa Jaajuusad guriga kuu dhex fadhisa”

Daaci Saalax.

Aragtidaada

06/12/2023
06/12/2023
“Qaramadda midoobay waxa aan u sheegaya in dalkayga Somaliland yahay dal ku suntan dimiqaraadiyad, doorashooyin iyo dega...
05/12/2023

“Qaramadda midoobay waxa aan u sheegaya in dalkayga Somaliland yahay dal ku suntan dimiqaraadiyad, doorashooyin iyo deganaansho balse beesha caalamki aaney na siin mudnaanta aanu laheyn oo ah Ictiraaf.”

Xildhibaan Barkhad Batuun oo khudbad dheer ka jeediyay Xarunta Qaramada midoobay ee Geneva ayaa yidhi,

“Dadkayagu madaxbanaanidii ay u dagalaamen 1991-kii oo ay dib ugu la soo laabteen dhulkoodi xuduudaha Ingiriska ku fadhiyay, ka dib waxay u midoobeen inay dib u dhistaan hab dawladnimo oo dumuqraadi ah iyo inay muwaadiniintu helaan xaq iyo xuquuq siman oo cadaalad ah.

Sidoo kale waxa Dalkayga Somaliland uu buuxiyay dhamaan shuruudihii dawladnimada ee looga baahna.

Qaramadda midoobay waxa aan u sheegaya in dalkayga Somaliland yahay dal ku suntan dimiqaraadiyad, doorashooyin iyo deganaansho balse beesha caalamki aaney na siin mudnaanta aanu laheyn oo ah Ictiraaf.

2021-kii oo ay dhacday doorashadii Barlamaanku waxa Ii codeeyay si aqlabiyad ah dad ka badan 21-kun oo qof anigoo ka soo jeeda beelaha minority-ga ah , Tariikhda Somaliland waxay ka noqotay qofkii ugu h**eeyay codad intaas gaadhaya loogu doorto kursi barlamaan.”

Xildhibaan Barkhad Batuun oo khudbad ka jeediyay xarunta Qaramada midoobay ee Geneva.

Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland NIA IntellSL ee sirdoonka qaranka oo kaashanaysa laamaha nabadgelyada ayaa degmad...
04/12/2023

Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland NIA IntellSL ee sirdoonka qaranka oo kaashanaysa laamaha nabadgelyada ayaa degmada Oog ku qabatey, Cabdifataax Cali Cabdi, Cabdifataax Xasan Cilmi, iyo Cabdirashiid Muxumed Ibraahim. Oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee xogaha amniga siin jiray kooxaha huwanta ah ee ka dagaalama Laascaanood. waxayna Hay’addu sidaa ku sheegtay qoraal ay ku baahisay Barteeda X ama twitter.

04/12/2023
03/12/2023
"Hubkaasi loo fasaxay Soomaaliya gacanta dawladaasi ayuu ka baxayaa, waxaanu gaadhayaa Geeska oo dhan khatar ayaanu ku y...
03/12/2023

"Hubkaasi loo fasaxay Soomaaliya gacanta dawladaasi ayuu ka baxayaa, waxaanu gaadhayaa Geeska oo dhan khatar ayaanu ku yahay mandaqadda" Cabdiqaadir Jirde.

02/12/2023

Adress

SKATEG
Linköping
58453

Öppettider

Måndag 09:00 - 17:00
Tisdag 09:00 - 17:00
Onsdag 09:00 - 17:00
Torsdag 09:00 - 17:00
Fredag 09:00 - 17:00
Lördag 09:00 - 17:00
Söndag 09:00 - 17:00

Telefon

+46793445275

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när DALKA postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Videor

Dela


Övriga Tv-kanal i Linköping

Visa Alla

Du kanske också gillar