Somaliland Power

  • Home
  • Somaliland Power

Somaliland Power Merchant

29/04/2024

SALAMULLAH.

QADARTA ALLAH EEN LA BAAJIN KARIN.

Waxay ahayd subaxnimo cabaaro 10kii aroornimo maalin Khamis ah taariikhduna tahay 15.02.2024 ka, Sidii caadada ii ahayd waxan xili h**eba dhamays tiray shaqadii subaxnimo ee maalintaas.
Waxay ahayd goor aan qureecday isla markaana indhaha soo mariyay soona kor meeray qaabka ay shaqadu u socoto iyo inay wax qaladaad ahi ka jiraan habsami u socodka shaqada, kadib markaan ogaaday inay wax walba sidii loogu talo galay u socdaan ayaa waxan go,aan saday inaan ku Yara nasto qolka nasashada ee ku yaal isla goobta shaqada.
Isla markii aan soo galay qolka waxan isku kola bixiyay sariirta deeto waxan lasoo baxay telefoonka si aan wararka caalamka u Yara daalacdo mudada aan nasanayo , waxan ku h**eeyay inan furo Facebook , Isla markaana waxan furay account aan ku leehay Batra Facebook oo inta badan familka iyo asxaabtuba igala soo xariiraan .
Isla markii an furay waxan usii gudbay dhankaa iyo messenger ka ama qaybta fariimaha si aan u ogaado wixii fariimo iiga Yumi dhanka familka iyo asxaabta ba, Isla markiiba waxa igaso hor baxday fariintii ugu dambaysay ee iiga timaada dhanka familka taas oo la iisoo diray habeen nimadii inta aan hurday, waxa fariinta iiso diray qof ka mid ah familkayga oo badanka aan halkaan isku waraysano.
Inta aanan furin fariint waan ku farxay oo Marna ma malaysanin inay tahay fariin dhiilo xambaarsan, waxay ahayd walaashay Faa,iza qofka fariinta iiso diray , fa,iza waa dumashiday oo ah xaaska walalkay Xasan oo ah curadkeeena.
Faiza fariimaheegu waxay ahaayen kuwo aan uga bartay halkan maadaama ay tahay qofka inta badan halkan aan ku wada xariirno een warbixinta familka sida tooska ah uga helo .
Isla markiiba waxan si hal haleel ah u furay fariintii mise waa fariin gaaban oo xataa salaan aan lahayn , waxay ahayd fariin ku bilaabantay magacayga oo aw ku xigo magaca Aabo. waxayna u qornayd Sidan :
"Mustafe Walaal Aabo Cabdi wuw dhintay" waxa igu dhacay wax aan u kala garan waayay naxdin iyo dhul gariir , qofku marka uu naxo waa marka miyirkiisu joogo ama xaalkiisu caadi Yahay lkn anigu ma nixin ee waan is waayayba meel aan joogo. ilayn baroorta ama oohintu waa marka aad caadiga tahaye nakhaskaa igu dhagay, deeto maskaxdu go,aan deg deg ah bay qaadatay oo ah inuu warkani been Yahay ama aniguba aan riyo ku jiro , mar kale ayaan dib u furay fariintii si aan u hubiyo waxa maskaxdaydu ii sheegayso ee ah beenta ama riyada misena waaba tabtii oon waxba laga badalin.
markan xaalku wuw igu adkaaday lkn wali xaalad hubanti la,aan ah baan ku jiraa oo waan dawakhsanahay naftuna way baaxa dagaysaa, waxan go,an ku gaadhay inan xaqiijiyo deeto telefoonkaan soo qabsaday oo waxan wacay walal fa,iza isla markiiba way iga qabatay oo waxay igu tiri ""walal mustafe'" markan maqlay hadalkeega ayan dhadhansaday dhab ahaanshaha fariintii dhiilada lahayd ee aan rumaysan la,aa.
waxan xaqiiqsaday inaan waayay tiirkii noloshayda ee Allah(saw) ka sokow noloshayda iyo jiritaankayga sababteeda lahaa, waxan wayay iftiinkii aan ku maraayay dhul badan oo mugdi ah, waxan dhadhansaday qaraarka agoon nimadu ledahay anoo maqal uun ku hayay hebel ama heblaayo waa agoon, waxa ii bilaabantay nolol aabo la,aan ah.
intaaso Dhami waxay dhacayaan waa ilbidhiqsiyo kooban oo wali telefoonkii baan dhegta ku hayaa fa,izana kalmad kale kumay darin kadib markay igu tiri ""walal mustafe"" anina uma jawaabin.
waxay talo igu cadaatay markay fa,iza igu tiri walal is adkee , runtii markaan kalmadaa maqlay waan miyir daboolmay mana xasuusto inan qayliyay iyo in kale waayo kaligay baan ahaa oo cidi igama ag Dhawayn telefonkii dhegta an ku hayayna waan tuuray.
cabaar kadib wan soo miyirsaday oo hareeraha ayan fiiriyay mise waa kaligay oo Cinda ima ag joogto, goobtu waa Mozambique gobolka Niassa degmada Cuamba waxan jooga goob shaqo oo somali iska dhaafe wax ashahaata igama ag Dhawan, waa cidlo ciirsi la.
suuligaan galay waan qabaystay soona wayso qaatay kadib laba rakcadood ban tukaday oo adkaarta ayaan miciinsaday, telefoonki ayan soo qaatay oo waxan wacay walalo muxyadiin isna igama qaban lkn hal daqiiqo kadib wuw iguso celiyay kabib markan qabtay ma hadlin ee waxan awooday uun inan telefonka dhegta saaro lkn isagaa ila hadlay wuxuuna hadal iiga bilaabay Sidan:
"'"walalo mustafe Aabo Allah ha u naxariisto hada waxan usii soconaa qabuuraha ama xabaalaha ee usoo ducee"' mana hadlin mana hugmin telefoonkana dhegta k**a qaadin isna markuu dareemay inan xalkaygu caadi ahayn buu telfonka iigu dhiibay abtigay Abtiyo Maxamuud oo ay isla socdeen, Abtiyo maxamuudna sidoo kale buu I faray inan soo duceeyo calooshana adkaysto .
waxan baadi goobay hooyo oo waxan wacay walalo idil oo ah dumashiday xaaska walalo muxyadiin deeto isla markiiba way iga qabatay lkn manta warkuba waa isku mid oo qofka an wacaaba intii qofka h**e ii sheegay uun buu ii sheegaya, waxan ka codsaday inay hooyo iigu gayso telefoonka si aan hooyo niyadda ugu qabawsado.
hooyo markii telefonka loo geeyay waxay markiiba ogaatay inan caadi ahayn ilayn iyadaa I dhashay oo way I taqaanaye waxay bilawday inay I dajiso aniga waxayna tiri Sidan:
"" hooyo doqon ha noqonin oo ha ooyin ee is adkee oo calool adayg samee"'
xaqiiq hooyo waxay ahayd rag iyo dumarba qofka kaliya ee maalinkaa familka ugu deganaa ee dadka oo dhan samirsiinayay ee waano iyo wacdiga nala daba taagna balse waa qof geeriyi ku dhacdaye murugu kuma yaree waxan Sabab u noqday inan hooyo ka oohiyo markaan anigii aamusi wayay telefonkiina ka bixi waayay ilayn waa wehelka kaliya ee an haysto eh.
Markuu xaalku halkaa marayo baa walalo idil waxay igu tiri walal dhig telefoona oo iska naso kadib taladeeda ayan qaatay.
iskusoo wada duuboo maalintii sidaasay iigu idlaatay, naxdinta ugu Badani waa marka dhacdadu kugu cusubthaye waxan bilaabay inan fuliyo dardaarankii aabo iiga tagay ee ahaa '"Aabo cibaadada iyo xuska Allah(saw) kaalmayso"" waxan bilaabay Quran akhris iyo inan Allah(saw) ka baryo inuw niyadda ii qaboojiyo.
Aabo maalinta aw geeriyooday waxay ahayd taarikhda miiladiga 15.02.2024 oo u dhiganta 5ta Shacban 1445hijri Khamiis habeenki jimce soo galayayna wuxu ku hoyday hoygiisi dhabta ahaa.
Aabo wuxu ahaa ehlu salaad aan abidkii salaad salaad ku darin
Aabo abidlkii hal mar buu ii gacan qaaday oo salaada darteed buu iigu gacan qaday
Aabo wuxu aha adoon ilaahay farxad siiyay oon marnaba la arkin isagoo xanaaqsan
Aabo wuxu lahaa dabeecad aan qofna diidayn yar iyo wayn
Aabo geesi diimeed, oday talo yaqaan ah, damal nabadeed iyo ehlu Sharaf buu ahaa
Aabo caaqil umadeed iyo udub dhexaad aan laga maarmin buu ahaa .
Ilaahow raali baanu ka ahayne raali ka noqo
Ilaahow adunyada waxba nagama xarimin ee jannada haka xarimin
Ilaahow jannatul-firdowzah ku arzaaq.

NB: Waxan ka codsanayaa qofkii qoraalkaygu gaadho ama maqla isaga oo cod ah inuu Aabo iigu duceeyo in Allah(saw) janooyinkiisa ku casuumo.
Qore : Mustafa Cabdi Cali.

Somaliland Power .Somaliland Rapid Response Unit (RRU) Are now headed to   for several purposes.
19/04/2023

Somaliland Power .
Somaliland Rapid Response Unit (RRU) Are now headed to for several purposes.

12/04/2023
11/09/2021

Address


Telephone

+258863039267

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland Power posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somaliland Power:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share