08/03/2025
Somaliland toddobaadyada soo socda waxaa kusoo wajahan wefti heersare ah oo ka socda dawladda Maraykanka, gaar ahaan Wasaaradda Difaaca oo wada-hadallo xasaasi ah la yeelan doona Madaxweyne Cirro. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa danaha labada dhinac, Xoojinta xiriirka dhaqaale, iyo kor u qaadista xasilloonida gobolka. Waxaa xusid mudan in Dalwadda Mareykanka ee Xisbiga Jamhuuriga ahi gadhwadeenka ka yahay ay dhammaan goosteen lacagihii ay Soomaaliya siin jireen. Mareykanku siyaasadiisii Soomaaliya ee “One Single Somalia policy” ayuu meesha ka saarayaa, Somaliland ayuuna toos ula macaamilayaa. Qorshahan Imaaraadka ayaa isna qayb ka ah.
WQ- Aqoonyahan Ibraahim Baqardhe.