The Somali News

The Somali News The Somali News waa warbaahin dhexdhexaad ah oo xog furan. Facaa caajis ka reebo

Boqolaal duullimaad ayaa maanta la baajiyay garoomada diyaaradaha ee Paris, Charles de Gaulle iyo Orly, kadib markii bar...
07/01/2026

Boqolaal duullimaad ayaa maanta la baajiyay garoomada diyaaradaha ee Paris, Charles de Gaulle iyo Orly, kadib markii baraf culus uu ku daboolay Faransiiska iyo qaybo ka mid ah Yurub. Cimilada daran ayaa saameyn weyn ku yeelatay gaadiidka hawada, waddooyinka iyo tareenada, iyadoo mas’uuliyiinta Faransiiska ay dadka safarka ku jira kula taliyaan inay hubiyaan xaaladda duullimaadyadooda ka hor inta aysan ka bixin guryahooda.

Duullimaadyada ayaa la baajiyay si loo sugo badbaadada rakaabka iyo diyaaradaha, maadaama runway-yadu ay baraf dabooleen. Adeegyada tareenada iyo gaadiidka dadweynaha ayaa sidoo kale la kulmay dib u dhacyo iyo hakad, halka waddooyinka qaarna lagu soo rogay xaddidaad ku meel gaar ah.

Cimiladan qaboobaha daran ayaa sidoo kale keentay shilal waddo oo dhimasho leh, iyadoo ugu yaraan shan qof lagu soo warramay inay ku dhinteen waddooyinka barafka ku daboolan ee Faransiiska.

Zakariye Karazaay

Dowladda Iran ayaa maanta dil ku fulisay nin lagu magacaabay Ali Ardestani, kaasoo lagu eedeeyay inuu basaasnimo u hayay...
07/01/2026

Dowladda Iran ayaa maanta dil ku fulisay nin lagu magacaabay Ali Ardestani, kaasoo lagu eedeeyay inuu basaasnimo u hayay sirdoonka Israel, Mossad. Ardestani ayaa lagu eedeeyay inuu gudbiyay macluumaad sir ah oo ku saabsan goobaha muhiimka ah ee dalka, isla markaana uu lacag ku helay hab dijital ah, isagoo sidoo kale loo ballanqaaday fiiso British ah.

Dilka ayaa yimid iyadoo Iran ay ku doodayso in Ardestani uu ku lug lahaa falal basaasnimo oo khatar ku ah ammaanka qaranka. Dowladda ayaa sheegtay inuu maray dhammaan heerarka maxk**adeed ilaa Maxk**adda Sare, hase yeeshee ururada xuquuqda aadanaha iyo dawladaha Galbeedka ayaa cambaareeyay, iyagoo ku tilmaamay nidaamka maxk**adeed mid aan hufneyn.

Wararku waxay sidoo kale tilmaamayaan in dilalkan ay qeyb ka yihiin xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa Iran iyo Israel, oo ay ku jiraan is-dhaafsi weerar iyo jawaab celin sirdoon, iyadoo Tehran ay xoojisay tallaabooyinka amniga gudaha.

Zakariye Karazaay

Shaqaale ka tirsanaa suuqa weyn ee Mega Shopping Mall ayaa lagu eedeeyay inuu ka xaday in ka badan KSh 296 milyan muddo ...
07/01/2026

Shaqaale ka tirsanaa suuqa weyn ee Mega Shopping Mall ayaa lagu eedeeyay inuu ka xaday in ka badan KSh 296 milyan muddo todoba sano ah. Ninka lagu magacaabo Mohamed Osman Abdile, oo sidoo kale leh shirkadda Fatzam Enterprises Limited (FEL), ayaa maxk**ad la hor keenay isagoo lagu eedeeyay qarinta sida uu u helay lacagtaasi ee ku jirtay saddex akoon bangi.

Somali News ayaa so ogaatay Eedeymaha la soo oogay waxaa ka mid ah lacag dhaqid sharci-darro ah (money laundering), xatooyo uu ka geystay Mega Shopping Mall, iyo haynta lacag loo maleynayo in ay tahay hanti la xaday. Sida maxk**addu ogaatay, Mr. Abdile ayaa lacagta ku wareejiyay shirkado iyo shakhsiyaad kale si uu u qariyo meesha ay ka timid, taasoo ku saabsan lacag dhan KSh 116 milyan oo lagu haystay akoonnada Kenya Commercial Bank (KCB), Absa Bank iyo Equity Bank, iyo in ka badan KSh 107 milyan oo lagu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin hanti la xaday.

Maxk**addu waxay sheegtay in Mr. Abdile uu xatooyada ka wada shaqeeyay shirkaddiisa FEL iyo agaasimaha shirkadda Hussein Ibrahim Barre, kaasoo aan maxk**adda ka soo muuqan xilliga dacwadda la qaaday. Lacagta la xaday waxay ahayd mid u gaar ahayd ganacsade Abdi Mohamed Ali, Mr. Abdile-na waxa uu lacagtaasi ku helay xilkiisii shaqo ee Mega Shopping Mall.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Mr. Abdile uu ku lug lahaa shirqool uu la lahaa dad kale oo wali aan la qaban. Bishii March 12, 2024, booliiska ayaa helay KSh 4.7 milyan oo ku jirtay akoonka KCB ee Eastleigh oo ay Mr. Abdile iyo Mr. Barre maamuli jireen.

Sida xogta aan ku helnay Somali News ayaa heshay in Mr. Abdile uu ka hor yimid 30 eedeymo oo kala duwan, balse waxa uu diiday dhammaantood. Waxa uu codsaday in lagu sii daayo bond, iyadoo xeer-ilaaliyuhu aan ka soo horjeedin. Ninka ayaa la sii daayay isagoo bixiyay KSh 3 milyan bond, ama ikhtiyaar ahaan KSh 2 milyan oo lacag caddaan ah.

The Somali News

Xaafadda Ceder (Cedar) oo ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa laga soo sheegay in ciidamada ICE ay qabteen wiil Soomaaliy...
07/01/2026

Xaafadda Ceder (Cedar) oo ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa laga soo sheegay in ciidamada ICE ay qabteen wiil Soomaaliyeed oo haysta Green Card-ka Maraykanka. Howlgalkan ayaa la sheegay inuu la xiriiro baaritaanno ku saabsan arrimaha socdaalka, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta dhabta ah ee keentay in la xiro wiilkaasi.

Dhacdadan ayaa walaac ku abuurtay jaaliyadda Soomaaliyeed, maadaama haynta Green Card aysan mar walba ka reebin tallaabooyinka sharci ee ay qaadaan hay’adaha socdaalka, gaar ahaan haddii ay jiraan dacwado ama jebin sharci. Ilaa hadda, wax war rasmi ah k**a soo bixin ICE, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda kiiskan.

Arrintan ayaa daba socoto amarkii Madaxweyne Trump oo lagu faray hay’adaha socdaalka Maraykanka in ay bartilmaameedsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas kana maqan sharciga buuxa ee deganaanshaha, taas oo sii kordhisay cabsi iyo walaac ka dhex jira jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool xaafadda Ceder iyo guud ahaan Maraykanka.

Ciidamada ammaanka dalka Benin ayaa sheegay in ay dileen 45 qof oo ay ku tilmaameen “argagixiso” intii ay socdeen howlga...
07/01/2026

Ciidamada ammaanka dalka Benin ayaa sheegay in ay dileen 45 qof oo ay ku tilmaameen “argagixiso” intii ay socdeen howlgallo amni oo laga fuliyay woqooyiga dalka, kuwaas oo lagu beegsaday kooxo hubeysan oo khatar ku ahaa amniga gobolka. Howlgalladan ayaa la sheegay uu dhacay bilooyinkii u dambeeyay, iyadoo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadku.

Saraakiisha militariga Benin ayaa sheegay in howlgalka lagu guuleystay in lagu burburiyo xarumo ay kooxahaasi ku lahaayeen xuduudaha la wadaaga dalalka deriska ah ee Burkina Faso iyo Niger, isla markaana lagu soo qabtay hub iyo qalab ciidan. Dowladda Benin ayaa adkaysay go’aankeeda la dagaallanka kooxaha hubeysan, iyadoo ku celisay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dowladda Türkiye ayaa qorsheynaysa dhismaha deked hawada sare (spaceport) oo laga hirgelinayo dalka Soomaaliya, taasoo l...
07/01/2026

Dowladda Türkiye ayaa qorsheynaysa dhismaha deked hawada sare (spaceport) oo laga hirgelinayo dalka Soomaaliya, taasoo la doonayo inay Ankara u suurtageliso inay cagta saarto warshadaha caalamiga ah ee ridista dayax-gacmeedyada. Mashruucan ayaa lagu sheegay mid istiraatiiji ah, iyadoo daraasaddii hordhaca ahayd (feasibility study) la dhammeystiray, isla markaana la galay marxaladda fulinta.

Goobta Soomaaliya ayaa loo doortay faa’iidooyinka juqraafiyeed ee ay leedahay, gaar ahaan u dhowaanshaha dhul-baraha (equator), taasoo hoos u dhigaysa kharashaadka ridista dayax-gacmeedyada kana dhigaysa mid tartan kula geli karta suuqyada caalamka. Khubaradu waxay sheegayaan in mashruucan uu Türkiye siin karo door muuqda oo ka mid ah warshadaha hawada sare, halka Soomaaliya ay ka faa’iidi karto maalgashi, shaqo abuur iyo horumar farsamo, iyadoo la xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Kenya: Booliska magaalada Meru ayaa burburiyay shabakad ku lug lahayd xatooyo taleefanno gacanta iyo qalab elektaroonik ...
07/01/2026

Kenya: Booliska magaalada Meru ayaa burburiyay shabakad ku lug lahayd xatooyo taleefanno gacanta iyo qalab elektaroonik ah, kaddib howlgal qorsheysan oo ku salaysnaa xog sirdoon. Intii uu socday howlgalkaasi, waxaa la soo helay in ka badan 80 taleefan oo la xaday iyo dhowr kombiyuutarro (laptops), iyadoo la qabtay tiro eedeysanayaal ah oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen shabakadda.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in shabakaddan ay ka hawlgalaysay xaafado kala duwan oo Meru ah, isla markaana ay qalabka la xaday ku iibin jireen suuq madow. Baaritaannadu way socdaan, halka eedeysanayaasha la qabtay la filayo in maxk**ad la hor keeno, iyadoo boolisku ugu baaqeen dadweynaha ay hantidooda ka luntay inay la xiriiraan saldhigyada booliska si loo soo celiyo.

Madaxweynaha dalka Colombia, Gustavo Petro, ayaa hadal kulul u jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib hada...
06/01/2026

Madaxweynaha dalka Colombia, Gustavo Petro, ayaa hadal kulul u jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib hadallo iyo tallaabooyin uu Trump ku wajahay dalalka Latin America, gaar ahaan Venezuela.

Petro ayaa sheegay in uusan ka baqaneyn hanjabaadaha Mareykanka, isagoo si toos ah ugu yiri Trump:
“Come get me, coward!” oo micnaheedu yahay “Imaaw i soo qabso, fulay!”

Hadalkan ayaa yimid xilli uu Trump dhawaan sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu qaado tallaabooyin militari ama cadaadis adag oo ka dhan ah hoggaamiyeyaasha Latin America, kadib howlgallo uu Mareykanku ka fuliyay Venezuela.

Madaxweynaha Colombia ayaa ku eedeeyay Mareykanka faragelin joogto ah oo uu ku hayo arrimaha gudaha dalalka gobolka, isagoo xusay in ficilladaas ay halis ku yihiin xasilloonida Latin America iyo madax-bannaanida dalalka ka jira.

“Latin America ma aha meel lagu cabsi geliyo ama lagu amar bixiyo,” ayuu yiri Petro, isagoo intaas ku daray in shacabka Colombia ay diyaar u yihiin difaacashada qarannimadooda haddii loo baahdo.

Dhankiisa, Trump ayaa horay u sheegay in Colombia ay door weyn ku leedahay tahriibinta daroogada ee gaarta Mareykanka, taas oo sii xoojisay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal.

Zakariye Karazaay

Mid ka mid ah gabdhaha aadka looga yaqaan baraha bulshada, islamarkaana ah ganacsato jeebkeeda uu qoyan yahay oo lagu ma...
06/01/2026

Mid ka mid ah gabdhaha aadka looga yaqaan baraha bulshada, islamarkaana ah ganacsato jeebkeeda uu qoyan yahay oo lagu magacaabo Sweetbird, ayaa ka hadashay dhacdo ka careysiisay oo ku qabsatay maqaayad ku taalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi BBS MALL xilli ay halkaasi kula afuraysay asxaab isugu jira rag iyo dumar.

Sweetbird ayaa sheegtay in kadib markii ay dhammeeyeen afurka, biilka cuntada si gaar ah iyada loogu keenay, arrintaas oo si weyn uga yaabisay kana careysiisay. Waxay intaa ku dartay inay su’aal gelisay shaqaalaha maqaayadda sababta biilka iyada loogu keenay halkii loogeen lahaa ragga miiska la joogay.

Shaqaalaha biilka keenay ayaa u sheegay Sweetbird in waayahan dambe ay maqaayaha dumarka iyo ragga wada jooga, ay dumarka bixiyaan lacagta, hadalkaas oo sii kiciyay caro iyo dood xooggan.

Sweetbird ayaa arrintaas ku tilmaantay mid ceeb ah, xaq-darro ah isla markaana lid ku ah dhaqanka iyo ixtiraamka dumarka, iyadoo sheegtay in aanay marnaba aqbali doonin in dumarka lagu khasbo bixinta biil marka ay rag la joogaan, gaar ahaan xaalado la xiriira cunto ama xiriir nololeed.

Gabadhan caanka ka ah baraha bulshada ayaa ugu dambeyn baaq u dirtay dumarka, iyadoo ku dhiirrigelisay in Aysan marnaba lacagta ka bixin ragga haddii ay noqoto cunto ama arrimo guur

Hadalkan Sweetbird ayaa durba noqday mid si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay kala aragti duwanaadeen; qaarna ay taageereen hadalkeeda, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen arrin u baahan wada-hadal iyo faham bulsho.

Dhacdadan ayaa mar kale soo ifbixisay doodda la xiriirta cidda masuulka ka ah bixinta kharashaadka marka rag iyo dumar wada joogaan, gaar ahaan goobaha ganacsiga iyo makhaayadaha caanka ah.

Mexe kula tahay

Madaxwaynaha ay shacabkiisa so doorteen ee iskeeda iskugu yeerto madaxbanaanida ee Somaliland Abdirahman Cirro ayaa kula...
06/01/2026

Madaxwaynaha ay shacabkiisa so doorteen ee iskeeda iskugu yeerto madaxbanaanida ee Somaliland Abdirahman Cirro ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Somaliland ku doonayso in ay ku ballaariso xiriirrada caalamiga ah, gaar ahaan dalalka saameynta ku leh siyaasadda iyo ammaanka gobolka iyo dunida.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa faahfaahiyay ujeedada booqashadiisa iyo kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland. Wuxuu sheegay in Israel ay si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan xiriirka ay la leedahay Somaliland.

“Booqashada waxaan ku gudbineynaa fariin ah in ay naga go’an tahay in aan sii wadno xiriirka nagala dhexeeya Somaliland,” ayuu yiri Wasiir Gideon Saar.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Israel ay tahay dal madax-bannaan oo go’aankeeda leh, isla markaana ay iyadu go’aansato cidda ay aqoonsanayso ama ay la yeelanayso xiriir diblomaasiyadeed.

“Israel iyada ayaa iska leh go’aanka cidda ay aqoonsaneyso iyo cidda ay la yeelaneyso xiriir diblomaasiyadeed,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin.

Iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda iyo siyaasadda Arrimaha amniga iyo la-dagaallanka khataraha gobolka Fursadaha dhaqaale iyo maalgashi Xiriirka mustaqbalka ee labada dhinac.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland uu dhawaan booqasho rasmi ah ku tegi doono dalka Israel, taas oo la filayo in ay noqoto tallaabo cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, isla markaana soo jiidata indhaha beesha caalamka.

Booqashada la filayo ayaa imanaysa xilli Somaliland ay si joogto ah ugu ololeyneyso aqoonsi caalami ah, iyadoo xoojinaysa xiriirrada ay la leedahay dalal iyo saaxiibo istiraatiiji ah.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa rumeysan in xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israel uu yeelan karo saameyn ballaaran oo siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed, gaar ahaan Geeska Afrika.

Zakariye Karazaay

Sahan cusub ayaa muujiyay in inta badan muwaadiniinta Israa’iil ay si weyn uga walaacsan yihiin hoos u dhaca ku yimid ta...
06/01/2026

Sahan cusub ayaa muujiyay in inta badan muwaadiniinta Israa’iil ay si weyn uga walaacsan yihiin hoos u dhaca ku yimid taageerada Mareykanka ee Israa’iil, gaar ahaan taageerada shacabka iyo jiilalka da’da yar.

Sahankan, oo la sameeyay dhammaadkii sannadkii 2025, ayaa tilmaamay in ku dhowaad 8 ka mid ah 10-kii qof ee Israa’iiliyiin ah ay rumeysan yihiin in taageerada Mareykanka ee Israa’iil ay sii yaraaneyso, taas oo saameyn ku yeelan karta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Ka-qaybgalayaasha sahanka ayaa sheegay in walaaca ugu weyn uu ka yimid.

Isbeddelka ra’yiga shacabka Mareykanka, gaar ahaan dhalinyarada.

Kororka dhaliisha Israa’iil ee ku aaddan colaadda Gaza
Siyaasiyiin Mareykan ah oo si cad u muujinaya mowqifyo ka duwan taageeradii h**e

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in inkasta oo dowladda Mareykanku weli tahay saaxiibka ugu weyn ee Israa’iil dhinaca amniga, haddana hoos u dhaca taageerada dadweynaha uu noqon karo caqabad mustaqbalka fog.

Falanqeeyayaal Israa’iiliyiin ah ayaa sheegay in xiriirka Washington uu yahay laf-dhabarta amniga Israa’iil, ayna khasab tahay in Israa’iil ay dadaal dheeraad ah geliso sidii ay u ilaalin lahayd taageerada siyaasadeed iyo midda dadweynaha ee Mareykanka.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo Israa’iil, gaar ahaan marka la eego xaaladda bani’aadamnimo ee Gaza iyo doorka Mareykanka ee dhexdhexaadinta colaadda Bariga Dhexe.

Gestational Diabetes (Macaanka Uurka Ku Timaadda).Gestational Diabetes waa xaalad sonkorow ah oo ku dhacda haweenka xill...
05/01/2026

Gestational Diabetes (Macaanka Uurka Ku Timaadda).

Gestational Diabetes waa xaalad sonkorow ah oo ku dhacda haweenka xilliga uurka, badanaa inta lagu jiro qeybta labaad ama saddexaad ee uurka.

Waxay dhacdaa marka jirka hooyadu uusan si habboon u xakameyn karin heerka sonkorta (glucose) ee dhiigga, taasoo keenta in sonkortu ka badato heerkii caadiga ahaa.

Sonkorta sare ee dhiigga hooyada waxay ka gudbi kartaa mandheerta (placenta) una gudbi kartaa ilmaha uurjiifka ah, taasoo keeni karta dhibaatooyin saameeya hooyada iyo ilmaha labadaba.

Muhiimadda Ay Leedahay
Gestational Diabetes waxay kordhin kartaa halista:

Ilmo miisaankiisu aad u bato (Large baby).

Dhalmo adag ama qalliinka dhalmada (C-section).

Dhibaatooyin neefsasho ama hoos-u-dhac sonkor oo ku dhaca ilmaha marka uu dhasho
In hooyadu mustaqbalka ku dhacdo sonkorowga nooca 2-aad.

Gunaanad:

Gestational Diabetes waa xaalad caafimaad oo muhiim ah oo u baahan ogaansho h**e, dabagal joogto ah, iyo maareyn sax ah. Baaritaan joogto ah, cunto caafimaad leh, dhaqdhaqaaq jirka ah, iyo raacista talada dhakhtarka waxay si weyn u yareyn karaan khataraha ku iman kara hooyada iyo ilmaha. Wacyigelin iyo faham wanaagsan ayaa ah furaha uur caafimaad qaba iyo dhalmo badbaado leh.

Diyaariyay:
Dr. Jabra Hasan Aden
Ka howl-gala: Naallo Hospital Kismayo

Address

7790 Old Cedar Avenue S
Nairobi West
55426

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when The Somali News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to The Somali News:

Share