𝗛𝘂𝗯𝗮𝗮𝗹𝗹.𝗰𝗼𝗺

𝗛𝘂𝗯𝗮𝗮𝗹𝗹.𝗰𝗼𝗺 Waa warbaahin wararka sugan gudbisa

25/07/2023

Dulmiga waa mid ku jira keydka dulmiilaha maalin uun ayuu heli doonaa wixii uu galabsaday

25/07/2023

Maamul xumida somalida gobal kastaa oo kamid ah wuu la il daran yahay

09/06/2023

Waziirka gaashandhiga dalka ruushka oo kormeeray warshadaha difaaca hawada

09/06/2023

Isbadalka aduunka

Rersalwasaare imran Khan oo xabsiga la dhigay
10/05/2023

Rersalwasaare imran Khan oo xabsiga la dhigay

Sida aay wararka sheegayaan rersalwasaarihii h**e ee dalka Pakistan imran Khan ayaa xabsiga la dhigay ka dib marki aay gurigiisa ka so kaxe...

10/05/2023

Khilaafka siyaasiga somalia

09/05/2023

"Puntland deyn laguma leh, dekeda Boosaaso & Laamiga midna deyn laguma dhisin, waa Deeq Talyaaniga, Dawladda Xassan Sheekh deyntii h**e $5Bilyan-ka ah Mashaariicda lagu fuliyo wey Bililiqeysteen, $200 Bilyan oo magaceena lagu qaato yeeli mayno, uma saxiixayno mana aqbalayno cidnaba" Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlayay Garoowe.

Halkan ka akhriso halka uu marayo khilaafka ka dhax taagan villa somalia iyo maamulka puntland
09/05/2023

Halkan ka akhriso halka uu marayo khilaafka ka dhax taagan villa somalia iyo maamulka puntland

Sida muuqata waxaan madaxa iskula jira siyaasiin shalay wada ahaa hal olog kuwaa oo aad u diidaya koonfurta ku kici maamulkii uu hogaaminay...

Wafdi Balaaran uuu horkacayo Madaxweynaha  dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe  Xussen ayaa gaaray Magalada Be...
08/05/2023

Wafdi Balaaran uuu horkacayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xussen ayaa gaaray Magalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

08/05/2023

Modeyinkii ugu danbeyay somaliland waxaa ka taagnaa xiisada isugu jira kuwa colaaded iyo siyaasiba ah Magalada lasacaanood ee gobalka so...

BOORAMA: Shacab Banaanbaxaya ayaa jidadka taagan, waxay dalbanayaan in dil lagu fuliyo Askari katirsan ciidanka Somalila...
08/05/2023

BOORAMA: Shacab Banaanbaxaya ayaa jidadka taagan, waxay dalbanayaan in dil lagu fuliyo Askari katirsan ciidanka Somaliland oo maalmo kahor dil u geystay sarkaal katirsanaa isla ciidanka SL, oo kasoo jeeday gobalka Awdal, meelaha qaarkood rasaas ayaa laga maqlay taas oo la xaqiijinayo in ay ciidamadu ku rideen shacabka Banaanbaxaya.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bar...
07/05/2023

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in Gudoomiyuhu uu u tagay Boosaaso arimo la xiriira ololaha ururka KAAH.

Xubno kamid ah golaha xukuumada Puntland ee ururka KAAH iyada oo dhawaan ay soo jeediyeen wax ka badalka Dastuurka Puntland.

Safarka Gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya xilli uu shalay magacaabay Guddiga kasoo tala bixinta soo jeedinta wax ka badalka Dastuurka Dowlada Puntland taasi oo socdaalkiisa ololaha lagu tilmaamay "Conflict of Interest" iyo mid kahor imaanaysa dhex-dhexaadnimadii.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka ...
07/05/2023

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho Ku soo dhoweeyay 73-qof halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay Garoowe.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow oo ka warbixiyay soo dhoweynta muwaadiniinta isagoo sheegay in DFS ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la ah.

07/05/2023

Madaxweyne mustafe Omar oo ka hadlayay xafladii furitaanka book abiy axmed

"In dhallinyarada maskax ahaan iyo jidh ahaan la dhiso waa arrin loo baahanyahay, Mashruucan lagu hirgalinayo dhaqaalaha...
07/05/2023

"In dhallinyarada maskax ahaan iyo jidh ahaan la dhiso waa arrin loo baahanyahay, Mashruucan lagu hirgalinayo dhaqaalaha kasoo baxa buugan jiilka wadajirkana waxaa iska leh dhallinyarada sidaa awgeed waa inay qeyb waliba doorkeeda ka qaadataa" Eng. Maxamed Shaalle, Madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.

Madaxweyne Deni ayaa dhagaxdhigay jid laami ah oo isku xiraya Garowe iyo Jariiban kaaso gaaraya 165KMMashruucan Wadada a...
06/05/2023

Madaxweyne Deni ayaa dhagaxdhigay jid laami ah oo isku xiraya Garowe iyo Jariiban kaaso gaaraya 165KM

Mashruucan Wadada ayaa dowlada balanqaaday xiligii uu guulaystay hirgalinta Dekada Caracad ee isku tashiga bulsho ku tim

Madaxweynaha Iiraan, Ebrahim Raisi ayaa gaaray caasimada dalka Suuriya ee Dimishiq. Dhiggiisa wadankaas Bashaar Al-Assad...
03/05/2023

Madaxweynaha Iiraan, Ebrahim Raisi ayaa gaaray caasimada dalka Suuriya ee Dimishiq. Dhiggiisa wadankaas Bashaar Al-Assad ayaa la filayaa in uu la yeesho wada-hadallo.

Booqashadaan ayaa kusoo aadaysa xilli dhawaan la filayo in Suuriya ay dib usoo ceshato xubinnimadeeda ururka Jaamacada Carabta.

03/05/2023

Ethiopia mar aan dhereen sida ka muuqata waxaay ku aruuri doontaa gacanta Mr abiy waana boqorki
Uu dhihi jiray hooya dhahday waxaad noqoni boqorka Ethiopia

Lkn arinkaa waxaa ka dhiman hal ciyaar ah oo sida muuqata aay wada ciyaari doonaan abiy axmed iyo aabtiyashiis faano

Digaalada ka taagan dalka suudan ayaa keenay  khasaara isugu jira naf iyo maal Dhimashada dadka reer  suudan ayaa gaarta...
29/04/2023

Digaalada ka taagan dalka suudan ayaa keenay khasaara isugu jira naf iyo maal

Dhimashada dadka reer suudan ayaa gaartay 411

Mugdisho ayaa ka so kabaneysa muwjidihii balaarnaa ee ciyaal werada kuwaa oo muda sanad ah dadka u geysanayay dhibaatoyi...
29/04/2023

Mugdisho ayaa ka so kabaneysa muwjidihii balaarnaa ee ciyaal werada kuwaa oo muda sanad ah dadka u geysanayay dhibaatoyin

Dowlada ayaa sheegtay in uu amniga so hagaagayo ka dib marki lagu daadi ciidamo

Looga tala galay sugida amniga magalada

Wasaarada Arimaha Gudaha dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay soo gelisay caasimada Khartoum ciidamadii keydka ahaa si...
29/04/2023

Wasaarada Arimaha Gudaha dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay soo gelisay caasimada Khartoum ciidamadii keydka ahaa si ay ula wareegaan Amniga magaalada.

Shalay muuqaalo ay baraha bulshada ku baahiyeen xoogaga "Dacm-Sariic" ayay ku muujiyeen in ay ku sheegteen in ay ku sugan yihiin bartamaha caasimada gaar ahaan suuqa dhexe.

Hogaamiyaha milatiriga dalka suudan Abdul fatah Al burhan ayaa sheegay in aay suurtagal eheen in uu la fadhiista waxa uu...
29/04/2023

Hogaamiyaha milatiriga dalka suudan Abdul fatah Al burhan ayaa sheegay in aay suurtagal eheen in uu la fadhiista waxa uu ku sheegay
Hogaamiyaha maleshiyaadka dacmu sariic

29/04/2023

Boqor buur madow oo ka hadlay xaalada digaalka laasacanod

Resalwasaraha somalia xamza cabdi bare oo ku maqnaa gudashada cumrada ayaa dalka dib ugu so laabtay
29/04/2023

Resalwasaraha somalia xamza cabdi bare oo ku maqnaa gudashada cumrada ayaa dalka dib ugu so laabtay

Golaha amniga Itooboya ayaa sheegay inay bilaabeen in tallaabo k**a dembeys laga qaado kooxo xagjir ah oo doonaya inay a...
28/04/2023

Golaha amniga Itooboya ayaa sheegay inay bilaabeen in tallaabo k**a dembeys laga qaado kooxo xagjir ah oo doonaya inay awood/xoog kula warreegan xilka Deeganka Axmarada, kooxahan ayuu goluhu sheegay inay doonayan duminta Dastuurka Deeganka Axmarada.

Taallabadan ayaa ku soo beegmaya xili madaxii xarruunta dhexee[Pp] ee Deeganka Axmarada maalintii shalay dablay hubaysan ay dishay.

Ciidanka difaaca ee  SSC ayaa soo riday diyaarad nooca loo yaqaan (Drone camera) taasi oo ay adeegsanayeen ciidanka Soma...
28/04/2023

Ciidanka difaaca ee SSC ayaa soo riday diyaarad nooca loo yaqaan (Drone camera) taasi oo ay adeegsanayeen ciidanka Somaliland-na ku basaasi jireen goobaha ay duqeynayaan ee magaalada Laascaanood.

Masar ayaa dhisi wabi aad u weyn kaas oo gacan ku sameys ahMasar oo ah dowlad milatiri ahaan awood badan ayaay dadkeeda ...
28/04/2023

Masar ayaa dhisi wabi aad u weyn kaas oo gacan ku sameys ah

Masar oo ah dowlad milatiri ahaan awood badan ayaay dadkeeda boqolkiiba 70% kamid ah aay ku tiirsan yihiin biyaha wabiga niil

Kaa oo aay Ethiopia ka sameyneysa biya xidheen weeyn kaa oo aay ka sameyneysa
Quwid koranta oo aay ka sameysa dhaqaalo

Masar iyo Ethiopia waxaay isku fahmi waayeen biya xidheenkaa ayaga oo uu xidhiidhkoodu meel xun gaaray

Wadamada somalia aay ciidamda ka joogaan marka aay somalida culeyska ka darenta joogitaanka xoogag shasheeya Oo dhaqaala...
28/04/2023

Wadamada somalia aay ciidamda ka joogaan marka aay somalida culeyska ka darenta joogitaanka xoogag shasheeya

Oo dhaqaala doon ah waxaa lagu dhuftaa irbad sun ah taa oo ah sanadkan ayaan inka saareynaa

Madaxweynaha cusub sida aay u maawelinaan ayaay la dhameystaan muda xileedkiisa

Warmurtiyeed kasoo baxay Shir-Madaxeedka dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joog...
28/04/2023

Warmurtiyeed kasoo baxay Shir-Madaxeedka dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya

Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay isku raacay qodobbo ay ka mid yahiin:

1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.

2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

4- Waxaa la bogadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab

5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya.

28/04/2023

Barnaamijka wararka

Address

Nairobi
NAIROBI

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when 𝗛𝘂𝗯𝗮𝗮𝗹𝗹.𝗰𝗼𝗺 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to 𝗛𝘂𝗯𝗮𝗮𝗹𝗹.𝗰𝗼𝗺:

Videos

Share



You may also like