Sadey fm 98.9

Sadey fm 98.9 Sadey fm 98.9

Permanently closed.
Kulantii wcn oo wngsan saxibayaal goor dhaw waxaad halkani si jogta ugala socon dontaan wararkii uga dambeyeey ee calamk...
01/05/2024

Kulantii wcn oo wngsan saxibayaal goor dhaw waxaad halkani si jogta ugala socon dontaan wararkii uga dambeyeey ee calamka , iyo akhbaaradka daahsoon ee gobalka liiban ??

01/01/2023

Halkan kal socobwararkii uga danbeyey somaliada iyo. Calamka

01/01/2023

Robab xoogan xalay iyo maanta ka dayey deganada udhawdhaw sadey iyo nawaxiheda aya dhulkii abaarta aha u badalay mid barwaqa sooran ah
Wana ala mahadii

05/09/2022

Maanta ayaa waxaa maxk**ada sare
DAlka
Laga sugayaa in aay go aan ka soo sarta
Dorashadii 9/8/2022
Ka dhacday dalka
Luga doortay madax waynaha la doortay ee ruto
Blse dodabada garsore
Ee aay horkaceysa
Morther comea
Ayaa laga sugaya goaan k**a danbeys aha ka soo saren
Hadii luga celinayo iyo hadii kalaba
Idhaha bulshada kenya ayaa maanta
Ku sii jeeda dhanka iyo mack**ada
Typin by Ali Adan Ali Darawish

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabe...
25/08/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeeray ciidamada militeriga ee la dagaallamaya kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay ciidamada guulaha ay ka gaareen deegaannada laga xoreeyay kooxda nabad-diidka ee gobolka Hiiraan — isaga oo ku tilmaamay inay yihiin geesiyeyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Waxaa maanta magalaada muqdisho kasocda dabaaldaga calema saarka ,madaxweynaha somaliya Hassan sheikh mohamuud ,Calemasa...
09/06/2022

Waxaa maanta magalaada muqdisho kasocda dabaaldaga calema saarka ,madaxweynaha somaliya Hassan sheikh mohamuud ,
Calemasaarkaas oy kasoo qeybgalayaan madax iyo diblomaasiyiin caalamka kasocda , hadalada ayaa intaa kudaaraya ayido bersha caalamka ay kusugnayihin gudaha magalada muqdisho ayaa bartmaha magalada laga maqlayaa dhawaaqa dhowr hobyiyaal ah, kuwaso lagu bartimamedsaday qeybo katirsan degmada wadda jir,

Faah Faahin: Weerarka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan-CaddeRag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa waxaa Maanta ay...
23/03/2022

Faah Faahin: Weerarka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde

Rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa waxaa Maanta ay weerar ku qaadeen Goobo kuyaalla Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho una dhow Xerada Afisyoone , kuwaas oo siweyn amaankooda loo ilaalinayay.

Ragga weerarka geystay ayaa la sheegay inay ka gudbeen dhinaca Marine-gate ee Iskuul Bulusiya, isla markaana ay dagaal culus gula galeen ciidamada dowladda & kuwa AMISOM gudaha xarunta hay’adda maamusha Eeyaha baaraha baabuurta galeysa Garoonka.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in la gubay Goobo Shidaal lagu iibiyo oo ay leedahay Shirkada Docol, kuwaas oo uu dab ka kacay , waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarka.

Afhayeenka Ciidada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in laba shaqsi oo hubeysan ay isku dayeen inay gudaha u galaan qeyb ka mid ah xero ku dhaw Airpor.ka dhinaca xerada mariino balse ay hor istaageen Ciidanka amaanka.

Marka laga soot ago Warka kasoo baxay booliska ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in raga weerarka geystay ay gaarayeen ilaa Afar Ruux, hayeesee ugu dambeyn ay soo afjareen Ciidamo katirsan kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad

23/03/2022

Dooroshooyin ka dhacaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa in manta lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, oo degaab doorashadoodu ay tahay Gobolkaasi.
Doorashada oo la doonayay in Shalay la qabto ayaa dib u dhac ku yimid, ,waxaana hadda socda diyaar garow ku aaddan doorashada.

Kuraasta la dooranayo ayaa kala ah Hope011 iyo Hope063, waxaana kursi ka mid ah laabda kursi ku tartami doona Musharixiintii ugu badnaa ee u tartama kursi Golaha Shacabka ah, dhammaan dowlad Goboleedyada.

19/03/2022

Qaramada Midoobay oo ka hadashay dagaalka Ka Socdo Ukraine
Qaramada Midoobay ayaa daboolka ka qaaday in 6.5 milyan ay ku barakaceen gudaha Ukraine dagaal dartiis.

Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa u sheegay madaxweyne Biden dagaalka Ruushka iyo Ukraine in uusan ‘qofna dani ugu jirin’.Ugu yaraan 816 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Ukraine tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadyada, Qaramada Midoobay ayaa sidaasi u sheegtay warbaahinta.

Duqeymaha Ruushka ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kyiv iyo Kharkiv iyo Kramatorsk ee bariga, kuwaas oo sababay dhimasho, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Gantaallo ayaa burburiyay warshad dayaaradaha lagu dayactiro oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine, duqa magaalada Andriy Sadovy ayaa sidaas yidhi
Saraakiisha Ruushka iyo xulafada gooni u goosadka ayaa ku dagaalamaya bartamaha Mariupol “ka soo horjeeda wadaniyiinta”, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

19/03/2022

ciyaraha iyo c/qani xusen ayaa soo jeedinaya

Dowladda Somalia oo looga deeqay Gaadiid dagaalWararka na soo garayaan ayaa sheegaya in  Dowladda Shiinaha ay gaadiid da...
18/03/2022

Dowladda Somalia oo looga deeqay Gaadiid dagaal

Wararka na soo garayaan ayaa sheegaya in Dowladda Shiinaha ay gaadiid dagaal ah iyo agab ciidan ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Agabkaan ayaa lagu wareejiyay Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya.

Gaadiidkaan ayaa waxaa loogu talo galay inay ku Shaqeeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Urirka Al-Shabaab
Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Gaadiidka ay sigaar ah ugu Shaqeyn doonaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana Dowladda shiinaha & Soomaaliya uu ka dhaxeeya xiriir qoto-dheer, isaga oo kaga mahadceliyay garab istaaga ay u sameeyeen Ciidanka xoogga.
Taliyaha Cidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlay Munaasabadda wareejinta Gaadiidka ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha Gaadiidka dagaal oo ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka uu qeyb weyn ka qaadanayo la dagaalanka Al-Sabaab.
Dhowr jeer oo h**e ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dowladaha taageera Soomaaliya waxaa ay ku wareejiyeen Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, balse Ciidamada aysan weli ku guuleysan inay la wareegaan meelo badan oo ay maamulaan Al-Shabaab

Ian Wright oo eedeymo uu soo jeediyey Martin OdegaardHalyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa ku eedeyey  xiddiga khadka dhexe ...
17/03/2022

Ian Wright oo eedeymo uu soo jeediyey Martin Odegaard
Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa ku eedeyey xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay kooxda Liverpool Arbadacii.

Ian Wright Ayaa aaminsan in fursadii uu kooxdiisa ka khasaariyay xiddiga Martin Odegaard ay is badal weyn ku samayn lahayd ciyaarta ka hor intii ayna Liverpool dhalin goolka 1-aad ee ciyaarta
Xiddiga Martin Odegaard ayaa fursad dahabi ah helay daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta kadib markii uu xiddiga Thiago Alcantara khalad weyn sameeyay laakiin Odegaard ayaa cirka mariyay kubadii loo dhiibay

Kadib fursadaas Liverpool ayaa daqiiqado yar kadib dhaliyay goolka 1-aad ee Liverpool iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Liverpool
Waxa ay ahayd fursad ay tahay in aad ka faa’iidaysato, Lacazette Ayaa qabtay shaqo fiican waliba kubada u dhiibay Martin Odegaard waxa ay ahayd in uu kubada dhex-dhigo shabaqa

Madaxa cadalaadda ee dalka Martha Koome oo ka hadashay dagaalka ka dhanka ah Musuqa MaasuqaMadaxa cadalaadda ee dalka Ma...
17/03/2022

Madaxa cadalaadda ee dalka Martha Koome oo ka hadashay dagaalka ka dhanka ah Musuqa Maasuqa

Madaxa cadalaadda ee dalka Martha Koome ayaa sheegtay in musuqa maasuqa uu sameeyey dhaqaalaha , bulshada , siyaasadda iyo waaxda garsoorka ee dalka .

Madaxa cadalaadda ee dalka Martha Koome oo khudbad ka jeedisay kulanka xubnaha ururka ka hortaga musuuqa maasuqa ee bariga Africa ayaa carabka ku dhufatay in musuq maasuqu uu yahay mid dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin laaluush, , wax isdaba marin, lunsi hantiyeed iyo hanti dadweyne oo dano gaar ah loo isticmaalo .

Ms Martha Koome ayaa sida oo kale sheegay in musuq-maasuqu curyaamiyo dimoqraadiyada, kalsoonida, sinnaan la’aanta iyo kala qaybsanaanta bulshada iyo hoos uu dhigidda kalsoonida maalgashadayaasha .

Madaxa cadalaadda ee dalka Martha Koome ayaa ku baaqay in la xoojiyo awoodda wakaaladaha la dagaalamaya Musuqa Maasuqa .

Ugu danbeyntii Madaxa cadalaadda ee dalka Martha Koome ayaa in loo bahan yahay in bulshada loo fidiyo wacyegelin ka dhan ah Musuqa maasuqa .

Xisbiga Jubilee oo gacan adag ku qabtay Senetarka Ismaamulka Kiambu Kimani WamatangiSenetarka Ismaamulka Kiambu Kimani W...
17/03/2022

Xisbiga Jubilee oo gacan adag ku qabtay Senetarka Ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi

Senetarka Ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi ayaa manta laga qaaday xilka uu ka haayey aqalka senedka

Xisbiga Jubilee ayaa xilka madaxa nidaamka ee aqalka senedka ka qaaday Senetarka Ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi .

Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa sheegay in senetar Kimani Wamatangi laga xayuubiyey dhamaan xilalkii uu ka haayey aqalka senedka


Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa sida oo kale sheegay in go’aankani la gaaray kadib kulan ay yeesheen xubnaha guddiga sare ee xisbiga Jubilee kadib markii senetar Kimani Wamatangi uu ka baxay xisbiga Jubilee Islamarkana uu ku biiray Xisbiga UDA .

Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa ugu baaqay senetar Kimani Wamatangi in uu cabashadii uu soo gudbiyo xisbiga Jubilee haddii uusan ku qanacsaneyn tallaabadaasi xilka looga qaaday

Galmudug & Hay’adaha Caalamiga ah oo ka wada hadlay waxka qabashada AbaarahaMadaxweyne Kuxigeenka dowlad Goboleedka Galm...
17/03/2022

Galmudug & Hay’adaha Caalamiga ah oo ka wada hadlay waxka qabashada Abaaraha

Madaxweyne Kuxigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahan ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shirar isdaba joog ah la yeeshay Hay’adaha Caalamiga ah yo saxiibada taageera Soomaaliya.

Waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha iyo sidii xoogga loo saari lahaa horumarinta dhinaca caafimaadka ah ee degaannada Galmudug.

Sidoo kale Hay’adaha uu la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa kamid ah Hay’adaha ICRC, MSF, CISP iyo Italian Cooperation, iyaga oo dhamaantood ay balan qadeen in sanadkan ay ballaarin doonaan howlaha ay kawadaan degaannada Galmudug.

” Waxaan rajo badan ka qabaa in muddo kooban la arki doono miradhalka shirarkaas kala duwan ee Hay’adaha Caalamiga ah yo saxiibada taageera Soomaaliya aan kula yeeshay Magaalada Nairobi ayuu yiri” Cali Daahir Ciid.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu kamid yahay degaannada au xilligaan kajirto abaarta, waxaana ilaa iyo hadda jirin hay’ado gargaar oo gurmad gaarsiiyay, halka Madaxda Galmudug ay ku mashquul sanaayeen Arrimaha doorashooyinka.

Ruushka oo digniin adag u diray MareykankaRussia ayaa Khamiista maanta ah uga digtay Mareykanka inay Moscow ay halka uu ...
17/03/2022

Ruushka oo digniin adag u diray Mareykanka
Russia ayaa Khamiista maanta ah uga digtay Mareykanka inay Moscow ay halka uu mudan yahay dhigi doonto dalka ah quwadda koowaad ee adduunka, ayada oo ku eedeysay Reer Galbeedka inay abuurayaan shirqool Ruushiyaan naceyb oo lagu kala dhantaalayo Ruushka.

Dmitry Medvedev, oo 2008 illaa 2012 ahaa madaxweynaha Ruushka, haddana ah xoghaye ku-xigeenka Golaha Ammaanka Ruushka, ayaa sheegay in Mareykanka ay kiciyeen Ruushiyaan naceyb “laga yaqyaqsiyoodo” si ay jilbaha ugu dhigaan Russia.

“Taasi ma shaqeyn doonto – Russia waxay dhammaan cadowgeeda dhigi doontaa halka ay mudan yihiin,” ayuu yiri Medvedev.

Tan iyo markii Russia ay ku duushay Ukraine 24-kii Febraayo, Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub iyo Asia ayaa cunaqabatayno xooggan kusoo rogay hoggaamiyayaasha Russia, shirkadaha, iyo gacasatada, waxayna Moscow ka gooyeen inta badan dhaqaalaha adduunka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray howlgal militari oo gaar ah oo ka socda Ukraine uu yahay lagama maarmaan, sababtoo ah Mareykanka wuxuu Ukraine u adeegsanayey inuu halis geliyo Russia, waxaana Russia qasab ku noqday inay difaacdo “xasuuqa” ka dhanka ah dadka ku hadla luuqadda Ruushka ee Ukraine.

Xildhibaan Moses Kuria oo ka soo hormuuqanaya Guddiga dooroshooyinka ee dalkaGuddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo...
17/03/2022

Xildhibaan Moses Kuria oo ka soo hormuuqanaya Guddiga dooroshooyinka ee dalka
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa sheegay in ay u yeeri doonaan xildhibaanka laga soo doortay koonfurta deegaanka Gatundu Moses Kuria si uu u iftiimiyo hadaladii uu jeediyay ee ku saabsanaa in xisbiga Jubilee uu xaday doorashadii sanadkii 2017-kii.

Xildhibaanka laga soo doortay koonfurta deegaanka Gatundu Moses Kuria oo shalay ka hadlay shirkii xisbiga UDA ayaa sheegay in xisbiga Jubilee uu xaday doorashadii sanadkii 2017-kii.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in guddiga doorashada uu billaabi doono baaritaanno la xiriira hadalka ka soo yeeray xildhibaankan.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Jubilee David Murathe ayaa mar sii h**eysay ugu baaqay guddiga doorashooyinka in ay u yeeraan xildhibaan Moses Kuria isaga oo sheegay in inta uu og yahay aysan jirin codad madaxtinimo oo la xaday doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii.

Dr .William Ruto oo ka farxiyey Ganacstada dalkaMadaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa uu balan qaaday dad...
17/03/2022

Dr .William Ruto oo ka farxiyey Ganacstada dalka

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa uu balan qaaday dadka ka shaqeeysta xarumaha Jua Kali ee xaafadda Ngara in aan loo rari doonin deegaanka Ruaraka ee caasimada Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa qorsheeyneysa in dadka ka shaqeeysta xarumaha Jua Kali ee xaafadda Ngara in loo raro deegaanka Ruaraka si sare loogu qaado bilicda xaafadda Ngara oo aad ugu dhaw faras magaalaha ee caasimada Nairobi.

Mudane William Ruto ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya goobaha Jua Kali ay u baahan yihiin jawi wanaagsan oo ay ku maareeyaan ganacsigooda.

Mudane William Ruto ayaa maanta olola siyaasadeed ku qabtay suuqa Fig Tree ee xaafada Ngara ee magaalada Nairobi.

Madaxweynaha kuxigeenka ayaa sheegay in markii loo doorto xilka madaxtinimo uu suuqa xaafada Ngara ka dhisi doono xarun ganacsi oo ganacsatada ka caawin doono iib geynta badeecooyinkooda.

Senetarka ismaamulka Tharaka Nithi Kithure Kindiki oo uu durbaan tumaya madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in William Ruto uusan faragelin doonin madax banaanida hay’adaha dowladda.

16/03/2022

Maxk**ad Ku Taalla Hindiya oo Mamnuucday Xijaabka

Maxk**adda sare ee gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa la soo sheegaya in ay xukuntay in “xijaabku aanu ahayn qayb muhiim ah oo ka mid ah diinta Islaamka”, taasoo ah kiis saamayn ku yeelan kara guud ahaan dalka.
Maxk**addu ayaa sida oo kale xoojiyey go’aankii h**e ee dawladda ee mamnuucayay xidhashada xijaabka ee fasallada
Go’aankan ayaa yimid kadib markii dhowr jeer oo h**e uu muran ka dhashay arrinta xijaabka oo socday muddo bilo ah.

Kiiskaan ayaa gaaray maxk**ada sare kadib markii koox dumar ah oo muslimiin ah ay gudbiyeen codsi ay ku cadeynayaan in dastuurka Hindiya uu u damaanad qaadayo xaqa ay u leeyihiin inay xirtaan xijaabka.

14/03/2022

Duqeyntaan uu Mareykanka la beegsaday Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa kusoo beegmeysa xilli maalmo ka hor Saraakiil katirsan Sirdoonka Mareykanka ay ka codsadeen Madaxweynaha Mareykanka in dib loo bilaabo duqeymaha lala beegsado Al-Shabaab.
MareykankaDuqeyn la beegsaday Al-Shabaab & Dowladda Soomaliya oo ka hadashay

Diyaaradaha aan duulaha laheyn ee Mareykanka ayaa la soo sheegaya in ay duqeyn dhinaca cirka ah la beegsadeen Saldhig Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku lee yihin degaan katirsan Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Bayaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa manta lagu sheegay in saraakiisha Xoogga Dalka oo kaashanaya Saaxiibadooda Caalamka ay duqeyeen dhinaca cirka ku burburiyaan Saldhigii Al-Shabaab ay ku lahayeen Tuulada Hareeri-gubadle oo qiyaastii 20 Km dhinaca bari kaga beegan Degaanka Wabxo ee Gobolka Galguduud.
Dowladda Soomaliyeed oo sharaxaad ka bixisa duqeyntaas ayaa sheegtay in ku dhawaad 200 oo xubnood iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhinteen duqeyntaasi

Kenya oo laga helay Kiisas Cusub oo cudurka coronaWasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 12 qof oo dheeraad ah laga hel...
14/03/2022

Kenya oo laga helay Kiisas Cusub oo cudurka corona

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 12 qof oo dheeraad ah laga helay cudurka corona ee 24 sac ee la soo dhaafay .

12-kani qof ayaa laga helay cudurka Corona kadib markii cudurkaasi laga baaray dad gaaraya 5672.

Heerka faafitaanka cudurka corona ayaa maraya boqolkiiba 0.2.

Hal bukaan ayaa ka soo caafimaadeen Cudurka Corona taasi oo tirada guud ee booqsashada ka dhigeyso 317,491.

Hal bukaan oo dheeraad ah ayaa uu dhintay cudurka Corona taasi oo tirada guud ee Dhimashada ka dhigeyso 5645.

Dhanka kale 17.1 milyaan oo kenyan ahaa qaateen tallaalka Cudurka Corona .
Corona Update

Dib U Dhac Ku Yimid Jadwalkii Soo Gudbinta Guddiga Xulista Ergada 11 Kursi Gobolka HirshabeelleGuddiga doorashada SEIT e...
07/03/2022

Dib U Dhac Ku Yimid Jadwalkii Soo Gudbinta Guddiga Xulista Ergada 11 Kursi Gobolka Hirshabeelle
Guddiga doorashada SEIT ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa daboolka ka qaaday inuu dib u dhac ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddigu xulista ergada 11 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne.
Bayaan ka soo baxay Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu ogeysiiyey dhammaan daneeyaasha in uu dib u dhac uu ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddigu Xulista ergada, sababo farsamo awgeed.

Guddiga ayaa tilmaamay inay dib kasoo shaacin doonaan Jadwal kale oo ku aadan soo gudbinta Guddigu xulista ergada 11 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaasi oo doorashadooda lagu waday inay dhacdo maalinta berri Magaalada Baladweyne.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad ay ka taagan tahay kuraasta qaarkood ee Guddiga soo saaray, isla markaana la sheegay in kuraasta qaar loo xiray xubno Musharaxiin ah, taasina ay keentay inuu dib u dhac ku yimaado Jadwalka lasoo saaray.

Dowladda Ruushka oo dib uu bilowday duqeymaha ay ka wado dalka Ukraine.Ciidamada Rushka ayaa  la soo sheegaya in ay  mar...
07/03/2022

Dowladda Ruushka oo dib uu bilowday duqeymaha ay ka wado dalka Ukraine.

Ciidamada Rushka ayaa la soo sheegaya in ay mar kale dib uu bilaabeen duqeyn xoog leh oo ay ka wadeen magaalada Maaribooli oo ku taala koofur bari dalka Ukraine.Duqeyntaani ayaa dib uu bilaabatay kadib saacado ay dalkaas ka jirtay xabad joojin Rushku ku dhawaaqay ayaa timid kadib markii magaaladaan dadka intooda badani ka baxeen.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in dad badan willi ku go’doonsanyihiin gudaha magaalada Maaribooli la yiraahdo.

Q,M ayaa h**ey u sheegtay in dadka ku qaxay dagaalka Ukraine ay hadda ka badan yihiin hal milyan oo ruux waxaana la saadaalinayaa inay ka badan karaan haddii dagaalku sii socdo.

Horyaalka premier League oo maraya meel xiiso lehHoryaalka premier League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo tartanka l...
07/03/2022

Horyaalka premier League oo maraya meel xiiso leh

Horyaalka premier League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo tartanka loogu jiro ku guulaysiga premier League dib u furmay iyada oo ay Man City iyo Liverpool isku baacsanayaan.
Kooxda chelsea oo ku jirta kaalinta 3-aad ayaa iyada u muuqata kuwo xaqiiqsaday booska 3-aad xilli ay kooxo kale ku tartamayaan booska champions League.

Kooxaha Arsenal, Man United, Tottenham iyo West Ham ayaa dhamaantood ku tartamaya kaalinta loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe.
Shabakada WhoScored ayaa soo saaray Liiska 10-ka xiddig ee ilaa haatan ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Address

Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sadey fm 98.9 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category