Radio Somit

Radio Somit Radio Somit waxa ay kuu soo gudbineysaa wararka ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida. Radio Somit

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay, in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaatay in doonyo iyo maraak...
29/08/2024

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay, in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaatay in doonyo iyo maraakiib gurmad ah ay gaaraan, markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas, kaddib marki ay malleeshiyo ka tirsan Xuutiyiinta weerareen todobaadki h**e.

Markabkan oo wata calanka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo barmiil oo saliid ceyriin ah. Saraakiisha markabka ayaa ka digay in saliidda ku daadaneysa badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka deegaanka ah ee soo marta caalamka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska holgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegau, in iyada oo la tixgelinayo walaaca dhinacyada bani’aadannimada iyo deegaanka ay Ansarullah oo ay ula jeedaan Xuutiyiinta aqbashay bay tiraahdeen, in doonyo iyo maraakiib gurmad ah u tagaan markabka burburaya.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa Arabacadi u sheegay Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka shidaalka ee Sounion, ka dib markii dalal badan oo caalamka ah oo kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.

Heshiis qirasho ayaa miiska u saaran wiil uu dhalay wakiilkii h**e ee gobolka St. Paul oo lagu eedeeyay in uu gaari soo ...
29/08/2024

Heshiis qirasho ayaa miiska u saaran wiil uu dhalay wakiilkii h**e ee gobolka St. Paul oo lagu eedeeyay in uu gaari soo kaxeeyay iyada oo uu shidan yahay nalka cas ee istaagga, isla markaana uu shil ka dhacay koonfurta Minneapolis xagaagii h**e kaasoo shilka ku dilay shan gabdhood oo dhallinyaro ah.

Dhagaysiga Talaadadii ee maxk**ada degmada Hennepin County, Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Degmada Paige Starkey ayaa maxk**adda ka akhriyay dalabka Derrick John Thompson.

Starkey ayaa sheegay in dalabka qirashadu uu sii furnaan doono ilaa taariikhda maxk**adda xigta, taasoo loo asteeyay Noofambar 4.

Thompson, oo 28 jir ah k**a uusan hadlin dhegaysigii Talaadadii, kaas oo socday 7 daqiiqo oo kaliya.

Dhageysiga dacwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan qoysaska iyo asxaabta gabdhaha dhalinyarada ah ee geeriyooday, qaarkood ayaa wajiyadooda laga dheehanayay murugo halka kuwa kalana ay ilmeynayeen.

Gabdhaha shilka ku geeriyooday ayaa kala ahaa Salma Maxamed C/qaadir oo 20 jir ahayd, Sabiriin Maxamuud Cali oo 17 ahayd, Sahra Liibaan Geesaade 20 jir, Sagal Burhaan Hersi 19, iyo Siham Adan Odawa oo Iyana 19 jir ahayd.

Thompson, oo sidoo kale wajahaya eedeymo federaal ah oo la xiriira shilka, waa wiil uu dhalay xildhibaankii h**e ee Minnesota John Thompson, kaasoo matalay St. Paul’s East Side 2021.

Derrick Thompson waxa uu ku jiray xabsiga dowlada dhexe ee Sherburne ilaa Diseembar 18, markaasoo la soo taagay maxk**ad federal ah. Dhageysiga xeerbeegtida kiiskaas ayaa loo muddeeyay Oktoobar 7.

Sannadkii 2020, Thompson waxaa lagu xukumay California ka dib kiis lagu helay 2018, kaas oo uu ka baxsaday askar kadib markii baabuur oo uu ku dhuftay haweeney. Waxay koomo ku jirtay dhowr toddobaad. Waxa uu ku jiray tijaabo kiis markii uu dhacayay ama uu sababayay shilka Minneapolis.

Shilkan ayaa si weyn u gilgilay Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay si ay ugu baroor diiqaan haweenkan, aaskooda oo ka mid ahaa murugada ugu weyn ee ay dadweynuhu soo bandhigaan taariikhda Minnesota. Kulaylka maalintaas wuxuu ahaa mid aan loo dulqaadan karin, macno ahaan iyo muuqaal ahaanba, iyadoo 13 qof la dhigay isbitaal intii lagu guda jiray aaska ka dhacay Qabuuraha Islaamka ee Beerta Eden ee Burnsville.

Iyadoo bulshada Soomaalida Mareykanka ay la daalaa dhacayaan khasaarahan naxdinta leh, ayaa dad badan waxa ay is weydiinayaan sida darawalkan oo taariikhi ah marka ay noqoto kiis horay loogu hayay loogu ogolaaday in uu waddada dib ugu soo laabto.

Thompson waxaa lagu xukumay sideed sano oo xarig ah laakiin waxaa la sii daayay horraantii 2023 xaalad aan caddayn. Waqtigii uu dhacay shilka Minneapolis, Thompson waxa uu ku jiray tijaabo, iyo in aqoonsiga darawalnimada oo lagala noqday xukunkii California ayaa dib loo soo celiyay saddex bilood ka hor dhacdada dhimashada.

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab, ayaa xalay weerar culus oo madaafiic ku bilowday ku qaaday xero ay magaalada ...
29/08/2024

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab, ayaa xalay weerar culus oo madaafiic ku bilowday ku qaaday xero ay magaalada Buulamareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ka degan yihiin ciidamo katirsan kuwa nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.

Sida aan wararka ku helnay dagaal toos ah ayaa dhax maray kooxda Al Shabaab iyo ciidamada ATMIS, waxa ayna labada dhinac is dhaafsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoona dagaal socday ku dhawaad saacad kaddib Al Shabaab dib ugu laabteen halkii ay weerarka kasoo qaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka ay is dhaafsanayeen Al Shabaab iyo ciidamada ATMIS, waxaana xaalada cabsi ah lasoo daristay dadka deegaanka oo xabbadka dhulka dhigay intii ay rasaasta socotay.

Khasaaro ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen dagaalka xalay dhax maray Al Shabaab iyo ciidamada ATMIS, waxaana la sheegay in saakay aagga dagaalka ka dhacay lagu arkay meydadka xubno katirsan Al Shabaab oo dagaalkii xalay ku dhintay.

Taliska ciidanka nabbad ilaalinta u jooga dalkeenna Soomaaliya ee ATMIS ayaan wali ka hadlin weerarka xalay Al Shabaab kusoo qaadeen xeradooda, lamana oga ilaa hadda khasaaraha kasoo gaaray weerarkii xalay dhacay.

28/08/2024

SUUDAAN(RADIO SOMIT WAA HOYGA WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKA)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiyada dalka Suudaan ee uu dagaalku ka socdo ka sii deysay 31 dhallinyaro Soomaali ah oo bilo ku xirnaa dalkaasi Suudaan. Dhallinyaradan ayaa u badnaa tahriibayaal doonayay in ay tahriib ku tagaan...

28/08/2024

MUQDISHO(RADIO SOMIT WAA WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKA)-Ciidanka Boliiska Soomaliyeed Gaar ahaan Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa Gacanta Ku soo Dhigey Eedeysanayaal Kala duwan oo loo heysto dembiyo kala duwan “Waxayna Bulshada Dhexdeeda ku haayeen Falal lidi ku ah Amniga iyo Sharafka...

Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in halkaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay...
28/08/2024

Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in halkaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dilal saacadihii lasoo dhaafay loo geestay ganacsato iyo dad kale oo kasoo jeeda deegaannada SSC Khaatumo.

Saacado kahor waxaa magaalada Ceerigaabo lagu dilay ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabayay Cumar Sanjocor, ganacsadaha dilkiisa ayaa lagu tuhmayaa in ay fuliyeen rag kasoo jeeda deegaan ahaan maamulka Somaliland.

Xaalad kacsanaan ah iyo xiisad dagaal ayaa laga dareemayaa xaafadaha magaalada Ceerigaabo, waxaana xiisada sabab looga dhigay dilal dhowr ah oo saacadihii lasoo dhaafay magaaladaasi iyo deegaanno hoostaga loogu geestay dad kasoo jeeda Khaatumo.

War-saxaafadeed xalay kasoo baxay maamulka Khaatumo ayaa lagu sheegay in Somaliland dad badan oo kasoo jeeda Khaatumo ku dishay magaalada Ceerigaabo, waxa ayna Khaatumo ku eedeeyeen Madaxweynaha Somaliland uu halkaasi ka abaabulayo colaad.

Maamulka Khaatumo ayaana sheegay in aysan u dulqaadan doonin gardarooyin ay Somaliland ka wado magaalada Ceerigaabo, waxa ayna sheegeen in ay awood buuxda u leeyihiin in jawaab ka bixiyaan gardarooyinka iyo daandaansiga ka imaanaya Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud...
28/08/2024

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Dakhligai ayaa shir muhiim ah xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen maamulayaasha iyo agaasimeyaasha Isbitaalada Muqdisho qaarkood.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Africa.

Masuuliyiintii Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa dhankooda balanqaaday in ay howshan si cilmiyeysan u eegayaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad.

Canshuurta gadista ee lagu soo rogay ganacsatada ayaa waxaa qeyb ka ah isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho, iyada oo xusid mudan tahay in dowladda aysan dadkeeda siin adeeg caafimaad, haddana dadka danta yar ee isbitaalada adeegga u doonta kusoo rogtay canshuiur dheeraad ah in ay bixitaan

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa ku dhaw...
27/08/2024

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa ku dhawaaqey in wixii ka bilowda maanta uu si toos ah u hawlgalay Bangiga dhiigaa Qaranka, waxaana munaasabadda shaacinta ololah dhiig bixinta ku wehlinayey maanta xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah Xuseen Maxamed Nuur, Xil Khaasim Cilmi Seed, Xil Cadnaan Cismaan Cilmi, Xil Caydaruus Saalax, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, maamulka agaasimaha Bangiga Dhiigga Agaasimaha Isbitaalka Benaadir iyo xubno kale.

Dhammaan madaxdii maanta tagtay ee uu hogaaminayey Wasiirka Caafimaadka ee isugu jirey Xildhibaanada iyo Madaxda kale ee Wasaaradda ayaa dhiigooda ku deeqey waxay noqdeen mas’uuliyiintii ugu horreysey ee si mutadawacnimo ah usii bixiya maadaama Ololahan ay ka wada qeyb qaadan doonaan dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhismaha Bangiga dhiigga ayaa soo marey heerar kala duwan waxaana ugu dambeyn lagu guuleystey dhamaystirkiisa iyo in uu si toos ah u howlgalo maanta oo ay taariikhdu tahay 26, August 2024, taas oo qeyb ka ah gaaritaanka yoolka horumarinta Caafimaadka guud ee dalka, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda Caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta dhiiga iyo muwaadinku si sahlan uu uga dhiman dhiig la’aan.

Howlgalinta Bangiga dhiigga waa tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada Caafimaadka guud ahaan, sidoo kale waa tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta hiigsiga Xukuumadda Danqaran ee ku qeexan qorshaha Qaranka, sidoo kale waa tallaabo inoo sii dhawaynayo yoolka fog ee ah in ay bulshadeennu ku naalooto Caafimaad haqab-tiran.

Bangigan ayaa fududayn doono hellitaanka dhiigga xilli kasta oo loo baahan yahay iyo in muwaadinga Soomaaliyeed la yiraahdo dhiig baa loo waayey taas oo caqabad wayn ku aheyd in muwaadinka badnaadad u baahan loo hello gargaarka dhiigga, waxa uuna Bangigan ka qayb qaadan doonto in ay fududaado bixitna adeegga Caafimaadka gaar ahaan xilliyada gurmadka.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa ku dhawaaqey ololaha bulshada Soomaaliyeed ugu qeyb qaadan karto keydinta Dhiigga si looga maarmo in mararka ay dhacdo xaaladaha deg degga ah in baraha bulshada laga naadiyo dhiigagga loo baahan yahay ama la waayo waana tallaabo muujineysa mustaqbalka Caafimaadka halka uu ku wajahan yahay.

27/08/2024

SUUDAAN(RADIO SOMIT WAA HOYGA WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKA)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtat ,in fatahaad uu sameeyay biyo xireen weyn oo ku yaalla bariga Sudan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 30 ruux oo ka mid ah dad ku nool ilaa 20 tuullo, arrintan oo uga sii dareysa masiibada dagaalka sokeeye....

Guddiga gurmadka Qaran ee qaraxi xeebta Liido ayaa xarunta Qaran ee howlgallada gurmadka degdegga ah ee hay’adda Maareey...
27/08/2024

Guddiga gurmadka Qaran ee qaraxi xeebta Liido ayaa xarunta Qaran ee howlgallada gurmadka degdegga ah ee hay’adda Maareeynta Musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay xeebta Liido.

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas, iyagoo ballan-qaaday in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaart

Sidaan oo kale guddiga gurmdka weerarkii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa h**ey lacago qoondo u guddoonsiiyay qaar kamid ah dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas, kuwaa oo sidoo kale laga bixiyay lacagihii daawada uga baxday.

Weerarkii argagaxiso ee Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay dad gaaraya 40-qof oo shacab u badnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 100-qof oo qaarkood dhaawacyo culus soo gaareen.

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland , ayaa eedeyn culus u jeedisay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xa...
27/08/2024

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland , ayaa eedeyn culus u jeedisay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, heer ayba ku tilmaameen Madaxweynaha in uu yahay Magafe oo kale .

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu yahay Magafe, magacaas oo loo yaqaan ragga wax tahriibiya ee lacagta madax-furashada ah ka qaata dadka tahriibayaasha ah.

Waxa uu sheegay Wasiir Caydiid in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isbaaro u dhigtay mashaariic badan oo dhinaca horumarinta ah oo Puntland laga fulin lahaa, waxa uuna xusay in uu u xannibay masharaiicdasai kaddib markii ay ka diideen in isagu maamulo.

“Xasan Sheekh Maxamuud waa Magafe ,waxa uu isbaaro u dhigtay dhammaan mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa Puntland, waxaana uu rabaa in haddii aan isagu maamulayn uu sidaasi ku xannibo marka wa qof Magafe ah oo isbaaro dhigtay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu jebiyay dastuurkii iyo sharcigii lagu doortay ee dalka islamarkaana baabi’in ku wado nidaamka dowladnimada Soomaaliya taasina tahay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.

Eedeyntan culus oo Puntland kasoo yeertay ayaa kusoo aadaya xilli uu go’ay xiriirkii ka dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, kaddib markii ballamo badan uu Madaxweyne Xasan Sheekh xilligii doorashada uga ballanqaaday Madaxweyne Deni uga baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaah...
26/08/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Madaxweynaha.

Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo h**ey u soo noqday Taliyaha hay’adaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Sidoo kale mas’uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Lataliyaha Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isagoo u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay.

Saraakiisha Taliska Booliska ilaalinta canshuuraha iyo saraakiil katirsan Wasaarada Maaliyada ayaa kormeer ku bilaabay g...
26/08/2024

Saraakiisha Taliska Booliska ilaalinta canshuuraha iyo saraakiil katirsan Wasaarada Maaliyada ayaa kormeer ku bilaabay goobaha ganacsiga sida ay u isticmaalayaan Merchant-ka maadaama dhawaan dowladda Soomaaliya ay billoowday Canshuurta laga qaadayo Shacabka ee ah Boqolkiiba Shan.

Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeray Goobaha Ganacsiga ee kuyaalla degmooyinka Xamarweyne, Xamar Jajab, Waaberi, Cabdicasiis, Hodan, Howl-wadaag, Wartanabadda iyo Wadajir.

Madaxa Kormeerka Guud ee Laanta dhexe ee ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Gaashaanle Xasan Cali Xasan iyo Taliye kuxigeenka ee ilaalinta Canshuuraha oo Ganacsatada la hadlay ayaa u sheegay inay u hoggaansamaan Awaamiirta dowladda ee ahaa isticmaalka Lambarka Merchantika, isla markaana ciddii fulin weysa tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Warkan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Canshuuraha ee Booliska Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan Goobaha Ganacsiga qaarkood oo aan fulin amarkii dowladda, kuwaas oo isticmaala EVC PLUS.

26/08/2024

MUQDISHO(RADIO SOMIT WAA HOYGA WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta h...

26/08/2024

FARANSIISKA(RADIO SOMIT WAA HOYGA WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKA)-Qareenka madaxa Telegram Pavel Durov kaas oo lagu xiray dalka Faransiiska ayaa sheegay in xarigiisa uu yahay wax lagu qoslo oo ka dhan ah xorriyadda hadalka. Mr Durov waxa xiray booliska Faransiiska kadib markii diyaaraddiisa gaarka ah...

26/08/2024

QAZA(RADIO SOMIT WAA HOYGA WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKA)-Wadahadallado heerkoodu sarreeyay oo Axaddii shalay ay magaalada Qahira ku yeesheen ergooyin ka socday dowladaha dhexdhexaadinaya Isra’il iyo Xamas, ayaa mar kale ku soo dhammaaday is afagan-waa, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan...

Ukraine ayaa Arbacadi shalay ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow ilaa 11 diyaaradood oo ah nuuca aanan duuliyaha l...
22/08/2024

Ukraine ayaa Arbacadi shalay ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow ilaa 11 diyaaradood oo ah nuuca aanan duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in difaacooda cirka uu burburiyay dhammaan diyaaradahaasi.

Dowladda Ruushka ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradi ugu weynaa ee ay ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo marki uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee sannadki 2022-ki.

Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo in muddo ahba dhinacyadu isu adeegsanayeen madaafiicda goobta, diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo duqeymo cirka ah, isla markaana ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee bariga Ukraine, ayaa 6-di bishan August waji kale yeeshay, kaddib marki ay Ukraine ciidamo u dirtay gobolka Kursk ee bariga Ruushka dhanka xadka Ukraine.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa ku warrantay in difaacooda cirka uu dhulka soo dhigay ilaa 45 diyaaradood oo ah nuuca daroonka loo yaqaanno ee dhulka laga hago, kuwaas oo ay ku jireen 11 xabbo oo lagu weeraray Moscow, 23 lagu diray gobolka xadka ku yaalla ee Bryansk, lix lagu weeraray gobolka Belgorod iyo shan diyaaradood oo lagu kala weeraray gobollada Kaluga iyo Kursk.

Ruushka ayaa dhanka kale horumar ka sameynaya bariga Ukraine, halkaas oo ay ciidamadiisu hadda gacanta ku hayaan ilaa 18 boqolkiiba, waxay sidoo kale dagaal adag kula jiraan ciidamo ka tirsan Ukraine oo weeraray gobolka Kursk ee Ruushka.

Weerarkaas ayaa noqday kii ugu horreeyay oo uu Ruushka lagu qaado tan iyo Dagaalki Labaad ee Dunida.

Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadi shalay khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul-...
22/08/2024

Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadi shalay khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul-wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, oo uu kala hadlay in si deg deg ah loo helo xabbad-joojin ka hirgasha Gaza, isla markaana la sii daayo la heystayaasha.

Hase yeeshee, Isra’il iyo Xamaas ayaa wali ku sii adkeysanaya mowqifyadooda ay ka kala taagan yihiin wadahadallada muddada afarta bil socday ee ay dhex-dhexaadiyaasha caalamiga ah ku rabaan in lagu joojiyo colaadda Gaza.

Wadahadallada khadka telefoonka ee labada hogaamiye, oo sidoo kale ay goob joog aheyd madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris, ayaa yimid waxyar kaddib marki ay saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta sheegeen, in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Isra’il Gaza ku dishay ilaa 50 Falastiiniyiin ah.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ee magaaladan Washington ayaa lagu sheegay, in Biden uu ku nuux-nuuxsaday una sheegay Netanyahu dedejinta heshiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha, wuxuu sidoo kale kala hadlay wadahadallada loo ballan sanyahay in ay ka dhacaan Qahiro ee lagu rabo in lagu dhameeyo caqabadaha hor taagan xababad-joojinta.

Dhex-dhexaadiyaal ka kala socda Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa lagu wadaa in dhammaadka todobaadkan ay ku kulmaan caasimadda Masar, si isugu dayaan in ay meel dhexe isugu keenaan dhinacyada dagaallamaya.

        ayaa ku dhawaaqay in barito ilbaabada isugu dhufan doonaan ganacsigooda.
17/08/2024

ayaa ku dhawaaqay in barito ilbaabada isugu dhufan doonaan ganacsigooda.

Khubaro saadaaliyay in Khatar ay kusoo wajahan tahay dollar-ka Mareykanka.In ka badan 159 waddan oo xubno ah isbaheysiga...
17/08/2024

Khubaro saadaaliyay in Khatar ay kusoo wajahan tahay dollar-ka Mareykanka.

In ka badan 159 waddan oo xubno ah isbaheysiga dhaqaalaha BRICS oo Ruushka, Shiinaha, India iyo Brazil hogaaminayaan ayaa isku raacey inay sameystaan lacag u gaar ah, oo suuqa ay wadaagaan lagu isticmaalo, iyagoo meesha ka saaraya dollar-ka.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir , ayaa gacanta kusoo dhigay gabar lagu eedeeyay in...
13/08/2024

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir , ayaa gacanta kusoo dhigay gabar lagu eedeeyay in xalay saqdii dhaxe guri ay kuwada sugnaayeen ku dishay askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada kumaandooska ee Danab.

Sida aan wararka ku helnay Nawaal Saalax Cabdulle ayaa labo xabbadood wadnaha uga dhufatay Liibaan Cabdi Daahir oo ahaa askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka, dilka ayaana ka dhacay qol la sheegay in askariga iyo gabadha kuwada sugnaayeen.

Qorayga dilka ay ku geesatay gabadha ayaa la sheegay in uu lahaa askariga geeriyooday, ilaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee keentay in gabadhan disho askariga xiriirka jaceyl kala dhaxeeyay ayna wada joogeen guri kuyaalla degmada Wadajir.

Ciidamada ammaanka ayaana gacanta kusoo dhigay gabadha dilka geesatay iyada oo argagaxsan, waxa ay sidoo kale ciidamada soo xireen dad kale oo la sheegay in ay ku sugnaayeen guriga xalay falka dilka ah uu ka dhacay.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya faah faahin k**a bixin dilkan gabadha xalay u geesatay askariga la sheega in uu xiriirka jaceyl kala dhaxeeyay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in falkan ku socdo baaris ayna dib ka faah faahin doonaan sida dilkan u dhacay iyo waxa sababay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexee...
11/08/2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya

Wafdiga Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo ah Sabti u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Wafdigan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaa wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad h**ey looga soo dhigey waqtigii h**e ee lagu ballansanaa.

Kulamadan ayaa looga hadlayaa Sidii meesha looga saari lahaa heshiiska Itoobiya la gashay Somaliland ee la isku dhaafsanayo dhul badeed iyo aqoonsi kaasoo ay ka carootay DF Somalia, rajo badana lagama qabo in wadahahadan ay ka soo baxaan wax natiijo ah.

07/08/2024

QAZA(RADIO SOMIT WAA HOYGA WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKA)-Yahya Ibrahim Hassan Sinwar, oo ahaa madaxa dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ee marinka Qasa, ayaa saacad ka hor dhaqdhaqaaqa wuxuu sheegay in loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ama madaxa xafiiska siyaasadda, kaddib ma...

06/08/2024

MUQDISHO(RADIO SOMIT WAA HOYGA WARARKA SOMALIDA IYO CAALAMKA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihi...

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Ca...
06/08/2024

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay.

Golaha ayaa ku dhawaaqay caawa in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa caawa ansixiyay magacaabista Danjireyaal dalkeena uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka.
Waxaana ay kala yihiin:

1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir
2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir
3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir
4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir
5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir
6. Faysal Axmed Salaad – Safiir
7. Abiib Muuse Faarax – Safiir
8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir
9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir
10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir
11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir
12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir
13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud
14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud

Xaaladda ay ku sugantahay caawa  Degmada mustaxiil
05/08/2024

Xaaladda ay ku sugantahay caawa Degmada mustaxiil

Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlay ayaa waxaa iskugu yimid hay'adaha Amniga Heer Federaal  iyo maamulka gobolka Bana...
04/08/2024

Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlay ayaa waxaa iskugu yimid hay'adaha Amniga Heer Federaal iyo maamulka gobolka Banaadir kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed .

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Sheekh Cismaan Fartaag, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, Agaasimaha hey'adda Nabad Suggidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha gobolka Banadir Ahna duqa magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Inta badan kulanka intuu socday waxaa looga haddlay xaalada Amniga ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka kasoo qaybgashay.

Xaaladda webi shabeelle oo ka sii dartay maanta maxaad kala socotaan.
04/08/2024

Xaaladda webi shabeelle oo ka sii dartay maanta maxaad kala socotaan.

Maxk**adda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, g...
04/08/2024

Maxk**adda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysanaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumada.

Dacwadda oo dhameysatay heerarka kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxk**adda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxk**addu dib ugu celisay xorriyadooda.

Inta la xaqiijiyay Hal Ruux ayaa ku geeriyooday halka halka qof kale uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay degaanka Gawaan ee...
31/07/2024

Inta la xaqiijiyay Hal Ruux ayaa ku geeriyooday halka halka qof kale uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay degaanka Gawaan ee Duleedka Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in uu ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Aways Cali Guure (Butugeey) , xilli uu ku socdaalayay wadada degaanka Gawaan.

Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda degmada Ceeldheer ayaa sheegay in Miinadaas ay wadada ku Aaseen Al-Shabaab si ay Shacabka iyo Ciidamada ugu dhibaateeyaan.

Dhinaca kale Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgallo xoogan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Degaannada howlgallo laga fuliyay degaannada kale ah, Xalaneey, dalxiis, dalsan, gawaan , Hoodleey, Burdiir, Ceelqaboobe, durdur, Ceelqalow iyo tuulooyin kale.

Daahir Yuusuf Hani iyo Maxamed Kaahiye Hilowle ayaa siwadajir ah u sheegay inay soo dhamaadeen waayihii Al-Shabaab, isla markaana Ciidanka degaanka ay u diyaarsan yihiin ka hortaga dhibaatada ay ku hayaan Shacabka.

Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinkii laga xorreeyay Al-Shabaab oo muddo ka badan 15 sano gacanta ku haayay, waxaana ammaanka degmadaas gacanta ku haya Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Indirizzo

Corso Torino
Ivrea
10015

Notifiche

Lasciando la tua email puoi essere il primo a sapere quando Radio Somit pubblica notizie e promozioni. Il tuo indirizzo email non verrà utilizzato per nessun altro scopo e potrai annullare l'iscrizione in qualsiasi momento.

Contatta L'azienda

Invia un messaggio a Radio Somit:

Video

Condividi

Digitare



Potrebbe piacerti anche