Somali News Agency

Somali News Agency All Somali regions news agency and video production system.

Wakaaladan waxay kuu soo gudbin doontaa dhacdooyinka adduunka gaar ahaan kuwa Soomaalida meel kasta oo ay ku sugan yihiin.

22/10/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud "Waxaan iska diidnay in aan ku sii noolaano dulmi, dil iyo Cabsi-galin."

Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la'ah.
28/07/2022

Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la'ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa khaarijiyay Horjoogihii u qaabilsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab Jabhada Gobolada...
04/06/2022

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa khaarijiyay Horjoogihii u qaabilsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab Jabhada Gobolada Baay iyo Bakool kadib howlgal ay ka sameeyeen Degaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-km ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Horjoogaha ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa Afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima) Ciidanka ayaa sidookale Dilay ku dhawaad 10 Maleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad Xds Col:Cali Xabad

Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ku soo bandhigay dha...
08/05/2022

Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ku soo bandhigay dhagar-qabayaal ka soo goostay kooxda Argagixisada oo gacanta Dowladda isku soo dhiibay.

Ibraahim Xasan Cabdi Iyo Siidoow Xasan Cali ayaa labaduba muddo ka barbar dagaalamayay kooxaha Argagixisada, inay soo gaba-gabeeyaan safarkooda Argagixisanimo ayay ku sababeeyeen dhibaatooyin badan oo ay kooxda Argagixisada Shabaab kala kulmeen.

Ciidanka Nissa ayaa dhagar-qabayaashan la khalday si nabad galyo ah ugu soo dhaweeyay Magaalada Baardheere.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYEY GUDDOONKA CUSUB EE GOLAHA AQALKA SAREMuqdisho, Abriil 26, 2022; Madaxweynaha Jamhu...
26/04/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYEY GUDDOONKA CUSUB EE GOLAHA AQALKA SARE

Muqdisho, Abriil 26, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dib loogu doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guuddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoonka Cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare in ay sii ambaqaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirrigelinaya dhammaystirka Doorashooyinka Dalka.

DHAMMAAD

22/04/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KASOO SAARAY DOORASHOOYINKA ISBARBAR SOCA EE GARBAHAAREEY IYO CEELWAAQ

Muqdisho, 22ka Abriil 2022: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021.

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”

“Sidaas darteed, k**a qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay h**e u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madlan yahay ee Guddoonka Labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhakhsiyaha badan.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY GUDDOOMIYEYAASHA KUMEEL GAARKA AH EE LABADA AQALMadaxweynaha  Maxamed Cabdullaahi Farma...
16/04/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY GUDDOOMIYEYAASHA KUMEEL GAARKA AH EE LABADA AQAL

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalka.

DHAMMAAD

Ciidanka ururka 6Aad ee Kumaandooska Guutada 16 Aad ee  Danab  XDS ayaa Howlgal Qorsheysan ku dilay Maleyshiyaad iyo Hor...
03/04/2022

Ciidanka ururka 6Aad ee Kumaandooska Guutada 16 Aad ee Danab XDS ayaa Howlgal Qorsheysan ku dilay Maleyshiyaad iyo Horjogayaal ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay tuulada Lulubsho oo wisil 16Km u jirta waxaana lagu soo qabtay Maxabuus Dhaawac ah iyo Meydadkii Maleyshiyaadka la dilay
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Howlgalka lagu soo qabtay Shan Miino iyo Afar Qori
Sidoo kale General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Howlgalka lagu soo qabtay gaari leylo ah

Taliska Qeybta 60aad ee CXDS ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Cali Cabdullahi Cali Oo Magaciisa Afgarashad...
29/03/2022

Taliska Qeybta 60aad ee CXDS ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Cali Cabdullahi Cali Oo Magaciisa Afgarashada uu yahay Khaalid oo ka tirsanaa Nabadiidka Alshabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Cali Wuxuu Nabadiidka u qaabilsanaa Jabhada Isagoona kasoo shaqeeyey Gobolada Baay Iyo Shabeellaha Dhexe, Wuxuna Sheegey in sababta ku kaliftey in Ciidanka Dowladda isku soo dhiibo ay tahay Dhibaatada Kooxda Nabadiidka Alshabab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

29/03/2022

Taliyaha KMG ee Heyadda sirdoonka Qaranka oo xariga ka jaray xafiisyada qeybta Galmudug.

SHIR LAGU HIRGELINAYEY DIB-U-HABAYNTA QORSHAHA AMNIGA SOOMAALIYA OO MUQDISHO LAGU QABTAYMuqdisho, Maarso 21, 2022 – Waxa...
21/03/2022

SHIR LAGU HIRGELINAYEY DIB-U-HABAYNTA QORSHAHA AMNIGA SOOMAALIYA OO MUQDISHO LAGU QABTAY
Muqdisho, Maarso 21, 2022 – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir lagu hirgelinayey Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Dalka (STP) oo dib-u-habayn lagu sameeyey, kaas oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada JFS, ayna ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo metelayey Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Dib-u-habayntan Qorshaha ay Soomaaliya si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga ka taageera uga la wareegayso mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, oo muddo laga shaqaynayey ayaa maanta la isku raacay hirgelintiisa, iyada oo 31-da bishan Qorshahan la horgayn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qorshahan ayaa dhabbaha u jeexaya soo afjaridda magaca Hawlka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyada oo la isku raacay in magaca Hawl-galku noqdo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), si buuxdana loo soo gabagabeeyo Sannadka 2024-ka. Dhanka kale, waxaa la isla meel dhigay halbeegyada iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee hagaya Waajibaadka shaqo ee hawlgalka ATMIS, qorshaha gabagabaynta hawl-galka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada, iyada oo la raacayo hagitaannada iyo jihaynta dowladda Soomaaliya.

Dhammaan masuuliyiintii kala duwanaa ee ka qayb galay shirka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka ayaa si weyn u soo dhoweeyey Hirgelinta Dib-u-habaynta Qorshaha Amniga Soomaaliya (STP), iyaga oo hoosta ka xarriiqay in si buuxda loogu wada diyaar garoobo in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo Masuuliyadda Amniga Dalka ugu dambayn Sannadka 2024-ka.

WAXAA MAANTA MUQDISHO LAGU SOO GABAGABEEYEY SHIRKII LOOGA HADLAYEY MAAMULKA HUBKA IYO RASAASTA Muqdisho, Maarso 20, 2022...
20/03/2022

WAXAA MAANTA MUQDISHO LAGU SOO GABAGABEEYEY SHIRKII LOOGA HADLAYEY MAAMULKA HUBKA IYO RASAASTA

Muqdisho, Maarso 20, 2022; Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir socday labo maalmood oo looga hadlayey maamulka iyo xak**aynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, u na dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Shirka ayaa waxaa maanta ka qayb galay Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliya Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Hay'adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Sii Hayaha Safaaradda Ingiriiska.

Shirka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka, diiwaan gelinta, calaamadinta iyo xak**aynta hubta yaalla dalka, iyo qorsheyaasha hortebinta iyo mudnaanta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta iyo ballaarinta dadaallada socda ee lagu calaamadinayo laguna diiwaan gelinayo kaydka hubka ee ku jira gacmaha hay’adaha amniga dalka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, qiimaynta awoodda kaydinta hubka ee hadda jirta si loo qeexo baahiyaha dhiman, samaynta istaraatiijiyad qaran iyo shuruuc lagu xak**aynayo hubka sharci darrada ah, kiimikooyinka iyo walxaha Qarxa, si loo dhimo khatarta ka imaanaysa Ururrada Argagagixisada ah, iyo dejinta jaangooyooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo qaadista cunaqabaynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dhammaan Masuuliyiinta kalmadaha ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go'an tahay Xak**aynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ay ugu horreeyaan xasilinta dalka iyo ka guulaysiga ururrada argagixisada ah.

Ugu Dambayn, Masuuliyiintii iyo wakiilladii metelayey heerarka kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha mudnaanta iyo hor tebinta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota, iyada oo dhanka kale ay Danjireyaasha Saaxiibbada Caalamka ee ka soo qayb galay Shirka si weyn u soo dhoweeyeen Qorsheyaasha iyo Soodeejinta Soomaalida.

DHAMMAAD

Ciidamadda sirdoonka iyo nabadsugida Qaranka taliskooda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa 48-kii sac ee ...
20/03/2022

Ciidamadda sirdoonka iyo nabadsugida Qaranka taliskooda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa 48-kii sac ee ugu dambeeyay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabey Xaafadaha Magaalada iyo baraha koontarool ee duleedyada Magaalada Dhuusamareeb, si loola socdo dhaqdhaqaaqyada gudaha isla markaana loo hubiyo gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Dhuusamareeb.

Taliyaha Ciidanka sirdoonka iyo nabadsugida Dhuusamareeb Dhamme: Najiib xirsi dhoore iyo kuxigeenkiisa cabdisalaan Ciise ayaa Ciidamada ku kormeeray goobaha kala duwan ee ay ka wadaan howlgalada amniga lagu sugayo oo ay ka mid yihiin baaris lagu sameynayo guriyaha kuwaa oo ay Ciidamadu ku ogaanayaan dadka dagan iyo hadii ay jiraan hub ay heystaan dadwaynaha kaa oo aan kujirin diiwaanka wasaradda amniga.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka hortagay dhagar qabe katirsan kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab oo doonayay ...
20/03/2022

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka hortagay dhagar qabe katirsan kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab oo doonayay inuu miino ku aaso degaanka goof-guduud ee gobolka Baay.

Ururka 45-aad Guutada 8- aad Qeybta 60-aad Xds oo ka war qabay dhagarta argagixisada ayaa ka hortagay miinadaasi Al-shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka degaanka Goof-guduud ee gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidookale gacanta ku dhigay mootada nooca laba lugooleeyda ee Fekonta loo yaqaan oo uu watay dhagar qaba oo ay la qaraxday miinada uu aasi rabay.

19/03/2022

Labo dhagar qabe oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka

13/03/2022

Taliska ciidanka Asluubta oo la wareegey agab waxbarsho oo loogu tala galay caruurta ee kasoo aruuriyeen magaalada.

06/03/2022

"Ciidanka iyaggoo Mushaar yar qaadanaya ayey deeq ina soo gaarsiiyeen" Mid kamid ah Qoysas maanta deeq raashin ay gaarsiiyeen Ciidanka Xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage ayaa la kulamay Safiirka Shiinaha u jooga Muqdisho Mr....
01/03/2022

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage ayaa la kulamay Safiirka Shiinaha u jooga Muqdisho Mr. Fei Shengchao

Gen Odowaa Yuusuf iyo Safiirka Shiinaha ayaa ka wada hadlay xooginta taageerada Shiinaha uu siiyo CXds ee dhinaca Tababaradda iyo Qalabka.

Ciidanka Kumaandooska ee Gorgor, gaar ahaan ururka 7-aad, ayaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose jab xooggan...
25/02/2022

Ciidanka Kumaandooska ee Gorgor, gaar ahaan ururka 7-aad, ayaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose jab xooggan ku gaarsiiyay Argagixisada nabad-diidka ah, kadib markii ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan fariisimaha ciidanka xoogga ee Bariire.

Ciidanka xoogga ayaa khaarijiyay 29 dhagar qabe oo katirsan Argagixisada, kadib dagaal kooban oo geesiyaasha qaranka ay uga hortageen damacoodii ahaa inay soo weeraraan deegaanka Bariire, lana soo afjaray gebi ahaanba dhagar-qabayaashii la soo khalday.

23/02/2022

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dagaal Culus ku dilay in ka badan 60 Maleyshiyaad ah iyo Horjogihii Jabhadaha Nabadiidka ee gobolka Hiiraan.

DEG DEG Horjoogihii Jabhadaha ee Hiiraan iyo 60 dhagar Qabe oo lagu Dilay Howlgal Qorsheysan.Ciidanka Xoogga Dalka ee gu...
22/02/2022

DEG DEG Horjoogihii Jabhadaha ee Hiiraan iyo 60 dhagar Qabe oo lagu Dilay Howlgal Qorsheysan.
Ciidanka Xoogga Dalka ee guutada 16Aad Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan waxay ku dileen in ka badan 60 dhagar qabe oo ka tirsan argagixisada Alshabaab.

Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ururka 7aad ee Kumaandooska Danab ayaa waxaa hogaaminaye Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan tuure ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Horjoogihii Jabhadaha ee Hiiraan, iyaddoo lagu burburiyey Xarumo Qaraxyada lagu farsameyn jiray iyo Goobo ay Argagixisada ku qaadan jireen lacago Baad ah.

16/02/2022

Munaasabad lagu Xusayey Sanadguuradii 62aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Cirka

Ciidanka kumaandooska DANAB oo gacanta ku dhigay 10 ka tirsan Nabadiidka Al-shabaabCiidanka kumaandooska xoogga dalka So...
15/02/2022

Ciidanka kumaandooska DANAB oo gacanta ku dhigay 10 ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Agagaarka Deegaanka torotorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Nabadiidka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii degaannada howlgalka ka sameeyewn uga saari lahaayeen kooxda Argagixisada (UGUS) Al-Shabaab oo dhibaatooyin joogta ah u geysta Shacabaka Soomaaliyeed eek u nool deegaanada Ciidanku Howlgalka ku gaaray.

Waxaa ay sidoo kale saraakiisha Kumaandooska DANAD ayaa tilmaamay in intii howlgalka socday lagu soo qabtay 10 ka tirsanArgagixisada a Al-Shaabaab.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallada ugu badan waxaa ay ka sameeyaan degaanada Gobolladda Shabeelooyinka, iyaga oo la wareegay degaano dhowr ah.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE DOWLADDA MARAYKANKA Muqdisho, Febr...
07/02/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE DOWLADDA MARAYKANKA

Muqdisho, Febraayo 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacawday Soomaaliya Mudane Larry André.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay danjiraha cusub horumarka ay Dowladda Federaalku ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habaynta hay'adaha maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dayn cafiska, waxaana Madaxweynaha iyo Danjire André ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini-aadannimada, iyo horumarinta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Larry André xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

DHAMMAAD

Dhacdo cajiib ah: ASKARI kaligiis la dagaalamay 15 Al-Shabaab ah (Warbixin)Dhacdo yaab leh ayaa habeen h**e ka dhacday a...
26/01/2022

Dhacdo cajiib ah: ASKARI kaligiis la dagaalamay 15 Al-Shabaab ah (Warbixin)

Dhacdo yaab leh ayaa habeen h**e ka dhacday afaafka h**e ee magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, kadib markii askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay si kedis ahayd isaga horyimaadeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Askarigan oo hoygiisa ka baxay, kuna sii jeeday Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada bannaankeeda h**e ayaa la sheegay inay waddada isku arkayn maleeshiyaadaasi, xilli ay miino ku aasayeen waddada dhinaceeda.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dhex maray iska horimaad in doora socday, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada, maleeshiyadaasina uu ku khasbay inay dib u gurtaan.

Cabdisamad Siraad Maxamed ayaa iska horimaadkaasi ku dhaawacmay, halka dhinaca Shabaabkana la sheegay in laba nin uu ka dilay.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo oo dhacdadaasi ka waramay ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay foodda gelin kari waayeen difaacii uu xirtay askarigaasi.

“Nimanku waxay ahaayeen illaa shan iyo toban nin oo cadowga Al Shabaab ah, qaab dhuumaaleysi ah bayna halkaasi ku yimaadeen, markii ay askariga arkayna halmar ayaa dabsaar lagu kulmiyay, asaguna waa is lagdoow oo waa is difaacay. Difaac adag ayuu galay, wayna u soo geli waayeen, illaa ciidankii gurmadka uga yimid. Ciiidamadii Xarunta Militariga ka yimid iyo kii Booliska ahaa ee degmada ka yimid, intaba asagoo difaac ku jiro oo dhaawac ah ayay u yimaadeen. In ka badan 20 xabadood baa ku dhacday, booshkii uu watayna qaar baa burburay, xabadihii ku dhacay,” ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidamada waxay halkaasi ka soo qaadeen qori AK47 iyo dhowr khasnadood oo rasaas ah, oo nimankii cadowga ay uga carareen. Goobtaasi waxaad ka arki kartay sida uu dhiigoodu ugu daatay, markii la sii raad-gurayna in laba nin uga dhimatay ayaa caddaatay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Cabdisamad Siraad Maxamed waa askari ka tirsan Guutada 10aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Asagoo da’yar ayuu ciidanka qortay, wuxuuna ka mid yahay askartii illaa 2011 difaaca uga jiray gobolka, degmooyin badana wax ka qabtay, waana nin si aad ah u tababaran oo koorsooyin badan qaatay.”

Cabdisamad Siraad oo xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaal ku yaala Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa la filayaa in dhaawaciisa loo qaado Magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa imaanaysa saacado ka dib, markii laba askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ay kooxo hubeysani ku dileen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Address

Kosti

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali News Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies