Ramad Tv

Ramad Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ramad Tv, TV Channel, .
(20)

KU SOO DHAWAADA RAMAD TV, WAA TV MADAX BANAAN OO SI GAAR AH LOO LEEYAHAY, WAXAAD NAGALA SOO XIRIIRI KARTAA EMAIL: [email protected] | WEBSITE | WWW.RAMADTV.COM | TWITTER | WWW.TWITTER.COM/RAMADTV | YOUTUBE | WWW.YOUTUBE.COM/RAMADTV

Learning Somali language Book One
16/04/2023

Learning Somali language Book One

Learning Somali language Book One

BreakingMinor Primary Schools Girls in Qorahay Kebridahar are jailed by special forces under the directions of Somali Re...
03/12/2022

Breaking

Minor Primary Schools Girls in Qorahay Kebridahar are jailed by special forces under the directions of Somali Regional Administration's. Girls were cought by the part of Public Protest in early morning in Kebridahar demanding the basic rights in schools and Health sectors. Reports said that heavy military are at the presence in the streets and contained by searching house to house and arresting as per street vehicles are visible. Fears are growing as some detainee will missed after arrest for collective punishment and tortures. Local Tradational leaders expressed concerns that oppressive policy will be installed and used as to terrorise locals

Somali Regional Administration's Mustafe Omer who was previously worked with UN projects for girls education in Somalia are now under his administration targeting minors in school just for demanding basic universal human rights! This is a shameful act and unprincipled! It is unclear what his answers will be about the move however the right groups are closely watching for his responses! Documentation of abuses and human right violations are under-way and will be later published

Locals are calling for Federal giverment and UN international rights for Minors and rights for Girls education are called to protect the minors! More than 67 girls between at the ages of 11- 16 are in Jails. Some parents are asking officials whereabouts their Daughters. Situations may worse if there is no immediate interventions. Gross psychological impacts about the scale of traumatic event will be responsible by the his administration. Experts in psychology and neuroscience indicates such ages are critical development and will impact their health in the future. Such complex socio- political move causes a gross human development. Accountability and justice should be implemented

We are demanding the immediate release and detainees to join with their parents and attend their school! Over 7000 Children didnt attend schools today. Ethiopian PM Abiye Ahmed promised reforms of Human Right ant Corruption and Basic Rights Access , , , ,

Writer Sadam Haji Adar

03/12/2022

DEG-DEG

Shacab gadoodsan oo xuquuqdooda in laga jawaabo la iska indho tiray ayaa xidhay jidka laamiga ah ee isku xidha magaalada Qabridahare & caasimada deegaanka ee Jigjiga

Kadib markii xadhig & cabudhin xukumadu u adeegsatay

Mudaharaadyo Xooggan oo ka socda Gobolka Qoraxay.Mudaharaad Abaabulan ayaa saaka ka billowday Magaalada Qabridahare ee X...
03/12/2022

Mudaharaadyo Xooggan oo ka socda Gobolka Qoraxay.

Mudaharaad Abaabulan ayaa saaka ka billowday Magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobalka Qoraxay iyo Magaalooyinka taxan jidka isku xidha Dhagaxbuur iyo Qabridahar.

Shacabka oo guud ahaan ba xidhay isu socodka gaadiidka ayaa ka cabanaya Xukuumadda Mustafe iyo Maamulka Gobolka Qorraxay.

Dhanka kale laamaha amaanka ayaa cadaadis badan saaray sida ay dareenka shacabka u xak**ayn lahaayeen waxaana la xidh xidhay dad gaadhaya boqolaal shacab ah.

Wixii kasoo kordha kala soco RAMADTV

Arin fool-xun oo shalay shaahid hotel ka dhacdayWaxaa shalay hotel shaahid ku balan sanaa mayor Abdinasir Shukri Jaaburi...
27/11/2022

Arin fool-xun oo shalay shaahid hotel ka dhacday

Waxaa shalay hotel shaahid ku balan sanaa mayor Abdinasir Shukri Jaaburi & labo guurti oo kala ah

Suldaan Siraaje & Ibraahim galadiid.. hasayeeshee waxaa arintii ogaaday oo jaaburi uga soo hormaray abdi-baahane

Isagoo labadii guurti aflagaado u miisay kuna yidhi maxaad mustafe-cagjar uga cabanaysaan cida kali ah ee qoraxey wax laga waydiin waa anigee

Midakale jaaburi wn ku hungownay mayorka abdi-cawil ahna wuu la shaqayn waayay..

Guurtidii ayaa jawaab usiiyay anagu jaaburi arintiisa & hawl kale toona inaanu kaala hadalno marabno ee wiil waalid loo yahay baad tahay ee cayda & handadaada jooji.!

Intaas kadib cabdi-baahane ayaa intuu jeebka gacanta galiyay yidhi hooya kun birr oo xaal marin ah..!

Suldaan siraaj & Ibraahim galadiid yaa ugu jawaabay wiil yar oo ixtiraam la,aan ah inaan la hadalno yaaba danbi ah.

Ee adigu kunka birr ee xaaraanta ah wax hakuu goyso

Halkaas markay marayso waxaa xanaaqay abdi-hure wuxuu wacay abdi-cawil

Kuna yidhi waa inaad xidhaa jaaburi haduu cagta soo galiyo magaalada qabridahar iyo haye mudane

Cabinetka qabridahar ayaa u xaqiijiyay mudane jaaburi in loo qoray warqad waaran maxk**ad ah oo sharci-ga baalmarsan lana rabo in la xidho 12 Dec 2022.!!!

Ma ogtahay in cabinet-kii maamulka qabridahar loo qabtay qiimayn aan sharciga waa faqsanaynQiimayn uusan war ka hayn xis...
26/11/2022

Ma ogtahay in cabinet-kii maamulka qabridahar loo qabtay qiimayn aan sharciga waa faqsanayn

Qiimayn uusan war ka hayn xisbiga talada haya sidoo kale

Madaxtooyada "Dds" & xafiiska hawlaha guud toona lama socdaan qiimayntan

Waxaa iska malmaluuqday..

Xuseen qaasin
Abdi baahane
Cabdi Cuqubo

Shalay ayeey bilaabatay waxaana lagu target saday xubnaha kala ah 👇

1-gurmad shaafici
2-suleekha xaashi yare
3-Ali baruud
4-abdirahman mahdi
5-ahmed xaashi

Iyagoo loogu hanjabay xilka qaadis & xadhig..!

arintan oo faah-faahfaahsan fisha insha allah

Mashaariicaha ay lunsadeen sanad miisaaniyeedkii 2014Khaalid abdirahman taamiraad Madax xafiiseedka maalida MMQ & Abdi C...
02/11/2022

Mashaariicaha ay lunsadeen sanad miisaaniyeedkii 2014

Khaalid abdirahman taamiraad Madax xafiiseedka maalida MMQ &

Abdi Cawil Moyarka MMQ 👇

1 -qalabaynta hoolka shirarka ugaas maxamuud

2,500,000 million birr

2-iib Force-yo

1,250,000 million birr

3-dhismo guri wadareed

7,000,000 million birr

Dhismaha Policeka qabalaha 4-aad

2,500,000 million birr

4-kifla doorka 36,000,000 birr

5- 40,000,000 oo toos qasnada loogala baxay

Xafiiiska hanti dhawrka guud

Xafiiska urban developmentga

Xafiiska madaxtooyada ee dabagalada mashaariicda

Xafiiska maaliyada inspectionka

Hawshaa meel ha saaran hadii inyar umada loo turayo

Guudomiyaha ONLF Abdirahman Mahdi ayaa Jawaab adag ka Bixiyay hadalki Mustafe Cagjar uu shalay ku Difaacay Xabashida ugu...
30/10/2022

Guudomiyaha ONLF Abdirahman Mahdi ayaa Jawaab adag ka Bixiyay hadalki Mustafe Cagjar uu shalay ku Difaacay Xabashida uguna Hanjabay Xisbiyada Mucaaradka ah ee ay ONLF ka midka tahay. Wuxuu yidhi:-👇

"Qof u nool khayrkaa iska gad uun waa ayaan daro. Federal waxa uu yahay haddii micnihiisa la garan la’yahay maxaa dad loo hor ordayaa oo beenta joogtada ah loogu sheegayaa. Meel aan la gaadhi jirin baan gaadhsiinay. Miis kii h**e ” ku qurux badan oo ka maqaan sarreyaan fadhinaa” iyo cantara baqash badan.

Federal micnihiisu waa, inna waan wada leenahay oo waan wada maamulayna, inna qolo walba iyadaa gooni u leh oo iskeed u maamulan. Lakiin lama sheegin adduunka meel ay ka jirto federal la leeyahay inta naga dhaxaysana adigu magac baad ku leedahay, intaadana waan kula maamuli.

Qofku haddii uu xaqii uu lahaa uu ku dhici waayay, wixii yaraa ee xataa loo ogolaana uu kari layahay siduu ku maamulan lahaa, muu iska aamusu haloo hadlee.

Waa gabdhii la kufsaday ee tidhii aabow ninka yuusan ruqaansiga igu sii kordhinee, ha la hadlin.

Shacabkan haddii uu isxorayn iyo haddii kale mid adiga kuu taala ma! iyagay u taalaa.

Talaabaan qaadayna;Talaaban qaadaynaa. Ninka ragga ah talaabo wuu qaadaa, laakiin meelaha k**a hadaaqo.

Haddii aad u haliilayso inaad dhiigooda daadiso soo dhowow, kuwii kaa horayay shabaq dabadii inay sida museumka laga dhaawado ayaa loogu abaalmariyay daadinta dhiigga dadkooda.

Welcome to the club of perfect suckers.

Ayaankeed! Jeclaan lahaynaa in talaabo la qaado, saa waxaad moodda inaan ba sixranahaye".

W/Q:Abdirahman Mahdi Guudomiyaha JWXO/ONLF.

30/10/2022

Qudbadii uu ka jeediyay .

Qudbadani ujeedadeedu ay aheyd weerar dhinacyo badan iyo eedeynta qaybo shacabka soomaalida kamida,sida ururo diimeed,ururo siyaasadeed in si toos ah uu u dhaleeceeyyey.

Waxaan fahmi waayey xidhiidhka ka dhexeeya foosha xumaa ee lagu diley xildhibaan , iyo eedeynta urarada/xisbiyada siyaasada, iyo kuwa diimaha ee uu ku tilmaamey xagjirnimada diimeed?

Dhowr su'aalood baan isweydiiyey

1. Dhacdadii Aragagixisnimada ahaa ee lagu diley xildhibaanada,ma waxay ahayd mid inaga la inagu waxyeeleeyey oo dadkeenii lagu dhex laayey dhulkoodii qaab kibir ah? mise waxay ahayd fal ay dadka soomaaliyeed iyagu dhibaatada sabab u ahaayeen dadna dhibaato ugu gaysteen?

2. Ma jiraa dad soomaaliyeed oo aargoosi sameeyey illaa hadda ama falal amni darro ku kacay? marka laga soo tago dadkii goobtii geerida qiirada iyo xamaasadu qaadey ee yidhi yaan nalaga aasin illaa oo dambilihii laga tallaabo qaado mooyee?

3. Ma waxaa jira ururo siyaasadeed oo ku baaqay in dadku dagaalamaan,gacanka hadal sameeyaan? waa kuma goormay dhacdey?

4. Xagey ka dhacdey in qof islaama oo aan soomaali ahayn oo loo diidey inuu misaajid ku tukado ama diintiisa ama lagu fogeeyo? culimada arintaas sheegtey ee deeganku waa kuwee?

5. Ma jiraan dad soomaaliyeed oo qalalaase sameeyey ama Heego iyo hadhaagii xukuumadii h**e ha noqdaan ama cid kale ba ha ahaatee?.

Ugu dambeyn qudbada ina cagjar oo runtii aheyd mid ay cadho badan iyo iyo eedeyn shacabkiisii la laayay uu hadana dambi Dushanbe uga saarayo,waxay iila muuqataa inay noqon doonto mid uu isagu cadaawad badan iyo fawldo aan jirin ku abuurayo.

Maanta inuu shacabkiisa u mahadceliyo u wada tacsiiyo ayay ahayd laakiin inuu qayb kastoo bulshadii kamida uu weerar cad iyo dhaleecayn aan jirin saaro oo dambiilayaal ka dhigo waxay keensan doontaa cawaaqib xumo,iyo naceyb hadii falal aargoosi ahi dhacaan isagaa masuulayadeeda la waydiin.

DHIBANAHA LAGU DHIBANYAHAY.Madaxwayne mustafe cagjar waxuu kujiraa xaalad culays dhinacyo badan ah, waxaa jirta in madax...
27/10/2022

DHIBANAHA LAGU DHIBANYAHAY.

Madaxwayne mustafe cagjar waxuu kujiraa xaalad culays dhinacyo badan ah, waxaa jirta in madaxwaynaha walaalkii maxamed cagjar xanuun degdeg ah kusoo booday hospital ladhagay Addis Ababa ah waxaa loo sheegay inaan waxba looga qaban karin meesha oogu sokaysa ee wax looga qaban karana ay tahay nayroobi ama boqortooyada sacuudiga magaalada riyaad,
Waxaa loojaray warqad rifeerto ah oo Amarjansi ah.
madaxwayne cagjar sikadis ah buu ooga soo duulay magalada garacad ujoogay xadhig kajarkii waxuu toos usoo duulay Adisababa isagoo soo raacay diyaaradii garawe kasoo kicitantay galabkii,

rakaabkii habeenkii waxay u hoydeen jigjiga maadama madaxdii iyo wafdigii lasocday ay ahaayeen,
Madaxwayne cagjar waxuu ku hadhay maxamed cagjar uuna rabay inuu usii qaado nayroobi, balse waxuu lakulmay culayskale oo ah inloodiiday inuu kabaxo wadanka ilaa fasax rasmiya ka helo xafiiska raysalwasaaraha,
Maadaama xaalada maxamed cagjar Amarjansi tahay waxaa sii qaaday uuna ku aaminay Dr xuseen qaasin iyo Dr khadar maadama dadkale aan lagu aamini karin,
Madaxwayne cagjar laba bari buu ujoogay Adhiisaba in fasax helo laakiin waa lawarwareejiyay sidaasi daraadeed buu daraad galabkii jigjiga isaga soo laabtay isagoo wali qaba rajo inuu fasax helo ah

Waxaa culays kale kunoqotay shaqaaqadii iyo ficilkii argagaxisada ahaa ee shalay garoonka jigjiga kadhacay laguna dilay marxuumad jaweeriya dadka badana lagu dhaawacay iyo waliba kacdoonka maanta kadhashay arinta ee shacabka gadoodeen
,
Culayska Wayne ee kale waa dhalinta iyo shacabka badane maanta uu xidhxidhay,
Waxaa dhicikaraysa inmaalmahan uu duulo hadduu helo fasax si ugaadho walaalkiis maxamed cagjar xanuunkiisa oo laga helay xanuunka maskaxgaraadka ladhaho xaaladiisuna darantahay,
ARIMAHA UDARAN EE CULAYSKA KU HAYA WAXAA KAMIDA.

1 waxuu aad ooga walaac sanyahay xanuunka walaalkii oo u ahaa walaal iyo garabkiisa gaarka ah

2 waxaa ah culays kale walaalkii waxkasta oo lacag hanti iyo maalba u hayay meelo isagu ogyahayna wax uyaaliin culayska kuhaysta inuu dardaaran laan dhinto yuu kabaqayaa sidaasna ku waayo hantidii badnayd ee uu hayay walaalkii

3 waxuu kabaqayaa in Dr xuseen qaasin iyo dadkale ogaadaan saraha lacagaha meela ukala yaaliin marka waxuu rabaa in isaga oo kali ah dardaaranka ka qoro walaalkii

Shacabka deegaanka waxay dhibane uyahiin ninkaas dhibanaha ah
Waxii dheeraada kasoo kordhaa waan idinla wadaagaynaa.

Xisbiyada mucaradka ee ONLF iyo FEB ayaa war-saxaafadeed soo saaray.Sida hoos idiinka muuqata 👇
26/10/2022

Xisbiyada mucaradka ee ONLF iyo FEB ayaa war-saxaafadeed soo saaray.

Sida hoos idiinka muuqata 👇

26/10/2022

Yaasiin subcis oo ah walaalka la dhashay marxuumad juweriya subcis

ayaa ka hadlay arrimo baddan oo muhiima.

26/10/2022

Falka ay Juweeriya ku nafweyday oo kale markuu dhaco, maskaxda fayoobi waxay ka shaqeysaa ‘sidee tanoo kale aysan dib ugu dhicin?’ Hadba cidda maamulka haysa ama sharci dejiyaasha ayaa markaba howshaas gala. Waa fal la rabo inuu horseedo policy change.

Halkee wax laga bilaaba?

Ma jirto sabab askar qoryo wadhfinaya ay u ilaaliyaan garoon rakaabi ama ka duulayo ama ka soo degayo. Hadii aysan meeshu aheyn furin dagaal, ilaalada waxaa ku filan booliis ul ama bakoorad wata.

Maamulka DDS waxaa la gudboon inay dhaqan geliyaan ‘Juweeriya Act (Xeer-hoosaadka Juweeriya’ oo hirgalinaya 3 arrimood mid uun.

1) Xeer ka mamnuucaya askar hubeysan inay ilaaliso eerboodyada DDS, federaal iyo Soomaali kay dooniba haa ahaadeene. Ilaalada waxaa haboon in lagu wareejiyo booliis ilaalada eerboodyada u gaara.

2) Hadaysan taasi suurogal aheyn, Juweeriya Act waa inuu ka mamnuucaa askarta isticmaalka ‘live bullets’ ama rasaas toosa. Isticmaalka rasaas toosa waxay lid ku tahay sharciyo caalamiya oo jira.

3) Hadeysan taasi suurogal aheyn ooysan talo faraha inoogu jirin, Juweeriya Act waa inuu ku khasbaa askarta federaalka in loo sameeyo xafiis u gooniya oo aysan soo dhafin hadii wax dhiba eraboodyada soo waajihin.

4)…

Hadaan waxba la isku dayin howshuna sideedii uun ahaato, wax isbadali ma jiro. Dhiiga xildhibaanadu sharciga wax haa ka badalo.

W-Q: AbdiRasak M.Warfaa

26/10/2022

Maanta & jijiga

Marxuumad juweria subcis oo shalay si arxandaro ah uu u dilay axmaar federal boolis ah

maanta shacab gadoodsan oo xaafada marxuumada iskugu soo baxay si,aan loo aasin iyadoon sharciga la horkeenin ninkii gaystay falkii foosha xumaa ee shalay airportga jijiga garaad wiilwaal ka dhacay

Lkn nasiib daro waxaa shacabkii rayidka ahaa lala dhacay xabad nool-nool

RW Xamse Cabdi Barre iyo RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo o...
28/06/2022

RW Xamse Cabdi Barre iyo RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

27/06/2022
25/06/2022

Ra'iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha shacabka codka kalsoonida ee ay siiyeen , isagoona u balan qaaday inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto.

Madaxwayne ku xigeenka koobaad Maxamuud Sayid iyo Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Max...
23/06/2022

Madaxwayne ku xigeenka koobaad Maxamuud Sayid iyo Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo gaaray deegaanka Dhooblay ee gobolka Jubbada hoose.

Wafuudan ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo deegaanka ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay, sidoo kale waxaa soo dhaweynta ka qayb qaatay maamulka degmada Dhoobleey iyo qaar kamid ah bulshada ku nool degmada Dhooblay.

Wafdigan ayaana deegaanka u yimaaday howla shaqo oo u muhiim ah.

Ogaysiis Muhiim ah.Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan dadka ku nool Edmonton in ay kasoo qayb galaan shir lagaga arinsanyo xa...
13/03/2022

Ogaysiis Muhiim ah.

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan dadka ku nool Edmonton in ay kasoo qayb galaan shir lagaga arinsanyo xaalada guud ee Deegaanka Soomaalida ku suganyahay, shirka waxaa soo qabanqaabiyay Dhalinyarada Aqoonyahanka Deegaanka.

Muuji Dareenkaga in aad Xasuuqii Awbarre Ka xun tahay .Guud ahaan Shacabka  DDS salaada jimcaha Kadib .
17/02/2022

Muuji Dareenkaga in aad Xasuuqii Awbarre Ka xun tahay .
Guud ahaan Shacabka DDS salaada jimcaha Kadib .

Magaalada Jigjiga Oo Ciidamadii Ugu Badnaa Lagusoo Daad-gureeyay, Si Shacabka Loo Cabsi-Galiyo.Guud-ahaan Deegaanka Gaar...
10/02/2022

Magaalada Jigjiga Oo Ciidamadii Ugu Badnaa Lagusoo Daad-gureeyay, Si Shacabka Loo Cabsi-Galiyo.

Guud-ahaan Deegaanka Gaar ahaan Caasimada Deegaanka Ee Jigjiga Waxaa Kajira Xaalad Daganaan la,aan Ah Waxaana Ku Hardamaya Dad Isbadal-Doon Ah Oo Ay Hor-Muud Uyihiin Garabka Sixitaanka Xisbiga Talada Haya Ee PP.

Xubana Kamid Ah Garabka Sixitaanka PP Ayaa Xalay Guryaha Loogu Daadatay Xabsigana Loo Taxaabay Halka kuwa Kalana Guryahoodii Ciidan Lagu Gadaamay.

RAMAD TV

22/09/2021

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa caawa ku qabsoomay qadka Zoomka, iyadoo shirkan looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka, sida dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo

qabashada doorashada Golaha Shacabka, waxaana warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federaal.
Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in isku soo hadal qaaday in shir isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle casho shara...
20/09/2021

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle casho sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyay Senatorada cusub ee Aqal Sare Baarlamaanka JFS.

Casho sharafta lagu soo dhoweynayay Qaar kamid ah Xildhinaanada cusub ee loo doortay Aqalka Sare waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yusuf Axmed Hagar Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed Gudoomiye Ku Xigeenada Baarlamaanka Wasiiro Xildhibaano Maamulka Gobolka iyo Marti sharaf kale.

Habraaca iyo shuruudaha doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi/Somaliland.Waxaa si wadajir ah u soo saaray kuna saxi...
19/09/2021

Habraaca iyo shuruudaha doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi/Somaliland.
Waxaa si wadajir ah u soo saaray kuna saxiixan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Dhacdo  xanuun badan oo kadhacay wardheer.Halkani waa hospitalka wardheer hortiisa, gaadhigan  ayaa gabdh 3 habayn foola...
19/09/2021

Dhacdo xanuun badan oo kadhacay wardheer.
Halkani waa hospitalka wardheer hortiisa, gaadhigan ayaa gabdh 3 habayn foolanaysey kasoo qaadey dhaqayaboor.
Dhagayaboor waxay magaalada wardheer ujirtaa qiyaastii 80 km dhanka bari waxayna katirsantahay degmada galaadi ee gobolka doollo.
80 km oo wado rafa ayaa lasoowadey waxaana saacado badan kadib iyadoo tacbaana lasoogaadhsiiyay hospitalka wardheer.

Sida idiin muuqata hospitalka hortiisa ayay gashey ciid darteed waxaana laga qaadey meeshii gaadhigii oo ciidii kujira.
Gabadhii way dhimatey AHU waxayna dhakhaatiirtu sheegeen in makaanku qarxay.
Waa dhacdooyinka maalinlaha ah eey wada xumada iyo hormar la aantu sababtey ee markastaba kadhaca wardheer iyo guud ahaanba gobolka doollo.

Alshabaab ayaa qaraxyo ku burburiyay garoonka diyaaradaha Buulobarde ee dhawaan la dhisayQaybta hubinta iyo sugida rakaa...
19/09/2021

Alshabaab ayaa qaraxyo ku burburiyay garoonka diyaaradaha
Buulobarde ee dhawaan la dhisay
Qaybta hubinta iyo sugida rakaabka diyaaradaha ayaa burbur xooggan soo gaaray kadib markii Alshabaab ay qaraxyo ku xireen

18/09/2021

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa goordhow la filayaa inuu jeediyo kalmad ku saabsan xaaladda uu dalka ku jiro iyo xaaladihii u dambeeyay ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee dhacay

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tiirka Dhaqaalaha, kaasoo Hanti dhowrka Guud ee Qaranka uu k...
18/09/2021

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tiirka Dhaqaalaha, kaasoo Hanti dhowrka Guud ee Qaranka uu ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka, halka Wasaaradda qorsheyntuna ay soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa sheegay in dhamaan dadkii la socday diyaarada Turkish Airline dib loogu cel...
17/09/2021

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa sheegay in dhamaan dadkii la socday diyaarada Turkish Airline dib loogu celinayo Stanbul, kadibna ay diyaarad kale oo Muqdisho ah ka raaci doonaan dalka Turkiga

16/09/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii baal marsanaa dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray;

A- Ku xadgudubka sharciga

1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.

2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada.

3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah.

4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan.

5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin.

B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda.

1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay.

2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu.

3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021.

4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya.

C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka.

1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka.

2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka.

3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka.

4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka.

5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta.

Baaq.

1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax

2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha.

3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho.

4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni.

Balanqaad.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ramad Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ramad Tv:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share