Run Media

Run Media "Runtu Waa Raaso Maal" warar hufan iyo Arimaha Bulshada RUN_MEDIA.
(2)

Ethiopia 🇪🇹 Waa lagu kala adkaaday, TPLF waxa la damcay in saxaafad ahaan Loogu hiiliyo, xukuumadda Ethiopia lagu dumiyo...
05/12/2021

Ethiopia 🇪🇹
Waa lagu kala adkaaday, TPLF waxa la damcay in saxaafad ahaan Loogu hiiliyo, xukuumadda Ethiopia lagu dumiyo, taas waxaa beeniyay Raisul-wasaare Abiy Ahmed.

Waxaa muuqda Ethiopia 🇪🇹 Cusub, oo rijinkeeda geeska Africa Nabad kula NooL.

03/12/2021

Dalalka dadka raidka ah ee ay geysanayaan ciidamada dawladdu ayaa soo badanaya oo in muddo ah Laga aan la arki. Hadaba waxaa isweydiin mudan maxay tahay sababta ay Ciidamadu u geysanayaan.

Doorashada sanadkaan ee soo xulista xildhibaanada iyo aqalka sare waxay abuurayaan Rajo xumo iyo daganaansho La'aan siya...
24/11/2021

Doorashada sanadkaan ee soo xulista xildhibaanada iyo aqalka sare waxay abuurayaan Rajo xumo iyo daganaansho La'aan siyaasadeed, marka intii Lafilayay laga filayay Madaxda dalka laga cabir qaato waa quus iyo qalbi jab.

Wuxuuna xaalku u egyahay Bal aanu wax dhawrno.

05/11/2021

enemy of the region (TPLF)

24/10/2021

Madaxweyne Mohamed siad Barre UN 1979.

Today marks the day when one of the greatest African leaders came to power. (You probably never heard of him.)On the 21s...
21/10/2021

Today marks the day when one of the greatest African leaders came to power. (You probably never heard of him.)

On the 21st of October 1969, Maj. Gen. Mohamed Siad Barre became the president of the Republic of Somalia. perhaps more than any other African president in living memory, Siad Barre, transformed Somalia from a poor, young nation to an economically independent and socially progressive nation.

On top of doing wonders for his country, he was also a pan African who loved helping other African nations, especially the ones that were still fighting imperialism.

Below are some of his achievements in his 2 decades in power:

| In 1974, He launched Africa's largest literature campaign helping Somalia win a UNESCO medal after the country's literacy rate jumped from 5% to 75%

| Wrote the Somali language.

| Achieved free education and healthcare for Somalia.

| Built one of the strongest militaries in Africa.

| Became AU chairman in 1974

| He built Burundi's airforce

| Protected the borders of Tanzania and Uganda

| Flew jets for Zambia

| Trained south Africans fighting apartheid

| Supplied Eritrea's war of Independence

| Sent troops to Angola

| Sent medics to Equatorial New Guinea

| Supported Egypt with Naval logistics

| supported Djibouti's Independence movement.

| supported Zimbabwe and Namibia's movement against the apartheid forces.

| Gave refuge to Kenya's Mau Mau freedom fighters.

Despite everything he has done for his country and Africa, he is criminally underrated and isn't talked about enough. But it's his people who carry the blame at the end of the day for not writing enough about him despite him teaching them how to write. If South Africans didn't talk enough about Nelson Mandela, if they didn't build statues for him, then the world would probably never know about him. Siad Barre deserves to be mentioned in the same breath as Nelson Mandela, Thomas Sankara etc.

Mohamed Siad Barre remains a hero for millions of Somalis and a Pan African who did a lot for this continent. He is one of the greatest men to ever walk on the African soil.

Siad Barre was overthrown in 1990 and Somalia went into a civil war. He died in 1995 in Nigeria. May he continue to rest in peace.
👇
Recouse

©️Hope For Africa

Reminder: This content is owned by Hope For Africa and credit must be given if the content is used.

20/10/2021

"KACAAN"
Jaalle Mohamed said Barre wuxuu ahaa hoggaamiye leh Qorshe dhamaystiran oo dad iyo dalba lagu hormarinayo Laguna badbaadinayo, laga badbaadinayo kuwo ka macaashi jiray Dawladnimada oo aan Lahayn hadaf siyaasadeed.

1969 21 October waxaa soomaalida u baryay waa cusub oo dal iyo dadba Lagu diirsaday.

Halkani waa Tuulada Hawaay ee Gobalka Shabeelada Hoose... Waa meesha ugu masaska badan Somalia waa guriga JIBISADA iyo Y...
14/10/2021

Halkani waa Tuulada Hawaay ee Gobalka Shabeelada Hoose... Waa meesha ugu masaska badan Somalia waa guriga JIBISADA iyo YAXAASKA, waana deegaanka ugu kaneecada badan Somaliya ama africa laakin qofkii ku dhashay ayaa ka badbaadi kara kaneecadaas Sababtoo ah dadka degaanka waxaay Cunaan Malaayga Madow ee Webiga oo la sheegay inuu Kaneecada ka hortag u yahay.

Qaar ka mid ah dadka Tuulada dagan Waxey Xanaaneystaan Yaxaaska waxeyna dadka uga digaan marka Yaxaan Dool ah uu biyahooda soo galo

Baxaarka ugu weyn Tuulada Haawaay magaciisu waxaa la yiraahdaa Sadex Mudule waxuu qabaa Afar Xaas oo la sheegay in Yaxaasyadiisu kasoo qabteen degaanada Wabi Shabeele Afgooye jowhar ilaa Baladweyne,

Hawaay dadku waxay u kala daganyihiin Jilac iyo Jareer, waxaa daga Dabarre Ciroole, Tuni iyo Jiido dhif ah, Waana meeshii aan ku bilaabay barashada dugsigaygii hoose

Tuulada hawaay waxa ku xernaan jiray maxabiisti Ethiopia mudo 12sano ah oo laga raray Sanadkii 1988

Saraakiisha asluubta ee Haawaay soomaray waxaa kamid ahaa 3 Xidigle Xasan Kaariye, Gashanle Cabeeye, Taliye Xasan Furuqle, 2 Xidigle Ganey, isbatoore Istanbul, Xarigle Qaamay, Corneyl Gacamay iyo Corneyl Shiikh Ibraahim

Hawaay waxa ku yaalay Garaash program iyo ADC ee fidinta beeraha waxaa madax ka ahaa Corneyl Gacamaay oo loo aqoon jiray (Ow-Walalow)

Tuulada hawaay waxa udhow Degmada Sablaale 10-km Baraawe 40-km Kuntuwaaray iyo Yaaqbaraawe Hawaay waxaa kaloo kuyaala biyaxireen iyo Buundo magalada lagasoo galo dhanka Sablaale

Hawaay waxay caan ku tahay Ugaarta Maroodiga Lo Ginsida Shabeelka Wiyisha Libaaxa Jeerta IWM, Waxeyna hoos tagtaa Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Webiga Shabeelle dherekiisu wuxuu gaarayaa ilaa 1500 oo KM.... wuxuuna ku dhamaadaa meel biyo dageen ah (Dhaytubaako) oo 60km qiyaas ujirta Webiga Jubba una dhaxeesa Xaramka iyo Jilib ugana beegan dhanka Waqooyi galbeed,

Haawaay kuma dhamaado wabigu xataa Kuma daro Webi Shabeele Wabi Jubba, balse hadii roobab waaweyn da"aan ayaa biyo fadhiisadkoodu faracyo ka baxo waxey ku shubaan Webiga Jubba ee dhanka magaalada Jilib,

Haawaay Waa dhul barwaaqo ah oo aan hadana dad u hadla lahayn wax soo sar wanagsan leh oo hadana Shabaab ay Go'doomiyeen
Xigasho
Abuukar Salaad Diiriye Fareey

Ku Soomaali Maxamed: Baddii la isku haystay iyo Continental Shelf kii iyo khayraadka ku jira (saliid, shidaal iwm) waxa ...
13/10/2021

Ku Soomaali Maxamed:

Baddii la isku haystay iyo Continental Shelf kii iyo khayraadka ku jira (saliid, shidaal iwm) waxa loo xukumay Soomaaliya. Doodii Kiiniya oo ah mid ujeedadeedu ahayd inay qaadato bad Soomaaliya leedahay waa la diiday. Waxa la qaatay doodii Soomaaliya balse wax baa laga bedelay (adjusted) si caddaalad loo helo. Yaa caddaalad diidi kara? Intaas la leexiyayna Kiiniya wax la sheego umay soo kordhin, Soomaaliya na waxba k**a goosan.

Matal: waxa ay la mid tahay 20 boloog oo qof aad dersi tihiin isku haysteen. Qofkaas oo dhulkaaga kugu haystay oo dabadeed laguu xukumo dhulkii uu kugu haystay. Inyar oo idiin dhaxaysa se (nus baloodh) wax laga siiyo si aan beertiisu marinku uga xidhmin. Tusaalaha dhulka Somalilanders ka ayaa aad u fahmaya (gaar ahaan inta Hargeysa joogta ee subax walba dhulka Ilaahay isku haysata).

Mid kale: Continental Shelf la isku haysto khayraadka ku jira lama wada oga waayo Soomaaliya intii ay burbursanayd may baadhin, mana baadhi kari doonto sanadaha soo socda oo dhan. Intii ay xooganayd na cilmiga Continental Shelf ku sidan uma qoto dheerayn.

Kiiniya dhib ayaa haysata: iyada iyo Tanzania xadka u dhexeeya ayaa laynku ku soo qalloocsamay. Soomaaliya laynkeeduna wuu ku qalloocaa sida juquraafi ahaan dhulku u samaysan yahay darteed. Sidaasdarteed, laynka in si dherer ah (parallel) loo calaamadiyo ayay doonaysay Kiiniya si ay u hesho bad. Taas weeye muranka wayn ee jiray ee hada la diiday. Waxa ay Maxk**addu go'aamisay inaan laynka si dherer ah loo dhigi karin. Sidaas ayay ku wayday Kiiniya waxa ay doonaysa. Intan dan k**a laha, wax wayna uma tarayso.

Continental Shelf ku waa arin cilmi ahaan kakan oo saynis iyo sharci iskugu jira. Dhawr sanadood ka hor ayaan ka qayb galay kooras lagu barayay qareenno Afrikaan ah (Afrikaanku ma bartaan waayo dhulkiiba k**a ay faa'iidaysan oo bad uma jeedaan). Dadka aannu isku kalaaska ahayn waxa ka mid ahaa qareen Kiiniya u soo dirsatay oo ka tirsanaa Wasaaradda Arimaha Debedda. Macallimiintu waxa ay ahaayeen ICJ iyo Gudida Qaybisa Continental Shelf ka. Waxa iska caddaa inaan Kiiniya sinaba ku helli karin layn dherer ah.

Hadaba, fahamka aynu ka haysanno Continental Shelf ku sax maaha. Waqti dheer ayay qaadan doontaa inaynu si fiican u fahamno oo dabadeed laga faa'iidaysto. Ma hubo in badda Soomaaliland leedahay Continental Shelf, hadii ay leedahay murankeedu wuu ka adkaanayaa ka Kiiniya sababta oo ah Yemen oo aynu iska soo horjeedno (opposite state) inta inoo dhaxaysa way yar tahay oo si cad looma qaybsan karo. Jibuuti oo aynu lafteeda isku dhegsanahay (adjacent State) damac ayaa ku jira. Iska jira heshiisyada aad la gashaan Jibuuti. Your friend could be your enemy. Who knows when.

Xukunka Maxk**addu soo saartay laftiisu fiqi cusub ayuu soo kordhiyay. Mudooyinka soo socda qoraallo cilmo (scholarly articles) ayaan hubaa inay khubaradu ka qori doonto - kuwo raaca, kuwo diida iyo kuwo si kale u dhiga.

Warkii badda oo kooban.

Waxaa qoray, Garyaqaan Guuleed Dafac.

05/10/2021

Sadness 😥
Dhagayso/ daawo oo ha ooyin.

04/10/2021

Xisbiga MIDEEYE ee ayaa Canbaareyn dusha uga tuuray Maamulka Puntland fariinna u diray.

Nacladi haku dhacdee Shaydhaankii waynaa ayaan Maanta Bakhtiyay.
04/10/2021

Nacladi haku dhacdee Shaydhaankii waynaa ayaan Maanta Bakhtiyay.

Mar haddaan kaa cootay adna kuu codeeyay Ciil miyaad qabtaa ?
30/09/2021

Mar haddaan kaa cootay adna kuu codeeyay Ciil miyaad qabtaa ?

"This is not fair"👇kenyan air strikes killing an innocent civilian in Gedo region west of Somalia 🇸🇴
30/09/2021

"This is not fair"
👇
kenyan air strikes killing an innocent civilian in Gedo region west of Somalia 🇸🇴

Marka shaydhaanku isu ekeysiiyo insaanka.أعود بالله من الشيطان الرجيم
30/09/2021

Marka shaydhaanku isu ekeysiiyo insaanka.
أعود بالله من الشيطان الرجيم

"Dumar iyo haween baanolol lagu haweystaa,kuwa lagu hammiyayeesida hawd caleen weynrag u wada hamuumeeishu halacsanaysaa...
29/09/2021

"Dumar iyo haween baa
nolol lagu haweystaa,
kuwa lagu hammiyayee
sida hawd caleen weyn
rag u wada hamuumee
ishu halacsanaysaa
hablahaaga weeyee;
marka guur la haybshee,
gabadh heego dheer oo
hoobaan la moodoo,
karti iyo hubqaadloo
quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xusuustaa.

Hooyoy la'aantaa
higgaad lama barteenoo,
Hooyoy la'aantaa
hadal lama kareenoo,
ruux aanad habinoo
kolba aanad hees iyo
hoobey ku sabinoo
hawshaada waayaa
hanaqaadi maayee,
hoygii kalgacalkee
naxariistu hadataay.

Hooyoy dushaadaa
nabad lagu hubaayoo
Hooyoy dhabtaadaa
hurdo lagu gam'aayoo
Hooyoy taftaadaa
dugsi laga helaayoo
waxa lagu halmaalaa
Hooyo ababintaadee,
hayin lagu badhaadhaay
hogol lagu qabooobaay
gogol lama huraaneey
dugsigii hufnaantaay
hidda lagu arooraay.

Intaad hooyo nooshahay,
hambalyiyo salaan baan
hanti kaaga dhigayaa,
hamrashiyo xaqdhawr baan
dusha kaa huwinayaa.

Hooyo dhimashadaaduna
hooggayga weeyoo,
hiyiga iyo laabtaan
kugu haynayaayoo,
weligay hoggaagaan
ka dul heesayaayoo,
hengel baan u xidhiyaa
inta haadka duushiyo
idil habardugaaggee,
Ifka hibo ku noolow
aakhiro halkii roon." - HOOYO | 1973.

30 sano ayaa laga joogaa markii ay soo bexeen caddeymihii muujinayay in December 1991 ay heshiis kala saxiixdeen shirkad...
22/09/2021

30 sano ayaa laga joogaa markii ay soo bexeen caddeymihii muujinayay in December 1991 ay heshiis kala saxiixdeen shirkadaha kala ah Achair Partners (Swiss) iyo Progresso (Italy) iyo dowladdii Cali Mahdi Maxamed, waxaana heshiiskaasi saxiixay Wasiirkii Caafimaadka dowladdii Cali Mahdi ee lagu magacaabo Nuur Cilmi Cismaan iyadoo heshiisku dhigayay in Soomaaliya muddo 20 sano ah oo xilligaa ka billaabanaysay lagu aaso qashinka halista ah ee haraadiga Warshadaha, taa beddelkeedana dowladdii Cali Mahdi ay ku qaadatay $80 Milyan oo dollar.

Qashinka halista ah ee lagu heshiiyay in Soomaaliya lagu aaso wuxuu gaarayay 10 Milyan oo Tan, taasoo ka dhignayd in sanadkiiba 500,000 (Nus Milyan Tan oo Sun ah) lagu shubo badda Soomaaliya.

[Illaa maantadan la joogo waxaa xeebaha Soomaaliya weli ku soocaarinaya haaman waaweyn oo ay ku jiraan haraadiga sunta ah ee warshadaha]

Warbixintan iyo caddeymaheeda ma ahan kuwo hadda soo baxay ee waa warbixinno keydsan muddo 30 sanadood ah iyaga iyo caddeymahoodana lagu daabacay wargeyska *Famiglia Cristiana*, isla markaana caddeymahan la hor geeyay Midowga Yurub, sidoo kale Documentary-na waa laga diyaariyay.
Xigasho
By Yahye yusuf

15/09/2021

Hargeysa
Dayaca uu qaadku baday dadka iyo deegeenka halkaanay ka muuqataa

"Motivater"TarsaN Waa Tiir Qaran.
15/09/2021

"Motivater"
TarsaN Waa Tiir Qaran.

11/09/2021

Rooble: 48saac iigu keen xogta Ikraan.

Fahad: haye mudane, waliba adiga kaligaa ma ahane, adinka oo badan ayaan idiin keenayaa.

Rooble: waan kaa qaaday xilka, waxba ha noo keenin.

Fahad: sabab mudane?!

Rooble: Waxaad ka soo horjeeddaa in ay Ikraan caddaalad hesho.

Farmaajo: Fahadow hawshaada wado, oo noo keen xogta ku saabsan gabadha.

Intaas marka lagu akhriyo indho caafimaad qaba, miyuusan Rooble ahayn ninka caqabadda ku ah baaritaanka kiiska Ikraan? miyuusan asaga ahayn ninka kiiskeeda siyaasadeynaya?

Xigasho: Mohamed H biikoole

Dhac iyo B**b mise Musuq-maasuq? Dhacii ugu xooganaa oo ka jira wasaaradda Caafimaadka Galmudug.Musuq-maasuq gaaray heer...
30/08/2021

Dhac iyo B**b mise Musuq-maasuq?
Dhacii ugu xooganaa oo ka jira wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Musuq-maasuq gaaray heer ay guriyo ka dhistaan isla markaana lagu galo Campaign doorasho lagacihii loogu talagay talalka covid19 ayaa ka dhax jiraa wasaarada cafimaadka Galmudug, iyadoo waliba lacagaha musuq ah laga qaado Hay’adaha caafimaad ee ka howl gala Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Abdiwali jama iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa ku hashiiyey in la musuq-maasuqu xaquuqda shaqaalaha Wasaaradda iyo in dhammaan mashaariicda Caafimaadka laga cuno lacago ay ugu talo galeeen in Adeeg caafimaad loogu fuliyo hooyada iyo dhalaanka Galmudug.

Arintaan waxaa Hay’adaha UN-ku kasoo saareen warbixin ku saabsan in wasaarada Caafimaadku tahay hay’adda ugu musuqa badan galmudug.

Waxaan idiin soo gudbinayaa dhawaan macluumaadka iyo xogaha 5 qof oo wasaaradda katirsan qaarna aysan ka tirsaneyn oo wasiirka wasaaradu uu ku kula heshiiyey qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka ka in ay lacago sharci daro iyo musuq ah siiyaan, iyadoo la isticmaalayo magaca Wasaaradda, halka shaqalaha rasmiga ah ee waaaradana uu ka dhigay saddex wiil oo ay isku beel yihiin wasiirka isagoo shaqadii ka ceeriyay shaqaalihii kale ee wasaaradda.

Xigasho
Shaqaalaha
Wasaaradda.

07/08/2021

Doorasho mise Kala Diirasho ?

SHAN SIFO RUUX LEH HA DOORAN.==============  Guddiga doorashada heer maamul goboleed/ Federal,Odayaasha dhaqanka , aqoon...
05/07/2021

SHAN SIFO RUUX LEH HA DOORAN.
==============

Guddiga doorashada heer maamul goboleed/ Federal,
Odayaasha dhaqanka , aqoonyahanada, ururada Bulshada dhamaantood Gaar ahaan xildhibaanada soo xulaya Senatorada iyo ergada soo xuli doonta xildhibaanada Golaha Baarlamaanka waxaan ka codsan Lahaa in aysan soo xulin ama aysan soo dooran, dadka astaamahaan hoos ku qoran Leh.

1>Danbiile Geystay Dil ama abaabulay falal sababi kara diL.

2>Qof kasoo mid Noqday ururadii dalka kusoo diriray ururkay doonaan ha ahaadaane.

3>qof lagu eedeynayo dhaca ama ku tagri falka hanti Qaran.

4>Qof Qabyaalad iyo Colaad qabiil hurinteeda kamid ahaa.

5>Qof lagu tuhunsanyahay in uu gacan saar la leeyahay Waddamo shisheeye.

Madaxweynaha   Mustafa Cumar👇Isbadalka kadib, Aqalka Federashinka ee JDFI waxa uu meel mariyay qawaaniin iyo nidaamyo ca...
08/06/2021

Madaxweynaha Mustafa Cumar
👇
Isbadalka kadib, Aqalka Federashinka ee JDFI waxa uu meel mariyay qawaaniin iyo nidaamyo cadcad oo qeexaya qaabka dawlada dhexe iyo deeggaanaddu u qaybsanayaan miisaaniyadda dalka (Fiscal Transfers) sida miisaaniyada kabidda (Grant — General Purpose + Specific Purpose), dakhliyadda la wadaago (Shared Revenue) oo uu ku jiro ka kasoo xareeda macdanta iyo shidaalka; iyo mashaariicda horumarineed ee ay fuliyaan hay’adaha Federalka sida Jidadka (Roads), Ayrboodhyada (Airports), Laydhka (Electricity), Waraabka (Irrigation), Isgaadhsiinta (Telecommunications), Jaamacadaha (Colleges & Universities), iyo sabooyinka warshadaha (Industrial Parks).

Dhankeena, faaiidooyinka laga helay isla xisaabtanka iyo cadcadaanta soo korodhay waxaa kamid ah jidad badan oo laami ah oo deegaanka ka bilaabmay, lacag dhan ilaa 2 bilyan oo dhakli la wadaago ah oo inoo soo noqotay sanadkan, triada magaalooyinka helay laydhka 24 saac ah oo batay, 1 sabo warshadeed (industrial park), adeega isgaadhsiinta oo la kordhiyay, mashaariic dhanka waraabka ah, iyo Jaamacad saddexaad oo la filayo in deegaanku dhawaan helo. Waxaa kale oo horay loo ansixiyay in deegaanka Soomaalidu yeelanayo 50% wixii ka soo baxa iibka shidaalka.

Waxaa hubaal ah in hadii baahida iyo dib-u-dhaca deegaanka si habboon oo xog la socoto loo soo bandhigo in wax badan oo xaq ah oo horay la inoo duudsiyay si aan baryo ahayn lagu helayo.

Shirkii aan ku jirnay labadii maalmood ee uu socday shirka Aqalka Federashinka waxa lagu ansixiyay bayaano kordhinaya awoodda Aqalku u leeyahay dabagalka iyo hubinta in si cadaalad ah deegaamada wax loogu qaybiyay.

Iyadoo wax walba aan lagu qanci karin waa horumar la sameeyay in sharci cad loo yeelo wax qaybsiga oo aasaas u noqda doodaha ay qabaan deegaanadu. 27 sano oo TPLF dalka ka ariminaysay ma jirin wax sharci ah oo dhamaan arimahaas maamulkooda lagu saleeyo.

Geeri Naxdin Badan, Allaah ha unaxariisto wuxuu dhintay isaga oo difaacaya diin, dal iyo dadkiisa.
03/06/2021

Geeri Naxdin Badan, Allaah ha unaxariisto wuxuu dhintay isaga oo difaacaya diin, dal iyo dadkiisa.

Caddaaladdii oo qof ah.
31/05/2021

Caddaaladdii oo qof ah.

Somaliland waxay mudantahay waxa ay shaqaysatay, umana afduub naan karto dad aan Nolol Rabin.
31/05/2021

Somaliland waxay mudantahay waxa ay shaqaysatay, umana afduub naan karto dad aan Nolol Rabin.

WiiLka Farmaajo neceb.Garoonkii aabihi fiiqday oo fiilooyinkii iyo birihii shubka ahaa uu kalabaxay, ninka dhisay inuu n...
21/05/2021

WiiLka Farmaajo neceb.
Garoonkii aabihi fiiqday oo fiilooyinkii iyo birihii shubka ahaa uu kalabaxay, ninka dhisay inuu necbanaado waa gar ama waa sax.
WiiL waa aabihi.

Idaacadda   waxaa iska leh siyaasiga   Cabdishakuur warsame, waxay olole ugu jirtaa dacaayaad kadhan ah Qarannimada dalk...
19/05/2021

Idaacadda waxaa iska leh siyaasiga Cabdishakuur warsame, waxay olole ugu jirtaa dacaayaad kadhan ah Qarannimada dalkeenna ee duleed, badeed iyo hantida Dalkeenna.

Wariyaha Kooxda MBB ee kawaanlayaasha Mugadisho farhan jimale, ayaa Madaxweyne farmaajo odhan kariwaayay inuu yidhaahdo ...
13/05/2021

Wariyaha Kooxda MBB ee kawaanlayaasha Mugadisho farhan jimale, ayaa Madaxweyne farmaajo odhan kariwaayay inuu yidhaahdo Madaxweyne Farmaajo.

Soomaaliya iyo warfaafinta.Wariye bilaa xirfad ah iyo warfaafin Ganacsi ah (Somalia)Waxaa hoogay oo ceel aad u dheer ku ...
03/05/2021

Soomaaliya iyo warfaafinta.
Wariye bilaa xirfad ah iyo warfaafin Ganacsi ah (Somalia)
Waxaa hoogay oo ceel aad u dheer ku dhacday warfaafinta iyo wariyeyaasha Soomaalida, intoo badan, gaar ahaan kuwa madaxa Bannaan, waxaa lawaayay warfaafin ama wariye xirfad iyo aqoon u saaxiib ah, soomaali ah oo warkiisa iyo warfaafintooda lagu kalsoonaado.

Waxay Noqotay warfaafintii Soomaalidu mid Lagu raadiyo Nolol maalmeedka Maalinlaha ah. waxaan jirin haba yaraatee xuduud iyo xaajo ka caagan fidinteeda, waxaan jirin hadaf iyo xuquuq daleed,dadeed iyo diin oo ay dhawraan, wuxuu mid walba oo awooda inuu helo agab Warqabad iyo faafineed, in uu wax walba duuban karo kadibna uu faafiyo, waxaana jira kuwo kubixiya xumahaas lafidinayo lacag ama maal galiyaba.

Hurinta Colaadaha, fidinta xumaanta inta badan kajirta Soomaaliya waxaa qaybta u badan leh, wariye iyo warfaafin cid laxisaabtanta aynan jirin.

•Dhinaca kale waxaa jira kuwa kale oo mudan ammaan iyo bogaadin kuna hawlan shaqooyin dhaxalgal ah iyo faafinta Barnaamijyo wanaagsan oo taariikh reeb noqon kara, iyo waliba habeynta iyo raadinta Taariikhda, sugaanta noocyadeeda kala duwan ee uu dalkeenu lahaa una baahnaa in lahayo ama la casriyeeyo, maadaama uu dalkeenu soomaray Burur xooggan, kuna shaqaynaya duruufo ad-adag iyaga oo aan heli karin cid kusiisa waxa ay mudanyihiin dhinac walba,
Waxaan Leeyahay kuwaas hambalyo, waadna MahadsantihiiN.

•Waxaa iyadana muhiim ah inaan xusno inay jiraan Falal kadhan ah saxaafadda iyo suxufiyiinta,wariyeyaasha iyo warfaafinta, waxay lakulmeen dil, xabsi iyo cago jugleyn ilaa in badan oo kamid ahi wadanka ay isaga cararaan, halka kuwa badanna loo dilay xirfaddooda shaqo War tabineed oo aysan koox ama ururo gaar ahi jeclaysan, ILaahay kuwaasna ha unaxariisto.
Dahir Hassan Musa

Khudbaddii Madaxweynaha DFS.Bismillaahi Raxmaani Raxiim •Waxaan doonayaa in aan caawa halkan kala hadlo shacabka Soomaal...
27/04/2021

Khudbaddii Madaxweynaha DFS.
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
•Waxaan doonayaa in aan caawa halkan kala hadlo shacabka Soomaaliyeed oo runtii walaac xooggan ka qaba xaaladaha taagan iyo mustaqbalka Dalka.

•Sida aan marar badan u caddaynay, waxaan diyaar u ahayn in dalkan doorasho ka dhacdo, wakhtigeedana ku dhacdo, si nabdoonna u dhacdo. Balse nasiib darro, waxaa caqabad ku ahaa dad gaar ah iyo dowlado shisheeye oo ujeedkoodu ahaa in dalkan fawdo la geliyo, burbur iyo kala qeybsanaan dib loogu celiyo si uu u dhaco firaaq dastuuri ah.

•Annagu ka dowlad ahaan, mar kasta waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruud ku xirnayn, oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii h**ey loo gaaray ee 17-ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo, 16-kii Febraayo 2021.

•Waxaan bogaadinayaa dadaalladii nabadda ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, anigoo soo dhoweynaya baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.
Haddaba, si loo suurtageliyo qabashada doorasho ku salaysan heshiisyadaas aan xusnay, waxaan ugu horreyn ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, oo ay ka mid tahay siyaasadaynta arrimaha ciidammada, kala-qaybinta bulshada iyo burburinta hantida dadweynaha.

•Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh,

Waxaa marag ma doonto ah inaad mar walba garab taagnaydeen, welina garab taagan tihiin dowladnimada Soomaaliya. Waxaad muujiseen dulqaad, bisayl iyo dal jacayl.

•Waxaa markii la i doortay aad ka soo baxdeen guryihiinna si aad guushaas taariikhiga ah u garab istaagtaan, waxaad mudan tihiin in dowladdiinnu ay sii xoojiso dareenkaas waddaninnimo ee aad muujiseen.

•Run ahaantii, marnaba dhici mayso in shacabka Soomaaliyeed loo horseedo burbur iyo qax hor leh. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada abaabulaya xasillooni darrada oo ay kamid yihiin siyaasiyiin shalay xilal u soo qabtay Qaranka, maantana doonaya in ay fowdo kursiga ku fuulaan inay ka waantoobaan falalkaas.

•Maalmihii la soo dhaafay waxay astaan cad u ahaayeen sharka iyo kheyrka. Waxa loo qeybsamay badbaadiye iyo barakiciye. Intii aannu noqon lahayn barakiciyeyaal waxaan doorannay in aannu noqonno badbaadiyeyaal.

•Danaha siyaasaddu waay dhammaanayaan, waxaase waaraya ciidda iyo calanka, ayagaana mudnaan ka leh waxyaabaha kale ee aan isku hayno. Waxaan garawsannay inaan ka hortagno hagardaamo kasta oo lagu beegsanayo xasilloonida iyo nabadda.

•Shisheeye badan ayaa maskax, maal iyo muruq ku bixinaya sidii ay u minjo-xaabin lahaayeen horumarka Soomaaliya si ay uga helaan dano u gaar ah oo aan gaashaanka ku dhufannay.

•Waxaannu diidnay in dhallinyaradeenna laga dhigto xaabo la sh*to, gacmahoodana lagu burburiyo nafta iyo hantida Soomaaliyeed.

•Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa inaysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

•Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh waxay caawa ka marag kici doonaan dadka xukunka ku raadinaya dhiigga dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa ku qanacsan in xukunka lagu la kala wareego sanaadiiqda codbixinta.

•Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay inaan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee h**e loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha Shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Khamiista ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

•Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aaminsanayd, welina ay xal u aragtaa in waddada keliya ee furan ay tahay midda wadahadalka, is-qancinta, isu-tanaasulka iyo in lagu soo laabto miiska wadahadalka, iyada oo la dhammaystirayo heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo tala-bixintii guddiga farsamada ee Baydhabo.

•Waxaan dhammaan saxiixayaasha heshiiskii 17-ka Sebteembar ugu baaqayaa in si degdeg ah la isugu yimaaddo si looga wadahadlo hirgelinta heshiiskaas iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirayn.

•Ugu dambeyntii, Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay ilaaliyaan xasilloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabka birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidammada Qalabka Sida.


Wabillaahi Towfiiq

27/04/2021

Inuu Farmaajo sii joogo waxaa ka khatar badan in uu Farmaajo tago.

"MUGADISHO"
27/04/2021

"MUGADISHO"

23/04/2021
19/04/2021

Farmaajo is only the soliton of Somalia 🇸🇴.

19/04/2021

General Mohamed Siyaad Barre
AUN.
Dardaaran iyo Tilmaan hadal soojeesin Dhaxalgal ah.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo.Congo 🇨🇩 President very worm welcome Mr Mohamed Abdullahi Farmaajo Somali 🇸🇴 Presi...
19/04/2021

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo.
Congo 🇨🇩
President
very worm welcome Mr Mohamed Abdullahi Farmaajo Somali 🇸🇴 President

QALBIGAAGA WAX DEEQA              AMA CALOOSHAADA WAX DEEQA.========================Haddaad Rabto INaad Ogaato inta ay d...
18/04/2021

QALBIGAAGA WAX DEEQA
AMA
CALOOSHAADA WAX DEEQA.
========================
Haddaad Rabto INaad Ogaato inta ay dawladnimada fahankeedu kaa joogto, Labo qof oo Kaliya ka cabir qaado, si aad midkood ugu dayatid.

1>Mid aan nacfisan Marka Laga reebo haybadda dawladnimo ee dalkiisu leeyahay, Marka ay har unoqoto haddii Lagu soo xadgudbo, middaas oo ah Miisaanka ugu weyn ee dawladi kuu ILaaliso, sharafkaaga shaqsi iyo midkaaga umaddeed, Dhuleed.

2> Mid dawaladnimada ula jooga inuu ku xaabaysto, xil kahaya kunooL hantida umadda oo dawladnimadii laga Celi la'yahay tiir walba oo dawladnimadu leedahay Naafeynaya, lana midka ah Ninkii saarnaa Geed webi kuyaaL, laan kabaxday oo wabiga dushiisa dul hoganaysa Misana jaraaya Laantii uu saarnaa!!!.
Xigasho
Dahir Hassan Musa

Address


Telephone

+447460500115

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Run Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share