Xushmo

Xushmo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xushmo, News & Media Website, London.

Sirdoonka Qaranka Ceelbuur Xitaa Waa Loo joogaa !!
18/02/2025

Sirdoonka Qaranka Ceelbuur Xitaa Waa Loo joogaa !!

18/02/2025

Somalia iyo Masar Hishiis Amni oo % ayaa ka dhaxeyo

FADEEXAD: IMAARAATKA CARABTA  ayaa ku bixisay lacag ololo islam naceyb ah!  Caajiib!Waa xaqiiq warkan. UAE Sidookale was...
17/02/2025

FADEEXAD: IMAARAATKA CARABTA ayaa ku bixisay lacag ololo islam naceyb ah! Caajiib!

Waa xaqiiq warkan. UAE

Sidookale wasiirka arimaha dibadda Imaaraatka ayaa ugu baaqay reer galbeedka inaysan aaminin muslimiinta

Mogadishu, Somalia 🇸🇴
17/02/2025

Mogadishu, Somalia 🇸🇴

Mahad Salaad is Back 🇸🇴
17/02/2025

Mahad Salaad is Back 🇸🇴

17/02/2025

Madaxweyne Donald Trump ayaa bilaabay wadahadallo toos ah oo lala yeesho Ruushka si loo soo afjaro dagaalka Ukraine.

Kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynayaasha Ruushka Vladimir Putin iyo Ukraine Volodymyr Zelenskyy, Trump ayaa sheegay in labada dhinac ay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xal nabadeed.

Madaxweyne Trump ayaa amray in la bilaabo wadahadallo dhexmara Ruushka iyo Ukraine si loo dhammeeyo dagaalka.

Si loo fududeeyo wadahadalladan, Trump ayaa u diray wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo ay ku jiraan Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth iyo Wakiilka Gaarka ah ee Arrimaha Ukraine Steve Witkoff.

Wafdigani ayaa la filayaa inay la kulmaan mas'uuliyiinta Ruushka, sida Wasiirka Arrimaha Dibadda Sergey Lavrov iyo la-taliyaha Yuri Ushakov, si ay u wada xaajoodaan shuruudaha heshiiska nabadeed.

Mareykanka ayaa muujiyay in ay muhiim tahay in la gaaro heshiis nabadeed oo wax ka qabta sababaha asaasiga ah ee colaadda. Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in soo celinta xuduudihii Ukraine ee ka hor 2014 aanay macquul ahayn, isla markaana isku dayga in la soo celiyo dhammaan dhulka "ay kaliya sii dheerayn doonto dagaalka oo keeni doonta dhibaatooyin dheeraad ah." Wuxuu ku baaqay in la helo dammaanadyo amni oo xooggan oo loogu talagalay Ukraine, laakiin wuxuu ka soo horjeestay xubinnimada NATO ee Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, aragtidan ayaa walaac ka muujisay hogaamiyeyaasha Yurub iyo mas'uuliyiinta Ukraine. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Ukraine aysan haysan fursad badan oo ay kaga badbaadi karto weerarka Ruushka iyadoo aan taageero ka helin Mareykanka.

Wuxuu sidoo kale muujiyay welwelka uu ka qabo suurtagalnimada in Ukraine ay militar ahaan u daciifto iyadoo aan taageero ka helin ciidamada Mareykanka, taasoo ka dhigaysa mid si sahlan loogu jebin karo weerarada Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu la yeesho wadahadallo Mareykanka si loo xaliyo colaadda Ukraine.

Afhayeenka Madaxtooyada Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu si joogto ah u muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu la xiriiro hogaamiyeyaasha caalamka, oo ay ku jiraan Madaxweyne Trump.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasadda cusub ee Mareykanka ayaa keentay walaac ka muujiyay Ukraine iyo Yurub, iyadoo ay jiraan cabsi ah in Ukraine lagu qasbo inay aqbasho heshiis nabadeed oo aan ku jirin dhammaan dhulkii ay Ruushku qabsaday, taasoo keeni karta in Ukraine ay lumiso dhul muhiim ah.

Sidaas awgeed, Ukraine waxay dareemeysaa inay ku qasban tahay inay aqbasho heshiis nabadeed oo ay ku jiraan tanaasulyo dhuleed, iyadoo aan taageero ka helin Mareykanka, taasoo ka dhigaysa inay sii wado dagaalka ay ku jirto.

Gen Aidid ma ahan nin fudud. Waxa uu dagaal kaga guuleystay Rangers iyo Delta mareykanka oo ah  kooxo tababaran ee khaas...
17/02/2025

Gen Aidid ma ahan nin fudud. Waxa uu dagaal kaga guuleystay Rangers iyo Delta mareykanka oo ah kooxo tababaran ee khaaska ah, oo loo diyaariyey inay fuliyaan hawlgallo gaar ah sida weerarada tooska ah iyo miishamada halista ah.

Sidoo kale Ciidanka Qaramada Midoobey waxa uu ka dilay 24 Pakistani.

Qasaaraaha uu geystay iyo inta ciidan uu haystay waxay muujinaysaa inuu ahaa nin Halis ah oo ay adagtahay in laga guuleysto.

Sidaas oo ay tahay waxaa dilay somali.

Sidee ku dhacday in uu xoog ku qabsan waayo Somalia ama uu ka adkaan waayay hogaamiye kooxeedyada?

Maxay kula tahay in dagaalka Somalida uu la galo uu ku guuldareystay?

Nala wadaag fikirkaaga.

F-22 Raptor – Diyaaradda Dagaalka ee Maraykanka oo Keliya Haysto ee mamnuuc ah in dal kale laga iibiyo.F-22 Raptor waa d...
16/02/2025

F-22 Raptor – Diyaaradda Dagaalka ee Maraykanka oo Keliya Haysto ee mamnuuc ah in dal kale laga iibiyo.

F-22 Raptor waa diyaaradda dagaalka ee ugu horumarsan Maraykanka, taasoo loo sameeyay si ay hawada u xukunto. Waa diyaaradda keliya ee adduunka leh isku-darka ugu fiican ee qarsoodiga (stealth), xawaaraha, dhaqdhaqaaqa sare, iyo tiknoolajiyada casriga ah.

Maxaa F-22 Ka Dhigay Mid Gaar Ah?
1. Qarsoodi Sare (Stealth) – Radarradu ma arki karaan si fudud.
2. Xawaaraha Sare– Waxay socon kartaa xawaare aad u sarreeya iyada oo aan adeegsan karin shidaal-dheeraad ah (Supercruise).
3. Dhaqdhaqaaqa Xad-dhaafka ah – Waxay leedahay Thrust Vectoring, taasoo u sahlaysa inay si fudud uga wareegto diyaaradaha kale.
4. Hub Casri ah– Waxay qaadi kartaa gantaallo hawada ka hortaga iyo kuwa dhulka lagu garaaco.
5. Soo Xoogganid Dagaalka Hawada – Waxaa loo dhisay inay cagta mariso diyaaradaha cadowga oo dhan.

Maxay Dalalka Kale u Haysan?
Maraykanku wuu Mamnuucay in la Iibiyo – Sharciga Maraykanka ayaa diiday in F-22 laga iibiyo dal kale, xitaa xulafada sida UK, Canada, iyo Japan.
- Tiknoolajiyadeedu Waa Mid Qarsoodi ah

B-2 Spirit waa diyaarad dagaal oo ay leeyihiin mareykanka oo usameysay sida shimbirta oo kale. Waa diyaaradaha kuwa ugu ...
16/02/2025

B-2 Spirit waa diyaarad dagaal oo ay leeyihiin mareykanka oo usameysay sida shimbirta oo kale. Waa diyaaradaha kuwa ugu casrisan adduunka. Waxaa loo isticmaalaa duqeymaha siiba kuwa sida qarsoodida ah, waxay burburisaa dhismayaasha adag ee dhulka hoostiisa sidoo kale waxay qaadaa nuclearka.

Diyaaradan waa mid qarsoodi ah oo ay adagtahay in radarka uusoo qabsado, sidoo kale matoorka waxa uu kujiraa gudaha mana la maqlayo dhawaq.

Markii ugu h**eysay waxaa loo isticmaalay dagaalkii Kosovo halkaas oo mareykanka duqeeyey Serbia. Sababtana waxay aheyd in laga hortago serbianka oo xiligaas xasuuqayay Muslimiintii Bosnia.

Hadaba duqeyntaas waxay badbaadisay dad badan oo awoodo Serbia wiiqday.

Markii ugu dambeysay ee la isticmaalo waxaa lagu duqeeyey xuutiyiinta 2024tii.

16/02/2025

Ma aragtay weligaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda NISA oo dhowaan uun tababar soo dhammeystay g...
16/02/2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda NISA oo dhowaan uun tababar soo dhammeystay gaysay furimaha h**e ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa iska xaadiriyay jiidda h**e ee dagaalka, waxayna soo qaateen tababar gaar ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyaga oo si rasmi ah ugu biiray howlgalada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

14/02/2025

In Goma, The Democratic Republic of Congo

Bilaal Bulshaawi ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac culus, kaddib markii uu wajahayo cadaadis xooggan iyo caro ka ...
14/02/2025

Bilaal Bulshaawi ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac culus, kaddib markii uu wajahayo cadaadis xooggan iyo caro ka dhalatay hadalladiisii la xiriiray kicinta qabiil iyo isku dirka dhalinyarada Muqdisho.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in falcelinta adag ee bulshada ay keentay in uu si weyn u dareemo culeys, taasoo sababtay in xaaladdiisu kasii darto.

Dadka qaarkood ayaa rumeysan in dhaawaciisu la xiriiro xiisadaha ka dhashay ficilladiisa, halka warar kale ay sheegayaan in uu la kulmay weerar ka dhashay caro shacab.

Xaaladdiisa rasmiga ah wali si dhab ah looma xaqiijin, balse waxaa la ogyahay in uu hadda wajahay waji-gabax weyn iyo go’doon bulsho.

Lama oga sida uu xaaladdan uga bixi doono, balse xaaladdiisu waxay noqotay mid aad looga hadal hayo

13/02/2025

Daawo documentary cusub.

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhaawacmatay weerar looga shakisan yahay inuu si kas ah u dhacay kadib markii gaari uu ku dhac...
13/02/2025

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhaawacmatay weerar looga shakisan yahay inuu si kas ah u dhacay kadib markii gaari uu ku dhacay dad ku sugnaa Munich, dalka Jarmalka.

Mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa sheegay in qofka looga shakisan yahay weerarka uu yahay nin 24 jir ah oo u dhashay Afgaanistaan.

Waxaa saaka saxmad iyo nidaam xumo ka taagan garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, taasoo ka dhalatay cilad farsamo oo dib u...
13/02/2025

Waxaa saaka saxmad iyo nidaam xumo ka taagan garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, taasoo ka dhalatay cilad farsamo oo dib u dhigtay hubinta amniga iyo bixitaanka rakaabka.

Dadka safarka ah ayaa cabasho ka muujinaya jahawareer iyo dib u dhac badan.

WAR DEGDEG AH: Dab xoogan ayaa ka kacay suuq  Degmada Huriwaa, iyadoo qiiq madow cirka isku shareeray. Dadka deegaanka a...
13/02/2025

WAR DEGDEG AH: Dab xoogan ayaa ka kacay suuq Degmada Huriwaa, iyadoo qiiq madow cirka isku shareeray.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay goobta ka cararaan, halka kuwa kale ay ishaarayaan dabka.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah, mana jiro wax gurmad ah oo ka yimid maamulka degmada.

Dadweynaha ayaa isku dayaya inay dabka damiyaan iyaga oo aan haysan qalab ku filan.

Wixii kusoo kordha, kala soco wararkeena dambe.

Qoys iska duubay muuqaalo anshax-xumo ah oo Muqdisho lagu maxkamadeeyey.Maxkamadda Degmada Waaberi ayaa maanta go’aan ka...
12/02/2025

Qoys iska duubay muuqaalo anshax-xumo ah oo Muqdisho lagu maxkamadeeyey.

Maxkamadda Degmada Waaberi ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska dacwad lagu soo oogay nin iyo Xaaskiisa, kuwaas oo lagu eedeeyay inay iska duubeen muuqaallo Anshax Xumo ah.

Labada eedeysane ayaa maxkamadda ka hor qirtay in muuqaaladaas oo gaaraya 124 Video ay si ku talagal ah isaga duubeen, iyadoo ujeedku ahaa in laga hanjabeeyo waalidka gabadha, kuwaas oo ku maqan dalka dibadiisa, si lacago ay uga qaataan.

Maxkamadda ayaa laga hor cadeeyey in ujeedada laga lahaa muuqaallada ay iska duubeen qoyskaan uu ahaa in lagu qiyaamo waalidkii dhalay gabadha oo la gaarsiiyey videoyada anshax-xumada ah.

Xarunta Maxkamada Degmada Waaberi oo kiiskaan maanta lagu qaaday waxaa Goobjoog ahaa ehellada eedeesanayaasha, Qareenadii u doodayey yo xeer ilaaliyaal ku soo oogay dacwadaan.

Guddoomiyaha maxkamadda Degmadda Waaberi ayaa sheegay in ficilkan uu ka hor imaanayo qiyamka bulshada, isla markaana tallaabo adag looga qaadi doono ciddii lagu helo inay ku kacdo falalka noocan oo kale ah.

Address

London

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xushmo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xushmo:

Videos

Share