NBN News

NBN News NBN News Kala Soco warar dag dag ah goor walba iyo xili walba https://www.NBN.News

20/12/2025

Reer Laascanood oo Faroole Qol ku Xidhaya, Kana Muujinaya Cadho iyo Diidmo Adag

20/12/2025

Trump oo sii wada hadalladii kululaa ee uu ka jeedinayay Ilhan Omar ayaa sheegay in “ay tahay waqtigii Ilhan Omar dib loogu celin lahaa dalka Soomaaliya.”

Sidoo kale, Trump ayaa ku eedeeyay Ilhan Omar inay guursatay walaalkeed si ay si sharci-darro ah ku hesho dhalashada Mareykanka, isla markaana ay been ka sheegtay dhacdo la xiriirtay booliis iyo wiilkeeda.

Intaa waxaa dheer, Trump ayaa ku andacooday in Soomaalida ku nool Mareykanka ay dalka ka xadeen lacag dhan $9 bilyan.

19/12/2025

DAAWO: Sida Soomaalida Minnesota loola dhaqmay

Ciidamada ICE ayaa loo diray xaafad ay Soomaalidu si weyn u degto oo ku taalla Minneapolis, halkaas oo ay iska hor yimaadeen dad careysan oo joojiyay gawaaridooda si ay uga horyimaadaan hawlgallada. Ciidamadu waxay galeen maqaayado ay leeyihiin dad Soomaali ah, iyaga oo halkaas ku waydiinayay dadka aqoonsigooda.

Xaafad kale oo ay Soomaalidu degto, ciidamada ICE ayaa si xoog ah u qabtay haweeney Soomaali ah oo uur leh, iyaga oo jilbaha ku hayay, arrintaas oo dhalisay carro, cambaareyn iyo falcelin ballaaran.

Madaxweyne Trump ayaa h**e Soomaalida ugu tilmaamay hadallo aflagaaddo ah, wuxuuna amray in laga tarxiilo Mareykanka, isaga oo ku andacoonaya in Minnesota ay ka jiraan musuqmaasuq iyo dembiyo kale.

19/12/2025

Aabe Soomaaliyeed ayaa gabadhiisa ka kaxeeyay hoolka xafladda arooskeeda, isagoo gacanta ka qabtay si uu guriga ugu geeyo, kadib markii uu diiday in muusig laga ciyaaro arooska.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in aabahani h**e uga digay gabadhiisa arrintan, balse digniintaas aanay tixgelin.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Eldoret ee galbeedka dalka Kenya, waxaana ay dhalisay hadal-hayn iyo dood ballaaran.

18/12/2025

Ugaas Cumar Xireey wuxuu tilmaamayaa in isaga iyo beel ahaan ama siyaasad ahaanba ay gacan ka geysteen ama ay awood u leeyihiin keenista iyo taageeridda Siciid Deni iyo Axmed Madoobe—kuwaas oo ah madax goboleedyo awood leh. Hadalkaan wuxuu muujinayaa saameyn siyaasadeed iyo kaalinta uu isagu isku arko.

Markuu leeyahay “yaa keenaya Xasan Sheekh?”
wuxuu su’aal gelinayaa cidda dhab ahaan ka dambeysa ama keentay Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo si dadban u sheegaya in:
• Xasan Sheekh uusan lahayn cid ama garab la mid ah kan Deni iyo Madoobe,

18/12/2025

Haddii la ismaqli waayo, h**e ayay u dhacday wixii ka dhashayna waynu garanaynaa; waa la kala irdhoobayaa.”
Madaxweynaha DPL, H.E. Siciid Cabdullaahi Deni

18/12/2025

Xasan Sheekh Maxamuud hadda waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna haystaa mandheytkiisa. Anigu shaqsi ahaan wax aan ka tabanayo ma jiro, mar walbana cafis ayuu iga yahay.”
— Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Islaam

18/12/2025

Muuqaalka ugu dambeeya ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda ugu sareysa dalka, kana lagu gorfeynayo arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga, doorashooyinka, iyo hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.”

18/12/2025

Reer Laascaanood waxay shacab ahaan si weyn u rumaysan yihiin in Deni yahay nin dantiisa ka hormariya tan dadka iyo deegaanka. Dad badan ayaa aaminsan in go’aannadiisu inta badan ku salaysan yihiin siyaasad u gaar ah, kursi-raadis, iyo danaha kooxo gaar ah, halkii uu mudnaan siin lahaa dhibaatada, amniga iyo xaqa ay leeyihiin shacabka Laascaanood. Aragtidan shacabka ka dhex baxday waxay ka dhalatay sida ay u arkaan jawaab la’aanta, dib-u-dhaca, ama mawqifka aan caddayn ee uu ka qaatay xaaladaha soo noqnoqday ee magaalada, taas oo keentay in kalsoonidii dadku ku qabeen hoggaankaasi hoos u dhacdo.”

18/12/2025

Madaxweyne h**e Shariif Sheekh Axmed oo ku biiray shirka Magaalada Kismaayo.

17/12/2025

Isbaaro La Shuushuuteeyey.

15/12/2025

Farriinta Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku saabsan doorashada golaha deegaanka, taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho 25-ka bishan.”

Address

London
SL38EZ

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NBN News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share