Hagoogane Media

Hagoogane Media kala xiriir Tell: +252634497925

04/01/2025
04/01/2025
04/01/2025

Sanaag: Sarkaal sare iyo Ciidamo uu wato ayaa ka soo goostay Somaliland kuwaas oo ku biiray SSC-Khaatumo

Wararka aynu ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka sarkaal sare iyo ciidamo uu wato oo kasoo goostay Somaliland lagu soo dhaweeyay Magaaladda Dib qarax Oo aan ka fogayn Magaaladda ceerigaabo,

Gaashaanle dhexe Cumar axmed Cabdulle Taliye ku xigeenkii ciidanka mariiniska Gobolka sanaag iyo ciidamo uu wato ayaa kasoo goostay somaliland masuuliyiin iyo saraalkiil ciidan oo ka Tirsan SSCkhaatumo ayaana soo dhaweeyay

03/01/2025

Taliyaha Ciidanka Booliska SSC-KHAATUMO S/Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa Wareegto Uu soo saaray Ku magacaabay Taliyaayasha Saldhigyadda Kala duwan ee Caasimadda Laascaanood iyo degmada Yagoori.

Taliska Ciidaanka Boolisku wuxuu Farayaa Dhammaan saraakiisha Iyo Saraakiil Xigeenadda booliska SSC -Khaatumo inay u hogaansamaan Sidoo kalena Saraakiisha iyo S/xigeenada magacaaban waxaa la farayaa in 03/01/2025 11:00 ugu danbayn ay la wareegaan Saldhigyadda loo magacaabay si loo derder geliyo Hawlaha amni iyo shaqo ee deegaanka loo hayo.

Taliyaha Booliska SSC-Khaatumo isagoo ka duulaya Derder gelinta shaqooyinka Amni ee loo hayo bulshadda SSC-Khaatumo isla mar ahaantaana ay sunaha dowladnimo tahay in masuul walba uu xilka uu hayo uu yahay meerto.

Ref: XTB/0137/31/12/24

Laascaanood, Date: 31 December 2024

Ku: Taliyaha Qaybta Gobolka Sool

=LAASCAANOOD=

Og: Tallye Xigeenka Ciidanka Booliska

=SSC KHAATUMO=

Og: Hogaanka Xafiiska Clidanka Booliska

=SSC KHAATUMO=

Og: Hogaanka Maaliyada lyo Saadka Booliska

=SSC KHAATUMO=

Og: Hoggaanka Hawlaha Booliska

=SSC KHAATUMO=

Og. Xoghaynta Taliyaha Ciidanka Booliska

=SSC KHAATUMO=

Ujeeddo: Magacaabis Saraakiil lyo Saraakiil Xigeen

Iyadoo la dar-dargelinaayo hawlaha hor tebinta uleh hormarinta Ciidanka Booliska Maamulka SSC-Khaatumo, sidoo kalena la eegayo danta shaqada qaranka awgeed, waxaan saraakiisha magcoodu hoos ku qoranyahay u magacaabay xilalka ku hor qoran.

Ka dib, markaan arkay aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin iyo baahida loo qabo shaqada loo igmaday iyo xilalka loo magacaabay waana sidatan.

1. Dhamme Cabdillahi Yuusuf Xirsi - Taliyaha Saldhiga Booliska Bari.

2. L/X/Le Cabdifataax Maxamuud Aadan - Taliyaha Saldhiga Booliska Wadajir.

3. L/X/Le Maxamuud Ismaaciil Cali - Taliyaha Saldhiga Booliska Farxaskule.

4. L/X/Le Xamse Axmed Maxamed Bulaale Taliyaha Saldhiga Yagoori.

5. L/X/Le Cabdillahi Xirsi Obsiye Taliska Qaybta G.Sool (Ka Tirsane).

6. K/S Cabdillahi Cabdi Bulaale - Taliye X.Saldhiga Wadajir.

7. K/S Xassan Maxamed Maxamuud - Taliye X.Saldhida Farxaskule.

Sidaa Darteed Waxaan Farayaa Dhamaan Cidii Ay Khuseeyso In Ay Qabsadaan Wixii Kaga Aadan Waajibaadkooda.

Shaqo

Taliyaha Ciidanka Booliiska SSC-Khaatumo

S/Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan.

Weriye abdikariin dabagaale

02/01/2025

DEG DEG AH: Saraal Katirsan Ciidanka somaliland oo Goor dhawayd isu soo dhiibay Ciidanka ssc Khaatumo ee Jiida h**e ee Maygaagle.

Wararka Hada Naga soo gaadhay taliska Guud ee Ciidanka ssc khaatumo ee Gobolka Cayn Waxaa goor dhawayd isagoo dhiibay saraal katirsan Ciidanka somaliland gaar ahaan aaga Qorulugud.

Sarkaalkan oo Lagu Magacaabo Liibaan Mustafe Huseen Khaalid kana soo jeeda Beesha Ciise Muuse ayaa isu soo dhiibay falaaga h**e ee Ciidanka Waxana loo soo Gudbiye taliska Ciidanka.

Buuhoodlenews oo talefoonka kula hadashay Qaarkamid ah saraakiisha Ciidanka ayaa ii sheegay in sarkaasi si wanaagsan loola dhaqmay Isla Markaana aan loo gaysan wax dhibaato ah loona soo gudbiye dhinaca Magaalada Buuhoodle.

Dhinaca Kale Buuhoodlenews ayaa talefoonka kula hadashay ilo Lagu kalsoon yahah oo ku sugan Qorulugud ayaa dhinacooda ii xaqiiye in sarkaasi uu Maanta dagaal dhexmaray Ciidanka Habajeclo ee ku sugan Qorulugud kadiba uu soo Fakaday.

Dhinaca Kale Ciidamada ssc khaatumo ee Jiida horyaal ayaa gacanta ku dhigay nin kale oo Maanta dilay nin kale oo ka soo jeeda beesha solomadow Kadib Markii uu jidgooyo dhigtay ninka dhintay.

Xigasho Ali dhagjar.

02/01/2025

Ganacsatada dowla deegaaanka ayaa soo dhawaysay Puntland oo qaadatay go'aan geesinimo leh.

Dowlada putland ayaa go-aan ku gaadhay in canshuurta laga dhaafo ganacsatada gaadiidkeeda ka iman haya Xagga deegaanka wax allaale wixii (Taarika Ethiopia wata) dhamaan Gaadiidka ka imaan haya ama.kasoo galaya gobolka Doollo ee deegaanka ee putland galaya ama kasoo qaadaya badeeco wax (Canshuur) ah lagama qaadayo.

Adresse

Paris

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Hagoogane Media publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à Hagoogane Media:

Vidéos

Partager