Kaad Somali Tv

Kaad Somali Tv Ku Xirnow - youtube.com/c/KAADTV

KAAD SOMALI TV, waa Wakaalad diirada saaraysa dhacdooyinka dunida gaar ahaan geyiga Soomaalida una qaybsan Muuqaalo, Qoraalo, Sheekooyin taxane ah iyo barnaamij socdaal ah oo aan ku dawaafayno daafaha dunida, oo soo gudbinaya xogo dhab iyo dhaxal-gal ah. Waxaan Diirada Saaraynaa Dhacdooyinka Caalamka,Muuqaal iyo Qoraal,Sheekooyin Taxane ah ,Iyo Barnaamij aan Safar ku tegayno Daafaha Dunida oo aan Xogo Kasoo Gudbin Doono.

28/01/2025

Eng, Maxamuud Yuusuf Muuse Xuuxuule oo ah taba bare Ciidanka Dabdamiska Garoowe aqoon kororsi muddo u wadey kana hadlay muhiimasiisa.

26/01/2025

Abwaan:Fiqi Maxamed Ciise oo ka mid ah Bahda Hal abuurka Puntland ayaa Gabay isugu jira Hambalyayn,Bogaadin iyo Talo Wada jira u Diray Safiirka Cusub ee DFS Amb Abdihakiin Dhoobo Daarood.

Gaalkacyo : 21 January 2025: Duqa Degmada Gaalkcyo Mudane Maxamed Dacad ayaa saaka daah-furay ololaha bilicsoocelinta su...
21/01/2025

Gaalkacyo : 21 January 2025: Duqa Degmada Gaalkcyo Mudane Maxamed Dacad ayaa saaka daah-furay ololaha bilicsoocelinta suuqa Magaaladda Gaalkacyo wajigiisa kowaad.

Olahaan ayaa qayb ka ah ololihii kale duwanaa ee laga fuliyey Degamda Gaalkacyo isagoona si garaa looga shaqayn doono gudaha suuqa sidoo kalena lagu baneynayo wadooyinka xiran iyo sidoo kale duyactirka goobaha danta guud ee ganacsiyada.

Hawl wadeenada ku hawlan shaqada ayaa saaka wacyigalin iyo dagniino u sameyey qaar kamida Bulsahda degan goobaha looga baahyahy wadooyinka iyo sidoo kale dadka ku ganacsada goobaha aan munasibka ahyn.

Sawiro’! Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee 5 Gobol ee Dowladda Puntland ayaa u Fariisatay Dhagaysi...
21/01/2025

Sawiro’! Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee 5 Gobol ee Dowladda Puntland ayaa u Fariisatay Dhagaysiga Eedeeyn loo soo Jeediyey Yacquub Maxamed Siyaad iyo Cali illeeye in ay taageeraan Argagixisada Daacish oo dowlada Puntland dagaal kula jirto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Davos ee dalka Sw...
21/01/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka.

Madaxweynaha ayaa Shirka ka jeedindoona khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya, kobaca dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan horumarka waara, iyada oo sare loo qaadayo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka muhiimka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Muddada Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku suganyahay magaalada Davos, waxa uu guddoomi doonaa abaalmarinta Hoggaaminta Madaxweynimo ee Afrika, (Africa Presidential Leadership Award) taasi oo ku mutay dadaalkiisa hoggaamineed ee u hiilinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirar doceedyo la yeelan doona hoggaamiyeyaasha caalamka iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee Shirka ka qayb galaya, si loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, loona dhiirrigeliyo maalgashiga Soomaaliya.

Dowlada hoose ee Degmada Garoowe ayaa maanta bilowdey hirgalinta boosteejooyinka loo asteeyay inay ka baxaan baaburta da...
21/01/2025

Dowlada hoose ee Degmada Garoowe ayaa maanta bilowdey hirgalinta boosteejooyinka loo asteeyay inay ka baxaan baaburta dadwaynaha ee Mooto bajaajta.

Xoghayaha Dowladda hoose Mudane Hon Abdale Mohamed Abdale ayaa maanta kormeeray goobaha boosteejooyinka oo laga sameeyay suuqa wayn ee inji Garoowe.

Sido kale dhaqan galinta isticmaalka goobahan loo asteeyay mooto bajaajta ayaa waxaa iska kashanaya dowladda hoose ee degmada Garoowe iyo Ciidamada nabadgalyada wadooyinka ee Taraafikada.

Dadwaynaha sida shacabka ku ganacsada suuqa iyo darawalada ayaa soodhaweeyay goobahaan loo asteeyay in ay ka baxaan baaburrta dadwaynaha ee Mooto bajaajta.

Shirkadaha Diyaaraha gudaha dalka ayaa sheegay inay joojiyeen isu socodkii duulimaadyada gudaha dalka , sabab la xariirt...
21/01/2025

Shirkadaha Diyaaraha gudaha dalka ayaa sheegay inay joojiyeen isu socodkii duulimaadyada gudaha dalka , sabab la xariirta cabasho ay sheegen inay ka yihiin DFS.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni, ayaa galabta ka ambabixiyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, Geesi ka mid a...
20/01/2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni, ayaa galabta ka ambabixiyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, Geesi ka mid ah Ciidanka Dowladda Puntland kaasi oo ku dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland isla markaana caafimaad loogu diray dalka dibediisa.

Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira difaaca iyo Hawlgalada Argagixisada looga sifeynayo Puntland, isaga oo ka tacsiyeeyay intii ku shahiiday hawlgalada socda, inta dhaawacantayna Allaah uga baryay in uu u boogga dhayo.

Dowladda Puntland ayaa sameysay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo Madaxwehnuhu dhowaan magacaabay si ay uga jawaabaan baahiyaha caafimaad iyo wixi kale ee taakulo ah ee ay u baahdaan Ciidankeenna geesiyaasha ah.

Garoowe: 20 January 2025: Xoghayaha Dowlada Hoose ee Dagmada Garoowe Mudane Abdalla Maxamed Abdalla ayaa Maanta Shir Gud...
20/01/2025

Garoowe: 20 January 2025: Xoghayaha Dowlada Hoose ee Dagmada Garoowe Mudane Abdalla Maxamed Abdalla ayaa Maanta Shir Guddoomiyey Shirkii Todobaadlaha ahaa Ee Amniga Caasimada Puntland ee Garoowe oo Asbuuciiba Mar la qabto .

Shirkan waxaa ka soo qayb Galay Guddoomiyayaasha Xaafadaha Garowe ,Taliyaasha kala duwan ee Saldhiyada Magaalada Garoowe,iyo Madaxa Amniga Dowlada Hoose ee Dagmada Garoowe Maxamed Cabdirisaaq Fidaar .

Shirkan ayaa Diirada lagu Saaray intii uu Socday Adkaynta iyo kawada shaqaynta Amniga Guud Caasimada Puntland ee Garoowe,Caqabaha jira iyo Sidii qorshe Guud oo wada jira looga yeelan lahaa Amniga Magaalada iyadoona laysku dhaafsaday Talooyin iyo Hiigsiyo Muhiim ah.

Akhriso:Siyaasi Dr Cali Xaaji Warsame ayaa Qormadan Muhimka ee kooban kaga hadlay Xiriirka Dowladaha Turkiga iyo Soomiya...
20/01/2025

Akhriso:Siyaasi Dr Cali Xaaji Warsame ayaa Qormadan Muhimka ee kooban kaga hadlay Xiriirka Dowladaha Turkiga iyo Soomiya.

Jaaliyada Puntland eee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dalka Maraykanka ayaa qabtay Xaflad lagu taageerayay h...
20/01/2025

Jaaliyada Puntland eee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dalka Maraykanka ayaa qabtay Xaflad lagu taageerayay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ee ka socda buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.

Culimada Puntland oo ka jawaabtay eedeynta Dowladda ee ah in ay ka gaabiyeen dagaalka IS: "Wasiirro tikniko isku waardiy...
19/01/2025

Culimada Puntland oo ka jawaabtay eedeynta Dowladda ee ah in ay ka gaabiyeen dagaalka IS: "Wasiirro tikniko isku waardiyeynaya nama eedayn karaan, dayaca siyaasiyiinta, daroogada iyo fisqiga niikis dhibkooda ayaa ka daran kan IS."

18/01/2025

Amsadaroos Sureer Abshir muuse ayaa Hambalyo iyo dhiiri galin u dirtay Ciidamada Puntland ,sidoo kale fariin gaarsiisay Madaxweynaha Soomaliya iyo bulshada Soomaaliyeed .

Kaad Somali Tv

WAR-SAXAAFADEED.Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta, Xil. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) oo uu w...
18/01/2025

WAR-SAXAAFADEED.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta, Xil. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Abdiweli Timacade , ayaa guddoomay kaarkiisa aqoonsiga ee lafta ah, isagoo si rasmi ah u daahfuray daabacaadda kaarka aqoonsiga, bogaadiyayna guushan muhiimka ah ee ay Hay’adda NIRA xaqiijisay.

18/01/2025

Shacabka Garowe ayaa Hambalyo u direy Ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Daacish

18/01/2025

Ibraahim Xasan Barre oo soo dhaweeyay Horumarka ka socda Caasimada Puntland ee Garowe .

Majallada 5 Magazine ayaa kuu soo bandhigaysa "Top 25 Somalis 2024 (25-ka Shaqsi ee Sanadka).Majallada 5 Magazine waxay ...
18/01/2025

Majallada 5 Magazine ayaa kuu soo bandhigaysa "Top 25 Somalis 2024 (25-ka Shaqsi ee Sanadka).

Majallada 5 Magazine waxay si joogto ah u daabacdaa warar, falanqeymo iyo faallooyin ku saabsan xaaladda dalka.

Nuqulka Bishan dhammaantii wuxuu ku saabsan yahay liiska 25-ka qof iyo faahfaahintooda oo dhammeystiran.

Sida aan usoo xulnay iyo faahfaahin dheeraad ah Fadlan booqo www.fivemagazine.so ama hel Nuqulka 5 Magazine bisha January 2025 isaga oo Daabacan si aad u hesho faahfaahinta.

18/01/2025

Dadweynaha ku nool Magaalada Garowe ayaa soo dhaweeyay Horumarka ka socda Caasimada ,isla markaasna Hambalyo iyo bogaadin u direy Duqa degmada Garowe Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Geedi .

Adresse

Caen

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Kaad Somali Tv publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à Kaad Somali Tv:

Vidéos

Partager