Huunno Magazine

Huunno Magazine Falanqaynta dhacdooyinka saamaynta leh iyo warar lagu kalsoonaan karo oo xaqiiqada ku salaysan.

Day 2 JIBF
30/06/2024

Day 2 JIBF

Maalinta labaad ee bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Jigjiga. Kulankan waxa lagu gorfeeyey "Maalgelinta Islaamiga ah c...
30/06/2024

Maalinta labaad ee bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Jigjiga. Kulankan waxa lagu gorfeeyey "Maalgelinta Islaamiga ah caqabadaha iyo fursadaha jira".



Waxa soo idlaaday kulankii lixaad oo lagu gorfeeyey labada buug ee ay kala qoreen Dr. Cabdirasaaq Warfaa iyo Cabdiqaadir...
30/06/2024

Waxa soo idlaaday kulankii lixaad oo lagu gorfeeyey labada buug ee ay kala qoreen Dr. Cabdirasaaq Warfaa iyo Cabdiqaadir Burayda; "Crisis in the hinterland" iyo "Convert Genocide".



Tababar barbar socda JIBF kaasi oo loo fidinayo qaar ka mid ahawl wadeenada Maktabadaha ku yaalla degaanka soomaalida iy...
30/06/2024

Tababar barbar socda JIBF kaasi oo loo fidinayo qaar ka mid ahawl wadeenada Maktabadaha ku yaalla degaanka soomaalida iyo qaar ka mida dhalinyarada.

Qaar ka mida dood-cilmiyeed yadii gelinka dambe.
29/06/2024

Qaar ka mida dood-cilmiyeed yadii gelinka dambe.

Waxa Jigjiga si toosa uga furmay bandhiga Caalamiga ah ee buugaagta Jigjiga.
29/06/2024

Waxa Jigjiga si toosa uga furmay bandhiga Caalamiga ah ee buugaagta Jigjiga.

7 Maalmood ayaa ka dhiman Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Jigjiga.
22/06/2024

7 Maalmood ayaa ka dhiman Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Jigjiga.

Sheekh Abdinasir Cismaan ayaa mar kale caawa ka bilaabi doono jigjiga Akhrinta Tafsiirka quraanka kariim ah markii 7aad....
22/06/2024

Sheekh Abdinasir Cismaan ayaa mar kale caawa ka bilaabi doono jigjiga Akhrinta Tafsiirka quraanka kariim ah markii 7aad.

ku dhawaad 40 sano ayuu magaalooyinka soomaalida Ka waday dacwada diinta.

Sidoo kale Sheekha ayaa 3 masjid ka bilaabi doono tafsiirka markii koowaad.

Fiidnimadda Axadda: Masjidka Bilaal
Subaxnimada Axadda: Masjidka Dalxa
Galabnimada Axadda: Masjidka Jaamaca

✍️Gamadiid media

Buugga “HORJOOGSI” ee ay qortay Khadra Maxammed, ayaa habeenka danbe, lagu soo bandhigi doonaa Jigjiga. Waa buug saacida...
20/06/2024

Buugga “HORJOOGSI” ee ay qortay Khadra Maxammed, ayaa habeenka danbe, lagu soo bandhigi doonaa Jigjiga. Waa buug saacidaya naf walba oo is dhiibta, waa tijaabooyin nololeed iyo tamarsiin ruuxeed oo ay ku lammaantahay Diinteennu.

Lotus Hotel
Bacdal makhrib

ITOOBIYA IYO WAR CUSUB Itoobiya waxaa Baarlamanka la horgeeyay sharci cusub, kaas oo jideynaya in hantidda qofku tabcado...
20/06/2024

ITOOBIYA IYO WAR CUSUB

Itoobiya waxaa Baarlamanka la horgeeyay sharci cusub, kaas oo jideynaya in hantidda qofku tabcado lagalla warreegi karo, waa haddii uusan caddeyn isha uu ka tabcadday hantidaas.Haddii dhaqaalle dibadda lagaagga soo diray aad hanti ku sameysay waa inaad keento warqado muujinaya in lacagahaas soo dhexmarreen Bangiyadda Itoobiya.

Haddii aysan lacagtaasi soo dhexmarin Bangiyadda oo aadan keenin caddeymaheedda waxaa lalla warreegayaa hantidii aad ka tabcatay.
Bayaanka ayaa dhigaya in xili kasta qofka yeedhis loo samayn karo ama la baadhi karo, waa haddii loo arko ama laga shakiyo in waxa soo galla iyo hantiduu tabcadday aysan is lahayn.

Tallaabadan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in lagu xakameeyo qul-qulka lacagaha dalka soo galla ee lagu abuuri karo amni daro ama qalalaaso.Hanti kasta oo aysan caddeyn halka ay kaasoo gashay ama u tabcatay ayaa lalla warreegayaa.

Arrinta cajiibka ayaa ah in bayaankan dhaqan galkiisu billaaban doono 10kii sannee ina soo dhaafay.Mid kamid ah sharci-yaqaanka Itoobiya oo ka hadlayay ayaa yidhi: "Waxaan naqaanay shuruuc marka la ansixiyo wixii ka dembeeya dhaqan gasha, balse waa iikow bayaan dib u noqonaya toban sanno kahor".

W-Q: Macalinka Soomaaliyed [Ms]
Voss Tv

10 maalmood oo kaliya ayaa ka dhiman bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Jigjiga.
19/06/2024

10 maalmood oo kaliya ayaa ka dhiman bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Jigjiga.

"Mudo 63 sano ah ayaan qaadanaynay mucaawinada Faransiiska, walina wadankeenu ma horumarin, sidaa darteed in aan hadda x...
18/06/2024

"Mudo 63 sano ah ayaan qaadanaynay mucaawinada Faransiiska, walina wadankeenu ma horumarin, sidaa darteed in aan hadda xiriirkiisa goyno, cidna dili mayso, balse waxay nagu dhiiri galinaysaa in aan shaqaysano, wax soo saarano, oo aan is badalo samayno, iyadoo isku tashanay”, ayuu yiri Ibrahim Traore (Madaxwaynaha Burkina Faso).

Qaar kale oo ka mid ah martida bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Jigjiga.
18/06/2024

Qaar kale oo ka mid ah martida bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Jigjiga.

Qaar ka mida martida Sannadka ee Bandhiga caalamiga ah ee Buugaagta Jijiga.
15/06/2024

Qaar ka mida martida Sannadka ee Bandhiga caalamiga ah ee Buugaagta Jijiga.

12/06/2024

Keydka Jigjiga International Book Fair iyo sannadkii 2022. Muuqaalkan waxa uu si guud u koobayaa bilow ilaa dhammaad geeddi socodkii bandhigga.

Masjid Cusmaan Bin Cafaan ee ku yaala Xafadda CMC-da oo gaba-gabo maraya.
12/06/2024

Masjid Cusmaan Bin Cafaan ee ku yaala Xafadda CMC-da oo gaba-gabo maraya.

10-ka Dal ee ugu Dadka badan qaaradda Africa.1. Nigeria 🇳🇬: 224 million2. Ethiopia 🇪🇹: 126 million3. Egypt 🇪🇬:113 millio...
10/06/2024

10-ka Dal ee ugu Dadka badan qaaradda Africa.
1. Nigeria 🇳🇬: 224 million
2. Ethiopia 🇪🇹: 126 million
3. Egypt 🇪🇬:113 million
4. DR of congo 🇨🇩: 103 million
5. Tanzania 🇹🇿: 67 million
6. South Africa 🇿🇦: 60 million
7. Kenya 🇰🇪: 55 million
8. Uganda 🇺🇬 49 million
9. Sudan 🇸🇩: 48 million
10. Algeria 🇩🇿:46 million

Ref: Www.worldBank.Org

Waxa aan hambalyo la wadaagaynaa Warbaahinta Yool oo xalay xadhiga laga jaray xafiiskooda cusub ee Magaalada Jigjiga.Dha...
09/06/2024

Waxa aan hambalyo la wadaagaynaa Warbaahinta Yool oo xalay xadhiga laga jaray xafiiskooda cusub ee Magaalada Jigjiga.

Dhalinyarta aas aastay warbaahinta Yool ayaa ah kuwa leh mihnadda saxaafadda, kana mid ah kuwa ugu Cadcad degaanka.

Jimce wanaagsan dhammaan asxaabta qiimaha badan.Saliga nabiga iyo suuratul kahf-na yaan la moogaanin.
07/06/2024

Jimce wanaagsan dhammaan asxaabta qiimaha badan.
Saliga nabiga iyo suuratul kahf-na yaan la moogaanin.

Waxa caawa Aar Cafe ka qabsoomi doona madal lagu soo bandhigi doono dhiganaha Raage.Madashu waa madal Furan.
06/06/2024

Waxa caawa Aar Cafe ka qabsoomi doona madal lagu soo bandhigi doono dhiganaha Raage.
Madashu waa madal Furan.


Ka Dib Tahriibayaashi Laga Soo Daayey magafaha Libiya waxaa Soo Baxay dad badan oo dadkooda waayey mudo dheer iyo Dad Xa...
04/06/2024

Ka Dib Tahriibayaashi Laga Soo Daayey magafaha Libiya waxaa Soo Baxay dad badan oo dadkooda waayey mudo dheer iyo Dad Xanuusan ama Xabsiyada ku Jira mudo dheer oo aan Qoyskoodu war kiisa hayn ama geeri ku Tiriyeen markii la waayey

Ninkan waa nin Yurub Tahriib ku galay oo Xanuusan ilaa 2015 wuxuu Magaciisa ku Sheegay abdi ibraahim madar wuxuu sheegay Sidoo kale inuu ka yimi diridhabe xaafada gandigaarada

Wuxuu Xasuusan Yahay Walaaladi magacyadooda sida maxamed ibraahim madar.
Fardowso ibraahim Madar, Farxiyo ibraahim madar iyo hooyadii sahro Macalim abdi

Hadaba Hadii Ay jirto Cid garanaysa Qoyskaas ha gaadh siiyaan in wiil koodi Nool Yahay kuna Sugan yahay wadanka Jarmalka isagoo maxkaxiyan u Xanuusan

Qabiilkiisa wuxuu ku Sheegaya jidwaaq Yarabe geele waraabe waxaase dhici karta in magacyada u Sheegayo Wax ka qaldan yihiin.

Aljazeera News Somali.

Gobalka Faafan iyo Gobolka Qoraxay8 Dhamaadka ciyaaraha Gobollada Degaanka Soomaalida.
03/06/2024

Gobalka Faafan iyo Gobolka Qoraxay
8 Dhamaadka ciyaaraha Gobollada Degaanka Soomaalida.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Jigjiga, ayaa kalkii labaad ka qabsoomi doona Jigjiga, maalmaha 22-24 June 2024.
01/06/2024

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Jigjiga, ayaa kalkii labaad ka qabsoomi doona Jigjiga, maalmaha 22-24 June 2024.

31/05/2024

In ka badan 40million oo qof ayaa sawirkaasi ku baahiyay baraha bulshada.

🎥Aljazeera

Hoggaamiyaha Ganacsiyada Guuleystay iyo Xiddigga Samafalka ee Dunida Soomaalida. Wakhti fog oo ku beegan 1988-kii, ayuu ...
30/05/2024

Hoggaamiyaha Ganacsiyada Guuleystay iyo Xiddigga Samafalka ee Dunida Soomaalida.

Wakhti fog oo ku beegan 1988-kii, ayuu halgan ganacsi oo guulaysan doona kasoo billaabay xawaalad yar oo uu ka furay dalka Sucuudiga oo la dhihi jiray (Xawaaladda Barakaat), taas oo qabanaysay adeegyo xawaaladeed hufan oo aad loogu baahi qabay kana casrisanaa kuwii waqtigaas ee Soomaalida u adeegi jiray.

Muddo yar kaddib aasaaskii xawaaladda (Barakaat ) waxaa dhacay burburki dowladdii Soomaaliya, duruufihii iyo kala haadkii dalka ka dhacayna adeegyadii xawaaladda ayay hakad galiyeen, hase ahaatee dadaal iyo dhabaradayg badan oo uu sameeyay kaddib xawaaladdii Barakaat horay ayey u dhaqaaqday iyada oo ku tallaabsatay kobac wayn, kaas oo ugu dambayn sababay in ay ka farcamaan shirkado badan oo ku kulmaayay magaca Kambaniyada Barakaat (Barakat Group Of Companies.)

Qofka aan kaaga sheekeynayo waa milkiilaha iyo aas-aasaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud Shiikh Axmad Nuur Cali Jimcaale oo silsillado caqabado ah oo uu u babacdhigay kaddib hadda ku suntan hugaamiye ganacsiyadiisii ay guuleysteen iyo samafalihii ugu weynaa ee soo mara taariikhda Soomaalida. (The biggest philanthropist in Somali history).

Ku dhowaad 40 sano kaddib, shirkaddi uu dhidibbada u aasay waxay ka mid noqotay taariikhda qurxan ee Soomaaliyada cusub. Dedaalkiisii iyo shaqadiisi amaanada laheydna waxa ay soo saartay shirkadda weyn ee Hormuud oo ka soo billaabatay Xaxawaalad yar oo xarunteedu Sucuudiga aheyd, ase ugu dambeyn uu halganki iyo kartidii asaasaheedu ka dhigeen shirkadda ugu wayn ee Soomaaliya ka hanaqaaday iyo meesha ugu badan ee dad Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 35k oo qof misana dhallinyaro u badan ay ka shaqeeyaan. Halka jihayntiisi iyo taladiisi maalgashi ay soo saartay shirkado badan oo ganacsiyada guuleystay iyo horumarka dalkaba tusaale u ah. Sidoo kale, Waxaa xusid mudan in Shiikh Axmad Nuur Cali Jimcaale uu yahay horseedka maalqabeennada ugu samafalka badan dunida Soomaalida, isaga oo unkay Hormuud-Salam foundation oo ku tilmaaman hooyada iyo guusha hay'adaha maxaliga ah ee kaalmo aan shisheeya ka imaan ku shaqeysa.

Tusaale: Xagga waxbarashada waxay Hormuud-Salaam foundation ay gacanta ku heysaa dugsiyo wax lagu baro caruurta danyarta iyo agoonta ah, kuwa aragga naafada ka ah, kuwo lagu barto farsamada gacanta , madaaris agoonta lagu xannaaneeyo iyo dugsiyo qur'aan oo danyarta ay diinta ka bartaan; Si lamida waxay sannad kasta bixisaa minxo waxbarasho oo ardaygii nasiib u hela uu xor u yahay inuu ku biiro jamaacaddii uu rabo. Waxa ay taageertaa 30 arday iyada oo qalabkii waxbarashada ,sida kombiyuutarrada iyo wixii la hal-maala ka caawisa. Dhanka kale, caafimaadka waa isha ugu wayn ee kaalmo caafimaad oo dibadda ah ugu deeqdaa dadka waaweyn iyo caruurta aan xaaladahooda dalka waxba looga qaban karin ee baaqooda uu gaaro, iyadoo si lamida ah garabka koowaad iyo gargaarka ugu wayn ee bulshada soomaaliyeed la jaalka ah, xili kasta oo ay dhacaan musiibooyin waawayn sida: Dabka, qaraxyada, fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqda ee dadkeenna iyo dalkeenna si gaar reer miyiga u nugleeyay.

Hormuud-Salaam Foundation marki laga yimaado, Shiikha waxaa u dheer intaas hawlaha samafalka ah ee uusan shaqsi ahaan ka daalin, sida: Dugsiyo dad badan oo macno leh soo saaray, madaariis caruurta agoonta ah lagu daryeelo, minxooyin waxbarasho oo gudaha iyo dibadda ah , kaalmeynta iyo dhismaha masaajiddo badan oo uu ugu waynyahay masaajidka Cali Jimcaale oo ah masjid loo naqshadeeyay sida masaajidda waa wayn ee caalamka islaamka kaas oo tiiriikhda cusub ee Soomaaliya iyo bilicda magaaladaba baal dahab ah kaga qormay.

Gunta iyo gunaanadka, shiikh Axmad Nuur Cali Jimcaale markii aynu ka nimaad ganacsiyadiisa iyo halgankiisii kaalingalay waxa aynu si muran la'aan ah u dhihi karnaa waxa uu ku suntan yahay kii ugu Samafalka badnaa ee soo mara taariikhda Soomaalida. Waxaana safarkiisa laga baran karaa in amaanada iyo tawaaduca (isdhul-dhigga) ay yihiin saldhigga guulaha ganacsiga innaga oo tusaale weyn usoo qaadan karna dib ucelinta hantidii Soomaaliyeed ee lagu xayiray shirkadihii (Barakaat Group of companies) waliba xili ay xaaladaha dalku ay aad u adkaayeen, taas oo manta in yar oo la la’yahay dadkeedii mooyee aanan wax kale looga laheyn. Sidoo kale waxa aynu nolosha shiikh Axmad nuur ka baran karnaa in furaha lagu gaaro guusha uu yahay in diiradda la saaro hal shay, misana la joogteeyo. (Focusing on one thing and consistency are the keys to achieving success).
Aan ku socdee waxa aynu sidoo kale nolosha Shiikh Axmad Nuur aynu ka baran karnaa faa'iidada samafalka iyo sabarka ay ganacsiga u leeyihiin ,iyo qiimaha ay xaqiijinta hadafyada ka gooyaan dhisidda xiriiro macno leh (Building a Meaningful Network) Taas oo ina xasuusinaysa oraahdii aheyd "Your Network Is Your Net Worth" oo macnaheedu yahay in xiriirrada tayada leh ee aad leedahay iyo soo xigtaysiga dadka qodan in ay saameyn toos ah oo togan ay ku yeelan karaan hormarkaaga dhaqaale iyo guud ahaan aayatiinkaaga. Waa tii mar kale Dan Pena uu lahaa" Show me your friends and I'll show you your future". I tus saaxiibadaada, anna waxaan ku tusi doonaa sida mustaqbalkaaga noqonayo".

Cimriga, caqliga, caafimaadka,caruurta iyo cuudkaba allaha u barakeeyo'e intaa yar ayaan kusoo gunaanadayaa sooyaalka dheer ee qaayaha leh ee xiddigga ganacsiyada guuleystay iyo samafalka dunida Soomaalida shiikh Axmad Nuur Cali Jimcaale.

Liibaan Ceynte

Address

Jigjiga

Telephone

+251915222333

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Huunno Magazine posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies


Other Media/News Companies in Jigjiga

Show All