Somali Press online

Somali Press online "Warar sugan, faallooyin & falanqayn ku saabsan guud ahaan dunida & Gayiga Somalida."

Maanta, Safiirka Mareykanka ee Itoobiya Ervin Massinga ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, ...
30/10/2023

Maanta, Safiirka Mareykanka ee Itoobiya Ervin Massinga ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula. Kulankan ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda joogtada ah iyo muhiimadda siyaasadeed, si wax looga qabto caqabadaha amniga gudaha ee Itoobiya.

Today, United States Ambassador to Ethiopia Ervin Massinga and Ethiopian National Defense Force Chief of Staff, Field Marshal Birhanu Jula discussed how to strengthen their continued partnership and the importance of political processes and dialogue to address Ethiopia’s internal security challenges.,

Somali Press online

30/10/2023

"Deni wuxuu rabaa in uu xukunka joogo 100 sano sida Xayle Salaasa." Sidaa waxa lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Dalada Mucaaradka Puntland ku qabteen Hotel Grand.

Somali Press online

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa waraaq yeedhitaan ah u qortay wasiirka gaashaan dhiga dawlada fadaraalka Somalida. Hadab...
29/10/2023

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa waraaq yeedhitaan ah u qortay wasiirka gaashaan dhiga dawlada fadaraalka Somalida. Hadaba akhriste sideed u aragtaa go'aanka maxkamada?

Somali Press online

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo ka hadlaya dabaaldegga qarniga ee Jamhuuriyadda Turkiga:📌Waxaan galnay qar...
29/10/2023

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo ka hadlaya dabaaldegga qarniga ee Jamhuuriyadda Turkiga:

📌Waxaan galnay qarnigii labaad ee Turkiga, waxaanan qoraynaa dastuur cusub.
📌Dimuqraadiyada Turkiga waxay h**e u dhibtay nidaamka xisbi kaliya iyo faragelin shisheeye.
📌Jamhuuriyadayadu waxay ku talaabsatay horumar balaadhan oo dhinacyo kala duwan leh sanadihii u danbeeyay.

📌 Jamhuuriyaddeennu waa hanti aad u weyn oo gacan ilaa gacan, qalbi ilaa qalbi, iyo jiilba jiil la isu gudbin jiray kumannaan sano.
📌Waaxda warshadaha Turkiga, gaar ahaan waaxda difaaca, waxaa laga gaarey horumar tayo leh.
📌Jamhuuriyadayadu waxay maanta u dhammaatay qarnigeedii ugu h**eeyay sanadguuradii 100aad ee Turkiga.
📌Ma jirto awood Imperial ah oo hor istaagi karta himilooyinka Jamhuuriyadda Turkiga.

📌Waxaan sii wadi doonnaa inaan ku dadaalno inaan u adeegno dadkeenna, anagoo xasuusannayna naf-hurnimadii awoowayaasheen.
📌Turkigu wuxuu u gurmanayaa dadka dulman iyo kuwa baahan meel kasta oo ay joogaan, min Caucasus ilaa Aasiya iyo Turkistaan ​​ilaa Falastiin.
📌Waxaan ku noolnahay waqtiyo sharaf iyo faan ku ah taariikhda jamhuuriyadayada, sidii aan waligeed sameyn jirnay.
📌Jamhuuriyadda Turkiga maanta waxay la mid tahay geed fidsan oo dhulka la xiran.

Somali Press online

Munaasibad lagu tageerayo Dawlad Deegaanka Dhexe ayaa ka qabsoontay magaalo madaxda Hossana. Hogaaminta sare ee Deegaana...
28/10/2023

Munaasibad lagu tageerayo Dawlad Deegaanka Dhexe ayaa ka qabsoontay magaalo madaxda Hossana. Hogaaminta sare ee Deegaanada iyo labada ismaamul magaalo ayaa ku yaboohay taageero dhaqaale.

1. Oromia 100 milyan Birr
2. Soomaalida 20 milyan Birr
3. Addis Ababa 60 milyan birr
4. Axmaarada 30 milyan Birr
5. Sidama 20 milyan Birr
6. Koonfur Galbeed 15 milyan Birr.
7. Koonfurta Itoobiya, 25 milyan Birr
8. Diredawa 10 Milyan Birr.
9. Gambella 5 milyan Birr
10. Benishangul Gumz 10 Milyan Birr.

Somali Press online

28/10/2023

Raysal wasaare Abiy Ahmed Ali ayaa soo dhawayn balaadhan loogu sameeyay gegidda doyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Samara ee deegaanka Canfarta.

Somali Press online

Sagaal dal oo carbeed oo ay kamid yihiin Jordan, UAE, Bahrain, Saudi Arabia, Oman, Qatar, Kuwait, Masar & Morocco ayaa s...
26/10/2023

Sagaal dal oo carbeed oo ay kamid yihiin Jordan, UAE, Bahrain, Saudi Arabia, Oman, Qatar, Kuwait, Masar & Morocco ayaa soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan ka gaabsiga wax ka qabashada xadgudubyada Israel ka wado Qasa. Iyagoo dhinaca kale golaha amaanka ugu baaqay in la sameeyo xabad joojin degdeg ah oo waarta.

Somali Press online

Finfinee: "Itoobiya waligeed dal kale kuma duulin. Mustaqbalkana ma samayn doonto." Sidaa waxa yidhiTaliyaha Guud ee Cii...
26/10/2023

Finfinee: "Itoobiya waligeed dal kale kuma duulin. Mustaqbalkana ma samayn doonto." Sidaa waxa yidhiTaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Ra'iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed.

Raysal wasaare Abiy Ahmed Ali ayaa hadalkan ka sheegay munaasibada xuska 116-aad ee ciidanka xoogga dalka oo saaka ka dhacay fagaaraha caasimada Finfinee.

Somali Press online

Hogaamiyaha dalka Burkina Faso mudane Ibrahim Traore ayaa dib u qaramayn ku sameeyay warshadihii faransiiska ee ku yaala...
26/10/2023

Hogaamiyaha dalka Burkina Faso mudane Ibrahim Traore ayaa dib u qaramayn ku sameeyay warshadihii faransiiska ee ku yaalay dalkaa, gaar ahaan warshadaha waxsoosaarka Sonkorta. Inta badan warshadaha waxaa lahaa shirkado Faransiis ah.

"Waxay qaateen sokorkii dalka, qaybna waxay u rareen Faransiiska, intii soo hadhayna waxaay dadka Burkina Faso kaga iibin jireen qiimo qaali ah." Sidaa waxa yidhi Ibrahim Traore hogaamiyaha ruuxiga ah ee kasoo baxay dalka Burkina Faso.

Somali Press online

Addis Ababa: Bandhiga ciidanka xuska maalinta difaaca qaranka.Somali Press online
26/10/2023

Addis Ababa: Bandhiga ciidanka xuska maalinta difaaca qaranka.

Somali Press online

25/10/2023
Maxaad ka taqaanaa Garyaqaankii ugu h**eeyay ee qaarada? Ducaale Cumar (1835).Somali Press online
24/10/2023

Maxaad ka taqaanaa Garyaqaankii ugu h**eeyay ee qaarada? Ducaale Cumar (1835).

Somali Press online

24/10/2023

Konton sano ka dib shucuubta luuqadaha kala duwan ku hadasha ee u badan caalam Muslimiinta ayaa garwaaqsaday murtidii uu inooga tahay abwaankii waynaa ee Somaliyeed, alle ha u naxariistee Abwaan Cali Diiriye (Cali Gaab).

AHN Abwaan Cali Gaab wuxuu heeskan inoogu sheegayaa dhagarta sahyuuniyada & reer galbeed u maleegayaan shacabka reer Falastiin. Isagoo gunaanadka heestana dardaaran waayeel u hibeeyay shucuubka ku nool qaarada madaw.

TikTok waa balaayo loo baahan yahay.. ma ila qabtaa fikirkaa?

Somali Press online

24/10/2023

"Deni wuxuu doonayaa inuu burburiyo Puntland."

"Dalada mucaaradka Puntland waxay u taagantahay ilaalinta, kudhaqanka Dastuurka, dhowrida midnimada, wadajirka & nabadgalyada dadka Puntland."

Sidaa waxa lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Isbahaysiga mucaaradka Puntland

Somali Press online

Wafti sare oo uu hogaaminayo Afhayeenka ONLF Cadaani Hiirmooge ayaa kulan la qaatay golaha wakiilada Maraykanka.Somali P...
24/10/2023

Wafti sare oo uu hogaaminayo Afhayeenka ONLF Cadaani Hiirmooge ayaa kulan la qaatay golaha wakiilada Maraykanka.

Somali Press online

21/10/2023

"Tirada Bom ee Israa'iil ku duqaysay Qasa tobankii maalmood ee u danbeeyay waxay ka badan tahay tiradii Bom ee Afgaanistan duqeeyay muddo sanad ah." Sidaa waxa tiri xildhibaan Ilhan Omar oo si adag uga hadashay duqaynaha Israa'iil ka wado Qasa.

Somali Press online

"Marin badeedka Itoobiya doonayso waa mid raacaya Shuruucda Caalamiga ah, isla markaana ku dhisan faa’iido wadaag labada...
20/10/2023

"Marin badeedka Itoobiya doonayso waa mid raacaya Shuruucda Caalamiga ah, isla markaana ku dhisan faa’iido wadaag labada dhinac ah."

"Sidoo kale waxa la abuuri karaa xiriir goboleed iyadoo la raacayo hab diblumaasiyadeed oo ku dhisan iskaashi & kala faa'iidaysi." Sidaa waxa yidhi Gede Atanafu, oo ah falanqeeye ku xeel dheer cilmiga siyaasadda iyo arrimaha caalamiga ah.

Somali Press online

20/10/2023

Ardayda jaamacada Harvard ayaa sameeyay banaanbax ay kaga soo horjeedaan xasuuqa Israa'iil ka wado Qasa.

Students at Harvard University protested against Israel’s continuous bombardment of Palestine’s Gaza since October 7.

Somali Press online

20/10/2023

Shirarkii ururka jaamacada Carabta & midkii ka danbeeyay ururka iskaashiga dalalka Muslimiinta ee sadex maalmood ka hor ka furmay magaalada Riyaad maxaa kasoo baxay?

Somali Press online

Wasiirka arimaha dibada dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa reer galbeedka ku dhaleeceeyay taageerada shuruud la'aanta ah ee ...
20/10/2023

Wasiirka arimaha dibada dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa reer galbeedka ku dhaleeceeyay taageerada shuruud la'aanta ah ee ay siinayaan Israa'iil, isagoo dhinaca kalana carabka ku adkeeyay in booqashada madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ku tagay Israa'iil ay tahay taageero buuxda oo ka dhan ah burburinta Qasa (Gaza).

Somali Press online

20/10/2023

"Fankii waan joojiyay, ha la isoo duceeyo." Sidaa waxa tidhi fanaanad Maryan Mursal Ciise Bootaan oo kamid ahayd hormuudka fanka & faanaaniinta Somaliyeed, ee aadka loo jeclaa.
Alle ha caafiyo maamo Maryan.

Somali Press online

"Israa'iil waa inay duqayso Cisbitaalka Shifa ee magaalada Gaza, sidoo kalana waa inaysan dhagaysan codadka tirada badan...
20/10/2023

"Israa'iil waa inay duqayso Cisbitaalka Shifa ee magaalada Gaza, sidoo kalana waa inaysan dhagaysan codadka tirada badan ee ku baaqaya xabad joojinta." Sidaa saxa yidhi Raysal wasaare h**e Ehud Barak. Hadalkan ayaa yimid maalmo ka dib markii Israa'iil fulisay duqayntii cisbitaalka Al-ahli Arab, taasoo sabab u noqotay dhimashada 500 oo qof oo shacabka ah.

Somali Press online

Madaxa shirkadda "X" (Twitter), Elon Musk ayaa warbaahinta New York Times kala laabatay caalamadii aqoonsiga (Blue Verif...
20/10/2023

Madaxa shirkadda "X" (Twitter), Elon Musk ayaa warbaahinta New York Times kala laabatay caalamadii aqoonsiga (Blue Verification Bange). Ka dib markii ay faafiyeen warar been abuur ah oo lagaga been sheegayo xaquuqa dawladaa Israa’iil ka wada marinka Qasa (Gaza).

Somali Press online

Xaflad lagu soo bandhigayay buug loogu magacdaray Magafe ayaa caawa ka dhacday hoolka xafiiska dakhliga Dds.Buugan  loo ...
20/10/2023

Xaflad lagu soo bandhigayay buug loogu magacdaray Magafe ayaa caawa ka dhacday hoolka xafiiska dakhliga Dds.

Buugan loo magac bixiyay Magafe oo uu qoray Cabdulaahi Axmed ayaa waxa Kulanka lagusoo bandhigayay buuga Magafe ka soo qeybgalay masuuliyiin isugu jira wasiiro, maareeyaal, aqoonyahan, dhalinyaro iyo marti sharaf kale

Buugan oo xambaarsan isla markaana uu Qoraagu kusoo bandhigay qisooyin dhab ah oo ku saabsan tahriibka dhibaatooyinka uu u leeyahay dhalinyarada ayaa masuuliyiinta kasoo qeybgashay madashan waxay dhalinyarada ku booriyeen inay akhriyaan buugan Magafe si ay u fahmaan dhibaatooyinka uu leeyahay tahriibku.

Somali Press online

21,787−74=21,713.... Hadana ma Xafiiska Waxbarashada DDS ayaa imtixaanka ku dhacay mise 21,713 oo arday ayaa dhacay? Mas...
20/10/2023

21,787−74=21,713.... Hadana ma Xafiiska Waxbarashada DDS ayaa imtixaanka ku dhacay mise 21,713 oo arday ayaa dhacay?

Masuuliyada fashilka imtaxaanka fasalka 12-aad ee deegaanka Soomalida waa inuu dusha saartaa, madaxa xafiiska Waxbarashada Dds.

Xukuumada Madaxweyne Mustafa Omer waxaan ugu baaqaynaa inay arinkaa u saarto guddi madax banaan u saarto.

Somali Press online

Ururka Hamaas ayaa sii daayay hooyo & gabadh ay dhashay oo haysta dhalashada Maraykanka, kuwaa oo kamid ahaa maxaabiisti...
20/10/2023

Ururka Hamaas ayaa sii daayay hooyo & gabadh ay dhashay oo haysta dhalashada Maraykanka, kuwaa oo kamid ahaa maxaabiistii tirada badnayd ee ay qabteen 7dii bisha. Arinkaa waxa fududeeyay dawlada Qatar 🇶🇦.

Somali Press online

20/10/2023

Raysal wasaare Abiy Ahmed Ali oo maalmihii u danbeeyay safar marayay magaalooyinka waawayn ee dalka shiinaha (China) ayaa gaadhay magaalada Chengdu, China.

Somali Press online

Dabley hubaysan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin ciidanka xoreynta Jabhada Oromada ee loo yaqaan OLA ayaa wee...
20/10/2023

Dabley hubaysan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin ciidanka xoreynta Jabhada Oromada ee loo yaqaan OLA ayaa weerar ku qaaday warshada Sibidhka (East Cement Factory) ee ku taala duleedka magalada Fiche oo dhaca woqooyiga Gobolka Shawa Oromiya.

Kooxdan weerarka gaysatay ayaa gudaha u gashay dhismaha warshada, waxaanay halkaa ka afduubeen tiro shaqaale ah oo u dhashay dalka Shiinaha (China).

Ma ahan markii ugu h**eysay ee sidan oo kale weerar hubaysan lagu qaaday warshadan.

Somali Press online

Isku soo bax balaadhan oo lagu taageerayo shacabka dalka Falastiin ayaa ka dhacay magaalooyinka waa wayn ee dalka Yeman....
20/10/2023

Isku soo bax balaadhan oo lagu taageerayo shacabka dalka Falastiin ayaa ka dhacay magaalooyinka waa wayn ee dalka Yeman.

Somali Press online

21,787 arday oo Deegaanka Somalida uga qaybgalay imtixaanka fasalka 12-aad, waxa baasay (gudbay) 74 arday oo kaliya. Som...
20/10/2023

21,787 arday oo Deegaanka Somalida uga qaybgalay imtixaanka fasalka 12-aad, waxa baasay (gudbay) 74 arday oo kaliya.

Somali Press online

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Press online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Press online:

Videos

Share

Nearby media companies



You may also like