14/08/2023
JACAYLKII MULIYO IYO XUSEEN MEECAAD
[ QEYBTII 1 AAD .... ]
Saylac waxay kamid tahay magaalooyinka qadiimiga ah ee
geeska afrika. Waxay soo martay marxalado kala duwan,
sidoo kale waxaa ku noolaa qoomiyado kala duwan, waxay
caan ku ahayd saylac ganacsiga .
Reer saylac waxay samaysteen xeer ay ku dhaqmaan oo
iyaga u gaar ah, way is guursan jireen. Muliyo wiil ay
ilmaabti yihiin, isu da‟na yihiin ayay soo wada barbaareen,
waa xuseen meecaade, ciyaarta loo yaqaan „Saylici‟ ciyaar
aad loo xiiseeyo ayay ahayd, oo wakhtiyada dugsiyada la
dhiganayo inta aan fasalada lagalin ayaa la ciyaari jiray,
Muliyo iyo Xuseena ciyaartii ayay ku soo wada barbaareen,
labadooduba ciyaartii si fiican ayay u barteen.
Wakhtigii ay baaluqeen waxaa ku habsaday jacayl, ma xumo
oo ha is jeclaadaane, su‟aasha ayaa ah sidee la isku guursan
doonaa?, sababtoo ah reer saylac waxa ay dhigteen xeer ku
saabsan guurka.
Haddii wiilku gabadha masaafo ku soo mehersado lacala,
wakhtiga uu ku soo noqdo gurigooda waa la qawrici jirey!!,
ceeb maahayne waxay ahayd xeer ay wada dhigteen
bulshada reer saylac. Wiilku marka uu gabadh guursanayo
waxaa laga rabaa lacag gaadhaysa 50 rubood inanta
aabbeheed ayaa la siinayaa, sidaa ayuu ku dhismayaa reerku.
Jacaylkooduu wuu hanaqaaday, wuxuu noqday mid ay ku
dheehantahay kalsooni dhab ah, jacaylkoodii ayaa la
fogaaday, waxay isla marayaan meel daran.
Wuxuu Xuseen ogaaday inay kala maarmi Karin, Muliyo
waxuu u sheegay inuu u shaqo tagayo meel fog. Jacaylkana
midkeenba dhankiisa ha ka ilaaliyo, axdi ayay wada galeen,
dardaarrana way isku dhammeeyeen, wuxuu ku safrayaa
doomaha shiraaca ah Lix bilood way fadhiyaan, lix
biloodna way socdaan. Wiil kaari ka ahaa doon u kala
gooshta Mumbay iyo Saylac ayuu u keenay, wuxuuna u
sheegay Warqadaha uu u soo dhiibo inuu muliyo u keeno,
kuwa muliyo soo dhiibtana isaga u keeno.
Wakhti yar kadib, wuxuu shaqo ka helay Mumbaay, dhanka
xuseen inay warqad uga timaado waxa ay sugtaa Lix bilood,
Xuseen meecaadna sidoo kale wuxuu sugaa lix bilood.
Wiilkii kaariga ka ahaa doonta ayaa u keenay goor barqo ah
warqad lix bilood kadib. Intaas oo dhan cadceedii soo
baxdaba waxay ka fikiraysaa Jacaylkeedii Xuseen Meecaad,
warqaddii oo bushqad ku jirta ayuu u dhiibay.
Way la soo carartaa, iyadoo aad ugu hanwayn iyadoo
qalbigeedu seenyaale bixinayo, dabadeena qol ay gaar u
leedahay ayay hoosta ka soo xidhataa, halkaasay ku
akhridaa fariintii jacaylkeedii Xuseen Meecaad, markay
akhrinayso way ku raaxaysanaysaa warqadda fariinta ugu
qoran.
Lixdaa bilood waxay isku sii maaweeliyaan warqadaha ay
isku diraan, midkastaaba dhankiisa ayuu la muusoodaa,
araggii xuseen ayay tabtay doonkasta oo soo shiraacata
waxay ka filaysaa inuu la socdo xuseen.
Goor galab ah ayay tagtay dakada saylac, waxay ku
hadaaqaysay “ Way reer saaxiliyo reer suurba yimiyee,
doonyahay mumbaay ma birbaa ka jabayee.?
Nin ayaa u yimid Muliyo aabbeheed una sheegay inuu siiyo
gabadhiisa, 50 rubood oo lacaga bixinayo. Muliyo ayuu u
yeedhay aabbeheed una sheegay inuu siiyay ninkan, waxay
u sheegtay inay wiil jeceshay nin kalan uu xaaraan kayahay,
wuxuu waydiiyay waa kuma?, waxay u sheegtay inuu yahay
inaabtigeed xuseen meecaad. Wuu yaabay !! oo abti run ah
ayuu u yahay xuseen meecaad.
Muliyo aabbaheed wuxuu way diiyay aabbo sidee uga war
heshaa waaka dal kaa fog joogee ? Run u sheeg jacaylkaagu
habadbaado ninkana yaan lagu siin awgeed ayay tustay
fariintii ugu danbaysay ee uu u soo diro jacaylkeedii xuseen
wiil kaari ka ah doonta ayay u sheegtay inuu u soo dhiibo
fariimaha iyaduna u dhiibto.
Wuu u fikiray si uu u kala fogeeyo Muliyo iyo Xuseen
meecaad, warqad been abuur ah ayuu qoray isagoo leh;
warqadni waxay ka socotaa xuseen meecaad saaxiibkii
mumbayna isku guri degan yihiin ka war yahay sirta iyo
jacaylka muliyo iyo xuseen meecaad.
LASOCO QEYBTA XIGTA GOOR DHOW I.A.....
Luqmaan Sheikh Mukhtarr