Danta umada

Danta umada Danta umada

25/02/2022

Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy
Oo goor dhoweyd Aalada Zoomka Kala Hadlay Saaxiibadiisii Reer Yurub wuxuu yiri sidan .

'Waa Muuqaalkii ugu Dambeeyey ee aad Ku Arkeysaan Wajigeyga, Maanta Kadib ima Sii Arki Doontaan oo Waan Dhimanayaa, Waxaad Badbaadin Weyseen Yukreyn,Aniguna Badbaado idink**a Filayo ee Markaan Dhinto Kaliya isoo Duceeya Waan idin Salaamayaa Allaha Amaansado Dadka Reer Yukreyn “

Hadalkaas Ayaa Gilgilay Quluubta Bulshada Reer Yurub .

Markaad isku Halayso Awood kale oo aan taada ahayn dhibtan oo kale ayaa ka dhalata .

Bye Ashkir

10/02/2022
10/02/2022

"Maxaa xukuumadda xaaladda abaarta kala gudboonaa? Aniga aragtidayda saddex arrimood: Abaarta inaan la qarsan oo dalka iyo caalamka lala wadaago; Dhaqaale uruurin la sameeyo; Si hagar la’aan ah looga jawaabo.
Intuba way hirgaleen!";wasiirka Maaliyada DDS,Abdirahman Ahmed.

VOSS TV

06/02/2022

Wiilkan yar ee ceelka ku dhacay cashiro aad uwaawayn baa laga qaadan karaa

Wuxuu mideeyay ducadii muslimiinta.

Sidoo kale nafta banii aadamku inay qaali tahay ama ha yaraado ama ha waynaadee yay muujiyeen ree maroco dadkay la fududahay tusaale yay unoqon

Sidoo kale hadaad isu wada timaadaan oo inaad naf badbaadisaan doontaan ma badbaadin kartaan in ilaahay ogolaado mooyee

Sidoo kale hadaad doontaan inaad naf dishaan ma dili kartaan in ilaahay doono mooyee

Ilmahaa yar hadii in uun nafta lagu celin karo waalagu celin lahaa lkn

Ilaahag swt wuxuu yidhi nafi markay ajasheedu timaado saacadna ma hormarayso saacadna ma dib dhacayso

Siqiirbuu ahaa oo ehlu janno weeye lkn ilaahay waalidkiisii samir iyo iimaan haka siiyo aamiin

Waxaa qoray : Bishaar Maqadin
Voss Tv

03/02/2022

DEG DEG: Waa kuma shaqsiga gabi ahaanba hawada ka saaray oo xanibay Tiktok gii Mss World iyo Hadu Amun, muxuusa ka rabay Shaqsigaasi.

Magaciisa oo dhameystiran waa Eng Ahmed Yusuf Farah waa Engineer xaga software ka iyo Social media ha ah, waxa uu ku suganyahay gudaha Somali, waa Social Activist weyn oo siyaabo kala duwan lacago uga sameeyo Aaladaha Bulshado ku kulanto.

Waxaa u gadan oo uu leeyahay malaayiin Heesaha Soomaaligaa iyo Qaar ajaanib ah waana tan u saamaxday in uu Copyright Infringement kaga saaro Muuqaalo badan oo ey Hablahaani Tiktok gooda soo dhigeen ayagoo ku ciyaaraayo ama ku jaasaayo.

Dhamaan Aaladaha Social Media ha waxaa u yaalo Shuruuc iyo Policies gaar ah, aalada Tiktok guna waa tan ugu ad-adag dhanka Community standard ka iyo ilaalinta xuquuda Heesaha iyo Muuqalada islaameed waa hadii ey diiwaan gashanyihiine.

Engineer kaan da,da yar ayaa sheegay in uu in mudaa sugaayey labadaan Gabdhood iyo kuwa kale oo soosocdo in ey soo gaaraan malaayiin Followers ah waxa eyna sabab sadeen sida uu sheegay Qaab darada ey ku joogeen aaladaan iyo sumcadii Hablaha Soomaaliyeed oo ey Hoos u dhigeen.

Ma jiri doonto gabar Tiktok ku joogto is ruxid iyo in ey jirkeeda baneyso, waxaan hawada ka saaray Gabdho badan oo Live anshax xumaa soo gali jiray, hadana waxaan ku daba joogaa oo dacwadahoodii gudbiyey kuwa badan oo ey kamid yihiin labadaan hablood ee hadda baxay waa Huda iyo Mss World le ayuu yiri " Ahmed.

Maxuu mudanyahay Engineer kaan Faraha fudud ?.

W/Q: BASHIIR Baarbe

29/01/2022
27/01/2022

Dhamaan gobolada abaaruhu aadka u saameeyeen
Ee aan wax warbaahin Ah tagin Ayaan Al-Jazeera kula heshiinay in gobolada abaartu saamayssy dhex tagaan Waliba wariyayaal ku qoraan miyiga taga oo dhibaatada shacabka haysata toos Usoo gudbiya ,
Xoolaha dhamaaday toos Usoo gudbiya si ay caalamku u arkaan baaxda dhibaatada inagu habsatay Hadii aysan maamulku Caqabad ku noqon .

Waxaad shaashadaha Aljazeera ku arki doontaan
Wax aanad SRTV ku arkin oo ku saabsan dhibaatada baahsan Ee shacabkeena ku habsatay.

Sida ay masuuliinta Aljazeera Ii xaqiijiyeen isla maantadan Ayay jigjiga soo galayaan hordhaca saxafiyiinta Aljazeera.
Waana alle mahadi.

Qof kaste ha is xilqaamo , qof kaste wax Wuu qaban karaa Hadii uu masuuliyad isa saaro.
Fadlan si walboo u caawin karto dadkeena samee .
Wabilaahi Tawfiiq

Cabdisalaam sheekh Xasan

Good news
26/01/2022

Good news

26/01/2022

Abiy ahmed oo doonaya inuu Wada-hadal la galo' TPLf.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa sheegay inay wada-xaajood dhexmari doonaan dowladiisa iyo Jabhada TPLF ee ka soo horjeeda Tigray-ga oo muddo ku dhow 15-bilood dagaal udhaxeeyay siduu sheegay guddoomiyaha qurbo-joogta oo kulan gaar ah oo saacado qaatay la yeeshay abiy ahmed.

Gudomiyaha ayaa sidan usheegay Wakaalada Associated Press.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed waligiis isago meel fagaare ah ku sugan hadal-kan oo kale k**a sheegin iyadoo dadaallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ay sii socdaan hadana ay jirto mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka.

Mesfin Tegenu, oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dadweynaha ee Mareykanka ee Itoobiya, ayaa Talaadadii ku tilmaamay qaabkii kulanka shanta saacadood qaatay ee Sabtidii uu la yeeshay ra'iisul wasaaraha Ethiopia abiy ahmed" rabitaan dhab ah oo lagu joojinayo Colaada.

Dabcan, dhinaca kale waa inuu ahaadaa mid raali ka ah, Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay jiri doonaan wada xaajoodyo, macquul ah, oo ilaalin doona danta guud ee qaranka marka h**e ayuu yiri Mesfin.

Nj. Ogaadenia media Adis ababa

16/01/2022
16/01/2022
15/01/2022
15/01/2022

Caasimada Deegaanka Soomaalida,Jigjiga

15/01/2022

"Dagaalka gudaha iyo dibada ee Itoobiya ku firan hub kaliya laguma xallin karo,waxaa kaloo xalka qayb ka ah Dibloomasiyada,iyo dhaqaallaha."; waxaa siddaas yidhi General Bacha Debelle.

W-Q:Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV

15/01/2022

BIRHANU JULA: "DAGAALKA WAXAY MOODAYAAN CIYAAR KUBADA CAGTA AH OO KALE."

Talliyaha ciidamada Itoobiya,Birhanu Julla oo daba socda kooxaha ka cadhooday go'aankii Dowladda ee dhawaan la gaadhay ayaa yidhi: "Waxay isku dayayaan inay Milatariga dhaliilaalan oo ay dhahaan,'muxuu caddawga ugusoo raray Deeganka Axmarada? Maxaa halkaas loo galay? Iyo maxaa siddaas loo yeelay?'.Dagaalka waxay moodayaan siddii ciyaarta kubada cagta oo kale,oo ay laba kooxod is eryanayaan."

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV

13/01/2022

Sh ibrahin waa qofka kaliyeen oo aan odhan karno waa qof utaagan qadiyada soomaaliyeed

07/01/2022

DEG DEG

Itoobiya oo ka hadashay maxaabista la siidaayay ayaa sheegtay in go'aankan loogu gogol xaadhayo wada tashiga qaran,iyo komishinka dhawaan la yagleelayo si layskugu soo dhawaado.

Maxaabista lasiidaynayo ee cafiska loo fidinayo ayaa isugu jira kuwa loo xidhay dambiyo la xidhiidha dagaalkii waqooyi ee sanad jirsaday,iyo maxaabis kale oo loo haysto dambiyo ka h**eeyay,sidda lagu sheegay war saxafadeedka.

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV

07/01/2022

FAAH-FAAHIN: XOGTA MAXAABISTA TIGREEGA EE LASII DAAYAY.

Maxaabista Tigreega ee lasiidayay waxaa kamid ah Sebhat Negga oo kamid ah xubnihii ururka Tplf aasaasay,waxaa kaloo weheliya shan kamid ah hoggaamintii Tigreega(Tplf) ee dhawaan la xidhay.

Xubnaha shanta ah waxaa kamid ah Madaxwaynihii h**ee Tigreega,Abay Wolde.

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS T

29/12/2021

CODEYN!!

Labadan Masuul midkee kula saxsan oo ku taagan jidkii saxda ahaa.?

Farmaajo ❤ Love Ugu Codee

Rooble 🤙 Like Ugu Codee

P/D:- Najiib Suweydi

Voss Tv

27/12/2021

Ciidamo hubaysan oo xooga dalka ka mid ah ayaa ku wajahan Villa Soomaaliya oo xaalad hubanti la’aan ah ka taagantahay.

27/12/2021

Ruushka oo Ethiopia Ka Tageeri Doona Dib udhiska' khasaarihii ka dhashay Dagaalka Waqooyiga Ka socda.

Safiirka Ruushka u fadhiya Ethiopia, Evgeny Terekhin, ayaa sheegay in uu gacan ka geysan doono sidii dib loogu dhisi lahaa khasaarihii ka dhashay dagaalka waqooyi isagoo sheegay in lagu dadaalayo sidii loo ogaan lahaa khasaaraha ka dhashay dagaalka mudada Sanadka iyo Dheraadka ka socda Waqooyiga Ethiopia.

Ruushka ayaa kamid ah' Dalalka Sida wayn u Tageeray Xukuumada abiy ahmed.

Sihaam ahmed. Ogaadenia media Adis ababa

27/12/2021

Dagaalo Culus ayaa ka socda Degaano hoos Yimaada Gobalka Metekel ee' Degaanka bineshangul.

Dagaalada ayaa udhaxeeya Jabhada Xoraynta Benishangul iyo Ciidamada dawlada' oy Tageerayaan Kuwa Degaanka Axmaarada.

Dagaalka ayaa shalay ka bilawday' Tuulada Bonga' oo katirsan Gobalka Metekel' khasaare badan ayaana ka dhashay Dagaalka walina wuu sii socdaa.

Dhanka kale Dawlada ayaa Weerarkan ku edaysay' inay soo abaabuleen Jabhada Oromada ee OLA.

Nj. Ogaadenia media Adis ababa

Address

18
Jijiga
0251

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Danta umada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Danta umada:

Share

Category