
03/02/2025
Liyuu Police: Dhibka Waa La Wadaagaa, Dheeftana Waa In La Wadaago
Ciidanka Liyuu Police-ka ayaa mar walba ah laf-dhabarta amniga deegaanka, balse marka la eego sida awoodda iyo fursadaha loogu qaybiyo, cadaalad darro muuqata ayaa jirta. Tusaale ahaan, Abdirahman Eid Dahir oo ah Xubin Gole Dhexe ah, reerkiisa waxa lagu tilmaamaa dad aan qayb ka ahayn ciidanka, iskaba daa inay u dhintaan dagaalka Al-Shabaab, ee xitaa dagaalkii Dacawalay ayay ciidanka laayeen. Haddii uu hoggaan siyaasadeed haysto, waa in uu keenaa xal, isagoo hubinaya in qabiilkiisu ka mid noqdo ciidanka rasmiga ah ee dawladda, halka ay dibada ka joogayaan.
Sidoo kale, Maxamed Shaale oo ka soo jeeda beesha Dagoodiga, ciidanka Liyuu Police-ka ee kasoo jeeda deegaankiisa waa tiro yar, inkasta oo dhawaanahan qaar laga qoray dhulkaasi.
Waa in la xusuustaa in ciidankan uu xilligii Cabdi Maxamuud Cumar (CMC) lagu bilaabay dad geel-jirayaal u badnaa iyo maleeshiyaad si qasab ah loo ururiyay, kuwaasoo si gaar ah uga soo jeeday gobollada ay Ogadeenka degaan. Sidaas darteed, haddii maanta la qorayo ciidan Liyuu Police ah, waa in si caddaalad ah looga soo xulo dhammaan gobollada deegaanka, si fursadaha iyo mas'uuliyadduba u noqdaan kuwo wadaaga. Tusaale ahaan, haddii Dhagaxbuur ama Qabridahare laga qorayo 500 askari, waa in Gashaamo iyo Xarshin-na laga soo qoro isla tiradaas, si bulshada oo dhan ay u dareento in amnigu yahay mas'uuliyad wadaag ah, loogana baxo dareenka kala sooca ah.
Dhibka waa la wadaagaa, ee dheeftana waa in la wadaagaa!
Xaq aan Baryo Lahayn