Sabati Xeedho Media

Sabati Xeedho Media Mahadsanidiin.

Sabati xeedho media waa warbaahin madaxbanaan oo dhex'dhexaad ah waxayna sootabisaa wararka geeska afrika iyo caalamka intiisakalaba,

Warbaahinta sabati xeedho media ugu imow warar xaqiiqda kusalaysan oo deg-deg ah.

01/04/2022
CIIDAMO CUSUB!DUFCADII 13-AAD EE XOOGA CIIDANKA GAARKA OO QALIN JABIYAY!Birqod, Jarar, DDS, Jan 16, 2022.Kumanaan wiilal...
16/01/2022

CIIDAMO CUSUB!

DUFCADII 13-AAD EE XOOGA CIIDANKA GAARKA OO QALIN JABIYAY!

Birqod, Jarar, DDS, Jan 16, 2022.

Kumanaan wiilal iyo gabdho ka tirsan Birgeydhka 4-aad ee Xooga Ciidanka Gaarka (X.C.G ) DDS ayaa maanta ka qalin-jabiyay xerada tababarada Gaashaanle Khadar ee degmada Birqod ee Gobalka Jarareed.

Dufcadan 13-aad ee Xooga Ciidanka Gaarka DDS ayaa soo qaadatay tababaro ciidan oo dhinacyo kala duwan leh.

Waxaa munaasabada qalin jabinta goob joog ahaa hogaanka nabadgaliyada DDS Mudane Mubashir Dubad Rage, taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka Sareeye Guud Mohamed Ahmed Mohamud (Al-haji) iyo masuul iyo saraakiil ciidan oo kale.

Siyaasiga Oromada ah ee Jawaar Maxamed ayaa hadda laga sii daayay xabsiga. Jawaar ayaa xabsiga loo taxaabay bishii July ...
07/01/2022

Siyaasiga Oromada ah ee Jawaar Maxamed ayaa hadda laga sii daayay xabsiga.

Jawaar ayaa xabsiga loo taxaabay bishii July 2020.

Siyaasiga Amxaarka ah ee Eskinder Negga ayaa hadda la sii daayay xabsi ku yaalla Addis Ababa. Jawaar Maxamed iyo maxaabi...
07/01/2022

Siyaasiga Amxaarka ah ee Eskinder Negga ayaa hadda la sii daayay xabsi ku yaalla Addis Ababa.

Jawaar Maxamed iyo maxaabiis kale oo u xidhan siyaasad ayaa la filayaa in goor dhow la sii daayo.

General GabreDawladda Itoobiya ayaa weli raadinaysa Colonel Gebregziabher Alemseged Abraha oo ay Soomaalidu u taqaanno “...
07/01/2022

General Gabre

Dawladda Itoobiya ayaa weli raadinaysa Colonel Gebregziabher Alemseged Abraha oo ay Soomaalidu u taqaanno “General Gebre”.

Waxa ka mid ahaa 76 qof oo ka tirsan TPLF oo la armay in la soo xidho.

Qaar ka mid ah dadka la raadinayo waa la dilay. Waxa ku jiray Seyoum Mesfin oo 20 sano ahaa wasiirka arrimaha dibadda.

Qaar kale waa la soo xidhay. Sida, aasaasihii TPLF, Sebhat Negga.

Laakiin dawladda Itoobiya weli ma shaacin meesha uu ku dambeeyay Gebre.

Gebre waxa uu hoggaaminayay duullaankii ay ciidanka Itoobiya ku galeen Soomaaliya 2006-2009.

Filsan Cabdi ayaa iscasilaadeedii saldhig uga dhigtay dagaalka gobolka Tigray.
31/12/2021

Filsan Cabdi ayaa iscasilaadeedii saldhig uga dhigtay dagaalka gobolka Tigray.

Maxamed Xasan (halgan) ayaa mar labaad loo magacaabay moyarka Dhagax-buur.Halgan ayaa ah moyarka ugu wakhtiga dheer moya...
31/12/2021

Maxamed Xasan (halgan) ayaa mar labaad loo magacaabay moyarka Dhagax-buur.

Halgan ayaa ah moyarka ugu wakhtiga dheer moyarada maamul magaalooyinka deegaanka Soomaalida.

Mar kale ayaa loo magacaabay moyarka magaalada jigjiga Cabdidatax Ibraahin.
31/12/2021

Mar kale ayaa loo magacaabay moyarka magaalada jigjiga Cabdidatax Ibraahin.

"Waxa ii yeedhay Abiy Axmed. Waxa uu igu yidhi ha is casilin. 6 bilood oo keliya nala joog, dagaalku wuu dhammaanayaa. W...
31/12/2021

"Waxa ii yeedhay Abiy Axmed. Waxa uu igu yidhi ha is casilin. 6 bilood oo keliya nala joog, dagaalku wuu dhammaanayaa. Waan ka diiday."

Filsan Cabdillaahi, wasiirkii h**e ee haweenka, dhallaanka iyo dhallinyarda Itoobiya ayaa u sheegtay Washington Post in ay isku casishay dagaalka Tigraay awgeed.

29/12/2021

Maraykanka: "dadkeenna ka soo baxaya Itoobiya, waxaan bixin doonnaa noolka diyaaradda."

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabi doono qaadashada aqoonsi cusub/ National ID.Waxa la joojin doonaa ...
29/12/2021

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabi doono qaadashada aqoonsi cusub/ National ID.

Waxa la joojin doonaa aqoonsiga laga qaato Qabalaha.

70 milyan oo qof ayaa la filayaa in ay kaarkan qaataan sannadka soo socda.

Itoobiya ayaa ku gacan saydhay xabbad joojintii ay TPLF ku dhawaaqday, sida uu baahiyey Telefishinka CNN.
25/12/2021

Itoobiya ayaa ku gacan saydhay xabbad joojintii ay TPLF ku dhawaaqday, sida uu baahiyey Telefishinka CNN.

Ahmed Shide:"Bilihi la soo dhaafay waxaa jiray hoos u dhac dhaqaale oo ba'an".
25/12/2021

Ahmed Shide:"Bilihi la soo dhaafay waxaa jiray hoos u dhac dhaqaale oo ba'an".

"Waxa aynnu nahay ummad faqiir ah, oo haddana si taajirnimo ah u dhaqmaysa". Madaxweyne Mustafe.
25/12/2021

"Waxa aynnu nahay ummad faqiir ah, oo haddana si taajirnimo ah u dhaqmaysa". Madaxweyne Mustafe.

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya Airlines ayaa mar kale ku guulaysatay abaal-marinta diyaaradda ugu wanaagsan qaarada A...
21/12/2021

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya Airlines ayaa mar kale ku guulaysatay abaal-marinta diyaaradda ugu wanaagsan qaarada Afrika ee sannadka 2021-ka.

Madaxweyne Farmaajo oo muddo ku sugnaa dalka Turkiga ayaa hada dib ugu laabtay Muqdisho.
21/12/2021

Madaxweyne Farmaajo oo muddo ku sugnaa dalka Turkiga ayaa hada dib ugu laabtay Muqdisho.

Demeke Mekonnen: waxa uu gaadhay magaalada ay dowladu dib uga qabsatay TPLF ee Dessie.
21/12/2021

Demeke Mekonnen: waxa uu gaadhay magaalada ay dowladu dib uga qabsatay TPLF ee Dessie.

Itoobiya waxay sheegtay in ay TPLF awood ku muquuniyeen oo ayna si iskood ah ayna uga bixin deegaanada Amxaarada iyo Can...
21/12/2021

Itoobiya waxay sheegtay in ay TPLF awood ku muquuniyeen oo ayna si iskood ah ayna uga bixin deegaanada Amxaarada iyo Canfarta.

Getachew Reda:"waxaan hadda soo gabagabeynay ka bixitaanka ciidamadeena labada gobol ee Axmaarada iyo Canfarta".dagaalka...
21/12/2021

Getachew Reda:"waxaan hadda soo gabagabeynay ka bixitaanka ciidamadeena labada gobol ee Axmaarada iyo Canfarta".

dagaalka ka socda gudaha Itoobiya 13-bilood ayaa hada u muuqda mid ay labada dhinac doonayaan in wadahal lagu dhameeyo.

Maraykanka ayaa soo dhaweeyay in TPLF ay ka baxdo deegaannada Amxaarada iyo Canfarta.Wasaaradda arrimaha dibadda Marayka...
21/12/2021

Maraykanka ayaa soo dhaweeyay in TPLF ay ka baxdo deegaannada Amxaarada iyo Canfarta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa ku sheegtay in ay tahay albaab weyn oo loo furay diblumaasiyadda.

Maxaa ka cusub Itoobiya?TPLF ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ciidankeedu ay si buuxda uga baxeen deegaannada Amxaarada i...
21/12/2021

Maxaa ka cusub Itoobiya?

TPLF ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ciidankeedu ay si buuxda uga baxeen deegaannada Amxaarada iyo Canfarta.

Waxa ay ka codsadeen Qaramada Midoobay in la sameeyo aag ka caaggan duullimaadka/No-fly zone, in la furo gargaarka iyo ciidamada Eriteriya ay ka baxaan Galbeedka Tigraay.

Dawladda Itoobiya waxa ay sheegtay in awood lagu muquuniyay TPLF bal se aanay rabitaankooda ku bixin.

Laakiin TPLF waxa ay diidday in dagaalka lagaga adkaaday.

Maraykanka ayaa soo dhaweeyay tallaabadan. Waxa uu ku sheegay albaab u furmay wadahadalka.

Ma cadda in dawladdu ay mar kale gudaha u geli doonto gobolka Tigraay iyo in isfagarad laga gaadhi doono dagaalka sannad-jirka ah.

Shiinaha ayaa Maraykanka usoo jeediyay inay ku mashquulan tacadiyada,iyo gabood fallada dalka Maraykanka ka dhaca,islama...
21/12/2021

Shiinaha ayaa Maraykanka usoo jeediyay inay ku mashquulan tacadiyada,iyo gabood fallada dalka Maraykanka ka dhaca,islamarkana ay u xil saaran guddiyo baadha.Shiinuhu,wuxuu Marakanka ugu baaqay inuu iska dhaafo faragalinta dalalka kale,kuna mashquulo arrimiisa gudaha ah.

Maraykanka ayaa ciidamo ka dajiyey saldhiga military ee uu ku leeyahay Jabbuuti.Maraykanku wuxuu sheegay in ay ciidamada...
23/11/2021

Maraykanka ayaa ciidamo ka dajiyey saldhiga military ee uu ku leeyahay Jabbuuti.

Maraykanku wuxuu sheegay in ay ciidamadan galayaan gudaha Itoobiya hadii uu xaalka sii xumaado.

Aragtidaada?

Abiy Ahmed: “Itoobiya waxa ay taariikh dheer u leedahay ilaalinta magaca xorriyadda iyo madax-bannaanida waddanka".
23/11/2021

Abiy Ahmed: “Itoobiya waxa ay taariikh dheer u leedahay ilaalinta magaca xorriyadda iyo madax-bannaanida waddanka".

Abiy Axmed: "Ciddii aan dagaalka geli karin ha soo ducayso."
23/11/2021

Abiy Axmed: "Ciddii aan dagaalka geli karin ha soo ducayso."

Jareer ahaan ayaa shaqada looga riixday isagoo qibrad u leh daweynta maskaxda iyo cudurada dhimirka.Dr. Abdi naasir wuxu...
17/10/2021

Jareer ahaan ayaa shaqada looga riixday isagoo qibrad u leh daweynta maskaxda iyo cudurada dhimirka.

Dr. Abdi naasir wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray sidatan:

"Waxaan aad uga xumahay in mashruuc isbitaal abuuris ah oo aan aad uga qeebqaatay fikir ahaan oo waqti iyo maskax aan galiyay oo dhowr todobaad aan ka shaqeynaayay in maanta markii aan shaqadey dhameestay, leygu war galiyay ina xaflada iclaaminta isbitaalka la qabandoono.

anigana shaqada la iga buriyay oo la igu badalay dadkale oo wax qibrad ah aan u leheen, aad ayaan u yaabay, qabiil waa wax xun, lakiin k**a fileeynin in dhaqaatiir sharaf leh ey ku dhaqmaayaan arintaan foosha xun"

Runtii waa arin dulmi, qayaano iyo cadaalo daro ah, waayo markey ku dan gaareyn oo ay ka faaideyseyn aqoontiisa, xoogiisa, fakirkiisa iyo maskaxdiisa ayee shaqadiina ka eriyeen, qof kale lagu badalay jegadiisa Eex qabiil darteed.

qabyaalada waa waxa ugu xun oo qofka isticmaalo, astamaheeda ay ka mid tahay cadaalad daro.

Isbitaalka waxaa loo yaqaanaa 𝐀𝐋 𝐈𝐇𝐒𝐀𝐍 (Neuro-psychiatry center) Muqdisho

𝐇𝐚𝐝𝐝𝐚𝐛𝐚 𝐚𝐪𝐫𝐢𝐬𝐭𝐨𝐨 xarunta lagu daah furay, dulmiga, cadaalo darada, qiyaanada iyo musqmaasuqa ma la oron karaa isbitaal oo malagu aamini karaa bukaanada ❓

Allow cudurkaan qabyaalada inaga caafi, oo xaqa na tus.

𝐒𝐡𝐚𝐫𝐞 -dheh wllo si ay fariinteyda u gaarto xumaan wadaha

DrfarisAl attas.

Xildhibaan Sir David Amess waxaa dilay Cali Xarbi oo British ah, laakiin asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda. Waxaa la sh...
17/10/2021

Xildhibaan Sir David Amess waxaa dilay Cali Xarbi oo British ah, laakiin asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda. Waxaa la sheegay Cali in uu ahaa dhakhtar, weliba samaynayey takhasus. Xildhibaan David oo 40 sano ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku guda jiray (Constituency surgery) oo ah maalmaha uu xildhibaanku fariisto xarun dadwayne ama dowladeed oo uu ku qaabilo dadka soo doortay ee qaba tabashooyin la xariira arrimaha socdaalka, qoysaska la is-haleeshiyo, sharciga soo daaha, deegaanka, caafimaadka, IWM.

Xildhibaannada Ingiriiska lama ilaaliyo, waardiye gaar ahna ma laha. Qof kasta ayaa imaan kara Constituency surgery,

Cali waa wiil ay waalidkiis waqti badan ku daddaaleen waxbarashadiisa ilaa uu noqday dhakhtar; waliba takhasus samaynaya, balse afkaartiisa xagga diinta ah ay xagjir noqotay.

Waaliddiinta Soomaaliyeed waxay aad ugu dadaalaan in ay ubadkooda ka ilaaliyaan in uu saaqido oo uu ku faraq xirto kooxaha abaabulan ee ku lugyeesha dilka, daroogada iyo boobka. Si ay taas ugu suuragasho ayey dugsiga quraanka iyo masaajidka kula dadaalaan ubadkooda.

Halkaas qudheeda waxaa fadhiya kuwa kale oo xagjirnimada iyo ku biirista kooxaha argagexisada ku qalqaaliya dhallinyarada. Waalidku inta badan ubadkooda kalama hadlaan kooxahaas, kalama doodaan afkaartooda, haddii ay ubaadkooda ku arkaan afkaar xagjir ah uma sheegaan Booliska qaabbilsan., taasina waxay keentaa in ay si sahal ah gacanta ugu galaan kooxaha xagjirka.

Dilka wiilkaas uu geystay wuxuu indhaha dadka British ka ah ku soo jeedinayaa guud ahaan Muslimka, gaar ahaan Soomaalida. Soomaali badan ayaa dhibbane u noqon doona. Waxaana kow ka ah waalidkiisa, walaalihiis iyo ehelkiisa. Kooxaha cunsiriyiinta ah ayaa beegsan doona Soomaalida oo ah dad si sahlan loo bar garan karo xaga muuqa iyo labbiska, gaar ahaan dumarka.

Dowladda Ingiriiska oo doonaysay in laabto boggii argagexiso la dirirka, una weeciso awooddii, dadaalkii iyo dhaqaalihii ku bixi jiray, mudnaan kale, ayaa arrinkani dood badan ku abuuri doonaa. Waxay kaloo dood ka dhalan doontaa amniga Xildhibaannada. Waxaase intaas oo dhan ka sii daran in ay adkaaneyso is araggii sahlanaa iyo adeeggii tooska ahaa ee ka dhaxeeyey xildhibaanka iyo dadka soo doorta, taasoo dhaawici doonta hannaanka metelaadda iyo hal abuurkii dimoqoraadiyadda ee hormuudka u ahayd Britain.

Falka argagexiso ee uu wiilkaas gaystay wax badan ayey saamayn taban ku yeelanaysaa, laakiin waxaa hubaal ah in aysan jirin wax uu naftiisa, ehelkiisa, dadkiisa iyo diintiisa u taray. Waxaan xanuunka la qaybsanayaa ehelka Sir David oo ay tacsi u taalo. Sidoo kale waalidka iyo qoyska Cali oo tiiraanyo iyo murug wayn ay maanta haysato.

Waxaa qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in sababta uu u xiran yahay ay tahay isagoo aaminsan in lala jihaado dowlad aanan...
17/10/2021

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in sababta uu u xiran yahay ay tahay isagoo aaminsan in lala jihaado dowlad aanan sharciga Islaamka aaminsanay.
Sheekh ayaa Muqdisho Xabsi-guri ku ah, balse waxuu farriimahaasi ku baahiyaa Facebook-ga

Xukumadda deegaanka Soomaalida oo qaab-dhismeedkii hay'adaha fulinta isbadal ku samaysay.Akhri qoraalkan hoose ee ka soo...
17/10/2021

Xukumadda deegaanka Soomaalida oo qaab-dhismeedkii hay'adaha fulinta isbadal ku samaysay.

Akhri qoraalkan hoose ee ka soobaxay xukumada.

1. Xafiiska madaxweynaha-waaxda dabagalka ayaa laga gooyey.

2. Xafiiska beeraha waaxda dhulka miyiga ayaa laga gooyay oo la raaciyay ilaalinta deegaanka.

3. Xafiiska horumarinta xoola-dhaqatada sidiisi h**e ayuu ahaanayaa, magaca unbaa isbeddelay.

4. Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha.

5. Xafiiska waxbarashada.
6. Xafiiska caafimaadka.
7. Xafiiska maaliyadda-qorshaynta ayaa laga jarayaa.

8. Xafiiska adeega shacabka- magaca unbaa la soo koobayaa ee sidiisii h**e unbuu ahaanayaa.

9. Xafiiska jidadka-qeybta gaadiidka ayaa laga jaray oo ganacsiga la raacin.
10. Xafiiska nabadgelyada.
11. Xafiiska caddaaladda-magaca unbaa isbeddelaya.

12. Xafiiska biyaha.

13. Xafiiska arrimaha bulshada-magaca unbaa la soo koobay ee waa sidiisi h**e.

14. Xafiiska haweenka-magaca unbaa la soo koobay ee waa sidiisii h**e.

15. Xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska.
16. Xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka.
17. Xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka.

18. Xafiiska dakhliga.
19. Xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha.
20. Xafiiska war-faafinta.

21. Xafiiska macdanta iyo shidaalka- magaca unbaa la soo koobay ee tamartu way ku jirtaa.

22. Xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maamulka dhulka miyiga-qaybta dhulka ayaa lagu soo daray ee kaymihii iyo cimiladii waa sidoodii.

23. Xafiiska horumarinta waraabka-magaca unbaa la soo koobaye waa sidiisii h**e.
24. Xafiiska curinta technolojigaya.

25. Xafiiska xirfadaha iyo shaqa abuurka- xafiiskii tvetka ayaa waxaa lagu daray komisshinkii shaqo-abuurka- komishinkiina wuu baaba'ay.

26. Xafiiska maal-gelinta iyo warshadaha-qaybtii qurbo-joogta waax unbay noqone warshadahaa lagu soo dari.

27. Xafiiska qorshaynta-maaliyaddaa laga soo jaray-waaxda dabagalka iyo taakulaytuna way soo raaci oo xafiiska madaxweynaha ayey ku jirtay!

Kullan maanta gollaha fulluntu yeesheen ayaa lagu ansixiyay wax ka baddal lagu sameeyay qaab dhismeedka hay'addaha fulli...
17/10/2021

Kullan maanta gollaha fulluntu yeesheen ayaa lagu ansixiyay wax ka baddal lagu sameeyay qaab dhismeedka hay'addaha fullinta ee Deeganka. Qaab dhismeedka cusub ayaa ka kooban 27-xafiis.

Address

Harer

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sabati Xeedho Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Harer

Show All