SiTTi Media News

SiTTi Media News warar nadiifa ah

Wadanka Djibouti 🇩🇯 oo soo iibsaday labo diyaaradood oo layaableh Africa indooda badana laga isticmaalin balse Caalamka ...
21/03/2024

Wadanka Djibouti 🇩🇯 oo soo iibsaday labo diyaaradood oo layaableh Africa indooda badana laga isticmaalin balse Caalamka iyo wadamada horawmaray ukala baradamaan iibsigeeda qaarkood na soo saaran iyadoo casri jiilka 5aad ah

Diyaaradan Cessna Grand Caravan Ex waxaa loo isticmaalaa howlgalada Ciidamada iyadoo ka caawiysa hawlo badan oo amniga wadanka ah sida sirdoonka waxay wax wayn ka badali doondaa sidii h**e waana Awood u soo u korodhay Ciidamada Djibouti 🇩🇯 oo sanatadan dambe qalabyn Casri ah loo sameeyay si quwadooda loo dhiso

Horay waxaa lagu qalabeeyay diyaarada Caalamka ka yaabsatay Turkey 🇹🇷 farsameeyo ee bayrakdar Sidoo kale waxaa hawada sare loo diray dayax-gacmeed hawlo badan uqabanaya wadanka oo amnigu ugu h**eeyo Djibouti 🇩🇯 oo wadan yar ah waxay si lamafilaan ah uga soo dhaxbaxday Wadamo waawayn oo geeska Africa ah quwad Ciidana leh waxaa na lafilankaraa inay dhaafto wadamada geeska iyo Africa na meel fiican ka soo muuqato

Mwyne Ismaaciil oo ah hogamiye Caalamku ku ixtiraamo Siyaasadiisa layaab ka leh ee miisaanka culus laguna ixtiraamo hogaamindiisan khibradaysan ee Africa iyo Caalamka ba muhiim ugu yahay ayaa sanatadan dambe la soo baxay casharo cusub oo lalayaabay isagoo horay loogayaabana siduu iskugu wado wadamadan badan ee quwadaha caalamka ee saldhigyada Ciidan ku leh Wadanka kuwaas ooy ka dhaxayso colaad iyo loolan siyaasadeed qaar kood na isba arki karin ayaa layaab ku ahayd caalamka siduu iskugu wado

Cimaamada Mr Gelle lamasii haysan karo Quwad uu dhisee tirada Ciidankana habadiyo ilaa boqolaalkun

Markay gobi bahantay gunina wax bixiso wa iska sidan mal axadkan eeg iska qoslaya ma**da oyaysa
21/03/2024

Markay gobi bahantay gunina wax bixiso wa iska sidan mal axadkan eeg iska qoslaya ma**da oyaysa

19/03/2024

Xukuumada Deegaanka oo kaashaneysa hay'ada Camuud ayaa deeq raashiin ah gaadhsiisay 650 qoys oo danyar ah.

Iyadoo laga duulayo barnaamijka Afuri walaalka Sooman ee bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa deeq raashiin ah lagadhsiiyay qoysas danyar ah, deeqdan ayaa waxaa si wada jir ah ugadhsiiyay xukuumada Deegaanka Soomalida iyo hay'ada Camuud foundation oo ah hay'ad ka shaqeysa howlaha samafalka.

Xukuumada Deegaanka Soomalida ayaa ku howlan bisha barakaysan ee Ramadaan caawinta iyo afurinta dadka danyarta ah .

Xafiiska warfaafinta DDS

Wixii xogo dheeri ah kala soco warbaahinada baraha bulshada ee hoose
Face book Af-Somali:
https://www.facebook.com/Xafiiskawarfaafintadds

Face book Amharic:
https://www.facebook.com/profile.php?id=100068776418746

Telegram :
https://t.me/WarfaafintaDDS

Instagram:
https://www.instagram.com/xafiiskawarfaafintadds

YouTube:
https://www.youtube.com/

Twitter
https://x.com/WarfaafintaDDS?t=hiUaRQxoErNvSOFRbsFKQQ&s=08

Website
www.somalicommunication.govt.et

SiTTi Media News

Kani waa Bogga Rasmiga ah ee Xafiiska Warfaafinta Dowladda Deegaanka Soomaalida.

DEG-DEG: Dalka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in dalkaas laga arkay bishii Ramadaan berrina ay tahay maalintii koowaad ee b...
10/03/2024

DEG-DEG: Dalka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in dalkaas laga arkay bishii Ramadaan berrina ay tahay maalintii koowaad ee bisha Ramadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Sitti, masuuliyiin heer deegaan iyo maamulka degmada Dambal ayaa xadhiga ka jaray mashruuc 8 milyan...
10/03/2024

Guddoomiyaha Gobolka Sitti, masuuliyiin heer deegaan iyo maamulka degmada Dambal ayaa xadhiga ka jaray mashruuc 8 milyan oo birr oo laga fuliyay miisaniyada degmada.

Mashaariicdan oo ka koobanaa 4 dayr waxaa xadhiga si wadajira uga jaray masuuliyiin iskugu jira heer deegan ah heer gobol iyo waliba kuwa degmada Danbal dhismeyaashan oo ka koobnaa dayrasha dugsi, xarunta booliska iyo xarunta caafimaadka ayna ku baxday 8 milyan oo birr ayay degamadu ka fulisay masaaniyada sannadka 2016-ka waana dakhligii laga qaaday bulshada ayaa loogu sameeayay adeegyada lagu horumarinayo bulshada.

05/03/2024

Ayshaca final

Lakiin Hadii Koobka Ayshaca ku gulaysto Hala geeyo cali sabiix

Marka lagu kariwaayo eed tiraahdo wali  waan talinyaa Shil nafeed aan wax dhawac lahayan
04/03/2024

Marka lagu kariwaayo eed tiraahdo wali waan talinyaa

Shil nafeed aan wax dhawac lahayan

Xuska sannad guurada 45 aad ee  ka soo wareegtay Aas-aaska xisbiga talada haya ee RPP ee dalka Jabuuti ayaa  maanta si w...
04/03/2024

Xuska sannad guurada 45 aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska xisbiga talada haya ee RPP ee dalka Jabuuti ayaa maanta si weyn logu xusay dalka Jabuuti,

3-4-2024 (Waaruf Tv) Munaasabadan oo lagu qabtay magaalada Jabuuti ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka socotay dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin , , iyo .

Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Barwaaqo mudane Aadan Faarax Ibraahim iyo wafti balladhan oo hogaaminayey ayaa ka qayb galay Xuska Sanad Guurada 45aad Ee Xisbiga Talada Dalka Jabuuti.

Aadan Faarax ayaa intii ay socotay xaflada waxa uu hambalyo diiran u diray xisbiga talada haya, iyo shacabka reer Djibouti isagoo ku hadlaya magaca xisbiga PP.
SiTTi Media News

Degmada Afdam oo lagu qabtay kulan hordhac u ah nabadaynta iyo midaynta labada shacab ee walaalaha ah ee Afdam iyo Ma'ay...
04/03/2024

Degmada Afdam oo lagu qabtay kulan hordhac u ah nabadaynta iyo midaynta labada shacab ee walaalaha ah ee Afdam iyo Ma'ayso (Muli) ee gobolka Siti.

Ciyaartooyo seexanaya casho la'aan si aan u taageerno ma naqaano.Dadku waxay arkaan ficilkooga ay u dagalamayaan magaca ...
04/03/2024

Ciyaartooyo seexanaya casho la'aan
si aan u taageerno ma naqaano.

Dadku waxay arkaan ficilkooga ay u dagalamayaan magaca degmadoda
laakiin qalbiga ayay ka ooyayaan.

Waxaa xaaladda keentay inay Ciyaartooyaddu ka gabiyaan heerkii laga filayay inay gaadhaan.

Laacibiintii degmada danbal ayaa lacago loogu haysta degmada ayshaca lacagtaas oo ah cuntadii ay cunayeen intii ay ku guda jireen ka qayb galka koobkii degmoyiinka gobalka sitti ee lagu qabtaay degmada ayshaca.

Kooxda degmada danbal ayaa wareega 4 dhamaadka lagu reebay marki rigoorayaal ay kagag adkatay kooxda ka soocota ^obolka Sitti ee Degmada daymeed.

musuqmasuqa maamulka degmada danbal wuxuu gaaray heerkii ugu xumaa

ciyaaryahanada degmada danbal ayaa ii sheegay inay u cadilaan yihin lacago loo haysto iyo gadiid la aan markii ay waceena maamulka degmada inay ka qabanayn wax tilifoon ah.

Waxyaabaha yaabka leh ayaa ah in Ciyaaryahano matalayay magaca Degmo dhan oo loo haysto qaan iyo lacago fara badan oo ay ku galeen Magaca Degmadii ay matalayeen halka Maamulkoogii oo Miisaaniyaddooddi u hayayna ay lunsaddeen Lacagtii loogu tala galay.

Lacagta loo qabtay waxaa lagu qiyaasayaa Hal milyan in ka badan waxaana jeebka ku shubtay Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Maamulka Degmada oo uu ugu h**eeyo Guddoomiyaha Degmada iyo Madaxa Xafiiska Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

Ma’ayso ayaa Noqotay Koodi Labaad ee uso Baxdaa Wareega Afar Dhamaadka Kubka Degmooyinka Gobolka Sitti kadib marki ay Go...
02/03/2024

Ma’ayso ayaa Noqotay Koodi Labaad ee uso Baxdaa Wareega Afar Dhamaadka Kubka Degmooyinka Gobolka Sitti kadib marki ay Goal ku Laad kaga Badiyeen Xulka Degmada Afdam..!

Hambalyo Ma’ayso.!

SiTTi Media News

22/02/2024

Aynu ku wada Salino Nabigeena Scw ﷺ scw ﷺ Scw..!

22/02/2024

Ayshac isbadal Ka duwan kii koobka qabaleyada Ayaa looga fadhiyaa

Kulanka Furitaanka Tartanka Sanadlaha ah ee Degmooyinka Gobolka SittiMAXA CUSUB-Waxaa Bari Fooda isdari doona ayshaca iy...
22/02/2024

Kulanka Furitaanka Tartanka Sanadlaha ah ee Degmooyinka Gobolka Sitti

MAXA CUSUB

-Waxaa Bari Fooda isdari doona ayshaca iyo Hadhagala oo ah Xulalka ugu Tunka waa weyn Gobolka Sitti ahna Xulalaka ugu Hanashada Badan Tartankan

- Ma ahaan markii ugu h**eysay ay labadan Xul is arkaan Balse Ayshaca ayaa Dhinaceeda dhulka la dhigi la yahay Sanooyinkan danbe Sadexdi sane ugu Danbeysay na labo kamida ah Koobkan iyada Qaadey
- Halka Hadhagaala oo Aad looga Cabsani jirey In laga hor imaado ay Sanooyinkan danbe Noqotey Xul aad u Tabar Daran oo Awoodi looga bartey soo Bandhigin

- Kulanki ugu Danbeyay ay Labadan Xul is arkaan Wuxu ahaa Kulankii ay Ayshaca Hadhagala oo Gurigeeda Joogto koobka finaalkii uga soo Qaadey Wali Hadhagala Cuqdadaas ayey haysaa Lama oga inay aar gudani doonto bari
-Ayshaca Haddi ay Sanadkan hanato waxay Noqoni doontaa Xulka ugu hanashada badan tartankan oo Waxay booska ku cidhidhi doonta Hadhagala oo Rikoodhkan In Mudo ah Kali ku aheyd

-Haddi Hadhagala Hanatana waxay Sii dheeraysani doonta hogaanka Rikadhka Xulka ugu Hanashada Badan Koobkan
- Xulka Badiyo Kulankan Wuxu Awood iyo Dhirigalin u noqoni doona Kulamada xiga si uga soo boxo Wareega Groupyada

- Ayshaca Horey waa u diidey in Tartanka oo lagu qabanaayo minaankeeda koobka meel kale looga qaado Waa ayna ku faro adeygtey sanadkana ma dhici doonta inay Diido in Degmada laga dhaxluulo Koobkan Meel kalena looga sii Galbiyo (Sanaaraa)

- Hadhagaala Abaarta iyo Guurdarada ku Habsatey Ma Ka bixi doontaa Sanadkan (Sanaara)

- Tageerayaasha Labadan Xul Naneysaha ay kala wataan ayaa u dhigan sidan Ayshaca (Awladul sheekh Muse) Funanadaha ayey ba ku Xardhadeen halka Hadhagala Wataan Naneysta (Fiquulubina)

🫴Dhankeed Tahay Bari ?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey Itoobiya  inay kula kacday bahdil shir madaxeedka midowga...
17/02/2024

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey Itoobiya inay kula kacday bahdil shir madaxeedka midowga Afrika ee hadda ka socda Addis Ababa, isagoo sheegay in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay u diidaan inuu galo halka shirku ka socdo.

Waxa uu sheegay in markii danbe loo ogolaaday.

15/02/2024

Ceebti ka dhacday koobkii lagu qabtay xarunta degmada ee AYSHACA ee lo qabtay qabaleeyada waa mid an la ilaawayn

12/02/2024

Wasiir Xagaa: “Maalmahaan waxaa magaaladda ka socday laba nin oo kala sheeganaya Awdal State iyo Awdal Movement, wax sharciyad ay ku dhisanyihiin majirto”.

Dhalinyaro Fursadaha Deegaanka Yaalo Ka Faa'iidaysta Bari Wax Walba Wa Is Badalayaan xafiiska dakhliga heer deegaan waxa...
07/02/2024

Dhalinyaro Fursadaha Deegaanka Yaalo Ka Faa'iidaysta Bari Wax Walba Wa Is Badalayaan

xafiiska dakhliga heer deegaan waxaa laga bixinayaa aqoonsi guud oo ay itoobiya bilawday sanadkii 2023 waana aqoon'si heer dal ah
hada waa bilaash jigjiga dhex deeda ayaad ka samaysan karaysaa kaliya xafiiska dakhliga DDS tag adigoo wato aqoonsiga dagaanshaha (mustawaqada) waxad halkaasi ka heli doonta aqoonsigan national I'd Card ah

Dhalinyaro inaad sharciga wadanka qadataan waa muhiim waayo fursado badan ayaad ku helaysaan

Kaftan- xiligii dayrka Mexico Baasaboor la'aantu dhibtay idinku keentay waan ogaa ee sharciga wadanka qaata in badan oo qormadan akhrin doonto maraykan ayay joogi lahayeen laakiin Baasaboor la'aan ayaa afrika dhigtay

W-.Q/ Fathi A. M. Kurusaw

07/02/2024

Dhibaatoyinka aan ka dhaxalnay In G/ Sitti oday dhaqmeed loo gacan galiyo [gurigu uu maamulo]
20.milayan cun cidana wax ku waydiin mayso

OGAYSIISGolaha arimaha islaamka DDs wuxuu ogaysiin hayaa dhamaan Bulsho waynta kunool  D.S In Ay Diwaangalinta Xajku bil...
03/02/2024

OGAYSIIS

Golaha arimaha islaamka DDs wuxuu ogaysiin hayaa dhamaan Bulsho waynta kunool D.S In Ay Diwaangalinta Xajku bilaabanayso.

Waxay Diwaangalintu bilaabanaysa 04 February 2024 , waxayna ka bilaabanaysaa 3 goobood:

1. Jigjiga
2. Goday
3. Moyaale.

Shuruudaha xajka sanadkan.

1. Baasaboor ugu yaraan u hadhay xilligii dhicitaanka 11 bilood.
2. Mustawaqo.
3. Kaarkii talaalka Covid19.
4. Kaarkii talaalka xumada.
5 .Lacag gaadhaysa (329,000 )329kun oo bir.

F.g dadka wada socdaa waa inay hal mar is diwaangaliyaan hadii kale isma arki doonaan.
- Taariikhdaa kor kuxusan waa Taariikhda uu Deegaan walba bilaabayo shaqada xajka waxaan ku Rajo waynnahay in Ay bulshadu sifiican udiyaar garoobaan

Waad mahadsantihiin

DEG DEGMagacaabis la sameeyay Deeganka hoos ka eeg.
02/02/2024

DEG DEG
Magacaabis la sameeyay Deeganka hoos ka eeg.

01/02/2024

Waa Habeen Jimce ah waxaan ilahay Ka baryaynaa inuu dadkeena Dhibataysan dhibka ka dul qaado Roobkana Inoo Liiso.:..!
Aan ku wada Salino Xabiibkena. ﷺ Scw Scw ﷺ..!

Hoy La'aan,Gaajo,Cadceed iyo Dhaxan,Dacun iyo shuban,biyo la'aan iyo Daawo la'aan Dhamaan intaas oo isbiirsatey ayay la ...
01/02/2024

Hoy La'aan,Gaajo,Cadceed iyo Dhaxan,Dacun iyo shuban,biyo la'aan iyo Daawo la'aan Dhamaan intaas oo isbiirsatey ayay la daala dhacayaan shacabka Galbeedka Gobolka Sitti

Dhimashada ayaa aad u Si Kordheysa 62 Qof ayey mareysaa Labo maalin Gudoohood Ku dhawaad 30 Qof ayaa qudh baxay Shubankan😥

Shacabkaas Allah ayuu waydini doona ❓😥

Waar Hala Gurmado oo Han Gurmano shacab iyo Dawlad ba
Waa Sawiradii u Danbeyay Ee shacabkaas naga Soo gaadho😥

Waxa maalmahan socoda lagu dhawaaqii doonaa Xubno kamid ah Xubnaha uu Talaaba qaaddka ay ku dhawaaqeen Maamulka Gobolka ...
30/01/2024

Waxa maalmahan socoda lagu dhawaaqii doonaa Xubno kamid ah Xubnaha uu Talaaba qaaddka ay ku dhawaaqeen Maamulka Gobolka Sitti ee dhawaan la rajaynayo inuu meel maro 13 xubnood oo ahaa xubno miciin biddayay oo malaynayay inaan laga saari karin nidaamka oo sameeyay waxyaabo lid ku ah nidaamka dawladdnimo, halisna ku ahaa oo curyaaminta mamul wanaga

Waxa talaabo anshax xumo laga qaaday xubno 13 xubnood oo ku sifoobay anshax xumo masuul daro waxayna sababsadeen taalabbo qaad dhaqan galin ah malmahan soo socda

Waxa kalo jiro In maalmaha Soo socdo la keeni doono hoggamin cusub

Iyado laysla meel dhigay shaqo ka caydhinta xubnihii h**e ee laga caydhiyay shaqada

X/Boqore Cigal Macalin

SARAYNTA SHARCIGU HA SHAQAYSO wiilka danbi baadhaha ayshaca ka ah iyo kuwan xeer ilaalintu waxay dulmi u gaysteen muwaad...
16/06/2023

SARAYNTA SHARCIGU HA SHAQAYSO

wiilka danbi baadhaha ayshaca ka ah iyo kuwan xeer ilaalintu waxay dulmi u gaysteen muwaadinkaas hussein ducale jama iyago walipa sharcigii garanaya.

Danbi baadhuhu 2 bilood ayu baadhitan ayan ku jiraa uun leeyahay isago haya cadaymo ku filan iyo shaqsiyo xidhan oo kiiska ku filan cadaymihiisa, lkn hada 3 bilood kadib wuxu dhahay xeer ilaalinta ayan u wareejiyay.
Xeer ilaalintina waxba wax cadayn iyo go aan ah ma hayso.

Muwaadinkas kiiska lagu hayo waa la haya cadayntiisa ee waxba yaan isaga mar marsiiyo laga dhigan ee ha la sii daayo

Dulmiga iyo sharci darada lo gaystayna laga hadhi maayo.

AYSHACA DULMIGU XADKU DHAAFAY shaqsiga sawirka ka muuqda waxa la dhahaa hussein duale jama waa maamulihi Dugsiga sare ee...
16/06/2023

AYSHACA DULMIGU XADKU DHAAFAY
shaqsiga sawirka ka muuqda waxa la dhahaa hussein duale jama waa maamulihi Dugsiga sare ee D/ayshaca wuxu aha maamule wax badan u dadaalay dugsigaas oo wax badan kuso kordhiyay taasna bulshada ka markhaati ah

Wakhtigi abdi fure ayaa qorshe ay dad kale fuliyeen isaga walipa dano gaar ah ku maqan ayaa lagu xidhay computero laga qaaday dugsiga
Ilaa maanta 3 bilood ayu xidhanyahay wax cadayn ah laguma hayo,police cadayn keenaya ama dambi baadhe midna ma jiro, shaqsiyo kale oo cadayn lagu hayo ayaa laso xidhay,qaar wa la sii daayay.

Wax badan ayaa la qarinaya lkn xuquuqdiisi ayaa lagu tuntay waxana la diidanyahay inay wax so baxaan hadii lasii daayo

Si dhakhso ah ha lo sii daayo wiilkas dhibanaha ah
Hadii ay dawlad jirto waaye

Wax badan aya la qarinayaa

13/06/2023
Xaquuqda qoraalka waxa le Saxaradiid. X. Caateeye.Abwaan CALI DIIRIYE CIGAAL (Cali " Gaab ") [1936-2018].               ...
06/06/2023

Xaquuqda qoraalka waxa le Saxaradiid. X. Caateeye.

Abwaan CALI DIIRIYE CIGAAL (Cali " Gaab ") [1936-2018].

DHALASHADII, BARBAARINTII IYO GAASHAAN-QAADKII

Gaashanle Sare Cali Diiriye Cigaal oo dad badani u yaqaaneen Cali Gaab, waxa uu ahaa sarkaal iyo abwaan soomaaliyeed.
Waxa uu ku dhashay degmada CABDULQAADIR ee waqooyiga dhulka soomaaliyeed sannadkii 1936 hase yeeshee waxa uu ku barbaaray magaalada JABUUTI gaar haan xaafadda Lixaad (Quartier 6).
Halkaas ayaa uu na waxbarshada maadiga ah iyo dugsi quraan ka bilaabay ilaa uu kaalin qaad ku gaadhay.

Hibada abwaannimo waxaa u soo raacda Cali Diiriye in u ahaa wiil aad u jecel in uu noqdo ciidamada ka mid. Waan na arin aad u adkeyd in u suura gasho waayo gumeysigii Faransiiska ayaa gacanta ku hayey xeebta jabuuti.
Xaaladdaa iyada ah ayaa na keentay in uu Cali u wareego dhanka Waqooyiga Soomaliya sannadkii 1957. Dowlada Ingiriiska oo ka talin jirtay goboladaa ayuu ka mid noqday ciidamadeedi loo yaqaanney SOMALILAND SCOUTS. Waxa uu ka bilaabay ciidamada magaalada Saylac waxaa na loo wareejay degmada Goroyo-Cawl oo uu tababbar lix (6) bilood ah ku soo qaatey.
Kadib na Cali Diiriye waxa uu ku sugnaa gobolkii ”Reserved AREA” ee ingiriis ka talin jiray ,gaar ahaan deegaannada Awaare iyo Harawo ilaa 1960. Goobtaa intii uu ku sugnaa ayeey is barteen abwaankii Cali Sugulle (Duncarbeed).

Sannadkii 1960kii oo xoriyadii hantiday JAMHUURIYADII SOOMAALIYA waxa uu ka mid noqday ciidamadii qaranka ee SOO-MA-JEESTAYAASHA (Commandos).
Guutooyinkii xulka ahaa markii la isku daray waqooyi iyo koonfur ayuu ka mid noqday , sannadkii 1962dii na tababbar labo (2) sanno ah ayuu ku soo qaatay HIIL-WEYNE oo duleedka Muqdisho ku taal.
Intii uu ciidamada ka mid ahaa, Cali waxa uu ahaa nin guulo iyo abaalmarino badan ka soo hooyay.

*HAL-ABUURKII, FANKII IYO DHAXALKII*

Guuxa hal-abuurnimadu intaa ba waa ey ruxaysay Cali laakiin waxay ibo furatay 1964tii markii uu ka mid noqday kooxdii fanaaniinta Xooga Dalka oo uu ka mid ahaa asaasayaashii (sida Miicaad Miigane, Cismaan ”Askari” , Maxamed ”Kaariye”, Maxamuud ”Singub”…) .
Heestii ugn h**eysay ee uu Cali curiyo oo Raadiyaha la ga sii daayo waxa ey ahayd ”AWR DABAR LA’AAN DHACAY” waa na 1967kii.

1969kii waxaa inqilaab ku qabsaday Soomaaliya ciidamadii qalabka sidday waxaa na dhacday in talisku isku daro Kooxdii ciidamada iyo Kooxdii Raadiyaha oo la asaaso Kooxdii Waaberi.
Abwaanka Keli ah ee kala hadheen wuxuu noqday Cali Diiriye oo taliiskii guud ee ciidamadu u arkeen in aaney ka maarmi karin. Sidaa darteed ayaa uu abwaanku ku helay ruqsad uu ku dhiso kooxdii fanka ee ka dhalatay kooxdii ciidamada oo magaceedu ahaa HORSEED wuxuu na ka tirsanna ilaa sannadkii 1977.

Sannadkii 1977 iyo kadib markii uu Abwaan Cali ”Gaab” yaqiinsaday ismaan dhaafka u dexeeya isaga iyo sida u socda hogaanka dalka iyo ciidamadu, ayaa waxa uu go’aansaday in uu dalka ka baxo sidii ay yeeleen badannaa dhigiisii. Laakiin damiirku wuu siini waayey Cali in uu u gudbo dal cadaw ku aha Soomaaliya sidaa darteed ayaa uu dib u gu soo noqday goobtii uu ku ababay ee JABUUTI. Waa na bilowgii sannadkii 1977.

Cali Diiriye isla markii ba waxa uu si hor leh uu ga qaatay qayb libaax ciidamadii loo diyaarinayey Jabuuti oo xoriyada ka qaadanaysey faransiis 27kii Juun 1977kii.

23kii bish*t lambada (Febraayo) ee sannadkii 1977kii waxa uu abwaaku asaasay kooxda ciidmada qalabka sidda ee Jabuuti oo magacoodu yahay XARBI.
Wuxuu na gudoomiye, Abwaan iyo laxamiiste ka ahaa kooxdaa ilaa 2018kii oo uu ku geeriyooday (Ilaah ha u naxariistee) dalka Jabuuti.

SUUGAANTII CALI DIIRIYE

Allahaw naxariistee Abwaan Cali Diiriye Cigaal mudo ka badan 50 sanno ayaa uu tirinaayey gabayo. In ka badan dhawr iyo toban ruwaayadood ayuu alifay abwaanku.
Kuwa u gu caansan waxaa ka mid ah:

- IF iyo AAKHIRO
- Fadhi iyo Maanta
- Dul qarneyn
- Samatalis (kowaad)
- Samatalis (labaad)
- Samatalis (saddexaad)
- Samatalis (afraad)

Tira koob la ga sameeyey heesaha kaydka Radio Muqdisho 1976kii ayaa la ogaaday in labada Abwaan ee uu gu heeso badan ahaayeen Cali ”Gaab” iyo Maxamuud Cabdulaahi ”Singub” (AHN).
Si aan u micilsano mugga iyo balaadhka ay leedahay suugaanta abwaanku, isha ha aan ku qababo tirada heesaha, geeraarada iyo gabayada riwaayadii Samatalis (afraad) oo keli ah:

- Noo malee
- Badda qaad
- Darka nabadda
- Bahardaad
- Taran colaadeed
- Dantaada ka raac
- Dood
- Maydhaan
- Gocasho
- Midnimada u soo baydh
- Akaa madoobe
- Deexasho
- Sahay
- Sarbeeb
- Gar dhig
- Ha dabbaaline daa
- Waajib
- Yididdilo
- Hayb aadami
- Duco ma lagu, eegay
- Godob yareey
- Jacbur
- Dugsi nabadeed
- Ishaaro

Maadaama ey badweyn tahay suugaanta abwaaku oo aan la soo wada diiwaan galin karin, waxa aan si duur xul ah u soo dhigaynaa magaacda heesihii u gu caansanaa qaar ka mid.

Soomaaliya intii uu ku sugnaa:

- Shicib yahaw wanaagsani
- Ceelbuur
- Waan gaadhi doonnaa
- Dhigi maayo tuutaha
- Beeni raad ma leh
- Allahayow dal ma aqaan
- Qamareey Quruxdeedi leeday
- Israa'iil ma bobeen
- Isu-samir ama Sabaalo
- Sidaad ii ogayd baan
- Markaan da'da jiray 15
- Xoogga dalka Xamdi baa leh
- Dalmarow waad dooqonowdee
- Alla meeday-meeday
- Anigaa halyeeyoo …

Jabuuti inte uu ku sugnaa:

- Caawa waa habeenkii
- Dalkaygow
- Dable dhaarsan baan ahay
- Walaal inuu macaan yahay
- Bishani ma Juun baa
- Eedi wayga hadhay
- Calanku waa ii aabbo
- Dumeeraay
- Aduunyadan loofarka ah …

Abwaan Cali Diiriye isaga oo si guud suugaantiisu uu taabato waayaaha iyo nolosho ayaa hadda na mawduucyo ku dheer ey jireen sidda wadannimada iyo guubaabada.
Cali waxa uu ahaa nin dalka iyo dibada ba ka war qaba . Waxa uu ahaa abwaanku nin aad u neceb gumeysiga midkuu doono ba ha ahaadee. Cali Diiriye wuxu ka mid ahaa abwaanada faro-ku-tiriska ah ee Afrikaaninadu (PAN-AFRICANISM) ku weyn tahay.
Arintaa iyada ah waxaa ka marag kacaysa tirada aan la koobi karin ee maanso ama gabay ah ee uu ku la hadlay AFRIKA. Oo muxuu yidhi?:

🎶 Afrikaay is biirsoo
🎶 Isa soo bahaysoo
🎶 Ninka baal u leexdana
🎶 Basar wax ugu sheegoo
🎶 Ku ballama dagaal (Heestii ”ISRA’IIL MA BOODEEN”)

🎶 Afrikaay lagaa dhereg
🎶 Dhaxalkaagi lala guur
🎶 Dhoomaha gumeysiga
🎶 Maxaa dhabarka kuu sudhay
🎶 Dhirta iyo adoo
🎶 Dhagaxaa ka tiro badan
🎶 Adduunyada dhammaanteed
🎶 Kumanyaal adoo dheer
🎶 Dhererkiyo lixaadkiyo
🎶 Dhumucdani ad leedahay
🎶 Wax ku dhaansan mayside
🎶 Ma dheeggaa lagaa raran (Heestii ”AFRIKAAY LAGAA DHEREG”)

🎶 Namiibiya halaaggiyo
🎶 Holoc baa ka taagane
🎶 Sawd afriika waa halis
🎶 Haddaan dhiigga loo hurin
🎶 Hiyigooda waxa galay
🎶 Xornimada hadhkeedii
🎶 Waa kuwaa halgamayee
🎶 Hilbahooda nacabbaa
🎶 Ku haleela-quutee
🎶 Huulaha dul-joogaa
🎶 Hambo k**a tegaayee
🎶 Haddii aan halyeeyiyo
🎶 Heegan gobannimaw kicin
🎶 Afrikaay dagaal holli
🎶 Maxaa kuu hadhood
🎶 U habranaysaa. (Heestii ”MAXAAD U HABRAN”)

🎶 Bii-waa Afriikaay
🎶 Boogaha qabilkiyo
🎶 Bilida walaalaha
🎶 Isku baashanaayiyo
🎶 Dhiigaysku wada baxay
🎶 Goormaa la baajini
🎶 Bii-waa Afriikaay
🎶 Baylahdaada kii raba
🎶 Xume-buufiyaashiyo
🎶 Bunduqa isu siiyaha
🎶 Goormaa la beenayn
🎶 Bilicdiyo aqoontana
🎶 Hadmaa loo baraarugi
🎶 Afrikaay lagaa badi
(Heestii ”BI’I WAA AFRIKAAY”)

🎶 Afrikaay gobbaad tahay
🎶 Waana lagu gumeystaa
🎶 Facaa meeshu gaadhana
🎶 Adigu waad ka gudantee
🎶 Guuguulaa sidiisii
🎶 Gawracaa ku nooloow (Heestii ”AFRIKAAY GOB BAAD TAHAY”)

🎶 Afrikada garaadkeedu waa ,
🎶 Gaajo-beel doone
🎶 Gobanimo ma sooryeyso iyo ,
🎶 Gogol xalaaleede
🎶 Ninkastaa wuxuu gaadayaa ,
🎶 Googo' lacageede
🎶 Gaawaha inay buuxisay ,
🎶 Gaadh is-leedahaye
🎶 lyadoon galley beerannoon ,
🎶 Hawl u gaballaaxsan
🎶 Gawsaha markay cadayatiyo ,
🎶 Micida gayr-gayran
🎶 Garaw aanay qodan bay rabtaa ,
🎶 Inay ku goysaaye
🎶 gacanta hoos haysataa ,
🎶 Guri shisheevaade
🎶 Adawgeed ninkii gawracee ,
🎶 Gooyeyhilibkeeda
🎶 Iyadana godkeeda u qoday ,
🎶 Daba guclay saaye.
(Gabaygii DHALIIL).

Run ahaantii waa QAYB YAR oo ka mid ah maansooyinka iyo gabayada uu Afrika ka tiriyey, la ma na soo wada gudbin karo dhaamaantood.

Noole ba waa dhintee, Cali Diiriye waxa uu ku geeriyoodey dalka Jabuuti gu’gii 2018. Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun.

Address

Dire Dawa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SiTTi Media News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SiTTi Media News:

Videos

Share