Hagaha Nolosha

Hagaha Nolosha Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hagaha Nolosha, News & Media Website, Dire Dawa.

16/11/2020

DOQON BAA ISKA TAALEE

Beri baa Doorshaan sidii uu u duulayay ayaa inta uu dhulka kusoo dhacay ayaa uu dhabarka u seexday oo luguhu kor umareen. Xilligaa uu dhacay waxay ahayd duhur.

Sidii uu kolba is u lahaa ee uu u rafanayay ayaa duhurkii udhacay duhurkiisii kale ayaa uu meeshii ka toosay.

Isagoo is xariifinaya ayaa uu yidhi "Doqon baa iska taale, Allow duhurkaan dhacay duhurkiisa matoosay."

Qore Xadiis Mohamed Ahmed Alcadallaa

01/11/2020

ALBAAB AAN JIRIN

Beri baa dhakhtarka dadka waalan, waxa uu damcay in uu tijaabiyo ladnaanta qaar ka mida bukaankiisii. Saddex ka mid ah inta uu soo ka xeeyay ayaa uu gidaar ku sawiray albaab, markaa ayuu saddexdoodii ku yidh "Fura albaabkan."

Labo kamida ah ayaa intay istaageen waxa ay isku dayeen inay inay albaabka galaan, iyaga oo madaxa iyo jilbuhuba daaleen, ayaa waxa uu dhakhtarkii arkay kii saddexaad oo iska fadhiya qoslayana, markaa ayaa inta uu kusoo jeestay isago oo isaga oo moodaya in uu dhaamo, ku yidhi "Maxaad ku qoslaysaa.?"

waxa uu ninkii waalnaa ee fadhiyay ku yidhi "waxa aan ku qoslayaa albaabka ay jebinayaan furihiisii aniga ayaa haysta."

31/10/2020

DUUBKII CILMIGA

Bari baa nin duub wayn xidhan oo aan aqoonta, maadiga ah lahayn, ayaa maalin, waxaa loo keenay warqad ku qoran, afka, Faarisiinta.
Dadkii watay ayaa ka codsaday, in uu u akhriyo.
Ninkii oo duubkii waynaa toosinaya ayaa warqadii si qumaati ah u eegay.Markii uu dhinac ay usocoto garan waayay, ayaa uu nimankii udhiibay ku celiyay.

Nimankii warqadda watay ayaa xanaaqay oo ku yidhi. "Maxaad duubka wayn madaxa usaaratay haddii aadan waxba akhrin karin?"

Ninkii duubka waynaa oo garka salaaxaya, ayaa ugu jawaabay "hoo duubka adigu madaxa saaro oo warqadda akhri."

18/03/2020

Nolashu way wajiyo badan tahay

Marnaba ma helaysid waxaad ubaahato.
Inaad udagaalanto mooyee

Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan,

21/01/2020

Quruxda shaqsigu waa dhaqankiisa

21/01/2020

Quruxda aadamuhu waa dhaqan

ku dhaganaanshaha diintaada iyo Dhaqankaaga ayaa ah quruxdaada

19/12/2019

Qisadii jacaylkii qurbaha tagay.


C laahi waxay is barteen sanadkii 2016 kii c laahi wuxuu xiligaa arday ka ahaa Jaamacada # Addis ababa ee dalka ee itoopiyo (ethiopia) laakiin wuxuu kasoo jeeday Gobalada deegaanka soomaali galbeed.gaar ahaan gobalka Qoraxeey.

ramla iyaduna waxay joogtay magaalada Addis ababa halkaas ooy ujoogtay (Dhoof) sidoo kale iyaduna waxay ka soo jeeday gobalada deegaanka soomaali Galbeed.
Ramla iyo C laahi waxaa is baray wiil ay C laahi saaxiibo ahaayeen Oo ramla ina habreedeed is jeclaayeen.
Ramla waxay ahayd gabadh aad uqurux badan Oo joog dheer midabkeeduna,maariin dhalaal xiga yahay.

c laahi waxaa durbadiiba dhex qaaday quruxdii Ramla iyo soo dhawaynteedii
c laahi isla markiiba wuxuu ramla ka codsaday. xidhiidh jacayl ramla waxay oogu jawaabtay "waan ka soo fakari".

Muddo kabacdi ayuu wacay una sheegay inuu jawaab ka sugayay,waxay oogu jawaabtay walal soo dhawoow" marlabaad"
C laahi habaynkaas waxay u ahayd habayn aad uqurux badan oo farxad laga dareemayay wajigiisa,
C laahi wuxuu ahaa" Shabeel naagood"
Durbaba wuxuu utafa xaytay siduu uhanan lahaa Ramla qalbigeeda.
C laahi durbaba wuxuu ka mashquulay waxbarashadiisii.
Ramla iyadu waxay ku mashquulsanayd (Dhoof) Oo sida C laahi laguma badnayn jacaylkuna beerka mataaban.

Wuxuu C laahi Ramla daba rafaadaaba, Ramla way lasoo dhacday markii udanbaysay jacaylkii,waxaana qalbigeedii durbaba saaqay erayadii xabadda ka daranaa ee uu C laahi adeegsanayay.
hadda labadooduba waxay bastood la yihiin jacayl.halkaa ha inoogu joogto Qaybtii 1aad

09/12/2019

Waxaad adigu doorataad noqone,wax dooro,maanta, hadaadan horay udooran.

08/12/2019

Nolosha qurux deeda waxaa saldhig,u ah hadba saad u fakartid, horay usoco

27/11/2019

“Waxa aan ahay masiixi, waa aanan ku faanayaa, waa aan jecelahay Nebigii carbeed ee magaca weynaa, waa aan jecelahay sharafta islaamka, waanan ka baqaa inay dhammaato , waxa aan kasoo jeedaa …

25/11/2019

Guushu waa "inaad ku cel-celiso waxaad doonayso
Waxwalba ood rabtid lugahaaga hoostooda ayay ku jiraan haka raadin,meel kale usoco

20/11/2019

Kamidho dhalinta hadafkaaga waxaa kuu sahlaya,inaad ku celceliso waxaad rabto inaad gaadho,Roma was not build aday
nolosha share please

Waxaan nahay xoolo dhaqato
17/11/2019

Waxaan nahay xoolo dhaqato

16/11/2019

Qiimaynta nafaha kale waxaa ka horaysa Qiimaynta naftaada

15/11/2019
14/11/2019

Shaydaan ayaa lawaydiiyay su'aalahan nacalad haku dhacdee..

1) Yaa kula fariista?
Wuxuu yiri qofka ribada cuna.

2 ) Yaa kula sxb ah?

Wuxuu yiri qofka sinaysta.

3 ) Yaa kula seexda?

Wuxu yiri qofka maan dooriyaha caba.

4 ) Yaa weeye martidaadu ?

Wuxuu yiri waa tuuga.

5) Yaa weeye rasuulkaagu ?

Wuxuu yiri waa sixiroolaha.

6 ) Yaa weeye kay indhahaagu ku qaboowsadaan ?

wuxuu yiri kan ku dhaar fura xaaskiisa
(Xila furaha)

7) Yaa weeye xabiibkaaga aad jeceshahay ?

wuxu yiri waa taariku salaadka jimcaha.

8) Maxaa dhabarka kaa jabiya ?

wuxuu yiri dananka fardaha markay jihaadka ku jiraan

9) maxa jirkaaga tubaxiya ?

wuxu yiri ruuxa towbad keena

10) Maxa beerkaaga bisleeya?

Wuxu yiri astaqfaarta badan ee habeenkii iyo maalintii

11) Maxaa wajigaaga daboola (madoobeeya) ?

Wuxu yiri sadaqada sirta ah.

12) Maxa indhahaaga daboola?

wuxuu yiri salaada fajariga (salaad subaxa)

Walaal hakala bakhaylin inaad faafiso waayo qof ubaahan xogtan ayaad u fududeyneysaa insha Allah
qofkii faafiya alle danbigiisa ha dhaafo aamiin

14/11/2019

Guushu kuma xidhna maalka aad haysatid, ee waxay ku xidhan tahay hadba xidhiidhka alle aad la leedahay inta Uu dhanyahay nolosha share please

Address

Dire Dawa

Telephone

+251935771553

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hagaha Nolosha posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hagaha Nolosha:

Share