Somali

Somali waxaad si dhibyar ugu radin kartaan bajka www.somalipage.com.idinkoon is dhibayn .inshaa allaah khayrban kuu rajaynayaa

Ha mogan hana ka maqnaan Habka ay kugu adegi doonto Shirkada ay ku midaysanyihiin dhalinyroKhibrad dheriya uleh halbegya...
28/12/2023

Ha mogan hana ka maqnaan
Habka ay kugu adegi doonto
Shirkada ay ku midaysanyihiin
dhalinyro
Khibrad dheriya uleh halbegyada ay
ka shaqayn doonto shirkadu

Waxaa kalood si online ah
ku codsan kartaa
Adeega aad rabto

Hadaba kacmiil nala share garee
Si ay u gaadho bulsho
badan oo u baahan adegyada
ay bixinayso
Shirkadu

Only jigjiga
Waxay ka adegi donta jigjiga

Welcome ..........
05/10/2022

Welcome ..........

Kulan lagu xoojinhayo Nabadgalyada oo lagu Qabtay Magaalada Harta-SheekhaHarta-Sheekha, December 23, 2021,(XN)—Wafti uu ...
24/12/2021

Kulan lagu xoojinhayo Nabadgalyada oo lagu Qabtay Magaalada Harta-Sheekha

Harta-Sheekha, December 23, 2021,(XN)—Wafti uu horkacayo Mudane Maxamed Cali Daahir (Gurey), Hogaan Ku-Xigeenka DDS ayaa kulan nabadgalyada lagu xoojinhayo la yeeshay duqayda iyo maamulka magaalada Harta-Sheekha ee gobalka Faafan galabnimadii Khamiista.

Hogaan Gurey ayaa bulshada ku booriyay sii adkeynta nabadgalyada in ay halkeeda ka sii wadaan dadaalkooda ku aadan Nabadgalyadana tahay mid bogaadin.

Waxgaradka Magaalda Harta-Sheekha ayaa dhankooda ballan-qaaday inay kala shaqaynhayaan hay'adaha Nabadagalyada adkeynta nabadgalyada.Waxay duqaydu dhankooda codsadeen in meelaha lagu baadho la yareeyo,si ay gacan uga geysato kor u qaadidda isu socodka dadka iyo ganacsiga xilligan abaaruhu deegaanka si guud u saameeyeen.

Magaalada Harta Sheekh waxay qiyaastii 75km dhanka Bari kaga beegan tahay caasimadda DDS ee Jigjiga waana magaalo ganacsi oo wax is-waydaarsiga ku fiican.

~Xafiiska Nabadgalyada

WAXAA HOOLKA SHIRARKA GOLAHA XILDHIBANADA DDS Waxaa hoolka shirarka ka furmay  tababarka gudiyada joogtada  ah ee golaha...
10/12/2021

WAXAA HOOLKA SHIRARKA GOLAHA XILDHIBANADA DDS
Waxaa hoolka shirarka ka furmay tababarka gudiyada joogtada ah ee golaha 6aad tababarkaas Oo kusansanaa

1) hormarinta magaloyinka
2)isku fulnaashada iyo soo ururinta dhaqliga magaloyinka
3) isku filnaashaha miisaniyada isticmalaan magaloyinka sida OOga marmaan kabitaan ka helan Heer degan iyo Heer federal ba.
Shirkaas oo so socday hal maalin ah.
Waxaan shirka furey wazirka xafiska golaha xildhibanada mudane c/Wahid cabdi qorane.

Kulan aqoon-is-weydaarsi & tababar dhinaca shuruucda dakhliga ah oo uu soo diyaariyay Xafiiska Dakhliga DDS, ayaa waxaa ...
09/12/2021

Kulan aqoon-is-weydaarsi & tababar dhinaca shuruucda dakhliga ah oo uu soo diyaariyay Xafiiska Dakhliga DDS, ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta iyo xisaabaaddada xafiisyada heer deegaan, kulankaas ayaa ka qabsoomay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan.

Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS Dr. Xussen Xaashi Qaasim & Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS Mudane Mahamed Naji oo kulankan ka soo qeyb-galay ayaa masuuliyiinta sare & xisabaada xafiisyada dawlada u sheegay in ay dowladuu xoogga saartay arrimaha dakhliga gaar ahaan 100-ka malmood fiiro gaar ah la siinayo, lana ogaado in ay arrimaha dakhligu yihiin hawlo isha lagu hayo. hay'adaha dowladana looga baahan yahay in ay ka midho dhaliyaan waajibaadka ka saaran dakhliga.

Ugu danbayn Masuuliyiinta & Xisabaadada xafiisyada heer deegaan ayaa fahan buuxa laga siiyey;

1. Cashuurta 3% ee jibriyada dalka laga reebo canshuur bixiyeyasha deegaanka.
2. Cashuurta 15% & 2% Withholding ee aqoonsiga loo siyey Xafiisyada Heer Deegaan.
3. Sharciga waxa uu ka qabo Xafiisyada Dawlada & Canshuur Bixiyeyasha gudan waaya wajibaadka ka saraan dakhliga.

✍️ Xafiiska Dakhliga DDS

Kulan laguqiimaynayay waxqabadkii SM2013TI ee shirkada Quwada korontada laanteeda Deegaanka, ayaa ka qabsoomay Xafiiska ...
09/12/2021

Kulan laguqiimaynayay waxqabadkii SM2013TI ee shirkada Quwada korontada laanteeda Deegaanka, ayaa ka qabsoomay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS.

Kulankan oo diirada lagusaaray qiimaynta waxqabadka sanadkii h**e iyo qorshaha sanadkan 2014TI ee shirkada adeega korontada, ayaa waxaa hogaaminayay wisiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS Mudane Cabdiraxman Iid Daahir, waxaana kasooqaybgalay masuuliyiinta Segtarka Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha iyo qaar kamid ah xafiisyada heer deegaan ee ay wadashaqaynta leeyihiin shirkada; xafiisyada Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iwm.

Furitaankii kulanka kadib, masuuliyiinta Shirkada Quwada korontada laanteeda deegaanka, ayaa soojeediyay warbixinta waxqabadka SM2013TI taas oo ay shirkadu kusoobandhigeen waxyaabihii ay sanadkii tagay shirkadu kaqabatay deegaanka Soomaalida iyaga oo sheegay in ay yareeyeen islamarkaana sixitaan kusameeyeen dhibaatooyin badan oo kajiray dhanka adeegbixinta, kadib isbadalkii dhawaan lagusameeyay hogaaminta shirkada laanta deegaanka.

Intaas kadib, waxaa lagudogalay qiimaynta warbixinta ay soojeediyeen masuuliyiinta shirkadu, iyada oo si qoto-dheer looga hadlay dhibaatooyinka ballaadhan ee kajira dhanka adeega korontada kuwaas oo isugujira caqabadaha ku gadaaman adeegbixinta xarumaha shirkada ee kuyaala deegaanka iyo jiitanka kajira Mashaariicda ballaadhinta adeega korontada. Dhinacakale, masuuliyiinta shirkada ayaa iyaguna soojeediyay in dhibaatooyinka jira ay yihiin kuwo ubaahan in laiska kaashado sidii xal looguhelilahaa iyaga oo usababeeyay dhibaatooyinka qaarkood, in ay keentay wacyiga bulshada deegaanka oo hooseeya.

Gabogabadii, wisiirka Xafiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, ayaa kuladardaarmay masuuliyiinta shirkada in ay xal degdeg ah ka gaadhaan jiitanka Mashaariicda laydhgalinta iyo guud ahaan dhinacyada uu gaabiska badan kajiro isaga oo dhinacakale sheegay in xafiisyada iyo maamulada heerarka kaladuwan ay doorkooda qaataan.

War deg-deg ah.Ra'iisul-wasaare dr. Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegi doonaan gacan-ku-haynta Jifra iyo Burq...
26/11/2021

War deg-deg ah.

Ra'iisul-wasaare dr. Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegi doonaan gacan-ku-haynta Jifra iyo Burqa.

Ra'iisul-wasaaraha Itoobiya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xisbigu uu si niyad iyo geesinnimo leh u dagaallamayo. Wuxuu xusay in cadowga uu ka baxayo deegaannada ay gacanta ku hayeen, isaga oo intaa ku daray in cadowgu uunan awood u lahayn in uu ka hortago ciidanka.

Sida oo kale, waxa uu xusay in ciidammadu ay la wareegayaan deegaannada ay cadowgu ku sugnaayeen, isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in ciidammadu ay hadda gacanta ku hayaan gobolka Jifra, islamarkaana ay maanta la wareegi doonaan ciidanka difaaca qaranku magaalada Burqa.

“Waxa aan rabnaa in aan ku hoyonno Burqa, K**a laaban doonno illaa inta la xaqiijinayo madax-bannaanida Itoobiya, waxa aan haysannaa taageerada shacabka, waxaana ku kalsoon nahay in aan guulaysan doonno", ayuu yidhi ra'iisul-wasaare Abiy Ahmed.

OGAYSIIS: Dhamaan waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada kunool qaarada Europe gaar ahaan wadanka Sweden kana soo jee...
29/07/2021

OGAYSIIS: Dhamaan waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada kunool qaarada Europe gaar ahaan wadanka Sweden kana soo jeeda deegaanka Somalida ayaa maal mahan fooda inagu soo haya waxay yeelan doonaan kulan lagaga tashanayo aayaha iyo danaha masiiriga ah ee deegaanka Somalida; kulanka shirkan oo uu ujeedkiisa oogu wayni yahay sidi lagu samato bixin lahaa shacabka deegaanka islamarkaana si wada jir ah looga hortagi lahaa kooxda afduubtay isbadalki deegaanka ee mudada badan la hiigsanayay.

Taariikhda, goobta iyo saacada kulankan wada tashiga dibaanu idinka soo sheegi inshallah

Afhayeenka guud ee dhalinyarada DDS Abdifatah Chabbo.

Mahadsanidiin.

Somaali nimo ha ina deeqdo
12/07/2021

Somaali nimo ha ina deeqdo

27/04/2021

Somalia

27/04/2021

Somali

27/04/2021

Somaliya

Send a message to learn more

Address

Addis Ababa
22

Opening Hours

Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali:

Share