SSP Tv

SSP Tv SSP Tv

Dagaal laba dhinac ah waa iska suni khasaare iyo maxaabiis in la kala qabsado somaliland 8 bilood maanta oo kaliya wax g...
25/08/2023

Dagaal laba dhinac ah waa iska suni khasaare iyo maxaabiis in la kala qabsado somaliland 8 bilood maanta oo kaliya wax gaadheen, halka iyagu 8 bilod gacan sareeyen.

Jimce wacan Badi Istiqfaarta Si Maalin le ah.
10/08/2023

Jimce wacan
Badi Istiqfaarta Si Maalin le ah.

Iyadoo uu si rasmi ah uga furmay magalaada Addis Ababa shir-madaxeedka Ururka Midawga Afrika ee 36aad kaasi oo halkudhag...
18/02/2023

Iyadoo uu si rasmi ah uga furmay magalaada Addis Ababa shir-madaxeedka Ururka Midawga Afrika ee 36aad kaasi oo halkudhag looga dhigay daadajinta aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika ayaa waxaa shirweynaha barbar socda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda wadamada kala duwan ee kasoo qeybgalay shirka.

Raysalwaasare Dr. Abiyi Axmed ayaa dhiniciisa kulamo gooni gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyinta wadamada Afrika.

Madaxda uu raysalwasaaruhu kulamada gaarka ah la yeeshay ayaa waxa ay diiradda iskula saareen arrimo kala duwan oo ku taxaluqa iskaashiga labada dal arrimaha gobolka, qaaradda Afrika iyo caalamkaba.

Haddaba, madaxdaasi uu raysalwasaare Dr. Abiyi Axmed kulanka la yeeshay waxaa ka mid ahaa madaxwayne Bool Kigaame, Filiksi Sishekedi, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxwayne Everesti Indayshimiyee.

Geedka nabada

Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun waa Sheekh Soomaaliyeed.Maalintaan caqliyay ilaa maalintaa maanta ah ayaa dhagaysanayay...
16/02/2023

Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun waa Sheekh Soomaaliyeed.

Maalintaan caqliyay ilaa maalintaa maanta ah ayaa dhagaysanayay muxaadarooyinka iyo hadal jeedinta Sheekh mustafe, wali ma arag hadal siyaasadaysan ama hadal la odhankaro sheekhu ujeedo gaar ah ayuu ka leeyahay.

Sheekh Mustafe Ismaaciil Haarunn wuxuu ka midyahay culimada dhif iyo naadirka ka ah ee ilaahay ka badbaadiyay fitnada iyo aafada ku habsatay culimada Soomaliyeed, sida mixnada, qabyaalada, xagjirnimada, khuraafaadka, kooxaysiga, danaysiga, isla waynida, cujbiga .... iwm. Sheekhu ilaahay raali ha ka ahaadee waa sheekh 100% nasteex u ah muslimiinta dhamaan.!

Sheekh Mustafe waa mufakir aragti dheer oo hamigiisu yahay horumarka iyo midnimada diina iyo dadka islaamka ah, gaar ahaan Somalida.!

Shaqsiga Soomaaliga ah ee maanta mad_madaw kaga jiro Sheekh Mustafe waa laba mid uun inuu yahay. Marka koobaad, inuu yahay shaqsi aan wax badan kala socon afkaaraha iyo aragtida sheekhu hadh iyo habeenba ka jeediyo fagaarayaash, ama waa inuu yahay shasi buka oo qalbiga ka jiran. Waxaan yaabi jiray markaan kitaabka ku arko Nabi Nuux(cs) 950 sano ayuu dhawaaqayay oo dadka xaqa usheegayay laakiin dad kooban baa raacay.! Waxaa taas la mid ah dadka maanta Sheekh Mustafe duraya ee leh muu ka hadlo dagaalka Laascaanod_ waa dad aan dhago lahayn oo qalbiga ka buka runtii.!

Aniga aragtidayda Sheekh Mustafe dagaalka Laascaanod ugama duwana dagaalka sokeeye ee 30 sano ka socda gayiga Somaliyeed, taas oo sheekhu habeen iyo maalinba ka hadlayay mudo aad udheer.! Waa laga yaaba dadka cadiifadaysan inay arinta Laacaanood uyeelato dareen gaar ah, laakiin sh. Mustafe iyo dadka aragtida dheer ee lamid ka ah, waxay arintani ula midtahay dhacdooyinka maalin laha ah ee ay habeen iyo maalinba inooga digaan mudo 30 sano ah. Sheekhu intaan ogahay wuxuu rumaysanyahay midnimada umada Somaliyeed iyo midnimada dadka muslimka ah ee dagan mandiqadan geeska.! Waa nin hamigiisu aad u fogyahay.!

Aniga aragtidayda in Sheekha lagu cadaadiyo inuu si gaar ah uga hadlo Laascaanood ayaa ah shirqool la rabo in sheekha lagu fadeexadeeyo.

Ilaahay ha ilaaliyo sheekha, eeba raali ha ka ahaado Sheekh Mustafe Ismaaciil Haruun. Waxaan marag ka ahay inuu gutay waajibkiisii diiniga ahaa.!

Raysal Wasaare Soomaaliya Md Xamse Abdi Barre ayaa yidhi "Xabbad-joojintii dowladda Somaliland ee Laascaanood waan soo d...
16/02/2023

Raysal Wasaare Soomaaliya Md Xamse Abdi Barre ayaa yidhi
"Xabbad-joojintii dowladda Somaliland ee Laascaanood waan soo dhoweynaynaa, si ay u hirgashona waa in ciidanka laga fogeeyo dadka cadhaysan".

Man City oo garaacday Arsenal hogaankana kala wareegtay.
15/02/2023

Man City oo garaacday Arsenal hogaankana kala wareegtay.

Hawlgalki dabar goynta argagaxida ee degaanku hoorsedka aha oo ugu danbayn go'doon lagaliyay, somalia walaga sifaynaya, ...
15/02/2023

Hawlgalki dabar goynta argagaxida ee degaanku hoorsedka aha oo ugu danbayn go'doon lagaliyay, somalia walaga sifaynaya, waxan degaanka iyo wadanka Somaliland u so jeedinayna iney ka digtoonadan firxadka imikaba so galay gobolka sool.

Bayzid waa Afar jir udhashay Bangaladesh Laakiin waxa uuleeyahay Muuqaalka 80 JirkaWiilkaan yar ayaa Ku Dhashay Xaalad N...
15/02/2023

Bayzid waa Afar jir udhashay Bangaladesh Laakiin waxa uuleeyahay Muuqaalka 80 Jirka

Wiilkaan yar ayaa Ku Dhashay Xaalad Naadir ah waxaana Hada Dhakhaatiirtu La Tacaalayaan Gabowgaan Kusoo Deg degay..

Shirkii Golaha Xildhibaanada DDS ayaa lasoo Afmeeray.Kal-fadhigii 4aad golihiisa lixaad ee Xildhibaannada DDS oo muddo l...
14/02/2023

Shirkii Golaha Xildhibaanada DDS ayaa lasoo Afmeeray.

Kal-fadhigii 4aad golihiisa lixaad ee Xildhibaannada DDS oo muddo labo maalmood ah ka socday madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan ayaa soo idlaaday.

Golaha Xildhibaannada DDS ayaa ansixiyay warbixinta waxqabadka xukuumadda DDS. Sida oo kale waxaa la dhaariyay Komishinka baadhista tacadiyadii ka dhacay deegaanka iyo dib-u-heshiisiinta.

14/02/2023

Maraykanka oo sheegey inu dib dhigey dhoolo tuski Somaliland, Sabab la xidhiidha argagixisada laascanod so gashey.

Kal-fadhigii 4aad golihiisa lixaad ee Xildhibaannada DDS oo galay maalintii 2aad ayaa waxaa hadda horyaalla golaha ajand...
14/02/2023

Kal-fadhigii 4aad golihiisa lixaad ee Xildhibaannada DDS oo galay maalintii 2aad ayaa waxaa hadda horyaalla golaha ajandaha soo jeedinta iyo dhagaysiga warbixnta waxqabadka Xukuumadda DDS oo uu soo jeediyay Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar goluhuna ay ka dhiibanayaan talo'bixinno iyo su'aalooyin.

Af-hayeenka Golaha Xildhibaannada DDS, marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhigii 4aad oo ee golaha lixaad ee xildhibaan...
13/02/2023

Af-hayeenka Golaha Xildhibaannada DDS, marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhigii 4aad oo ee golaha lixaad ee xildhibaannada DDS oo saaka ka furmay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan, waxaana horyaalla ajandayaal kala duwan oo kala ah;

1. Hadal-qoraaleedkii kal-fadhigii h**e
2. Soo jeedinta iyo dhagaysiga warbixinta waxqabadka Xukuumada DDS
3. Ansixinta bayaano kala duwan.
• Bayaanka wax-ka-baddalka bayaanka dib loo habeeyay ee Xafiisyada
Fulinta DDS
• Bayaanka wax-ka-baddalka maamulka maaliyada DDS
• Bayaanka wakaaladaha adeegyada biyaha iyo dareeraha ee Maamul Magaalooyinka iyo Miyiga DDS
• Bayaanka miisaaniyadda daynta
• Bayaanka maamulka ururada bulshada rayidka ah ee DDS.

13/02/2023

Muqaal so koobaya xaqiiqda laascaanod, bulshadu wax ka waynba hoos galay, dhamayso muqaalkan wax badan ba ku kala saarmi doona.

Magalada laaccaanod oo ku socotey xawaare dhanka horumarka ah 15ki sano u danbaysay, waxay mar kale wajahaysa dib u dhac...
12/02/2023

Magalada laaccaanod oo ku socotey xawaare dhanka horumarka ah 15ki sano u danbaysay, waxay mar kale wajahaysa dib u dhac, kadib marki ay ku so hoos dhuunteen xoogaga argagixisada ahi.

Waxa xusid mudan in laascanod ay ku sugan yihiin bulsho nabada iyo horumarka jecel.

SSP TV PEN

Waa sidee wax-soosaarka degmada Haroorays? Bulshada ku dhaqan degmada Haroorays ayay inta badan wax soosaarkoodu ahaan j...
12/02/2023

Waa sidee wax-soosaarka degmada Haroorays?

Bulshada ku dhaqan degmada Haroorays ayay inta badan wax soosaarkoodu ahaan jiray dhinaca Hadhuudhka, Galayda iyo khudaarta oo dhinaca bari laga beero, balse doorkan waxay bulshadu u jihaysatay sahminta wax soosaarka Qamadiga kaasi oo markan ku jira kaalinta sadexaad ee dhinaca dalaga ay bulshadeenu beeratay, waana mid haatan la goostay.

Qodobka soo jiidashada leh ayaa ah in degmada loo qoondeeyay qorshaha dalag iyo daryeel 40 kun oo Hiktaar oo lagu waday inay ka soo go’do 920 kun oo kiintaal oo dalaga qaybihiisa kala duwan ah, balse nasiib wanaag dagmadu waxay ka sare martay qorshahaasi, halka ay ku guulaysteen inay beeraan 75 kun oo Hiktaar oo lagu rajo wayn yahay inuu ka soo go’o wax soosaar kor u dhaafaya hal milyyan oo kiintaal, sidaasi waxaa noo cadeeyay Madaxa Xafiiska Beeraha ee degmada Haroorays Mudane Axmad Carab Cilmi.

Bulshada nolosheedu waxay ku tiirsantahay xoolaha nool iyo beerahaba; sidaasi darteed waxaad arkaysaa xoolihii oo barbar daaqaya beerihii, ka sokow kaydsiga raashinka ayaa hadana waxaa u dheer in daaqiina nimcoolayda loo kaydiyo, waana talaabo ku dayasho mudan.

Waxay xukuumada DDS dajisay sidii looga faa’iidaysan lahaa dhulka wax soosaarka ku haboon ee guud ahaanba deegaanka ka jira kaasi oo lagu qiyaasay dhul beereed ka badan 10 milyan oo Hiktaar, iyadoo laga faa’iidaysanayo khayraadka dihin ee deegaanka ka jira, sida wabiyada, biyaha roobka iyo kuwa dhulka hoostiisa ku jira, waana qorshe ay ka go’antahay xukuumada ka midho dhalintiisa.

WARARKA SHEEGAYA IN QAAR KA MIDA BEELAHA DEGAANKA, LAGA SO RAAFEY SOMALILAND, GABI AHAANBA WAA BEEN ABUUR.Waxa jira xoog...
12/02/2023

WARARKA SHEEGAYA IN QAAR KA MIDA BEELAHA DEGAANKA, LAGA SO RAAFEY SOMALILAND, GABI AHAANBA WAA BEEN ABUUR.

Waxa jira xoogag isku dayaya in arinta laascanod laga dhigo mid beeleysan, islamarkana ku faafo guud ahaan degaamada somalida sida DDS.

Hadaba waxan bulsho waynta degaanka u so jeedinaynaa, iney ka fogaadan arimaha ka baxsan degaanka, ta badalkedana ay ka shaqeeyaan nabada iyo wadajirka dadka kuwada dhaqan degaanka.

Ethiopia oo marki u h**eysey dhoofinaysa qamadiga ka so go'ay dalkeeda.
12/02/2023

Ethiopia oo marki u h**eysey dhoofinaysa qamadiga ka so go'ay dalkeeda.

Telesom Group Foundation ayaa ugu deeqday dadka ku barakacay magaalada Laascaanood lacag dhan $150,000.
12/02/2023

Telesom Group Foundation ayaa ugu deeqday dadka ku barakacay magaalada Laascaanood lacag dhan $150,000.

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu deeqday $200,000 bulshadii ka barakacday magaaladda Laascaanood. Deeqdaas oo isugu j...
12/02/2023

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu deeqday $200,000 bulshadii ka barakacday magaaladda Laascaanood. Deeqdaas oo isugu jirta Raashin iyo Huga Dhaxanta.

Dhismahani waa "Dhismaha Injineerada rayidka ah" ee ku yaala magaalada Kahramanmaraş ee dalka Turkiga.  Injineerada ayaa...
12/02/2023

Dhismahani waa "Dhismaha Injineerada rayidka ah" ee ku yaala magaalada Kahramanmaraş ee dalka Turkiga. Injineerada ayaa u dhisay si waafaqsan heerarka injineernimada ee ugu sarreeya, oo ay ku jiraan heerarka iska caabinta dhulgariirka. Sida ka muuqata sawirka, kaligii baa ka taagan degmo dhan oo burburtay xitaa Daaqadihii quraaradda ahaa ayaan bur burin waana ta aduunka ka yaabisay!!

2022, world cup Qatar.
20/11/2022

2022, world cup Qatar.

Gobolka cagaaran ee Gabiley .
11/09/2022

Gobolka cagaaran ee Gabiley .

11/09/2022

Hebel kaadh laga xoqduu sitaa oo muuqaal ah

10/09/2022

Hooya ree Gabiley ah .

Waxaa maanta la ansixiyay miisaniyadda uu ku hawlgalayo mashruuca LLRP oo gaadhaysa 2 Bilyan oo birr.W-Q: Macalinka Soom...
09/09/2022

Waxaa maanta la ansixiyay miisaniyadda uu ku hawlgalayo mashruuca LLRP oo gaadhaysa 2 Bilyan oo birr.

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)

25/08/2022

Qaaradda Yurub oy soo foodsaartey, abaar aan nooceeda h**e loo arag mudda 500 oo sanno ah .

DHULKA GALBEEDKA SIDEE LAGU HANAN KARAA?Qadiyada galbeedka haddii la doonayo in xal loo helo waa in xaqiiqada la wajaho ...
22/08/2022

DHULKA GALBEEDKA SIDEE LAGU HANAN KARAA?

Qadiyada galbeedka haddii la doonayo in xal loo helo waa in xaqiiqada la wajaho oo aan laysku tuur-tuurin eedaymo xiligan.

Dhulka galbeedku waa wadnaha Itoobiya,waana dhul muhiim u ah isusocodka.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY?

1) Xiligan Canfartu dhulkii galbeedka ee dooddu ka tagnayd way kasoo gudubtay,waxayna qabsadeen meelo kamid ah gobalka Siti.530-KM dhul gaadhaya ayay qabsadeen oo ay ku xasuuqen kumanaan qof.[Danla-lahelay iyo Madane ayay marayaan]

2)Dhulkan cid aan Soomali ahayn ma deganayn,waana arrin uu kaga duwan yahay dhulalka kalee Itoobiya lagu muransan yahay.Taarikhda waligii dhulku mid go'doonsan oo ay talisyadii Itoobiya hunguri kaga jiro ayuu ahaa.Canfarta lafteeda intii la hoos geeyay maysan u suurta galin inay toos u maamusho oo ay calankooda ka taagto.[Dad soomalinimo jecel iyo dhul muhiima oo la dayacay]

3) Itoobiya dhulalka muranku ka jiro waa kuwo la wada dego.Ma jiro dhul Itoobiya ka tirsan oo dadkii kasoo barakacay wada hadal iyo baryo loogu celiyo.

4)Tigreegii ka barakacay Wolkeyt iyo Humera ma jirto qoys lagu celiyay.Sudan iyo meelo kale ayay galeen.Soomalidii horay Oromiya ugasoo barakacday maanta waxay daadsan yihiin xeryaha Qolaji.Si lamid ah Axmaro kooban oo Deeganada qaarkood ka soo barakacay laguma celin goobahoodii.

5)Dagaalkan guda ballaadhan ee Canfartu wuxuu bilawday markii xukuumada hada jirta ka noqotay heshiiskii xukuumadii ka horaysay ee dhulka Canfarta lagu hoos geeyay.Go'aankas xukuumadda walaaca ay ka muujiyeen iyo bulshada galbeedka oo ay Canfartu awoodi la'ayd inay maamusho ama dhex-tagto ayaa sababay inay qaatan qorshaha dadka Soomaliyed dhulka lagaga rarayo.

7) Haddii xal la doonayo oo afti ama wada hadal Dowladda dhexe wado lagu xalinayo waxay ahayd in Soomalidii oo dhulka degan xal la raadiyo.[Siddii h**e]

8)Maanta dhulkii oo gacanta ciiddanka Canfarta ku jira, oo waliba dadkiina soo barakaceen way kooban tahay fursada wada hadal iyo nabadayn lagu xalin karo.

9) Canfartu waa dad isku duuban,waxayna Dowladda dhexe ka iib geeyen inay TPLF horjoogan oo ay cadaw kusoo maqan ka caabinayaan.Kaalintii ay dagaalka waqooyi ka qaaten iyo xaallada adag ee Itoobiya ku sugan tahay maanta macquul ma noqon karto in wada hadal dhulkaas lagaga soo celiyo oo si sahlan lagaga saaro cadawga.

XALKA: Xalku waa in dhulkaas inta xaaalladu qoyan tahay dadka Soomaliyed lagu celiyo.Waa inaan dadka loo dhisin xeryo qaxooti oo ay boorash ku sugaan.[Waa quus muujinaysa in dhulkaas laga qancay]

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV

Wasiirka warfaafinta DDS,Cabduqadir ayaa mucaaradka Deeganka ku eedeyay inay abuuren arrin dadka kala qaybinaysa.Wuxuuna...
22/08/2022

Wasiirka warfaafinta DDS,Cabduqadir ayaa mucaaradka Deeganka ku eedeyay inay abuuren arrin dadka kala qaybinaysa.Wuxuuna sheegay in mucaradku maalmihii dagaalku socday dhulka galbeedka ka dhigeen mid beeel gaar ah ku kooban oo muddan inay difaacdaan isla beeshaas,iyagoo lahaa; "wiil kaana ah ku dhiman mahayo dhulkaas."
Arrintan ayuu ku sifeeyay mid kala qaybin keentay oo wiiqaysa in wadajir loo difaacdo arrimaha masiirga ah.

Afhayenka ONLF,Cadaani Hirmooge oo eedaas ka jawaabayay ayaa waxba k**a jiraan ku tilmaamay.Wuxuuna sheegay in mucaradku siguud qadiyadan uga hadleen maalmihii dhawayd oo aysan jirin meel mucaaradku ku dhaheen beel hebel dhulkeeda ha difaacato.

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV

Address

Addis Ababa

Telephone

+251900326275

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SSP Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SSP Tv:

Videos

Share

Category



You may also like